SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Muqdisho.

Cabdi Qaybdiid oo gebi ahaanba lagala wareegay hubkii iyo goobihii uu ka talin jiray

Maalintii labaad ayaa dagaal waxa uu ka dhacay deegaanada ay ka mid yihiin Jaamacaddii Ummadda, Agagaarka Isbitaalka Banaadir, Sildhiga Mareykanka iyo Soona-key, gaar ahaan dhabarka dambe ee Isbitaalka Dikfeer, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana la sheegay in Maxaakiimta ay si aad ah ugu siqayaan goobihii uu ka dagaalamayay Cabdi Qaybdiid.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dagaalkaasi oo ahaa kii ugu xumaa oo mudooyinkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho, qaar waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid iyo Maleeshiyadiisii ay gebi ahaanba joojiyeen dagaalkii, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Odoyaal ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Cabdi Qaybdii ay dhex dhexaadin ka wadaan dagaalka saameynta ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho,.

Dagaalkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 50 qof ayna ku dhaawacmeen 80 qof, kuwaas oo intooda badan la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Warar hadda na soo gaaray waxay sheegayaan in maleeshiaydii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid ay gebi ahaan la sheegay in ay isku dhiibeen golaha Maxaakiimta, waxaana tan iyo xalay socday sidii loo dhameystiri lahaa dagalkaasi oo labo maalmood si xowli ah uga socday magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadda lama oga halka uu ku dambeeyay Korneel Cabdi Qaybdiid, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayan in uu baxsaday, warar kalana waxay sheegayaan in uu ku jiro gurigiisa oo ay waan waan socoto, kadib markii Midowga Maxaakiimta intii badneyd goobihii uu ka talin jiray Cabdi Qaybdiid gacanta ku dhigeen. (Cinwaanada warbaahinta caalamku ay ka qoreen muqdisho maanta ayaa ahaa: "Abdi Hassan Awale Qeydiid,  qabqablihii 'secular warlord' ee ugu dambeeyey Soomaaliya oo isu dhiibay maleysiyada Maxaakiimta). [Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)]

(Waa warkii habeenidii Isniinta July 10, 2006 - xilliga Muqdisho).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya


Wararkii July 10, 2006

. Jaamacadda Muqdisho oo Seminar u furtay Macalimiin
. Warbixin: Maamul u samaynta Degmada Badhaadhe
. Dowladda Federaalka oo aad uga xumaatay kulankii safiirka Talyaaniga..
. Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay dib u eegeyso shirkii khartuum..
. Xuseen Caydiid oo sheegay in Maxaakiimta..
. Baaqyo nabadeed oo soo gaaraya dhinacyda dagaaalka u dhaxeeya...
. Qaramada Midoobey oo sheegtay in ay gacan siin doonto Dowlada...



Jaamacadda Muqdisho oo Seminar u furtay Macalimiin

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Jaamacadda Muqdisho waxaa shalay ka furmay seminar socon doona mudo 10 maalmood ah oo ay ka qaybgalayaan 210 macalin oo hoos taga Dugsiyada ku bahoobay Dalladda ASalaam waxaana iska kaashaday santuuqa gargaarka Afrika iyo Jaamacadda Muqdisho qaybteeda Kulliyadda Waxbarashada, waxayna macallimiintaas uu Seminaarku u furmay ka kala yimaadeen gobalada dalka, iyadoo mudada ay joogaan halkaasi ku baran doonaan qaabka loo bixiyo casharada.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay madaxa sanduuqa gargaarka Afrika Max’ed Axmed Beeray oo sheegay in sababaha ay u qabteen Seminaarkaan ay tahay sidii macallimiinta loo bari lahaa habka ugu fudud ee casharada loo siin karo ardayda.

Mudane Beeray waxa uu sheegay in Dugsiyada Asalaam macallimiintooda gaarayaan 520, Dugsiyaduna ay ka kooban yihiin 60 dugsi kuwaas oo uu sheegay in ay ku kala yaalaan guud ahaan dalka.

Waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuu-Bakar oo sheegay in waxbarashadu ay muhiimad gaar ah ugu fadhido bulshada loona baahan yahay in macallimiintu ku dadaalaan sidii ay Ardayda Soomaaliyeed wax u bari lahaayeen.

Waxaa kaloo ka hadlay Shariif C/llaahi Xuseen oo ah madaxa Bisha-Cas ee Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay Hay’adooda ka qayb-qaadato sidii sare loogu qaadi lahaa waxbarashada.

Xubnihii kale ee halkaasi kahadlay waxaa ka mid ahaa Axmed Abbaroone Amiin, C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo Bashiir Macallin Yuusuf, waxayna dhamaantood sheegeen in mudadii ay dagaalada Sokeeye socdeen ay Macallimiinta Soomaaliyeed u is taageen sidii ay carruuta Soomaaliyeed wax u bari lahaayeen, waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen Jaamacadda Muqdisho oo ay ku tilmaameen in ay qayb muhiim ah ka qaadatay waxbarashada Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Warbixin: Maamul u samaynta Degmada Badhaadhe

Wasiir kuxigenka dowlada ee amniga qaranka C/ rashiid Maxamed Xidig iyo odayasha dhaqanka besha Absame ayaa ku guulaysatay maamul usameynta degmada Badhaadhe ee gobolka jubbada Hoose , wasiirka oo ay wehlinayeen waxgaradka deegaanada Jooraha ee aaga Badhaadhe ayaa waxay isla garteen inloo dhiso degmadaasi oo ay hoostimaado sideed tuulo maamul mideeya,

Wasiirku xigenka waxuu qeexay in ay dadka deegaankasi iskood isu abaabuleen oo ay doorteen duqa magalada iyo xubno kale taaso ah tilaabo qaab loo sameeyey maamul dhisidaasi , waxuna raaciyey in isaga oo katirsan dowlada iyo masuuliyin kale ay la fufudeyeen dadka degaanka dhisida maamulkaasi,

Mar aan wax ka weydiiayay in la soo qabtay eedeysanahii geystay dilkii suldaanka ee deegaankaasi ayaa waxaa uu sheegay wasiir ku xigeenka in lagu raad jooga danbiilahi geystay falkaasi wuxuuna intaasi ku daray in lagu jiro qabanqaabadii lagu dooran lahaa hogaamiyahii dhaqanka ee la dilay booskiisa.

Hadaba ujeedada wasiir ku xigeenke ee maaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku sheegay in ay tahay mid kormeer ah islamarkaana uu doonayo in uu kulamo la yeesho maamulka dooxada jubba in kastoo uusan faahfaahin dheeri ah ka bixin kulamada uu la yeelanayo maamulka Dooxada Jubba waxaa ay ku saabsanyahiin . 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com
kismaayo somaliya


Dowladda Federaalka oo aad uga xumaatay kulankii safiirka Talyaaniga..

Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka ay aad uga xumaatay kulankii dhex maray Guddoo-miyaha Golaha Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo safiirka Talyaaniga kaasoo dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay kulankasi ku tilmaantay mid ay Dowladda Talyaanigu ku dooneyso in ay ku qasto xaaladda soomaaliya, waxay kaloo Dowladdu sheegtay in Safiirka la sugahay Magaalada Baydhabo, balse, waxay Dowladdu sheegtay in ay mar dambe ogaadeen in uu ka degay Magaalada Dhuusamareeb, waxayna Dowladda Talyaaniga u so jeediysay in ay ka shaqeyso sidii ay ka shaqeyn lahayd bulshada Soomaaliyeed una heshiisiin lahayd.

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay dib u eegeyso shirkii khartuum..

Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay inay dib u eegi doonaan ama ay ka fiirsan doonaan ka qaybgalka kulanka la qorsheeyay in 15-ka bishan ka dhaco dalka Suudaan oo ay isugu imaanayaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, kaasoo lagu dhameystirayo shirkii kal hore halkaasi ku dhex maray labada dhinac.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku xadgudubeen qaar ka mid ah qodobadii horey loogu heshiiyay oo aha in labada dhinac ay iska ilaaliyaan dagaal, iyagoo ku eedeeyay Maxaakiimtu in ay dagaalo ka huriyeen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay weerareen gobo iska nabdoonaa.

Madixii Midowga Maxaa-kiimta Islaamiga ah Dr. Max’ed Cali Ibraahim ayaa waxa uu horey u sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah aysan marnaba ku xadgudbin heshiiskii, isla markaana ay weli diyaar u yihiin in la dhameystiro heshiiskaasi.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Xuseen Caydiid uu k ajeediyey shirrka Jaraa'id

Xuseen Caydiid oo sheegay in Maxaakiimta..

Xuseen Max’ed Faarax Caydiid oo Ra’isul ku xigeen ka ah Dowladda Federaalka ahna wasiirka arrimaha gudaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah ay soo weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiayadiisa kuwaas oo uu sheegay intay ku yiileen deegaanka Xoosh.

Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in ay mar kasta ka soo horjeedaan wax la yiraahdo dagaal, balse Maleeshiyadiisa ay is difaaci doonaan, isagoo sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku xadgudubeen heshiiskii Khartuum oo dhigayay in inta uu dhacayo shirka dambe wax dagaal ah la qaban-qaabin, isagoo sheegay in dhinaca kale Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay fuliso heshiiskii Khartuum.

Baaqyo nabadeed oo soo gaaraya dhinacyda dagaaalka u dhaxeeya...

Baaqyo nabadeed oo aad u fara badan ayaa soo gaaraya kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho ee Golaha Maxaakiimta iyo Maleeshiyo daacad u ah Cabdi qaybdiid.

Baaqyadii ugu dambeeyay waxay naga soo gaareen xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo labada dhinac u soo jeedisay in dagaalka si shuruud la’aan ah ku joojiyaan, kaasoo xadgudub ku ah shareecadda Islaamka, heerarka soo jireenka ah ee dhaqanak Soomaalida iyo baaqa caalamaiga ah ee xaquuqda Aadanaha, qodobkiisa 3-aad oo leh qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabadgelyo iyo xoriyo.

Waxaa kaloo baaq naga soo gaaray Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Caydiid oo u soo jeediyay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ay u turaan shacabka khilaafkoodna ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka ah ayaa dhinacooda ku biiriyay in la joojiyo dagaalka, maadaama uu dhibaato ku yahay Bulshada Soomaaliyeed oo iyagu mudo 16 sano ah ku soo gubtay dagaalo iyo dhibaatooyin kale.

Sidoo kale Hay’adaha xaquuqda Aadanaha ee Khaliif Huudow iyo Wanla-Weyn Human Rights ayaa labada dhinac waxay ugu baaqeen in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka, isla markaana wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Qaramada Midoobey oo sheegtay in ay gacan siin doonto Dowlada...

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Koffi Annan ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay gacan siineyso Dowladda tababarta yare e ku sugan magaalada Baydhabo si ay cagaheeda isugu taagto isla markaana dib ugu soo celiso amarkii yo kala dambeyntiui.

Koffi Annan waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax dowlad ah helin tan iyo markii la eryay Dowladdii Max’ed Siyaad Barre, isagoo sheegay in dalku galay burbur iyo dagaal sokeeye, waxa uuna u soo jeediyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta in ay wada hadaladooda ka miro dhaliyaan.

Koffi Annan waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ka soo horjeedo in Soomaaliya ay gabaad ka dhigtaan kooxaha Argagixisada, isagoo sheegay in kooxahaasi lagula jiro dagaal heer caalami ah. Koffi Annan ma caddeynin nooca taageerada ay siin doonaan Dowladda Federaalka oo iyadu dhawaan dalbatay in dalka la keeno ciidamo shisheeye.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: July 10, 2006


Xisbiga Ramaas oo Bayaan ka soo saaray Garoowe:::

Bayaan uu maanta (July 9,2006) soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee Ramas political party ayaa si wayn loogu canbaareeyay ku tagrifalka madaxwaynaha puntland hantida ummadda iyo wali musuqmaasuq baahsan oo ka jira gudaha puntland kaasi oo xisbigu maanta ka soosaaaray bayaankan hoos ku qoran.

 
puntland somalia
Ramaas political party
RPP/27/06                             Date:09/07/006
 
Ku: Golaha wakiilada shacabka DGPL
Ku: saxaafada madaxbanaan somali
Ogaysiin: madaxwaynaha DGPL
 
Ogaysiin shacab waynaha  puntland 
 
Ujeedo: madaxwaynaha puntland oo ku guul daraystay cadalada, nabadgalyada iyo ku dhaqanka miisaaniyada.
 
Mudanayaal waxaa  hawlwadeenada xisbigu idin ku salaamayaan salaanta islaamka  Aslaamu caleykum..
 
salaan kadib sida aad la socotaan waxaa maamulka madaxwaynuhu ku guul daraystay xaalado adag oo dalka soo wajahay oo ay ka mid yihiin.
 
1-waxaa madaxwaynuhu ku guul daraystay cadaalad u samayntii wadanka
a) waxaa madaxwaynuhu baa bi'iyay maxkamadii tastuuriga ahayd si aan loo helin marjac tastuuri ah oo la isula noqdo maxkamadaas oo uu dhisay madaxwaynihii hore Maxamed Cabdi Xaashi waxaana gudoomiye ka ahaa maxkamadaas tastuuriga ah maxamed buraale ismaaciil.
b) waxaa dhamaan madaxwaynuhu lumiyay awoodii iyo madaxbanaanidii golaha garsoorka oo wuxuu hoosgeeyay golihiisa xukuumada taas oo gaf ku ah tastuurka DGPL oo uu jabiyay qaybo ka mid ah qodabadiisa oo aan hada ka hor idiinku sheegnay madaxbanaanida golaha garsoorka.
c) waxaa madaxwaynuhu lumiyay awoodii baahsanyd ee dalka wuxuuna awoodii ku uruuriyay beeshiisa sida  booliska oo uu taliyo uga dhigay ina adeerkiis iyo maxkamada sare oo uu gudoomiye uga dhigay ina adeerkiis sida lawada ogsoon yahay.
 
2- waxaa gacanta ka baxay nabadgalyadii oo booliskii ayaa noqday fadhiid aan awoodoodu muuqan, waxaa ka dhaca magaalooyinka dhamaantood dilal iska daa qabasho cidii dilka gaysataye waxaa boolisku kariwaayay cadayntii dhibaatooyinkaas dilalka ah tayo xumo boolis awgeed meelaha ay ka imaanayaan iyo cida ka danbaysa toona.
 
3-sida uu  ka dhexsheegay golaha baarlamaanka wasiirka maaliyadu markii uu soo bandhigayay shaxdii miisaaniyada wuxuu cadeeyay inaysan ku dhaqmi karin miisaaniyadaan sababtoo ah codsiyo kakala yimaada xubno ka mid ah golaha wakiilada oo doonaya wax kabaxsan miisaaniyada iyo codsiyo kale oo ka yimaada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka oo dhamaantood wada fadlan ah ana aan tixgaliyo codsiyadaas.
 
Hadaba mudanayaal waxaa xisbigu idiin soo jeedinayaa in aad xaaladaa dalka oo khatar maraya  aad wax ka qabataan oo aad kaga faa'iidaysataan kalfadhigiinaan tastuuriga ah oo ay idiin hor taal hawlo adag, waxaan idin ka codsanaynaa in aydan ku kala tagin kalfadhigaan ilaa aad wax qabad dhab ah u muujisaan shacabkii idin soo doortay oo hamuun u qaba wax qabadkiina.
 
 
Afhayeenka xisbiga Ramaas political party (RPP)
Daahirciiro              Email daahirciiro@hotmail.com
mobile:                           747090 

Waxaa soo tebiyey:

c/rizak koronto
Garowe puntland
koronto_65@hotmail.com

Warbixin: Dagaal Xoggan oo dhexmarey Golaha Maxaakiimta iyo Qaybdiid
Muqdisho:
Goobo Muhiim ah oo ay la wareegeen Maxkamadaha.... War-Degdeg ah... Akhri...

Sweden: Haweeney lagu sheegay iney Soomaali tahay oo dad qaadsiisay cudurka AIDS-ka

Barre Hiiraale iyo Itoobiya oo si aad ah isugu soo dhawaanaya
»Kismaayo: Warbixin waftigii ka socdey beesha caalamka...
»Xubnihii Isbahaysiga oo maanta kulan la yeelan doona...
»Hay’ad camabareysay falal dil ah oo ay gaysteen...
»Sheekh Aweys oo  Dhuusamareeb kula kulamy Safiirka..
»Warar ku saabsan xaaladda Magaalada Baydhabo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... July 9

Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...


Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika, jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay... Warbixin....


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD