SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wararkii July 13, 2006

  • Max’uud Cumar Caddaan “Wareejinta hubkii Bashiir Raage waxaan uga mahadcelinayaa..”

  • Golaha Maxaakiimta oo lagu wareejiyay Dekedda weyn ee Muqdisho.

  • Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo ka xumaaday marti gelintii Maxamed Dheere..

  • Warar ku saabsan Cabdi Qaybdiid iyo halkii uu ku dambeeyey...

  • Golaha Baarlamanka DGPL oo Si Kedis ah u Ansixiyey Heshiis aan Dowladdu Faahfaahin...


"Hala yiraahdo Ra'iisul Wasaaraha ha tilmaameen (Ha magacaabeen) Maxaakiimta Islaamku::" Xildhibaan Jiniboqor

Hadalkaas mid la macne ah waxaa yiri Cabdi Cabdullahi Jiniboqor oo u waramayey idaacada Australia ee sbs Halkan ka dhegeyso....

Max’uud Cumar Caddaan “Wareejinta hubkii Bashiir Raage waxaan uga mahadcelinayaa..”

Iyadoo habeen hore la filayay in la wareejiyo hubkii Bashiir Raage ayaa waxaa ka dhasahy qalalaase kaddib markii ay kooxo maleeshiyooyin ah ay is hor taageen, hase yeeshee Odoyaal iyo Waxgarad ayaa ku guuleystay inay arinta xaliyaan, waxayna Odoyaashu ku wargeliyeen Maxaakiimta Islaamiga ah in Bashiir Raage uu diyaar u yahay in uu wareejiyo hubkiisa, kaddib markii uu soo wakiishay dad isaga ka socday. Xalay ayaa xaflad weyn oo lagu wareejinayo hubkaasi waxa ay ka dhacday xaruntii hore ee gaadiidka Booliiska ee Degmada C/casiis, waxaana halkaasi isugu yimid dadweyne aad u fara badan oo uu hor kacayay Maxamuud Cumar Caddaani, waxayna markiiba ku soo wareegeen halkii la isugu keenay hubka oo tiradiisu gaareysay ilaa iyo 17 Tikniko ah oo isugu jiray kuwo yar yar iyo kuwo waaweyn, waxayna Odoyaashii wakiilka ka ahaa Bashiir Raage ay halkaasi ka caddeeyeen in ay hubkii ku wareejiyeen Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah. Maxamuud Cumar Caddaani oo ka mid ah Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa u mahadceliay intii ka soo shaqeysay wareejinta hubkaasi, isagoo sheegay in hubkaani uu noqon doono mid loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed oo 16 sano, dagaalo sokeeye iyo burbur ku soo jiray, wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ay xoojin doonaan nabadgelyada Magaalada Muqdisho, dibna loo furi doono ilihii dhaqaalaha sided Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha. Abuukar Cumar Caddaan iyo Bashiir Raage ayaa dagaal aad u qaraar waxa uu ku dhex maray deegaanka Galgalato, waxayna xiligaasi isku qabsadeen arrimo dhaqaale, kadibna dagaalkii waxa uu ku sii fiday Magaalada Muqdisho, markaa kaddibna Bashiir Raage waxa uu ka mid noqday Isbhaysigii la dagaalanka Argagixisada ee la sameeyay 18-kii Feebaraayo ee sanadkaan, waxa uuna Isbahaysigaasi keenay in ay isku dhacaan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo gacan ka helaya bulshada Soomaaliyeed, aaqirkiina waxa uu Isbahaysigaasi ku dambeeyay burbur iyo fashil. 

Golaha Maxaakiimta oo lagu wareejiyay.Dekedda weyn ee Muqdisho.

Maalintii shalay ahayd ayaa Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo mudo 13 sano ah u xirneyd arrimo siyaasadeed iyo khilaafyo jiray, ayaa waxaa si rasmi ah shalay loogu wareejiyay Golaha Maxaakiimta Islaamiga, waxayna xafladdii wareejinta ay ka dhacday Gudaha Dekedda, waxaana si rasmi ah u wareejiyay Wasiiru Dowlaha Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux, waxa uuna furihii ku wareejiyay Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif oo ka hadlay xafladdii wareejint ayaa waxa uu u mahadceliyay intii xafidday Dekeddaasi oo uu sheegay in ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso bulshada Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka hadlay Max’ed Jaamac Furux oo sheegay in Dekedda ay howgeli karto qalabkeeduna uu u dhan yahay, waxaa kaloo ka hadlay Suldaan Cali Suldaan Amxed Nuur oo sheegay in beesha Reer Xaaji Suleymaan ay isku afgaratay in ay si rasmi ah ugu wareejiyaan Dekedda, waana midda maanta keentay in Golaha Maxaakiimta  lagu wareejiyo.

Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo ka xumaaday marti gelintii Maxamed Dheere..

Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirfle ayaa si weyn uga soo horjeestay joogitaanka Magaalada Baydhabo xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo uu ku jiro Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo la sheegay in uu marti u yahay Dowladda Federaalka.

Fowsiyo Ma’xed Sheekh oo ah Wasiirka Arrimaha Qoyska ayaa waxay sheegtay in ay Dowladdu ku xadgudubtay sharciyaddii u yiilay urur  Gobaleedka IGAD oo ahaa in  aan marnaba la magangelin xubnihii ka tirsanaa Isbahaysiga, oo sheegtay inay dambi ka galeen shacabka.

“Waxay doonayaan inay dhibaato u gaystaan shacabka Gobalada Bay iyo Bakoo, waxaana Dowladda kula talinayaa in ay raggaasi si dhaqsi leh uga saarto Magaalada Baydhabo” ayay si kulul u tiri Fowsiyo oo sheegtay in shacabka ku nool Magaalada Baydhabo ay sameyn doonaan banaanbax ay kaga soo horjeedaan dambiilayaashaas.

Warar ku saabsan Cabdi Qaybdiid iyo halkii uu ku dambeeyey...

Cabdi Qaybdiid oo maalintii doraad ahayd looga adkaaday dagaalkii ka dhacay deegaanka Cakaaraha  ayaa haatan dadweynuhu waxa ay is weydiinayaan halka uu ku dambeeyay waxaana ka so baxaya warar kala duwan qaar waxay sheegayan in Cabdi Qaybdiid uu qayb ku lahaa joojinta dagaalkii lagu riiqmay ee dhex maray maleeshiyadiisa iyo kuwa Maxaakiimta, waxaana la sheegay in Cabdi Qaybdiid uu taleefan u diray Golaha Maxaakiimta oo ku leeyahay waan is dhiibayaa ee dagaalka ha la joojiyo, waxaana la sheegayaa in Cabdi Qaybdiid ay gacanta ku hayaan Golaha Maxaakiimta.

Wargeys ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Khaleej Times ayaa ka hadlay arrimaha Cabdi Qaybdiid waxa uuna ciyaan uga dhigay qabqablihii Calmaaniga ahaa ee isku dhiibay Maxaakiimta Islaamiga.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid uu u baxsaday dhinaca Baydhabo kadib markii uu heshiis la galay qaar ka mid ah hogaamiyaashii uu dagaalku kala dhexeeyay.

Ilaa iyo haatan Golaha Maxaakiimtu kama aysan hadlin halka uu ku dambeeyay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, iyadoo sheekh Shariif Sheekh Axmed mar wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay Cabdi Qaybdiid, ayuu ka gaabsaday in uu ka hadlo arrimahaasi.    

Dowladda Federaalka oo isku khilaaftay.ka qaybgalka shirka ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in khilaaf xoogani u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo golaha Barlamaanka, waxa uuna khilaafkaasi ka dhashay markii Dowladda Federaalka ay sheegtay in aysan ka qaybgeli doonin kulanka ka dhacaya Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka uusan ka warqabin hadalka ka soo yeeray Xukuumadda oo ah in Dowladdu aysan ka qaybgali doonin kulanka Khartuum, sidoo kale Wasiirka Xiriirka Federaalka iyo Xukuumadda C/raxmaan Xaaji Aadan (IBBI) ayaa isagoo ku sugan Magaalada Nayroobi waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku qaldan tahay in ay tiraahdo kama qaybgalayo kulanka Khartuum.

Waxaa laga yaabaa in haddii Dowladda Federaalka ay diido ka qaybgalka kulankaasi in Xubno ka tirsan Dowladda ay ka qaybgalaan kulankaasi, oo laga yaabo in ay ku jiro Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo isagu horey goob joog uga ahaa kulankii horey u dhex maray Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.

Qaramada Midoobey oo Hay’adaha samafalka ugu baaqdey in ku laabtaan...

Qaramada Midoobey ayaa waxay u soo jeedisay Hay’adaha Samafalka ee hoostaga Qaramad Midoobey in ay si dhaqsi leh ugu laabtaan Magaalada Muqdisho si ay gacan u siiyaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaaladkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Golaha Maxaakiimta iyo Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in haatan Magaalada Muqdisho ay tahay mid nabdoon ammaankeeduna uu yahay mid la isku halayn karo.

Dhawaan ayaa hay’adihii samafalka ee ka baxay Magaalada Jowhar dib ugu laabteen kadib markii ay xasilooni ku soo laabatay Magaalada Jowhar oo uu horey uga talin jiray hogaamiye kooxeedkii ka tirsanaa Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada Ma’xed  Dheere oo haatan la sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo.

Xarakada Islaax oo u soo jeedisay Dowladda. Iyo Maxaakiimta..

“Iyadoo laga duulayo heshiiskii Khartuum ee 22/6/2006 ee dhex maray Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, isla markaana maskaxda lagu hayo xalka mushkiladda Soomaaliyeed in uu ku jiro wada hadal iyo dibuheshiisiin” sidaa waxaa lagu yiri War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xarakada Islaax, waxaana war saxaafadeedkaasi uu ka koobnaa qodobadan:

In laga faa’iideyso fursadda gogosha taala Khartuum isla markaana Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta si firfircoon uga wada qaybgalaan sida ay horeyba ugu heshiiyeen, in labada dhinac ee shirkaasi u dhexeeyo ka shaqeeyaan najixinta iyo sida ay u wada gaari lahaayeen heshiis dhaxgal ah oo wax ku kordhiya xalinta mushkiladda soomaaliya, waxaan ku bogaadineynaa Jaamacadda Carabta, oo aan ku dhiirineynaa in ay sii wadaan oo ay san ka daalin caqabad kasta oo ka hor timaada nabadda Soomaaliya, in beesha Caalamka, wadamada deriska ah, Ururada bulshada rayidka ah iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ay dhiirageliyaan gacanna ka gaystaan dib u heshiisiinta Soomaaliya, gaar ahaan qabsoomida shirka khartuum, waxaan mar kale ku adkeyneynaa in xalka mushkiladda Soomaaliya ku jiro Soomaalida oo wada hadashada kana heshiisa khilaaf kasta oo dhex yaal, waxana war saxaafadeedkaan ku saxiixnaa Sheekh C/llaahi Cali Xayle oo ahy Afhayeen u hadlay Xarakada Islaax.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Golaha Baarlamanka DGPL oo Si Kedis ah u Ansixiyey Heshiis aan Dowladdu Faahfaahin...

Halkan ka dhegeyso Sidii ay u dhacday doodii Baarlamaanka iyo ansixintii Heshiiska Shidaalka PL
(Radio Australia sbs): Waxaa waraysigaas qaaday Ciise Maxamuud Dholawaa, waxana uu la yeeshay Nuux Muuse oo ah weriye jooga Garoowe)
(AMA HALKAN KA DHEGEYSO....)

  • C/Laahi Yuusuf ma tegi doonaa Puntand ayadoo aan baarlamaanka DFKMG ah ansixin Xeerkii shidaalka ee lagu soo agaasimey Malindi, Kenya....

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo talaadadii July 11, 2006 hor tegey Golaha Wakiilada PL ayaa waxa uu baarlamaanka u sheegay in ay si degdeg ah u ansixiyaan heshiis ku saabsan macdan baaris/shidaal qodis uu madaxweynuhu hore ula galay shirkad asalkeedii lagu soo asaasay magaalada MALE ee  Jasiiradaha MALDIVES.

Arbacadii July 12, 2006 ayaa waxaa uu madaxweyne Cadde Muuse uu baarlamaanka Puntland soo hor dhigay qoraal ka kooban sagaal qodob, kaas oo lagu macneeyey in uu yahay heshiiska ay Puntland la gashay shirkada Consort ltd /Range Resources markey taariikhdu ahayd 30 August 2005 (Xaqiiqadusa ay tahay in heshiiskaas lala galay 'Consort ltd' oo ay dowlada iyo Terry kusoo dhiseen Jasiiradda Maldives - waxan aay ahayd October 5, 2005 markii ay Range Resources sheegtay in "Shirkada Consort" ay Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources")

Baarlamaanku waxa ay madaxweynaha wediisteen in uu siiyo waqti ay heshiiskan kaga baaraan degaan, laakiin arrintaas waxaa ka hor yimid madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo sheegay in ay tahay in heshiiskaan la ansixiyo isla maanta, sidii madaxweynuhu rabey ayeyna arrintii u dhacday, waxaana sidaas lagu ansixiyey heshiiskaas.

Heshiiska soo saarista iyo baarista macdanta/shidaalka Puntland oo ka kooban sagaalka qodob waxaa baarlamaanka Puntland ka hor akhriyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac.

Heshiiska baarlamaanka la soo hor dhigay ayaa u qornaa sidan:::

Waxaa Heshiiska bilow ah oo baarintaanka iyo soo saaritaanka macdanta iyo shidaalka uu dhex maray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shirkadda Consort/Range Resources , 30 bishii siddeedaad (Agoosto) ee sannadkii 2005, kuna dhex maray magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta:

1. In shirkadda Consort /Range Resources ay baarin macdaneed iyo shidaal ka fuliso dalka Puntland muddo Afar sano ah

2. in shirkadda Consort/Range Resources ay baaridda kaddib u gudubto soo saarista khaaraadka ka soo baxa baarista afarta sano, waxaana heshiiska baarista la gelayaa muddo afar bilood ku siman oo ka bilaabata maanta (July 12, 2006)

3. Dhulka waxaa loo qaybinayaa waaxyo (Blocks) iyadoo shirkadda Consort/Range Resources ay caddayn doonto waaxyaha (blocks) ay danayneyso si aan block-yada kale aysan ugu xayirmin

4. Heshiiska rasmiga ah ee wax qaybsiga waxaa la gelayaa markii la gaaro wax soo saarka

5. in shirkadda Consort/Range Resources ay gacan ka siiso DGPL meel marinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada

6. Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in ay soo kasbaan shirkado kale oo wax ka fuliya hawlahaasi

7. In haddii uu khilaaf dhex maro DGPL iyo shirkadda Consort/Range Resources lagu xalliyo dhex dhexaadin  sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee Rugta Ganacsiga Caalamiga ah, goobta dhex dhexaadintuna waxa ay noqoneysaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta

8. Haddii ay soo baxaan cillado heshiisku uu la socon waayo oo dhinac dalbado i uu heshiiska ka baxo waxa uu waqad qoraal ah lix bilood ka hor u soo gudbinayaa dhinaca kale inta aysan dhammaan mudada heshiisku.

9. Inta laga samaynayo sharciga macdanata iyo shidaalka oo heshiiska lagu wada yahay waxaa lagu dhaqmayaa kii dowladdii hore ee Soomaaliyeed

Qodobadaas waxa ay madaxda sare ee DGPL (Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu) ku macneeyeen heshiiska ay Puntland la gashay shirkadda consort/Range, laakiin laguma lifaaqin qoraalkii rasmiga ahaa ee muujinayey heshiiskii rasmiga ahaa ee lagu kala saxiixday Dubai iyo qoraalkii lagu soo dhisay shirkadda Consort oo ay xubno ka yihiin wasiirada dowladda Cadde.

Waxaa jira warar hoos ahaan looga helay ilo ku dhow dhow madaxtooyada DGPL, kuwaas oo sheegaya in markii uu dhacay iska hor imaadkii Majahan ee dadka degaanku ay kaga soo hor jeedeen in halkaas laga baaro macdan aan iyaga lala tashan,in warkii markii uu gaarey suuqa ganacsiga ee Australia (ASX) ay aad hoos ugu dheceen saamiyadii shidkadda Range Resources, isla markaas ayaa shirkadda Range waxa ay joojisey lacagtii ay siin jireen madaxda sare ee DGPL, waxana ay ku xujeeyeen Puntland in ay keento in heshiiskaas uu ansxiyo Baarlamaanku iyo in uu aqbalo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf si sayladaha Australia loo tuso saxiixaan oo markaas saamiyada kor loogu soo saqo (habkaas oo adduunka looga yaqaan Market Manipulation), markaasna lacagtii dib loogu bilaabo Puntland, lacagtaas oo qaybteedii hore oo lagu qiyaasay 3 million oo doolar aysan ku dhicin khasnada dowladda .

Dhowaan ayaa la filayaa in madaxweynaha DFKMG uu arrintaas u tago Puntland, waxaanse la hubin in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu tegi doono Puntland ayadoo aan weli baarlamaanka DFKMG la hor geyn xeerkii khayraadka Soomaaliya ee magaalada Malidi lagu soo agaasimey ee ra'iisul wasaaraha lagu wareejiyey June 12, 2006.

Sidoo kale lama oga in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf marka uu tago Puntland uu wax ka dhehi doono Qoraalkii ay Isniin June 12, 2006 soo saartay "Northbridge Services Group" (NSG) oo ahaa in dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG) ay NSG u ansixisay lahaanshaha gebi ahaanba xuquuqda bixinta heshiisyada shidaalka Soomaaliya.

Isla markii (July 12, 2006) baarlamaanka Puntland uu ansixiyey qodoba sagaalka ah ee kor ku xusan waxa ay shirkadda Range Resources qoraal u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia, qoraalkaas waxa ay isla markiiba ku cadeeyeen in dhulka ay baarayaan shirkadaasi uu yahay 100,000 square km, iyo qodobo kale. Waxa kale oo ay halkaas kusoo bandhigeen sawiro ay lahayd shirkada Conoco lagana qaaday Dooxada Nugaal. Qoraalkaas Ka eeg halkan (pdf).

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2006


Cabdi Qaybdiid oo gebi ahaanba lagala wareegay hubkii iyo Goobihii uu ka talin jiray
Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa tibaaxay in... Guji...

Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...


Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika, jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay... Warbixin....


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD