Wararkii: July 17, 2006
-
Shariif Xasan oo lagu wado
inuu si dhaqsi leh ku yimaado Muqidisho..
-
C/llaahi Yuusuf “Haddii
aan laga hortagin Kooxda Muqdisho waxay idiin ku imaan …”
-
Midowga Yurub oo hakad
geliyay dhaqaale la la siin lahaa Dowladda..
-
Max’ed Dheere oo ku sii jeeda Gaalkacyo..
-
Ciidamada Itoobiya ee soo galay deegaano ka
tirsan.
Shariif Xasan oo lagu wado inuu si dhaqsi leh ku
yimaado Muqidisho..
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo
waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu
si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii khartuum, isla markaana uu sheegay in
Golaha Baarlamaanku uu diyaar u yahay in la dhameystiro dib u
heshiisiintaasi. Shariif Xasan iyo xubnaha Barlamaanka ayaa waxa ay heshiis
ku gaareen in guddi loo saaro si ay ula xaajoodaa Golaha Maxaakiimta, hase
yeeshee warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka
lagu wado inuu soo gaaro Magaalada Muqadisho si uu wada xaajood ula furo
Maxaakiimta Islaamiga. Shariif Xasan ayaa laga yabaa Magaalada Muqdisho
haatan waa nabad, wax naga hor istaagi karana ma jiraan oo sheegay in Golaha
Maxaakiimtu ay qabteen howl aad u muhiim ah, isagoo sheegay in haddii ay is
kaashadaan Dowladda iyo Maxaakiimta uu si rasmi ah u istaagi doono qaranka
Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka
ayaa iyagu ku taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka in la dhameystiro
heshiiskii Khartuum iyagoo kuwa diidanna ku tilmaamay kuwo aan dooneyn in
Soomaaliya ay nabad hesho. Khilaafka soo kala dhex galay Golaha Baarlamaanka
iyo Xukuumadda ayaa waxa la sheegay in uu keeni karo in Dowladdu u qaybsanto
mar kale labo qaybood, iyadoo C/llaahi Yuusuf mar uu dhawaan khudbad u
jeedinayay Golaha Baarlamaanka uu ku yiri “Ciddii ka qaybgasha shirkaasi cid
ay mas’uul ka tahay ma jirto”. Arrintaan ayaa waxaa si aad ah uga carooday
inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna hadalkaasi ku tilmaameen mid
sii kala fogeynaya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ka hor imaaneysa
dibuheshiisiinta Dowladda.
C/llaahi
Yuusuf “Haddii aan laga hortagin Kooxda Muqdisho waxay idiin ku imaan …”
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Amxed oo maalintii shalay ahayd Magaalada Garoowe kulan kula yeeshay
Odoyaal iyo Waxgarad iyo waliba siyaasiyiin ka tirsan maamul gobaleedka
Puntlanad ayaa waxa uu uga waramay is bedelada cusub ee ka dhacay magaalada
Muqdisho , isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan idiin
sheegayaa haddii aan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho
laga hortagin, waxay idinku imaan doonaan Puntland, ee waxaad u
tabaabusheysataan sidii aan uga hortagi lahayn kooxahaasi kuwaas oo doonaya
in ay wadanka isku balaariyaan”, waxa uu intaas sii raaciyay “Waan ogahay
kuwo anaga nala mid ah in ay u kuuxayaan is bedelada ka socda Magaalada
Muqdisho, kuwaas waa in maamulku wax ka qabto”.
C/llaahi Yuusuf ayaa
Garoowe u tagay sidii uu ciidam iyo hubba uga heli lahaa maamul gobaleedka
Puntland.
Midowga
Yurub oo hakad geliyay dhaqaale la la siin lahaa Dowladda..
Intii aysan dhicin
dagaaladii dhex maray Midowga Maxaakiimta iyo Isbahaysigii la dagaalanka
Argagixisada ayaa Midowga Yurub, waxa uu Dowladda Federaalka ugu soo waday
lacag Malaayiin Doolar oo uu ugu talagalay dib u dhiska iyo dib u soo
nooleynta hay’adihii dowladda, hase yeeshee lacagahaasi waxaa hakad la
geliyay markii ay dhaceen dagaaladii u dhexeeyay Golaha Maxaakiimta iyo
Isbahaysigii fashilmay ee la dagaalanka Argagixisada.
Lacagahaan ayaa qaar ka
mid ah waxaa loogu talagalay in dib loogu tababaro ciidamada ku xareysan
xerada Manaas, hase yeeshee ciidamadaasi weli ma aysan qaadan wax lacag ah,
waxaana markasta loo sheegaa in lacagihii jidka ku soo jiraan.
Xubnaha Baarlamaanka
ayaa iyagana Bishii May iyo Juun qaadan wax lacag ah, kadib markii Hay’addii
bixin jirtay lacagtaasi uu qandaraaskeedu ku ekaa Bishii April.
Max’ed Dheere oo ku sii jeeda Gaalkacyo..
Max’ed Dheere oo
dhawaan soo gaaray magaalada Baydhabo ka mid ah Xubnihii looga adkaaday
dagaalkii Muqdisho, haatanna ku sugan Degmada Godey ee Soonka Shanaad ee
Soomaaliyda Itoobiya ayaa warar aanu ka helnay Magaalada Gaalkacyo waxay
sheegayaan in Max’ed Dheere beri la filayo in uu soo gaaro Magaalada
Gaalkacyo oo ay ku jiraan xubno ay kuwada jireen Isbahaysigii burburay ee la
dagaalanka Argagixisada oo uu ka mid yahay Cabdi Qaybdiid oo la sheegay in
uu taageero ka raadinayo beeshiisa ku sugan Gobalka Mudug.
Max’ed Dheere ayaa waxa uu wadaa
qorshayaal uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Magaalada Jowhar oo looga
qabsaday dagaalk aad u xoogan oo dhex maray maleeshiyadiisa iyo kuwa
Maxaakiimta.
Max’ed Dheere oo dhowr meelood tagay ayaa
ilaa iyo haatan hayn taageero rasmi ah, inkastoo Dowladda Itoobiya ay u
sheegtay in ay ka kaalmeyn doonto dhinaca hubka iyo saanadda, warar kale
ayaa waxay sheegayaan in xubno kale oo ka tirsan Isbahaysigii la dagaalanka
Argagixisada ay iyanga gaari doonaan Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu wadaa
in hakaasi ku yeelan doonaan kulan kale oo ay isku arki doonaan.
Ciidamada Itoobiya ee soo galay deegaano ka tirsan.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne
waxay sheegayan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka tirsan
gobalkaasi, ay mar kale dib u laabteen kaddib markii ay baaritaan ku
sameeyay halka lagu magacaabo Kala-Bareyka.
Ciidamada Itoobiya ayaa
dad goob joog ah waxay noo sheegeen in ay ka muuqato cabsi iyo walwal ay ka
qabaan is bedelka cusub ee ku soo kordhay Soomaaliya, waxaana la sheegay in
Gawaarida u socota Kililka Shanaad si aad ah loo baaro, iyadoo Gawaarida
markii ay cabaar socdaanba uu la kulmayo baaritaan kale oo cusub, waxaana
dadka la weydiiyay bal in ay soo arkeen wax Maxaakiim Islaami ah oo ku soo
dhow xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa
iyana waxay sheegayaan in Saraakiil Itoobiyaan ah ay kulamo la yeesheen
waxgaradka deegaanka Buula-Xaawo, waxayna ka wada hadleen arrimaha amniga.
Safarka Cabdullaahi
Yuusuf ee Galkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo Yemen.. AKHRI..
[:: XABSIGA THAILAND:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 ]
Ardayda Puntland oo si
Kulul uga Horyimid Hadalkii Wasiirka Maaliyadda
iyo Murankii
miisaaniyadda oo Go'aan uu ka Qaatay Cadde Muuse....
AKHRI...
July 16
C/laahi Yuusuf oo ka
soo degey Garoonka Conoco ee Garoowe
Safarkan oo la xiriira sidii shirkadda Range Resources ay
u heli lahayd Saxiixa Madaxweyne C/laahi Yuusuf....
AKHRI...
July 16
Khilaafkii u
Dhexeeyay Dowladda FKMG oo sii xoogeystay..
Guddoomiyha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan oo Si kulul
uga Horyimid Hadalkii madaxweyne C/laahi....
AKHRI..
Jul 16
Sweden:
Soomaalida loo xiray arrimo la xiriira gudniinka Fircooniga ee ay.....
Madaxweynaha
DFKMG oo hadal Dheeg Ka Jeediyey Arimo La Xiriira Heshiiskii Khartuum
»Warftigii
Maxaakiimta Islaamiga oo u Dhoofay Khartuum
»Beesha Cumar Cali
Saleebaan oo Dooratay Suldaan....
»Dagaalo
lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya...
»Garoonkii
Diyaaradaha Muqdisho oo la furay...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... July 15
Xaalka barriga
dhaxe oo cirka isku shareeray