Wararkii: July 18, 2006
-
Sheekh Shariif oo magacaabay Guddiga Nadaafada Gobolka Banaadir..
-
Cabdi Qaybdiid oo la sheegay in uu ku sii Jeedo Itoobiya..
-
Warar ku saabsan Max’ed Qanyare Afrax..
-
Sanduuqa Gargaarka Afrika oo Siminaar
u soo gebagabeeyay..
-
Jabuuti
oo ka mid noqotey wadamada ku yaboohaya in aan Soomaaliya loo dirin
Ciidamo shisheeye.
Barnaamijkii Radio
Xoriyo
18 July 2006
Ciidamado Itoobiyaan ah oo soo galay goobo kamid ah Gobolka Hiiraan
Jendayi Frazer oo sheegtay inaysan soomaliya u
baahnayn faragalin caalami ah.
Waftigii Maxaakimta Somaliya oo kulan la yeeshay
J/carabta iyo Dowlada Sudan.
Bill Clinton oo ka furay Itoobiya Xarun lagu
daaweeyo Aidska.
Jabuuti oo ka mid noqotey wadamada ku yaboohaya
in aan Soomaaliya loo dirin Ciidamo shisheeye.
======================
Ciidamada Itoobiya oo soo galay gobo Gobolka Hiiraan.
Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,500
oo ka mid ah Ciidanka Itoobiya ay soo galeen deegaanka lagu magacaabo
Sariraale
Ciidamadan Itoobiyanka ah oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman iyo
gaadiidka Milatariga ee kala duwan ayaa la sheegayaa in ay ujeedadoda
tahay sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqyada Maxaakiimta somaliya.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Ciiamada Itoobiya ay soo galeen
deegaanka Jawiil iyo deegaano kale oo ay ka mid tahay Baraagaha oo ah
xadka kala qaybiya Soomaliya iyo Ogadenya, waxayna arintani cabsi weyn
ku abuurtay dadka deegaankaasi dagan.
Ciidamada Itoobiya ayaa dadweynaha aagaagaas dagan weydiinaya su;aalo la
xidhiidha Maxaakiimta somaliya, iyaga oo wedyiiya arimo la xidhiidha
jidadka ay maraan Madaxda maxaakiimtu marka ay yimaadaan Golbolka
Hiiraan.
Ma' ahan markii ugu horeysay ee ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku soo
xadgudbaan gudaha Somalia, waxayna dad badan aaminsayihiin in Ciidamo
Itoobiyaan ahi ku suganyihiin Magaalada Baydhabo.
Sabtidii ugu dambaysay ayay ahayd markay
odayaal,waxgarad iyo aqoonyahano u dhashay gobolka Gedo go,aano kasoo
saareen kulan ay yeesheen soo galida iyo dhibaatooyinka ay ciidamada
itoobiya ka wadaan Gedo.
Col.Odawaa Shahaad Maxamuud oo ka qayb galay
kulankaas ayaa sheegay inay itoobiya la dagaalamayso dadka iyo
daganaanshaha Soomaliya,waxana kulankaas lagu qaatay go,aano uu kamid
ahaa sidii looga hortagi lahaa ciidanka itoobiya ee iska soo galaya
gobolka Gedo.
Jendayi Frazer oo sheegtay inaysan soomaliya u
baahnayn faragalin shisheeye.
Caawiyaha xoghayaha A/dibada ee maraykanka u
qaabilsan arimaha afrika gabadha la yidhaahdo Jendayi Frazer ayaa ku
tilmaantay inay tahay arin lagu dagdagayo faragalin caalami ah oo
soomaliya lagu sameeyo iyo in arintaas lagaba wada hadlo xiligan
xaadirka ah.
Jendayi oo baryahan dambe socdaal kumaraysay wadamo
kamid ah bariga iyo geeska afrika ayaa sheegtay in gabi ahaanba xaaladii
soomaliya ee cakirnayd mudada 16ka sano ahayd uu isbadal weyn ku yimid
kadib markay si dhibyar iyo muddo gaaban ay maxkamaduhu ku guulaysteen
inay mideeyaan gacan kuhaynta caasimada Soomaaliya.
Caawiyaha xoghayaha A/dibada ee maraykanka ayaa ku
boorisay maxaakiimta soomaliya inay qaadaan talaabo degdag ah oo ay
wadahadal la galaan DFKM ee soomaaliya.
Kooxaha xidhiidhka caalamiga ah ee arimaha
soomaaliya ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ICG somaliya oo kal hore
lagu aas-aasay wadanka maraykanka ayaa lagu wadaa inay bishan July
dhexdeeda kulan kaga yeeshaan arimaha soomaaliya wadankaasi
Sweden,wuxuuna wadan kasta si gooni ah indhaha ugu hayn doonaa ka
qaadista cunaqabataynta hubka ee laga khafiifiyey soomaliya.
Dhinaca kale Xog-hayaha guud ee Q/midoobay Kofi
Anan ayaa sheegay inuu indhaha ku hayn doono arimaha soomaaliya iyo
siday wax u maamulaan maxkamadaha la wareegay gacan kuhaynta caasimada
Muqdisho.
Waftigii Maxaakimta Somaliya oo kulan la yeeshay
J/carabta iyo Dowlada Sudan.
Waftigii ka socday maxaakimta Somaliya ee ka
dhoofay garoonka caalamiga ah ee muqdisho horayna isusii raaceen wafti
ka socday J/carabta ayaa shalay kulan la yeeshay J/carabta iyo madaxda
wadanka Sudan,15 bishan oo ahayd wareegii labaad ee ay ku balansanaayeen
DFKM iyo maxaakimtu ayay DFKM ka baaqsatay inay kasoo qayb gasho hasa
yeeshee maxaakimtu ay is geeyeen wadanka Sudan oo ahayd dowladii marti
galinaysay shirka.
Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala jabay ka
baaqsashada ay DFKM soomaaliya ay ka baaqsatay inay kulankaas
aado,wuxuuna G/barlamaanku si cad u sheegay in maxkamadaha wadahadalka
lala sii wadi doono isagoo carrabaabay inuu saari doono guddi uga qayb
gasha DFKM wadahadalada.
Kulankaas dhex maray waftiga maxaakimta iyo J/carabta
iyo dalka Sudan ayaa qodobadii lagu soo qaaday waxaa ugu muhiimsanaa in
la ilaaliyo waxyaabihii lagu heshiiyey wareegii hore ee dhex maray DFKM
iyo maxaakimta,waxay kaloo cadeeyeen J/carabta iyo Wadanka Sudan ba inay
ka goan tahay xal uhelista dhibatada Somaliya ee haligtay dadkii iyo
dalkii Soomaliya.
Bill Clinton oo ka furay Xarun lagu daaweeyo
Aidska wadanka Itoobiya:
Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bill Clinton oo safar ku maraya
wadamo ka mid ah qaarada Afrika ayaa Caasimada Itoobiya ka furay xarun
caafimaad oo lagu daryeeli doono caruurta qabta cudurka Aidska.
Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay dakhli dhan 250,000 US iyo 23 qof oo
ku takhasusay arimaha caafimaadka oo laga soo diri doono Jaamacada Yale,
kuwaas oo loo kala qaybin dooo Isbataalada dalka Itoobiya.
Mr Clinton oo arintan ka hadlay munaasabadan ayaa
sheegay in "Hay'adiisu ku taageeri doonto qalabka caafimaadka, tabarka
shaqaalaha iyo wax ka qabadka maamulka iyo maareynta qaybaha
caafimaadka"
Sida ay warisay Hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO,
waxaa cudurka Aidska qaba wadanka Itoobiya qiyaastii 1.5 million, taas
oo sababtey in ka badan 1 million oo caruur ah in noqdaan walaid
la'aan.
Jabuuti oo ka mid noqotey wadamada ku yaboohaya
in aan Soomaaliya loo dirin Ciidamo shisheeye.
Dowladda
Jabuuti ayaa ka mid noqtey wadamada
aan ku faraxsaneyn in Soomaaliya loo soo diro Ciidamo shihsesheeye oo
nabad ilalain ah.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in dawladda Jabuuti taageersantahay wada
hadalo dhex mara dowladda KMG ah iyo Maxkamadaha islaamiga, taas oo
keeni karta in xal waraa oo nabadeed lagu soo dabaalo Soomaaliya
Dawladda Eritrea ayaa iyadu hore gashaanka ugu dhufatey in Ciidamado ka
socda Safka hore la keeno Soomaaliya, iyada oo Itoobiya ku eedeysay in
ay xaaladda Soomaliya ka degi la'dahay fara gelinta ay ku hayso wadanka
Soomaaliya.
Dhinaca kale, dawladda Itoobiya ayaa iyadu ugu ololeynaysa sidii
Soomalaiya loo keni lahaa CIidamo ka socda wadamada Safka hore, iyada oo
in badan ku hanjabtey in ay aysan faraha kala laaban doonin waxa ay ugu
yeedhay khatar ku so fooleh xasiloonida Geekska Afrika.
18 July
2006.
C/nuur Sheekh Maxamed
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu
yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Safarka Cabdullaahi
Yuusuf ee Galkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo Yemen.. AKHRI..
[:: XABSIGA THAILAND:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 ]
Ardayda Puntland oo si
Kulul uga Horyimid Hadalkii Wasiirka Maaliyadda
iyo Murankii
miisaaniyadda oo Go'aan uu ka Qaatay Cadde Muuse....
AKHRI...
July 16
C/laahi Yuusuf oo ka
soo degey Garoonka Conoco ee Garoowe
Safarkan oo la xiriira sidii shirkadda Range Resources ay
u heli lahayd Saxiixa Madaxweyne C/laahi Yuusuf....
AKHRI...
July 16
Khilaafkii u
Dhexeeyay Dowladda FKMG oo sii xoogeystay..
Guddoomiyha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan oo Si kulul
uga Horyimid Hadalkii madaxweyne C/laahi....
AKHRI..
Jul 16
Sweden:
Soomaalida loo xiray arrimo la xiriira gudniinka Fircooniga ee ay.....
Madaxweynaha
DFKMG oo hadal Dheeg Ka Jeediyey Arimo La Xiriira Heshiiskii Khartuum
»Warftigii
Maxaakiimta Islaamiga oo u Dhoofay Khartuum
»Beesha Cumar Cali
Saleebaan oo Dooratay Suldaan....
»Dagaalo
lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya...
»Garoonkii
Diyaaradaha Muqdisho oo la furay...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... July 15
Xaalka barriga
dhaxe oo cirka isku shareeray