Wararkii: July
19, 2006
-
Wadadii
isku xireysay Maka Al-Mukarama iyo Ekwatoore oo dib loo furay 16 sano
kaddib
-
Shariif Xasan oo soo dhaweeyay
hadalkii C/llaahi Yuusuf..
-
Cabdi Qaydiid
oo weli ku adkeysanaya in Maxaakiimtu ay yihiin "Argagixiso.."
-
Jaamacadda
Carabta oo wada qorshey ay ku dooneyso in ay isugu keento..
-
Itoobiya oo ka dhaadhici-neysa
Isbahaysiga Sanca In soomaaliya loo diro..
-
Beesha
Sade ee Gobalka Banaadir oo soo dhoweyey isbdelka Cusub ee ka dhacay
Muqdisho
-
Hal sano
oo ka soo wareegtey dilkii marxuum C/qaadir Yaxye..
-
BEESHA SHEEKHAAL
OO MUQDISHO KAGA DHAWAAQDAY MAXKAMAD LAGU MAGACAABO MAXKAMADDA
HIRGELINTA SHAREECADA ISLAAMKA EE AL-HUDAA
Wadadii isku
xireysay Maka Al-Mukarama iyo Ekwatoore oo dib loo furay 16 sano kaddib
Maalintii shalay
ahayd ayaa Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee Maka Al-Mukarama ee aan ka mid
ahayn Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka jira dalka, ayaa shalay waxay ku
wareejisay Golaha Maxaakiimta 43 Maleeshiyo ah iyo hubkoodii. Guddoomiyaha
Maxkamadaasi Sheekh Maxamuud Jimcaale ayaa waxa uu sheegay in Maxkamaddaasi
intii ay dhisneyd ay qabatay howlo muhiim ah, waxay kaloo sheegeen in wixii
haatan ka dambeeya ay ka mid yihiin Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.
Maxkamaddaan oo horey
u dhaliishay howlgalkii ay wadeen Golaha Maxaakiimta ayaa haatan
Mas’uuliyiintoodu waxa ay sheegeen inay gacan siin doonaan Golaha
Maxaakiimta oo ay sheegeen in ay ka shaqeeyeen Nabadda gelyada Magaalada
Muqdisho.
Abuu Mansuur iyo Abuu
Cuteyba oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta ayaa waxay halkaasi
ka caddeeyeen in wixii haatan ka dambeeya ay furan tahay wadadii isku xiri
jirtay Ikwatoore iyo Shabeele oo ah wadada Maka Al-Mukarama, waxaana
arrintaasi si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool deegaankaasi, oo
sheegay in mar dhow dib loo soo celin doono bilicdii bartamaha Magaalada
Muqdisho oo ku burburtay dagaaladii sokeeye.
Shariif Xasan oo soo dhaweeyay hadalkii
C/llaahi Yuusuf..
Iyadoo Muran xoog leh
u dhexeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan, kaasoo ka dhashay markii C/llaahi Yuusuf uu diiday in laga
qaybgalo shirka Khartuum, Isla markaana la hor fariisto Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah ayaa haatan waxaa muuqata in uu soo gebagaboobay khilaafkaasi,
waxaa lagu wadaa in Dowladda Federaalka ay wafdi deg deg ah u dirto
Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan oo haatan weli ay ku sugan yihiin xubnoa
ka tirsan Golaha Maxaakiimta.
C/llaahi Yuusuf Axmed
ka qaybgalka kulanka Khartuum waxa uu ogolaaday markii uu tagay maamul
Gobaleedka Puntland, warar ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu
cadaadis kaga yimid Jaamacadda Carabta iyo waxgarad ka tirsan Maamul
Gobaleedka Puntland oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ku shaqeyn karto
ama ay ku dhaqaaqi karto haddii ay is fahmaan labada dhinac.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan ayaa waxa uu horey u sheegay in Dowladda
Federaalka ay tahay Dowlad dib u heshiisiineed ayna la fariisanayaan cid
kasta oo wada maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed. Haddii C/llaahi Yuusuf uu ku
adkeysan lahaa in ayan ka qaygalin kulanka Khartuum, waxaana imaan lahaa in
Dowladdu u kala jabto labo garab, sidii horey ugu dhacday markii ay kas oo
guurayeen Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, waxayna Dowladdu kala degtay
Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Kulanka Khartuum ayaa la filayaa in ay ka
soo baxaan Go’aamo wax ku ool ah oo ku aadan sidii Dowladda Soomaaliyeed iyo
Golaha Maxaakiimtu u wada shaqeyn lahaayeen, isla markaan ay si wadajir ah
uga qayb-qaadan lahaayeen nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed.
Cabdi Qaydiid oo weli ku adkeysanaya in Maxaakiimtu ay
yihiin "Argagixiso.."
Cabdi Xasan Cawaale
Qaybdiid oo ah hogaamiye kooxeedkii ugu dambeeyay ee ka tirsnaa Isbahaysigii
burburay ee "la dagaalanka Argagixisada" oo looga adkaaday Magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu Magaalada Gaalkacyo ka wadaan kulamo uu laleeyahay
beeshiisa.
Cabdi Qaydiid oo labo
jeer dagaal aan faa’iido lahayn geliyay beeshiisa, midkii koowaad oo ahaa
midkii uu kaga hor yimid Gen. Max’ed Faarax Caydiid, iyo midkii kale ee uu
la galay golaha Maxaakiimta, ayaa qaar ka mid ah Waxgaradkii uu la kulmay,
waxay Cabdi qaybdiid u sheegeen in dagaaladii hore ee uu galay uusan wax
faa’iido ah ka keenin, isla markaana ay beeshiisu wax badan ku weyday.
Cabdi Qaybdiid mar wax
laga weydiiyay sida uu arko Golaha Maxaakiimta ayaa waxa uu yiri “Waa dad
doonaya in ay dadka dhibaateeyaan, dilaan, bililiqeystaan, isla markaana waa
dad ka mid ah argagixisada caalamiga ah”.
Cabdi Qaybdiid waxa uu
sheegay in Muqdisho uu ugu laaban karo labo midood dagaal ama nabad, waxaana
la sheegay in Cabdi Qaybdiid uu maalmaha soo socda booqan doono deegaano ka
tirsan Gobalka oo ay degto Beeshiisa.
Jaamacadda Carabta oo wada qorshey ay ku dooneyso in ay
isugu keento..
Warar aanu helnay ayaa
waxay sheegayaan in Jaamacadda Carabtu ay wado in ay meel isugu keento
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta
Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaan ayaa la sheegay in ay lagu
balaarin doono midka furmaya Dalka Suudaan.
Sheekh Shariif oo aan
weli wax safar ah ugu ambabaxin dalka dibaddiisa ayaa waxaa la sheegay in
wadamada carbeed uu ka haysto taageero aad u xoogan, iyadoo marka laga arko
shaashadaha Sheekh Shariif ay wadamada Carabtu aad ugu farxaan, maadaama uu
ahaa ninkii ka saaray Muqdisho qabqablayaashii dagaalka oo mudo 16 sano ah
dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed.
Ilaa iyo haatan
labada mas’uul wax war ah kama soo saarin qorshaha ay wado Jaamacadda
Carabtu, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac ay
aqbaleen qorshaha ay wado jaamacadda Carabtu si loo soo afjaro khilaafka
jira.
Itoobiya oo ka dhaadhici-neysa
Isbahaysiga Sanca In soomaaliya loo diro..
Magaalada Adis-Ababa oo
haatan ka socdo kulanka Wasiirad Arrimaha Dibadda ee Wadamada Isbahaysiga
Sanca ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya wasiirka arrimaha dibadda C/llaahi
Sheekh Ismaaciil.
Khudbad uu ka jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee
Itoobiya ayaa waxa uu ka codsaday wadamada Isbahaysiga Sanca in Soomaaliya
loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka,
maadaama Dowladda ay ku soo wajahan yihin waxa uu ugu yeeray kooxo
argagixiso ah.
Qoraalkaasi ayaa waxaan u riyaaqin qaar ka mid ah
wadamada Isbahaysiga ku jira oo ay ugu horeyso Dowladda Suudaan oo iyadu
qabanqaabi-neysaa kulan ay ku dooneyso in lagu soo gebagabeeyo khilaafka u
dhexeeya Dowladda iyo Maxaakiimta.
Wasiirka arrimaha ee wadanka Suudaan ayaa
waxa uu isna sheegay in xaaladda Soomaaliya haatan ay mareyso meel aad u
wanaagsan, waqtigaan xaadirka ahna Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Beesha Sade ee Gobalka Banaadir oo soo
dhoweyey isbdelka Cusub ee ka dhacay Muqdisho
Shir ay isugu yimadeen gudiga hogaanka
beesha Sade ee Gobalka Banaadir ee uu shir gudoominayey Ugaaska beesha Sade
Ugaas Max’ed Wali Sheekh Axmed Nuur ayaa looga dooday marxalada uu dalka
marayo waxaa gabagabadiisi ka soo baxay qodabada soo socdo.
1.
Beesha in ay taageersan tahay is
badalka la taaban karo ee ka dhacay magaalada muqdisho iyo la wareegida
golaha maxaakiimta somaliyeed ee magalada muqdisho iyo waaxigeeda
waxaan u rajeyneenaa hormar iyo waxqabad dhab ah iyo hirgilinta shareecada
islaamka.
2.
Waxaan soo jeedineynaa ka
qeybgalka shirka Qartuum golaha Maxaakiimta Somaliyeed iyo Dowlada KML
federaalka Somaliyeed lana tixgaliyo rabitaanka shacabka somaliyeed lagana
miro dhaliyo shirka isaga ah maadaama umada somaliyeed si aad ah ugu
dhursugeeso wixii ka soo baxo.
Beesha Sade
waxay ka digeesaa dagaal mar kale ka qarxa gudaha somaliya.
Waxay beesha
Sade cambareyneysaa fargalinta dowlada Itoobiya ee gudaha Somaliya.
Beesha waxay
ugu baaqeysaa dowlada somaliyeed in ee si weyn u aqoonsato isbadalka weyn ee
magalada muqdisho si dowlada ugu shaqeyso caasimada somaliya ee muqdisho.
3.
Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa
umada somaliyeed ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo isbadalka cusub ee
magalada muqdisho ka dhacay.


muuse maxamuud
jiisow
somali39@hotmail.com
mugdisho
bakaaro somali
BEESHA SHEEKHAAL OO
MUQDISHO KAGA DHAWAAQDAY MAXKAMAD LAGU MAGACAABO MAXKAMADDA HIRGELINTA
SHAREECADA ISLAAMKA EE AL-HUDAA
July 17, 2006: Beesha
Sheekhaal oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Magaalada
Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta
magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday maxkamad, taasoo lagu magacaabo
Maxkamadda Hirgelinta Shareecada Islaamka ee Al-hudaa isla markaana ku
biirtey midowga maxkamadaha.
Kulan ka dhacay
xaafadda Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayna ka
qeyb galeen masuuliyiin ka socotay Midowga maxaakiimta islaamiga,
culimaa'udiin, waxgarad iyo marti sharaf lagu casuumay ayaa qoraal loo
qaybiyay saxaafadda waxaa lagu sheegay in kaddib markii beeshu ogaatay
baahida ay u qabto maxkamad islaami ah ayey beeshu isu taagtay inay ku
dhaqaaqo howshan qeybaheedakala duwan oo ay ka kooban tahay sida:
culimaa'udiinka, Ganacsatada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka,
dhallinyarada iyo haweenka beesha Sheekhaal ayaa waxay go'aansadeen inay ku
dhawaaqaan maxkamad islaami ah, waxayna beeshu soo saartay qodobbo ka kooban
7 oo kala ah:
-
In Hirgelinta ku dhaqanka shareecada
Islaamka ay waajib tahay.
-
Inay xalliso wixii khilaafaad ah ee
beesha dhexdeeda ah.
-
Maxkamaddu waxay si toos ah ula howl
geli doontaa midowga maxkamadaha islaamiga, waxayna ka qeyb qaadan
doontaa difaaca diinta iyo dalka.
-
Maxkamaddu waxay wax ka qaban doontaa
ammaan darrida deegaannada beeshu ay degto.
-
Maxkamadda Al-huda waxay ka mi tahay
Midowga maxaakiimta islaamiga, waxayna ballan qaadaysaa inay dhaqan
celiso maleeshiyooyinka una furto tacliin.
-
ugu dambeyn waxay maxkamaddu xil gaar
ah iska saareysaa ammaanka deegaannada u dhexeeya Jilib ilaa Xaramka oo
ah deegaannada sida gaarka ah beesha Sheekhaal ay u degto.
Furitaanka
maxkamaddaas waxaa ka hadlay guddoomiyaha golaha Difaaca iyo midnimada
Qaranka Soomaaliyeed Sheekh Xasan Max'ed Axmed, wakiilna ka ahaa
guddoomiyaha golaha maxaakiimta Islaamiga sheekh Shariif Sheekh Axmed,
wuxuuna sheegay in beesha Sheekhaal looga baahan yahay inay horseed ka
noqoto howlaha ka socda dalka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo is
beddelka siyaasadeed ee ku soo kordhay qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna ka
digay inaan qabiilna la siyaasadeyn, siyaasadna aan la qabiileyn ee layska
ilaaliyo, wuxuuna kula dar-daarmay in culimaa'udiinka beesha iyo
ganacsataduba ay hormuud ka noqdaan howlaha haatan socda.


Munaasabadda ku
dhawaaqista waxaa kaloo ka hadlay Khaliif Xuseen C/laahi oo ku hadlayay
magaca guddiga dhaqanka ee beesha Sheekhaal iyo guddoomiyaha maxkamadda
hirgelinta shareecada Islaamka ee Al-hudaa Sheekh Xasan Axmed Max'ed,
kuwaasoo sheegay inay la jaan qaadaan howlaha xasaasiga ah ee dalka ka socda
beeshuna ay tahay beel lagu yiqiin mar walba inay horseed u noqoto fidinta
diinta islaamka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxayna ballan qaadeen
inay shacbiga ugu shaqeyn doonaan si daacad ah.
Waxaa sidoo kale
munaasabaddaas ka hadlay oo ku hadlayay magaca ganacsatada Xuseen Sheekh
Nuur oo ballan qaaday in hiil iyo hooba ay la garab istaagi doonaan
ganacsatada beesha hirgelinta maxkamadda.
Maalmahaan danbe ayaa
waxaa magaalada mugdisho ku soo badanayaa furintaanka maxakadaha islaamiga
ah tani iyo intii ay magaalada mugdisho gacanta ku dhigeey midoowga maxadaha
oo ay ka awood roonaadeeyn isbaheeysiga la dagalaan argigixisada oo noqday
hal haaday iyo hal la heebshay ka dib markii la tusay dagaal aan hore aan
loo arag , oo ka duwan kii ay lix iyo tobonka sano ay isku hayeen ayaga
bulshada ku hayeen.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | July 19, 2006
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...