Wararkii July 21, 2006
- Safiyo Xiiray “Waxaan Kanada uga imid sidii aan carruurta
soomaliyeed uga faa’iideyn lahaa aqoonteyda”
- Siminaar ku saabsan Cudurka AIDS-ka
oo loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotey qaybaha waarbahinta….
- Sheekh Shariif “C/llaahi muxuu isku
wareerinayaa, cid ku heysata madaxweynanimada ma jirto”
- Yuusuf Indhacadde, “Itoobiya haddii
ay soo weerarto Muqdisho anaguna waxaan weerareynaa Adis Ababa”
- .Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu
arkay Magaalada Baydhabo….
- ."Itoobiya oo isu diyaarisay in ay ku duusho Soomaaliya"
Safiyo Xiiray “Waxaan Kanada uga imid sidii aan carruurta
soomaliyeed uga faa’iideyn lahaa aqoonteyda”

Waxaa dhawaan
Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee premier Education lagu qabtay
xaflad ku saabsaneyd gebagabadii sanad dugsiyeedkii 2005 iyo
2006, waxaana xafladdaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin ka
socotay gobalka Banaadir, Dalladaha waxbarashada,
waalidiinta iyo ardayda wax ka barata dugsigaasi, waxaana
halkaasi warbixin ka soo jeediyay maamula dugsigaasi Safiyo
Xiiray Qaasin oo sheegtay in Dugsiga mudadii yareyd ee uu
furnaa maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan
carruuta la keenayo , waxayna sheegtay in mudadaasi ay
Ardaydu wax badan ka faa’iideen waxbarashadii, iyagoo
qaarkoodba la dhihi karo waxay la heer yihiin ardayda
dugsiga sare sida ay sheegtay.
“In Dugsiga heerkaan uu gaaro waxaa gacan nagu siiyay
waalidiinta, la’aantoodna wax aan wadi lahayn ma jirto’ ayay
tiri Safiyo Xiiray oo intaa raacisay “waxaan uga imid
wadanka kanada sidii aan aqoonteyda aan uga faa’iideyn lahaa
carruurta Soomaaliyeed oo mudo 16 sano ay ku dhacday
waxbarasho la’aan”, Safiyo waxay kaloo sheegtay in dugsiga
uu ku shaqeeyo Manhajka wadanka Kanada, iyadoo sheegtay in
sababaha ay u doorteen ay tahay sidii ay kor ugu qaadi
lahaayeen heerka aqoonta carruuta, sidoo kale waxay sheegtay
in carruurta ay baraan Tarbiyada Islaamka.
Xafladdaasi ayaa waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha
Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tuutoow oo
u mahadceliyay intii gacanta ka gaysatay furitaanka
dugsigaani, waxana uu u rajeeyay maamulka iyo
Macallimiintaba in halkaasi ay ka sii wadaan howlahooda.


Gebagabadii xafladdaasi ayaa Macalliminta wax ka dhigta
dugsigaasi iyo ardaydii gashay kaalimaha hore la
guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan iyo shahaadooyin,
waxaana waalidiinta Ardaydu u mahadceliyeen Macallin Safiyo
Xiiray, waxay sheegeen in ay wax weyn u qabatay bulshada
Soomaaliyeed, maadaama ay ku soo dhiiratay in ay dalkeeda
timaado waxna barto Caruurta Soomaaliyeed, waxa uuna
dugsigaani dugsiyada kale dheeryahay iyadoo carruuta ay
qaataan casharo la xiriira dhinaca Kumbuyuutara, waxaana
dugsiga yaala Kumbuyuutaro, waxaadna arkeysdaa cunug yar oo
ilaa iyo 7-sano jir ah, oo si wanaagsan u yaqaana ama
fahamsan Kumbuyuutarka.
Siminaar ku saabsan Cudurka
AIDS-ka oo loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotey qaybaha
waarbahinta….

Waxaa maalintii shalay ahyad xarunta horumarinta Haweenka ee
IIDA lagu soo gebagabeeyay siminaar socday mudo saddex
maalmood ah o ay ka qaybgaleen qaybaha warbaahinta ee
magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaasi iska kaashaday
Hay’adda IIDA iyo Hay’adda CONCERN.
Siminaarkaasi oo lagu baranayay casharo la xiriira qaabka
ugu haboon ee looga hartagi karo cudurka Aids-ka oo la
sheegay in waqtiyadaan uu ku soo badanayay Dalka Soomaaliya
oo laga helay 1%.
Madaxa mashruuca Xaawo Ciise Weheliye oo ka mid ahayd
macallimiintii casharada ka jeedineysay siminaarkaasi ayaa
waxa ay si aad ah ugu dheeraatay siyaabaha ugu haboon ee
looga hortagi cudurkaasi iyo sida loo kala qaado, waxayna
sheegtay in bahda Warbaahinta ay yihiin kuwa ugu fudud ee
bulshada ka wacgelin kara halista Cudurka Aids-ka.
Macallimiintii kale ee iyana casharada ka bixiyay waxay kala
ahaayeen, Xaliimo Sacadiya Sheekh oo iyana si aad ah u
faahfaahisay cudurada Bulshada waxayna soo qaadatay Cudurka
Waraabowga iyo Jabta oo ay sheegtay inay yihiin kuwo inta
badan keena dhalmo la’aanta, isla markaana xiriir la yeelan
kara cudurka Aids-ka, waxaa kaloo iyana halkaasi ka hadashay
Macalimad Duniyo, waxayna halkaasi ka jeedisay casharo la
xiriira sida uu dunida ugu faafayo cudurkaasi, gaar ahaan
wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxayna sheegtay in
Soomaaliya ay deris la yihiin wado uu ku badan yahay
cudurkaasi, loona baahan yahay in warbaahintu ay ka bixiyaan
baraarujin aad u baahsan si bulshada looga digo cudurkaasi
oo aan ilaa iyo haatan loo helin wax daawo ah.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
|
Sheekh
Shariif “C/llaahi muxuu isku
wareerinayaa, cid ku heysata
madaxweynanimada ma jirto”
Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ah
guddoomiyaha Golaha Fulinta
Maxaakiimta oo shalay la
hadlayey 135-askari oo ka soo
baxsatay dowladda federaalka
ayaa wuxuu halkaasi ka caddeeyey
in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo
galeen gudaha Soomaaliya oo
haatanna ay ku sugan yihiin
magaalada Baydhabo, “Waan ogeyn
in markii hore ay ku sugnaayeen
gudaha Soomaaliya, balse haatan
waxey caddeysteen iney
difaacayaan dowladda federaalka
ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo
sheegay in ciidamada Itoobiya ay
yihiin kuwo u socda sidii ay
Soomaaliya u baabi’in lahaayeen,
hase ahaatee wuxuu ka digay in
wixii cawaaqib xumo ah ee ka
yimaada ay iyagu dusha u ridan
doonaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay iney
socdaan hawlo lagu abaabulaayo
dagaal, waxaana taasi daliil u
ah, “Xuseen Caydiid iyo Cabdi
Qeybdiid waxey ku sugan yihiin
magaalada Gaalkacyo, waxeyna
halkaasi ka wadaan abaabul
dagaal iyo in Soomaaliya ay mar
kale u horseedaan dhibaato iyo
burbur, wuxuuna intaasi sii
raaciyey, “Dadweynaha reer
Puntland waxaan u soo jeedinayaa
iney ka hor tagaan waxa uu C/llaahi
Yuusuf wado, oo uu ku doonayo
inuu ku soo nooleeyo dagaaladii
sokeeye ee dhacay 1990” wuxuu
intaasi ku daray, “C/llaahi
Yuusuf cid ku haysata
madaxtinimada maanta ma jirto,
waxaana leeyahay dadkaaga u tur,
oo ka shaqeey sidii Soomaali la
isugu keeni lahaa, ogowna
ineysan ciidamo Itoobiyaan ah ku
difaaci Karin”. Wuxuu sheegay in
ay weli diyaar u yihiin in la
wada hadlo lagana shaqeeyo danta
ummadda Soomaaliyeed.
Yuusuf Indhacadde, “Itoobiya
haddii ay soo weerarto Muqdisho
anaguna waxaan weerareynaa Adis
Ababa”
Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde
oo maxaakiimta u qaabilsan
dhinaca ammaanka ayaa waxaa uu
sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah
oo aan u fara badan ay soo
galeen gudaha waddanka
Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay
iney doonayaan iney gacan
siiyaan C/llaahi Yuusuf iyo
kooxaha ku fikirka ah.
Wuxuu sheegay Yuusuf Indhacadde
in ciidama Itoobiya deegaanada
ay soo galeen ay durbaba ku
bilaabeen dil, kufsi iyo dhac,
isagoo sheegay in ay shacbiga
Soomaaliyeed haatan diyaar u
yihiin iney iska difaacaan
Itoobiya iyo kooxaha la socda,
“Itoobiya haddii ay soo weerarto
Muqdisho anagana waxaanu
weerareynaa Adis Ababa”.
“Haddii ay soo weerarato
Baydhabo, waxaan weerareynaa
deegaano ka tirsan Itoobiya,
waxaan diyaar ula nahay inaan
Itoobiya kula noolaano daris
wanaag, haddii ay taas ka madax
adeygtana ha ogaato wixii
cawaaqib xummi ah oo ka yimaada
iney dusha u ridan doonto” ayuu
sii raaciyey.
Wuxuu kaloo sheegay Yuusuf
Indhacadde in Golaha Maxaakiimtu
ay yihiin kuwa iska difaaci kara
Itoobiyaanka haddii ay soo
galaan gudaha Soomaliya, wuxuuna
sheegay in Itoobiya ay ku xad
gudubtay, sharciyadii caalamiga
ahaa, ee dhinaca cunaqabateynta
hubka iyo iney iska soo galeen
dal xor ah, “Ha ogaato Itoobiya
in iyada uu burburka u dambeyn
doono, isla markaana Itoobiya ay
u gogo’I doonti gobol gobol,
ayna soo mari doonto wixii aan
soo marnay 16-kii sano ee la soo
dhaafay” ayuu yiri Sh. Yuusuf
Indhacadde.
Ciidamo
Itoobiyaan ah oo lagu arkay
Magaalada Baydhabo….
Warar la xaqiijyay ayaa waxay
sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan
ah oo wata 24 gaari oo Tikniko
ah ay saakay (July 20) aroortii
soo galeen Magaalada Baydhabo oo
xarun u ah Dowladda Federaalka,
waxana markiiba ciidamadaasi la
dejiyay xero ay horey u degaan
jireen ciidankii Xoogga Dalka
Soomaaliyeed.
Qaarkood ayaa lagu arkay jidadka
magaalada Baydhabo, waxayna
xirnaayeen Tuutaha sida aadka ah
loogu yaqaano Ciidamada itoobiya,
waxaana si aad ah ula yaabanaa
dadweynaha Magaalada Baydhabo oo
iyagu sheegay inay ka cabsi
qabaan in dagaal uu ku dhex maro
Magaalada Baydhabo Dowladda
Federaalka oo gacan ka heleysa
Itoobiya iyo Maxaakiimta
Islaamiga.,
Soo Gelitaanka ciidamadaan waxaa
oo soo dedejiyay markii
maalintii shalay ahayd Magaalada
Buurhakaba ay gaareen ciidamo ka
socday Golaha Maxaakiimta oo uu
hogaaminayay Sheekh Mukhtaar
Ruubow (Abuu Mansuur), waxayna
halkaasi u tageen sidii ay u soo
galbin lahaayeen ciidamo ka soo
gadoday Dowladda Federaalka oo
taradoodu gaareyso 135 Askari oo
wata qoryahooda.
Ciidamada Maxaakiimta ayaa
ciidamadaasi u soo galbiyay
magaalada Muqdisho, saakay
ayaana si weyn loogu soo
dhaweeyay Magaalada Muqdisho
iyagoo ka mid noqday ciidamada
golaha Maxaakiimta Islaamiga.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
"Itoobiya oo isu diyaarisay in ay ku duusho Soomaaliya"
Itoobiya waxa ay isu diyarisay in ay weerarto dalka Soomaaliya si ay u
difaacdo Dowladda FKMG, ugana difaacdo weerarka loo malaynayo in ay ku soo
qaadayan maxkamadaha Islaamiga, sidaas waxaa Arbacadii July 19, 2006 sheegay
afhayeen u hadlayey Itoobiya oo ay soo xigatey
hay'adda wararka ee AP.
Waxaa warka hay'daasi intaas ku daray in maleysiyada haysata badanaa
koonfurta Soomaaliya ay boqolaal dagaalyahanno ah geeyeen meel dibada
ka ah magaalada ay joogaan dowalda aan awoodda lahayn ayan qorshaynayaan in
ay qabsadaan, waa sida warku u dhigay'e.
"Waxa aan mas'uul ka nahay in aan difaacno xadka iyo dowladda Soomaaliya.
Waana burburin doonaa," sidaas waxaa yiri Berhan Hailu oo ah wasiirka
warfaafinta Itoobiya oo la hadlayey AP.
Waxa warku intaas raaciyey in qabsashada Baydhabo ay maleysiyada
Islaamiga siineyso awood aan lagula tartamayn ee badanaa Soomaaliya.
Hay'adda AP waxa ay tiri: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah
Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu xiriir la leeyahay Itoobiya, waxana uu
weydiistey taageero. Itoobiya hadda ka hor waxa ay hab militari kusoo gashay
Soomaaliya, waxaana taoddobaadyadii dhowaa xadka labada dal lagu arkayey
boqolaal ciidamada Itoobiya ah.
Hay'adda oo warkeedii sii wadata waxa ay tiri: dagaal-yahannada Maxkamada
Islaamigu waxa ay xiriir la leeyihiin Muslimiinta raba in ay Itoobiya ka
go'aan ee ku sugan gobolka Oromada ee Itoobiya.
Dhanka kale war ay werisey Aljazeera ayaa sheegay in dagaal-yahanadda
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah lagu arkay magaalada Buur Hakaba oo 60 km u
jirta magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dowladda.
Sarkaal ka tirsan maleysiyada Islaamiga ayaa yiri ciidamadiisu waxa ay
dhowaan qabsan doonaan xarunta dowalda caalamka laga aqoosan yahay ee
kumeelgaarka ah, waa sida warku dhigay'e.
"Wax naga hor istaagi kara ma jiro in aan aadno Baydhabo" ayuu yiri
Sheikh Muqtar Robow oo ah kuxigeenka difaaca kooxda
maxkamadaha sida sheegtay Aljaziira. Waxana uu Sheikh Muqtar sheegay in 130
ka tirsanaa dagaal yahanada Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay usoo galeen
Islaamiyiinta, waa sida warku u dhigay'e.
Cali Maxamed Geeddi, Ra'iisul wasaaraha
DFKMG waxaa laga soo xigtey in uu yiri: Dhawr dagaalyahanada Islaamiga ah oo
wata 30 gawaarida dagaalka ee loo yaqaan teknikada ayaa isku meeleeyey
koonfurta magaalada Baydhabo.
FOGAANTA MAGAALOOYINKA::: |
Muqdisho |
Afgooye |
30 km |
Afgooye |
Buur-Hakaba |
164 km |
Buur-Hakaba |
Baydhaba |
66 km |
Baydhaba |
Luuq |
150 km |
Baydhaba |
Xudur |
155 km |
Luuq |
Dooloow |
80 km |
Luuq |
Garba Haarey |
69 km |
Garba Haarey |
Baardheere |
129 km |
Baardheere |
Baydhaba |
195 km |
www.somalitalk.com/fogaan |
Geeddi waxa uu maxkamadaha ugu baaqay in
ay ku laabtaan Muqdisho, ayna joojiyaan weerarka qaybaha kale ee Soomaaliya.
Aljazeera waxa ay sheegtay in
toddobaadkii hore ay xadka Soomaaliya ka talaabeen 2,000 oo ah ciidamada
Itoobiya oo wata dhawr taangi kuwaas oo ku biiray 2,000 oo cidamada Itoobiya
oo halkaas hore u joogey.
Labada dhinac (DFKMG iyo Midowga
Maxkamada Islaamiga) waxa ay heshiis hordhac ah magaalada Khartuum ee dalka
Sudaan ku gaarey June 22, 2006. Waxa la filayey in kulan dambe la isku
yimado July 15, 2006, kulankaas oo ay ka baaqatay DFKMG, laakiin dhowaan
ayaa madaxweynaha DFKMG oo safar ku tegey Puntland waxa uu sheegay in ay
DFKMG ka qayb geli doonto kulan ay la yeelato Maxkamadaha.
Dhanka kale Ra'iisul wasaare Geeddi oo
Arbacadii July 19 shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in
magalada Buur Hakaba ay qabsadeen Maxkamada Islaamiga, kuwaas oo sida
ra'iisul wasaare Geeddi yiri maxkamaduhu waxa ay reer Buur Hakaba u sheegeen
in ay halkaas ka hir gelinayaan maxkamad Islaami ah.
Afhayeenka wasaarada Arrimaha Dibadda
Maraykanka, Sean McCormack, waxa uu yiri "Maraykanku waxa uu ugu
yeerayaa Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dhammaan qaybaha Soomaaliya in ay si
degdeg ah u joojiyaan colaadda , ayna dib u bilaabaan wadahadal ku salaysan
hab nabadeed." sida ay werisey hay'adda Reuters.
Tarjuamdii: SomaliTalk.com | July 20,
2006 | Isha: AP, Aljazeera,Reuters
Eng. Yarisow oo la kulmay aqoonyahanadda Mudulood ee Qaahira.
Guddoomiyaha ururka Somali Concern Group (SCG) Mudane Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow) oo beryahanba ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa
xalay xaafada Madinatu Nasri ee caasimada Qaahira kula kulmay aqoonyahanadda
beesha Mudulood ee ku sugan waddanka Masar.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga aqoonyahanada ee beesha Mudulood
ee ku sugan Masar ayaa ku casuumay Mudane Eng. Yarisow si uu warbixin uga
siiyo arrimaha Somalia bacdamaa uu dhowaan ka soo laabtay magaalada Muqdishu.
Kulankan ayaa waxaa Eng. Yarisow ku wehliyey Eng. Mohamed Nur Cadde oo xubin
ka ah ururka SCG iyo Sheekh Cumar oo isna ka yimid waddanka UK.
Mudane Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey aqoonyahanada ka soo qeyb galkooda
iyo abaabulkooda, isla markaana siiyey warbixin guud ee xaaladda uu waddanku
ku sugan yahay iyo gaar ahaan kacdoonka Muqdisho oo ay hoggaaminayaan
Maxkamadaha Islaamiga ah. Warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ka
dib Mudane Eng. Yarisow ayaa ka codsaday aqoonyahanada in taageero buuxda la
siiyo kacdoonka Muqdisho, lana fiiriyo danta guud ee waddanka, gaar ahaan
caasimadda Muqdisho. Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in
caqabado farabadan ay jiraan, si looga wada gudbana loo baahanyahay isku
duubnaan iyo wadajir si xal waara loo gaaro. Eng. Yarisow ayaa sheegay in
shaqsi walba uu door ku leeyahay sidii kacdoonka uu u noqon lahaa mid miro
dhala.
Sheekh Yusuf iyo Dr Aweys Moallin ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiintii goobtaas
ka hadashay islamarkaana ugu mahadceliyey mas'uuliyiinta iyo warbixintooda.
Waxaa isna goobtaas ka hadlay Eng. Mohamed Nur Cadde oo sheegay in
aqoonyahanada looga baahan yahay dadaal dheeraad ah iyo sidii aqoonyahanada
dibedda iyo gudaha la isagu xiri lahaa, loona yeelan lahaa xirriir joogta
ah.
Laxiriir:
somali@somaliconcern.org
July 20, 2006
Wararkii: July
19, 2006
-
Wadadii
isku xireysay Maka Al-Mukarama iyo Ekwatoore oo dib loo furay 16 sano
kaddib
-
Shariif Xasan oo soo dhaweeyay
hadalkii C/llaahi Yuusuf..
-
Cabdi Qaydiid
oo weli ku adkeysanaya in Maxaakiimtu ay yihiin "Argagixiso.."
-
Jaamacadda
Carabta oo wada qorshey ay ku dooneyso in ay isugu keento..
-
Itoobiya oo ka dhaadhici-neysa
Isbahaysiga Sanca In soomaaliya loo diro..
-
Beesha
Sade ee Gobalka Banaadir oo soo dhoweyey isbdelka Cusub ee ka dhacay
Muqdisho
-
Hal sano
oo ka soo wareegtey dilkii marxuum C/qaadir Yaxye..
-
BEESHA SHEEKHAAL
OO MUQDISHO KAGA DHAWAAQDAY MAXKAMAD LAGU MAGACAABO MAXKAMADDA
HIRGELINTA SHAREECADA ISLAAMKA EE AL-HUDAA
Wadadii isku
xireysay Maka Al-Mukarama iyo Ekwatoore oo dib loo furay 16 sano kaddib
Maalintii shalay
ahayd ayaa Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee Maka Al-Mukarama ee aan ka mid
ahayn Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka jira dalka, ayaa shalay waxay ku
wareejisay Golaha Maxaakiimta 43 Maleeshiyo ah iyo hubkoodii. Guddoomiyaha
Maxkamadaasi Sheekh Maxamuud Jimcaale ayaa waxa uu sheegay in Maxkamaddaasi
intii ay dhisneyd ay qabatay howlo muhiim ah, waxay kaloo sheegeen in wixii
haatan ka dambeeya ay ka mid yihiin Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.
Maxkamaddaan oo horey
u dhaliishay howlgalkii ay wadeen Golaha Maxaakiimta ayaa haatan
Mas’uuliyiintoodu waxa ay sheegeen inay gacan siin doonaan Golaha
Maxaakiimta oo ay sheegeen in ay ka shaqeeyeen Nabadda gelyada Magaalada
Muqdisho.
Abuu Mansuur iyo Abuu
Cuteyba oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta ayaa waxay halkaasi
ka caddeeyeen in wixii haatan ka dambeeya ay furan tahay wadadii isku xiri
jirtay Ikwatoore iyo Shabeele oo ah wadada Maka Al-Mukarama, waxaana
arrintaasi si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool deegaankaasi, oo
sheegay in mar dhow dib loo soo celin doono bilicdii bartamaha Magaalada
Muqdisho oo ku burburtay dagaaladii sokeeye.
Shariif Xasan oo soo dhaweeyay hadalkii
C/llaahi Yuusuf..
Iyadoo Muran xoog leh
u dhexeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan, kaasoo ka dhashay markii C/llaahi Yuusuf uu diiday in laga
qaybgalo shirka Khartuum, Isla markaana la hor fariisto Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah ayaa haatan waxaa muuqata in uu soo gebagaboobay khilaafkaasi,
waxaa lagu wadaa in Dowladda Federaalka ay wafdi deg deg ah u dirto
Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan oo haatan weli ay ku sugan yihiin xubnoa
ka tirsan Golaha Maxaakiimta.
C/llaahi Yuusuf Axmed
ka qaybgalka kulanka Khartuum waxa uu ogolaaday markii uu tagay maamul
Gobaleedka Puntland, warar ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu
cadaadis kaga yimid Jaamacadda Carabta iyo waxgarad ka tirsan Maamul
Gobaleedka Puntland oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ku shaqeyn karto
ama ay ku dhaqaaqi karto haddii ay is fahmaan labada dhinac.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan ayaa waxa uu horey u sheegay in Dowladda
Federaalka ay tahay Dowlad dib u heshiisiineed ayna la fariisanayaan cid
kasta oo wada maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed. Haddii C/llaahi Yuusuf uu ku
adkeysan lahaa in ayan ka qaygalin kulanka Khartuum, waxaana imaan lahaa in
Dowladdu u kala jabto labo garab, sidii horey ugu dhacday markii ay kas oo
guurayeen Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, waxayna Dowladdu kala degtay
Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Kulanka Khartuum ayaa la filayaa in ay ka
soo baxaan Go’aamo wax ku ool ah oo ku aadan sidii Dowladda Soomaaliyeed iyo
Golaha Maxaakiimtu u wada shaqeyn lahaayeen, isla markaan ay si wadajir ah
uga qayb-qaadan lahaayeen nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed.
Cabdi Qaydiid oo weli ku adkeysanaya in Maxaakiimtu ay
yihiin "Argagixiso.."
Cabdi Xasan Cawaale
Qaybdiid oo ah hogaamiye kooxeedkii ugu dambeeyay ee ka tirsnaa Isbahaysigii
burburay ee "la dagaalanka Argagixisada" oo looga adkaaday Magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu Magaalada Gaalkacyo ka wadaan kulamo uu laleeyahay
beeshiisa.
Cabdi Qaydiid oo labo
jeer dagaal aan faa’iido lahayn geliyay beeshiisa, midkii koowaad oo ahaa
midkii uu kaga hor yimid Gen. Max’ed Faarax Caydiid, iyo midkii kale ee uu
la galay golaha Maxaakiimta, ayaa qaar ka mid ah Waxgaradkii uu la kulmay,
waxay Cabdi qaybdiid u sheegeen in dagaaladii hore ee uu galay uusan wax
faa’iido ah ka keenin, isla markaana ay beeshiisu wax badan ku weyday.
Cabdi Qaybdiid mar wax
laga weydiiyay sida uu arko Golaha Maxaakiimta ayaa waxa uu yiri “Waa dad
doonaya in ay dadka dhibaateeyaan, dilaan, bililiqeystaan, isla markaana waa
dad ka mid ah argagixisada caalamiga ah”.
Cabdi Qaybdiid waxa uu
sheegay in Muqdisho uu ugu laaban karo labo midood dagaal ama nabad, waxaana
la sheegay in Cabdi Qaybdiid uu maalmaha soo socda booqan doono deegaano ka
tirsan Gobalka oo ay degto Beeshiisa.
Jaamacadda Carabta oo wada qorshey ay ku dooneyso in ay
isugu keento..
Warar aanu helnay ayaa
waxay sheegayaan in Jaamacadda Carabtu ay wado in ay meel isugu keento
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta
Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaan ayaa la sheegay in ay lagu
balaarin doono midka furmaya Dalka Suudaan.
Sheekh Shariif oo aan
weli wax safar ah ugu ambabaxin dalka dibaddiisa ayaa waxaa la sheegay in
wadamada carbeed uu ka haysto taageero aad u xoogan, iyadoo marka laga arko
shaashadaha Sheekh Shariif ay wadamada Carabtu aad ugu farxaan, maadaama uu
ahaa ninkii ka saaray Muqdisho qabqablayaashii dagaalka oo mudo 16 sano ah
dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed.
Ilaa iyo haatan
labada mas’uul wax war ah kama soo saarin qorshaha ay wado Jaamacadda
Carabtu, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac ay
aqbaleen qorshaha ay wado jaamacadda Carabtu si loo soo afjaro khilaafka
jira.
Itoobiya oo ka dhaadhici-neysa
Isbahaysiga Sanca In soomaaliya loo diro..
Magaalada Adis-Ababa oo
haatan ka socdo kulanka Wasiirad Arrimaha Dibadda ee Wadamada Isbahaysiga
Sanca ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya wasiirka arrimaha dibadda C/llaahi
Sheekh Ismaaciil.
Khudbad uu ka jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee
Itoobiya ayaa waxa uu ka codsaday wadamada Isbahaysiga Sanca in Soomaaliya
loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka,
maadaama Dowladda ay ku soo wajahan yihin waxa uu ugu yeeray kooxo
argagixiso ah.
Qoraalkaasi ayaa waxaan u riyaaqin qaar ka mid ah
wadamada Isbahaysiga ku jira oo ay ugu horeyso Dowladda Suudaan oo iyadu
qabanqaabi-neysaa kulan ay ku dooneyso in lagu soo gebagabeeyo khilaafka u
dhexeeya Dowladda iyo Maxaakiimta.
Wasiirka arrimaha ee wadanka Suudaan ayaa
waxa uu isna sheegay in xaaladda Soomaaliya haatan ay mareyso meel aad u
wanaagsan, waqtigaan xaadirka ahna Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Beesha Sade ee Gobalka Banaadir oo soo
dhoweyey isbdelka Cusub ee ka dhacay Muqdisho
Shir ay isugu yimadeen gudiga hogaanka
beesha Sade ee Gobalka Banaadir ee uu shir gudoominayey Ugaaska beesha Sade
Ugaas Max’ed Wali Sheekh Axmed Nuur ayaa looga dooday marxalada uu dalka
marayo waxaa gabagabadiisi ka soo baxay qodabada soo socdo.
1.
Beesha in ay taageersan tahay is
badalka la taaban karo ee ka dhacay magaalada muqdisho iyo la wareegida
golaha maxaakiimta somaliyeed ee magalada muqdisho iyo waaxigeeda
waxaan u rajeyneenaa hormar iyo waxqabad dhab ah iyo hirgilinta shareecada
islaamka.
2.
Waxaan soo jeedineynaa ka
qeybgalka shirka Qartuum golaha Maxaakiimta Somaliyeed iyo Dowlada KML
federaalka Somaliyeed lana tixgaliyo rabitaanka shacabka somaliyeed lagana
miro dhaliyo shirka isaga ah maadaama umada somaliyeed si aad ah ugu
dhursugeeso wixii ka soo baxo.
Beesha Sade
waxay ka digeesaa dagaal mar kale ka qarxa gudaha somaliya.
Waxay beesha
Sade cambareyneysaa fargalinta dowlada Itoobiya ee gudaha Somaliya.
Beesha waxay
ugu baaqeysaa dowlada somaliyeed in ee si weyn u aqoonsato isbadalka weyn ee
magalada muqdisho si dowlada ugu shaqeyso caasimada somaliya ee muqdisho.
3.
Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa
umada somaliyeed ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo isbadalka cusub ee
magalada muqdisho ka dhacay.


muuse maxamuud
jiisow
somali39@hotmail.com
mugdisho
bakaaro somali
Hal sano oo ka soo
wareegtey dilkii marxuum C/qaadir Yaxye..

Waxaa maalintii July 16,2006 ahayd Hotel Naasa- Hablood
lagu qabtay xus loo samaynayey Halyey C/qaadir Yexye
Sheekh Cali oo sanadkii hore lagu dilay Magaalada
Muqdisho wuxuuna ka mid ahaa masuuliyiintii wax ka
aas-aastay Hay’adda CRD waxaana xilligii la daliyey
loogu soo galay Gurigiisa oo ku yaalay Xaafada Buulo
Xuubay,
Sanad guuradii 1-aad ee
ka soo wareegtay xuska C/qaadir Yexye waxaa ka qaybgalay
qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Mas’uuliyiin ka
socotay Hay’adda CRD, waxaa ugu horeyntii war bixin ka
soo jeediyey halkaas Xasan Sheekh oo ka mid ah
Mas’uuliyiinta Hay’adda CRD wuxuuna si aad ah ugu
dheeraaday Taariikhdii iyo wax-qabadkii C/qaadir Yexye
isagoo sheegay in uu ahaa nin u ololeyn jiray nabad iyo
dibuheshiinsiinta, wuxuu kaloo sheegay in wax qabadkii
uu ka tagay C/qaadirYaxye ee wali ka muuqdaan dalka.
Xubnihii kale ee
halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Duqa Magaalada
Muqdiho Maxmuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) wuxuuna isna
sheegay in C/qaadir Yaxye uu ahaa nin aysan hilmaami
doonin Ummadda Soomaaliyeed isala markaana uu ahaa nin
wax weyn u qabtay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan
dhinaca nabadda iyo isku soo dhawaanshaha bulshada.



Waxaa kaloo iyana ka
hadashay Shamso Cabdulle Butugey oo ku hadleysay magaca
Haweenka Soomaaliyeed waxayna sheegtay in C/qaadirYaxye
uu ahaa nin gacan siin jiray Haweenka Soomaaliyeed
qaarkood waxayna sheegtay in uu u abuuray shaqooyin.
C/qaadir Ibraahim Gacal
Abkow oo isna si weyn ugu dheeraaday taariikhdii C/qaadir
Yaxye wuxuuna sheegay in ay dileen kooxo aan doonayn in
ay Soomaaliya nabad hesho wuxuuna Tilmaamay in wixii uu
ka tagay ay wali ka muuqdaan umadda Soomaaliyeeda.
Faarax C/qaadir oo ah
maamulaha Hay’adda Muslim Ifriiqiya waxa uu sheegay in
C/qaadir Yaxye ay ka go’neyd sidii Soomaaliya dhibaatada
uga bixi lahayd una heli lahayd dibuheshiisiin dhab ah.
C/llaahi Max’ed Shirwac
oo Isna ka mid ah mas’uuliyiinta CRD waxa uu sheegay in
C/qaadir Yaxye uu ahaa nin naxariis badan oo ka damqan
jiray dadka dhibaateysan waxa uuna ka codsaday in
halkaas ay ka sii wadaan howlihii fiicnaa ee uu waday.
Waxaa isna halkaas ka
hadlay C/qaadir Aabihii, Yaxye Sheekh Cali Cibaar oo
isna si weyn uga hadlay heerarkii uu soo maray waxa uuna
ku tilmaamay nin wadani ah isla markaana aad ugu fiicnaa
dhinaca wax-barashada waxa uuna u mahadceliyey intii la
shaqeyn jirtay isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey
Hay’adda CRD oo uu sheegay in Bulshada wax weyn u
qabatay waxa uuna Ilaah uga baryey in uu Jannadii
Firdowsa ku abaal mariyo.
Intii Xafladda Xuska ay
socotay ayaa waxa Xubnihii ka qabgalay ay halkaas ku
daawadeen Filim ka hadlayey wax qabadkii C/qaadir Yaxye
iyo hal-ku-dhigyadiisii.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
|
|
BEESHA SHEEKHAAL OO
MUQDISHO KAGA DHAWAAQDAY MAXKAMAD LAGU MAGACAABO MAXKAMADDA HIRGELINTA
SHAREECADA ISLAAMKA EE AL-HUDAA
July 17, 2006: Beesha
Sheekhaal oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Magaalada
Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta
magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday maxkamad, taasoo lagu magacaabo
Maxkamadda Hirgelinta Shareecada Islaamka ee Al-hudaa isla markaana ku
biirtey midowga maxkamadaha.
Kulan ka dhacay
xaafadda Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayna ka
qeyb galeen masuuliyiin ka socotay Midowga maxaakiimta islaamiga,
culimaa'udiin, waxgarad iyo marti sharaf lagu casuumay ayaa qoraal loo
qaybiyay saxaafadda waxaa lagu sheegay in kaddib markii beeshu ogaatay
baahida ay u qabto maxkamad islaami ah ayey beeshu isu taagtay inay ku
dhaqaaqo howshan qeybaheedakala duwan oo ay ka kooban tahay sida:
culimaa'udiinka, Ganacsatada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka,
dhallinyarada iyo haweenka beesha Sheekhaal ayaa waxay go'aansadeen inay ku
dhawaaqaan maxkamad islaami ah, waxayna beeshu soo saartay qodobbo ka kooban
7 oo kala ah:
-
In Hirgelinta ku dhaqanka shareecada
Islaamka ay waajib tahay.
-
Inay xalliso wixii khilaafaad ah ee
beesha dhexdeeda ah.
-
Maxkamaddu waxay si toos ah ula howl
geli doontaa midowga maxkamadaha islaamiga, waxayna ka qeyb qaadan
doontaa difaaca diinta iyo dalka.
-
Maxkamaddu waxay wax ka qaban doontaa
ammaan darrida deegaannada beeshu ay degto.
-
Maxkamadda Al-huda waxay ka mi tahay
Midowga maxaakiimta islaamiga, waxayna ballan qaadaysaa inay dhaqan
celiso maleeshiyooyinka una furto tacliin.
-
ugu dambeyn waxay maxkamaddu xil gaar
ah iska saareysaa ammaanka deegaannada u dhexeeya Jilib ilaa Xaramka oo
ah deegaannada sida gaarka ah beesha Sheekhaal ay u degto.
Furitaanka
maxkamaddaas waxaa ka hadlay guddoomiyaha golaha Difaaca iyo midnimada
Qaranka Soomaaliyeed Sheekh Xasan Max'ed Axmed, wakiilna ka ahaa
guddoomiyaha golaha maxaakiimta Islaamiga sheekh Shariif Sheekh Axmed,
wuxuuna sheegay in beesha Sheekhaal looga baahan yahay inay horseed ka
noqoto howlaha ka socda dalka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo is
beddelka siyaasadeed ee ku soo kordhay qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna ka
digay inaan qabiilna la siyaasadeyn, siyaasadna aan la qabiileyn ee layska
ilaaliyo, wuxuuna kula dar-daarmay in culimaa'udiinka beesha iyo
ganacsataduba ay hormuud ka noqdaan howlaha haatan socda.


Munaasabadda ku
dhawaaqista waxaa kaloo ka hadlay Khaliif Xuseen C/laahi oo ku hadlayay
magaca guddiga dhaqanka ee beesha Sheekhaal iyo guddoomiyaha maxkamadda
hirgelinta shareecada Islaamka ee Al-hudaa Sheekh Xasan Axmed Max'ed,
kuwaasoo sheegay inay la jaan qaadaan howlaha xasaasiga ah ee dalka ka socda
beeshuna ay tahay beel lagu yiqiin mar walba inay horseed u noqoto fidinta
diinta islaamka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxayna ballan qaadeen
inay shacbiga ugu shaqeyn doonaan si daacad ah.
Waxaa sidoo kale
munaasabaddaas ka hadlay oo ku hadlayay magaca ganacsatada Xuseen Sheekh
Nuur oo ballan qaaday in hiil iyo hooba ay la garab istaagi doonaan
ganacsatada beesha hirgelinta maxkamadda.
Maalmahaan danbe ayaa
waxaa magaalada mugdisho ku soo badanayaa furintaanka maxakadaha islaamiga
ah tani iyo intii ay magaalada mugdisho gacanta ku dhigeey midoowga maxadaha
oo ay ka awood roonaadeeyn isbaheeysiga la dagalaan argigixisada oo noqday
hal haaday iyo hal la heebshay ka dib markii la tusay dagaal aan hore aan
loo arag , oo ka duwan kii ay lix iyo tobonka sano ay isku hayeen ayaga
bulshada ku hayeen.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | July 19, 2006
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
|