Wararkii July 22, 2006
-
Dowladda Itoobiya oo
sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay gasho wadan Carbeed..
-
Dowladda Federaalka oo ku
kala qaybsantay Ciidamada Itoobiya..
-
Warar ku saabsan Ciidamada
Itoobiya ee soo galey soomaaliya..
-
Dowladda oo Ciidamada
Itoobiya kula talisay in…
-
Sheekh Shariif oo la
sheegay in uu dib ugu yeeranayo xubnihii ka joogey....
-
Golaha Maxaakiimta iyo
Isbahaysiga SNA oo uu socdo wadahadal...
Dowladda Itoobiya oo
sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay gasho wadan Carbeed..
Wargeys ka soo baxa
wadanka Itoobiya oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradda ayaa wax ka qoray
ciidamada Itoobiya ee galay gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna wargeysku
sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku xadgudubeen shuruucdii iyo axdigii u
yiilay Midowga Afrika iyo kan wadamada IGAD kaddib markii Ciidamadooda ay
amar la’aan iska galeen gudaha wadanka Soomaaliya. Wargeyska oo hadalkiisa
sii wata waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay galeen wadanka Soomaaliya
wax loogu yeeray sidii ay u difaaci lahaayeen Dowladda Federaalka, hase
yeeshee wargeyska isagoo soo xiganaya mas’uul ka tirsan Wasaaradda
Warfaafinta ee Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Aad baan ugu faraxsan
nahay in Ciidamada Itoobiya ay galaan wadan ka mid ah ama ku jira Jaamacadda
Carabta”, waxa kaloo uu sheegay in Wargeysku in ciidamad Itoobiya ee galay
Soomaaliya tiradoodu ay haatan gaareyso ilaa iyo 5-kun oo askari, waxa uuna
hoosta ka xariiqay in laga yaabo in ciidamada Itoobiya iyu kuwa Ereteriya ay
ku dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya iyagoo kala taageeray Dowladda
Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga. Xisbiyada Dalka Itoobiya ayaa horey
uga digay Dowladda Itoobiya aysan ku deg degin gelitaanka Ciidamada Itoobiya
ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in arrintasi ay keeni karto in Dadka
Muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalka Itoobiya ay kacaan kana xumaadaan
ciidamada Itoobiya ee galay Soomaaliya. Gen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ah
Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu
sheegay in aysan daah cidna ka saareyn in Ciidamada Itoobiya ay soo galeen
gudaha dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in
ciidamadaasi gelidii ay soo galeen Soomaaliya ay saameyn ku yeelan doonto
Wadamada Geeska Afrika, Yurub, Ameerika iyo jaamacadda Carabta, waxa uuna u
soo jeediyay Ciidamada Itoobiya ay si dhaqsi leh uga soo baxaan gudaha dalka
Soomaaliya.
Dowladda Federaalka oo ku
kala qaybsantay Ciidamada Itoobiya..
Ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha
dalka Soomaaliya horeyna u sheegay in ay difaaci doonaan Dowladda Federaalka
ayaa wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in Dowladdu
Federaalku ay si weyn ugu kala qaybsantay ciidamada Itoobiya ee soo galay
gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Baydhabo.
Qaarkood waxay sheegeen
in Dowladdii Federaalka ahayd ay magan u noqotay Dowladda Itoobiya, iyagoo
sheegay inay isaga bixi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan Magaalada Baydhabo,
waxaana ugu badan kuwa diidan Ciidamada Itoobiya, Xubnaha Golaha
Baarlamaanka.
Wasiir ku xigeenka War-faafinta
Salaad Cali Jeele ayaa gebi ahaanba dafiray in Ciidamada Itoobiya ay soo
galeen gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay ciidamada ay dadku arkeen
ay yihiin kuwo Soomaali ah oo laga keenay gobalka Gedo loona keenay
Magaalada Baydhabo tababar dhianca ciidamada ah.
Cabdi Cabdule Siciid (Jini
Boqor) oo ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay
in Ciidamada Itoobiya ee soo galay Baydhabo ay yihiin kuwo wata dano gaar
ahaaneed, isagoo sheegay in aysan ahaynba kuwa difaacaya Dowladdda
Federaalka.
Warar ku saabsan Ciidamada
Itoobiya ee soo galey soomaaliya..
Wararka ka imaanaya
Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in qaar ka mid ah dadweynaha magaalada
Baydhabo ay xaqiijiyeen in Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Magaalada
Baydhabo, lana dejiyay xero ay horey u degaanan jireen maleeshiyadii RRA-da
oo la oran jiray Ceel-Doon, waxayna sheegeen in ay wataan ilaa iyo 100 Gaari
oo tikniko ah, qaar kale waxay noo sheegeen in Ciidamada Itoobiya la dejiyay
meel ku dhow deegaanka Daynuunaay 20Km u jirta Magaalada Baydhabo.
Jeneraalka loo xil-saaray howlgalka ciidamada Itoobiya
ee soo galay Soomaaliya ayaa kulan saacado waxa uu la yeeshay Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxyana isla soo qaadeen qaabka
ay wada shaqeyn u dhexmari karto Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.
Calankii hore ee Itoobiya

Calanka cusub ee Itoobita
adopted 6 February
1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay
Soomaaliya ku jirtey burburka) sida kamuuqata sawirka sare waxaa
dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah.
Sida hoos kamuuqata Calanka
Soomaaliya
waa buluug xidig dhexda kagajirto.

Taariikhda
Calanka Soomaalida |

Websiteka W/A/D Itoobiya |
Siyaasadda
Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya iyo Calaamadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Itoobiya...
Wasaaradda
Arrimaaha Dibada Itoobiya ayaa websitekooda rasmiga ah ku daabacay qoraal ah
in "Soomaalidu
ku jiraan riyo maran oo ku saabsan Soomaaliya oo midaysan", waxana ay
websitekooda dhanka sare kaga sawireen khariidad ay Itoobiy aku darsadeen
qaybo kamid ah Soomaaliya, sida qaybo ka mid ah gobolka Gedo, Gobolada dhexe, Gobolada
Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed iyo dalka Jabuuti.. Febraayo 6, 1996 (oo ah
intii Soomaaliya ku jirtey dagaalkii ahliga ahaa) ayey ahayd markii Itoobiya
bedeshey calankeedii, kuna soo siyaadisey xiddigta shanta gees leh oo la
dhex geliyey calanka Itoobiya. [Eeg
calanka cusub ee Itoobiya iyo xilligii la sameeyey].
Qoraalka dheer ee ay Itoobiya ka qortay siyaasadeeda ku
aadan Soomaaliya waxa ay ku xustay sida ay u damacsan tahay adeegsiga
dekedaha Soomaaliya, si joogto ah, taas oo ay u malayneyso in ay taasi ku
hir geleyso xiriirka ay la leedahay dowladda cusub, si, ayay yiraahdeen, ay
u xidido saarto waxa ay ugu yeereen dhaqdhaqaaqyada nabad diidka ah ee ka
soo ankumaya Soomaaliya. Siyaasadda
Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya (inta ay si waadax ah u sheegeen) ee ay qortay wasaaraddooda arrimaaha dibadda
ka
akhri qoraalkan:
Ethiopia's policy towards Somalia
iyo
Ethiopia's policy towards Somalia Continued...
English::
Dhegeyso: itoobiya
waxa ay diidan tahay Guusha maxkamadaha Islaamiga..
Dowladda oo Ciidamada
Itoobiya kula talisay in…
War aanu ka helnay
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed diidayna magiciisa ahna
Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa waxa uu
sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Baydhabo,
waxa uuna sheegay in ay yihiin kuwo si aad ah u hubeysan.
Xildhibaankaasi waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka
ay kula talisay ciidamada Itoobiya in mar hore ay gacanta ku dhigaan
garoonka Diyaaradaha ee Ballidoogle oo uu sheegay in garoonkaasi uu yahay
garoon muhiim u ah arrimaha Ciidamada, kaasoo ciidamada u sahlaya weerarada
xagga xirka ah.
Golaha Maxaakiimta ayaa la sheegay in ciidamo aad u
xoogan ay haatan u fadhiyaan Garoonka Ballidoogle, maadaama dhawaan si rasmi
ah loogu wareejiyay Garoonkaasi oo markii hore ay lahaayeen Ciidamadii cirka
ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif oo la
sheegay in uu dib ugu yeeranayo xubnihii ka joogey....
Guddoomiyaha Golaha
Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay in uu warqad
qoraal ah u diray xubnaha Golaha Maxaakiimta ee ku sugan Magaalada Khartuum
oo halkaasi u jooga sidii ay wada hadal ula yeelan lahaayeen Dowladda
Federaalka.
Guddoomiyaha Golaha
Maxaakiimta Sheekh Shariif ayaa warqaddiisa qoraalka waxa uu ku sheegay in
xubnaha matalaya golaha Maxaakiimta ay si dhaqsi leh dib ugu soo laabtaan
Magaalada Muqdisho, maadaama ay Dowladda Federaalku dalka soo gaisay ciidamo
Itoobiyaan ah.
“Marnaba la
xaajoon-meyno Dowlad dabada ku wata cadowga Ummadda Soomaali-yeed” ayuu yiri
Sheekh Shariif oo sheegay in Golaha Maxaakiimtu aysan ka bixin ballantii
ahayd ka qaygalka kulanka Khartuum, balse ay si weyn uga soo horjeedaan
ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed
intooda badan ayaa si weyn uga soo horjeeda ciidamada Itoobiya ee ku soo
duulay gudaha dalka Soomaaliya, qaarkoodna waxay sheegeen in wixii haatan ka
dambeeya aysan aqoosaneyn Dowladda Federaalka ee martida u ah Ciidamada
Itoobiya.
Salaad Cali Jeele oo
ah wasiir ku xigeenka War-faafinta ayaa si weyn u dafiray in Ciidamo
Itoobiyaan ah ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in
ciidamada soo gaaray Magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamo laga keenay
Gobalka Gedo, kuwaas oo loo tababaro sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka
deegaanadii ay ka yimaadeen.
Golaha Maxaakiimta iyo Isbahaysiga SNA oo
uu socdo wadahadal...
Golaha Maxaakiimta ay
si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Muqdisho ayaa haddana waxay golaha
Maxaakiimtu isha ku hayaan xaruntii Madaxtoonyada ee Villa-Somalia iyo
waliba Idaacaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya oo haatan ay gacanta ku hayaan
Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid, waxaa lagu waramay in labada
dhinac uu haatan u socdo wada hadal la doonayo in Golaha Maxaakiimta lagu
wareejiyo xarumahaasi.
Mas’uul ka tirsan
Golaha Maxaakiimta ayaa waxa uu sheegay in Wada hadalku uu haatan marayo
meel aad u wanaagsa, miro dhalkoodana la dareemi doono maalmaha soo socda.
Isbahaysiga SNA ayaa
horey u sheegay in ay diyaar u yihiin in Golaha Maxaakiimta ay diyaar u
yihiin in ay ku wareejiyaan Villa-Somalia iyo xarumaha kale ee halkaasi ku
yaala.
Maalintii shalay/doraad
ahayd ayaa Golaha Maxaakiimta lagu wareejiyay Tikniko iyo kooxo maleeshiyo
ah oo ay lahayd Maxkamadda Islaamiga ah ee Siinaay taasoo haatan si rasmi ah
uga mid noqotay Golaha Maxaakiimta.
Golaha maxaakiimtu
marka ay la wareegaan dhamaan goobaha muhiimka u ah Gobalka Banaadir ayaa
waxaa la sheegay in ay dib u furi doonaan dibna u howlgeli doonaan dhamaan
saldhigyadii Booliiska, sidoo kale waxa ay Maxaakiimtu dadka degan ka saari
doonaan dugsiyadii Dowladdii hore oo haatan hoy ah dad aad u fara badan.