Guddoomiyaha
gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kormeer u kuur galid ah ku
tagay garoonka diyaarada qeybta Afisyooni ee magaalada Muqdisho....

Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ud Xasan Cali Cadde Gaabow, oo
ay la socdeen qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah, iyo madaxda xisbiga
dhaqdhaqaaqa nabadda gobolka Banaadir ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo
dhoweeyay guddoomiyaha golaha deegaanka Gobolka Banaadir Max'ud Cumar Toto,
masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir C/laahi
Xasan Ganey (Firimbi), qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka iyo haweenka
horseedka nabadda.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo
maalmahan ay ka socdeen howlo nadaafad oo ay wadeen guddigii dhowaan golaha
maxaakiimtu ay u magacaabeen iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah,
haweenka gobolka Banaadir, Ardayda wax ka dhigata dugsiyada Gobolka Banaadir iyo
dadweyne iskood isu xilqaamay oo ay soo jiidatay howlaha nadaafadeed ee laga
bilaabay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa
magaalada Muqdisho Max'ud Xasan Cali Cade Gaabow ayaa ku soo wareegay qeybaha
kala duwan ee garoonka diyaaradaha, ugu dambeyntiina wuxuu hadal ka jeediyay
garoonka diyaaradaha ciidamada Cirka ee Afisyooni, halkaasoo ay isugu soo
urureen dadweyne kor u dhaafay boqollaal ruux oo bannaanbaxyo looga soo horjeedo
faragelinta dowladda Itoobiya ku muujinayay cabashooyin, kaasoo ay ka dhex
muuqdeen masuuliyiinta gobolka Banaadir, saraakiil ka tirsan ciidamadii cirka ee
Qaranka Soomaaliyeed, ciidamada deegaanka dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir iyo
xubno kale.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gabagabadii
kormeerkaasi ka hadlay ayaa sheegay muhiimadda howlahan lagu fulinayo iskaa wax
u qabso iyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalka ku sugan yahay ayuu sheegay inay
tahay wax looga gudbi karo isku duubni iyo isku kalsoonaan dhex marta shacabka
Gobolka Banaadir isagoo sheegay in dib loo furay waddooyinkii kala xir-xirnaa
16-ka sano ee gobolka banaadir, ayna dhamaatay kala qoqobnaantii iyo xeyndaabkii
ay sameysteen hoggaamiyayaasha kooxaha, wuxuuna ka codsaday shacabka Muqdisho
inay labalaabaan waxqabadkooda.


Muqdisho iyo maanta...

Muuse
Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somalia
002521576666
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2006

|