SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wararkii July 24, 2006

  • Sheekh Xasan Daahir Aweys “Qanyare waxa uu hoosta ka galay Cadddowgii uu u shaqeynayey…”

  • Wafdi Liibiyaan ah oo marti u ah Maxaakiimta..

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh oo shalay ka soo degey Magaalada..

  • Maareeye “Wax ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaaliya ma jiraan..”

  • Muxuu ku dhamaaday kulankii C/llaah Yuusuf , Shariif iyo Geedii..

  • Sheekh Shariif oo shacabka ugu baaqay in ay iska difaacaan..


Sheekh Xasan Daahir Aweys “Qanyare waxa uu hoosta ka galay Cadddowgii uu u shaqeynayey…”

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Itoobiya oo uu sheegay in ay tahay caddowga Ummadda Soomaaliyeed. “Cidna daah kama saarna in Itoobiya ay soo gashay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Ciidamadaasi soo galiyey dad weligood u shaqeyn jiray Dowladda Itoobiya” ayuu yiri Sheekh Xaan Daahir Aweys oo sheegay in Maxaakiimta ay weli diyaar u yihiin in ay la hadlaan Dowladda Federaalka. “Iyadoo la dagaalamayo ayaa haddana la wada hadli karaa” ayuu yiri sheekh Xasan oo sheegay in Dowladda Federaalka meel kasta ay diyaar u yihiin in ay kula kulmaan.


[:: XABSIGA THAILAND oo lagu ilaawey saddex ka tirsan askarta daraawiishta DGPL:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]


Mar uu ka hadlayay Xaaladda Max’ed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in Max’ed Qanyare uu ka baqday heshiis la doonayay in uu ku wareejiyo hubka, isagoo sheegay in uu baxsaday ama uu hoosta ka geliyay Coddowgii Ummadda Soomaaliyeed ee uu horey ugu shaeyn jiray. “Waa Illaah mahaddii haddii dhibkiisii uu kala tegay Gobalada Dhexe, balse waxaan u sheegeynaa in xubnaha isku uruursanaya Qurac Joome ee ka haray Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada aan halkaasi ugu tagi doono”. Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu u mahadceliyay Allaah, kaddibna shacabkii gacanta ka gaystay in ay iska bixiyaan kooxihii dhibaatada ku hayay Shacabka Soomaaliyeed. Mar uu ka hadlayay in maamul loo sameynayo Gobalada Banaadir, waxa uu Sheekh Xasan Daahir yiri “waxaa socda la tashiyo aan la yeeleyneyo Odoyaasha, Waxgaradka, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Dhallinyarada, si halkaasi looga helo fikrado kala duwan oo ku aadan qaabka ugu haboon ee maamul loogu sameyn karo Gobalka Banaadir.

Wafdi Liibiyaan ah oo marti u ah Maxaakiimta..

Waxaa maalintii shalay ahayd Garoonka Balli Doogle ka soo degay wafdi ka socday wadanka Liibiya oo uu hogaaminayay nin lagu magacaabo Dr. Ramadaan, waxaana wafdigaasi halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Wafdigaani ayaa la filayaa in ay maanta kula la yeeshaan Golaha Maxaakiimta, waxaana la sheegay inay Muqdisho u yimaadeen sidii ay u indha-indheyn lahaayeen Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo is bedelka cusub ee ku soo kordhay Magaalad Muqdisho, waxaana la filayaa in ay booqdaan goobo muhiim ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Wafdigaani ayaa la garaneyn in ay u dhaqaaqi doonaan dhinaca Magaalada Baydhabo oo ay degan tahay Dowladda Federaalka, waana wafdigii labaad oo ka socda Dal carbeed oo yimaada Magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan yimid Muqadisho wafdi ka socday ururka Jaamacadda Carabta.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh oo shalay ka soo degey Magaalada..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Dowladda Federaalka waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd dhowr Diyaaradood oo ay leedahay Dowladda Itoobiya ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana Tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 300 oo Askari iyagoo ku biiray kuwo halkaasi horey u joogay.

Inkastoo Dowladda Federaalka ay dafirtay in wax ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Gudaha Dalka Soomaaliya, hadda Dadka ayaa waxay xaqiijiyeen in Ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin dhowr gooood oo ka tirsan Goablada Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen in ay wataan hub aad u fara badan.

Sidoo kale Maalintii shalay ahayd ayaa Garoonka Diyaaradaha ee gobalada Bakool waxaa iyana ka soo degay labo diyaaradood oo kuwa Milatariga ah oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya, waxayna sideen hub iyo sahay kala duwan oo la sheegay in loogu talagalay Ciidamada.

Maareeye “Wax ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaaliya ma jiraan..”

Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo ah wasiirka War-Faafinta Dowladda Federaalka ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada ayaa waxa uu si kulul u beeniyay wararka sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

“Wax ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Gudaha wadanka Soomaaliya, Dowladdu kama war qabto” ayuu yiri Maareeye oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay saxaafadda ku martiqaadayaan in ay soo eegaan Goobaha lagu tuhmi karo in ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.

“Waxa ay dadku arkeen waa ciidamadii laga keenay Gobalada Gedo ee tababarka loo keenay Magaalada Baydhabo, waxayna ciidamadaani qayb ka yihiin ciidamo Soomaali ah oo laga soo uruurinayo dhamaan gobalada Soomaaliya’ ayuu yiri Maareeye oo saxaafadda u soo jeediyay in ay qoraan warar xaqiiqda ku dhow, hase yeeshee dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxay ka wada dheregsan yihiin in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya

Muxuu ku dhamaaday kulankii C/llaah Yuusuf , Shariif iyo Geedii..

Waxaa kulan saacado qaatay Magaalada Baydhabo ku yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isul Wasaare, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimo la xiriira Shirkii Khartuum ee Dowladda Federaalku ka baaqatay, iyo sidii la isaga difaaci lahaa Golaha Maxaakiimta iyo qodobo kale oo la xiriira keenista Ciidamo Shisheeye.

Sheekh Shariif ayaa isagu si weyn uga soo horjeestay in laga baaqdo kulanka Khartuum, isagoo sheegay in Dowladda Federaalku ay tahay dowlad dibuheshiisiineed, sidoo kale waxa uu dhaliilay qaabka ciidamada shisheeye loo keenayo Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi oo iyagu isku dhinac ah ayaa Guddoomiyaha u sheegay in sababaha ay Dowladdu ugu baaqsaday kulankaasi ay tahay kaddib markii Maxaakiimtu ay ka baxeen qodobo horey loogu heshiiyay, maanta ayaa la filayaa in mar kale ay isugu yimaadaan, waxayna dadka qaar ay sheegeen in ay muuqato saan saan kala qaybsanaan u dhexeysa mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda.

Sheekh Shariif oo shacabka ugu baaqay in ay iska difaacaan..

Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen caddowga Ummadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu yahay Dalka Itoobiya.

“Ciidamada Itoobiya waxa ay ku sugan dhowr gobol oo ka tirsan dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay ka wadaan howlo iyaga u gaar ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka luga jiideyso in xaaladda Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdigii Golaha Maxaakiimta oo mudo Todobaad ah ku maqnaa Khartuun.

Xus loo samayyey Geeridii Ismaaciil Jimcaale iyo maalinta...

 

    Maalinta dorraad ahayd Hotel Ambaasadoor waxaa ka dhacday xaflad si heer sare loo soo agaasimay  oo isugu jirtay labo Manaasabadood oo kala ah Geeridii Allaha u  Naxariistee Ismaaciil Jimcaale oo ka soo wareegtay 16-sano iyo maalinta xaquuqda Aadanaha soomaaliyeed waxaana xafladaas ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay Madaxa Baarista ee Xarunta Ismaaciil Jimcaale C/laahi Calas Jimcaale  wuxuuna halkaas ka aqriyey farriintii hay’adda Amnesty international  Waxay Xambaarsaneyd Fariintaas Sidii loo ilaalin la haa xaquuqda Aadanaha ee soomaaliya waxayna hay’adda u Mahadcelisay xarunta Ismaaciil Jimcaale oo  ayadu si weyn isugu howshay sidii u uruurin lahayd Tacdiyadii ka dhacay Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay C/laahi Maxamed Shirwac oo asna ku booriyry ururada bulashada rayidka inay qayb ka qaataan sidii loo adkayn lahaa nabadda ka dhalatay Magaalada Muqdisho iyo waliba sidii ay uga hortigi la haayeen in dagaal dambe ka dhaco,

 

Gudoomiyaha Gobalka  Banaadir Cadde Gaabow oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in bulshada ku nool Gobol Banaadir ay ka qayb-qaataan sidii ay u xajisan lahaayeen Nabada ka soo  iftiintay Magaalada Muqdisho waxaa kaloo ka hadlay Maryan Xuseen Owreeye oo ayana halkaas ka soo jeedisay xadgudubyadii dhacay 22-kii luulyo 2005 illaa 20kii Luulyo 2006, waxayna sheegtay in xadkudub yadaas ay gaarayaan 265,  Tirada isticmaalka xoog siyaada ah 417, tirada dadka la faraxumeeyey 20,iyo tirada dadka la afduubay oo iyana gaaraysa 17.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2006

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland oo Lagu soo Qaaday meel marinta Sharciga Caasimada Garoowe
Sharciga Caasimada Puntland ee Garoowe Yuu Gacanta ugu Jiraa AKHRI

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir...
ayaa kormeer u kuur galid ah ku tagay garoonka diyaarada qeybta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.... AKHRI... July 23

Sheekh Shariif oo la sheegay in uu dib ugu yeeranayo xubnihii ka joogey Khartuum
»Maxaakiimta iyo Isbahaysiga SNA oo uu socdo wadahadal..
»Dowladda Itoobiya oo ku faraxsan tahay in ay gasho wadan
»DFKMG oo ku kala qaybsantay Ciidamada Itoobiya..
»Warar ku saabsan Ciidamada Itoobiya ee soo galey dalka
»Dowladda FKMG oo Ciidamada Itoobiya kula talisay in…
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 22

C/lahi Yuusuf oo aan Saxiixin Heshiiskii Puntland & Range Resources...
ayaa ku laabtay Baydhabo arrintaas oo.... AKHRI July 21

Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...


Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika, jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay... Warbixin....


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD