 |

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian
Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd
arrimaha Afrikaanka, taas oo uu
July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga
socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood
soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee
dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

[:: XABSIGA THAILAND oo
lagu ilaawey saddex ka tirsan askarta daraawiishta DGPL:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 ] |
|
Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dugsiga
H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi oo ka dhacday xarunta Dugsiga
Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dugsiga
H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi oo ka dhacday xarunta Dugsiga oo ku
taalla Degmada H/wadaag.
Furitaanka xafladdaasi ayaa waxaa aayado
Qur'aan ah ka akhriyay C/fitaax Max'ed, kaddib waxaa wacdi baraarujin ka
soo jeediyay Sheekh Max'ud Taag, waxaa kaloo codka macallimiinta Dugsiga
ku hadlay C/kariin Tuuryare, kaasoo ku dheeraaday faa'iidada ay leedahay
waxbarashada.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay wakiil
ka socday midowga maxaakiimta islaamiga oo lagu magacaabo Cabdi Aadan
Barrow, wuxuuna ka halay muhiimadda ay nabaddu u leedahay waxbarashada,
isagoo xusay in nabad la'aanteed aysan waxbarasho suurto gal aheyn.
Xafladdaasi furitaanka dugsiga waxaa ka
hadlay wakiil ka socday dalladda waxbarashada SAFE Sheekh Xuseen Calas.
Waxaa sidoo kale xafladda furitaanka
dugsiga ka hadlday maamulaha Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi
C/xaliim Max'ed Sheekh oo isna ka warramay muhiimadda ay waxbarashadu u
leedahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in macallimiinta iyo
maamulkuba ay xoogga saari doonaan sidii ay ardayda aqoontooda kor ugu
qaadi lahaayeen, wuxuuna ballan qaad buuxa ku bixiyay in intii
karaankooda ah ay ku dadaali doonaan sidii ay aqoon ku filan u gaarsiin
lahaayeen bulshada, wuxuuna ka codsaday waalidiinta ardayda iyo guddiga
deegaanka inay gacan ka geystaan meel marinta hadafka laga leeyahay
waxbarashada ardayda.
Xafladdaasi oo si heer sare loo soo qaban
qaabiyay isla markaana uu xiriirinayay Macallin C/qaadir Sheekh Dheeroos
ayaa gabagabadii waxaa warbixin ka jeediyay Guddoomiyaha mu'asada
dugsiga dhistay Eng. Xasan Cabdulle, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa:
Dugsigan waxaa dhisay oo maal geliyay
hay'adda UNHCR oo ka mid ah internatinal Agencies waxaana maal gelinta
bixiyay ninka Xamar wakiilka uga ah hay'addaas, waxay bixiyeen qarash
dhan 29454 doolar, waxaa lagu dayactiray oo shaqada qabtay oo dhaqan
geliyay hay'adda SAHDO Somali Action For Humanitarian & Development
Organization, waxaa guddoomiye ka ah Eng. Xasan Cabdulle Max'ud, shaqada
dhismaha dugsiga waxay socotay afar bilood, wuxuuna ka kooban yahay 12
fasal, lix musqul iyo maqaayad iyo masaajid, sidaas darteed waxaa dhaqan
geliyay howsha tan oo kaalin weyn ka geystay maadaama goobta dugsiga la
dhisay ay ka mid tahay goobaha ugu xun ee dagaalku saameeyay Guddiga
deegaanka oo uu guddoomiye ka yahay Axmed Siciid ku xigeenkiisana uu
yahay Cumar Max'ed shariif.
Guddoomiyaha Mu'asada Dugsiga H/dhexe ee
Xasan Qariidi Eng. Xasan Cabdulle Max'ed waxa uu u mahad celiyay guddiga
deegaanka iyo dadka deegaanka kaalinta mugga leh oo ay ka qaateen
dhismaha dugsiga, waxaa intaa dheer dhismaha dugsiga waa la
dhameystiray, xafiiska dugsiga waa la qalabeeyay, kuraasta iyo miisadaha
waa diyaarsan yihiin, dugsigana waa furan yahay saacaddan laga bilaabo.
Muuse
Maxamuud Jiisow
Muqdisho
Somalia
Somali39@hotmai.com
002521576666
Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2006
|