Banaan bax ballaaran oo looga
soo horjeedo fara gelinta dowladda Itoobiya oo ka dhacay Garoonka K/cagta
Stadium Banadir
Banaan bax ballaaran oo ay
ka qeyb galeen masuuliyiinta midowga maxaakiimta iyo kuwa gobolka Banaadir iyo
dadweyne aad u fara badan oo looga soo horjeedo fara gelinta dowladda Itoobiya
oo ka dhacay Garoonka K/cagta Stadium Banadir..
Bannaan baxan oo ay ka hadleen
masuuliyiin fara badan ayaa ka warramay ujeedooyinka loo soo qaban qaabiyay iyo
sida loogu baahan yahay in loo taageero guulaha Midowga maxaakiimta ay ku
tallaabsadeen iyo in si weyn loogu cambaareeyo faragelinta qaawan oo ay dowladda
Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sheikh Shariif oo ka hadlaya
bannaanbaxa
Sawir Qaade: Muuse
Maxamuud Jiisow |
Guddoomiyaha Midowga
maxkamadaha islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa ku
dheeraaday taariikhda soo jireenka ah ee dowladda Itoobiya ay mar walba ku hayn
jirtay arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo guulaha maxaakiimta ay ku
tallaabsadeen, wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay "walaalayaal waxaad la socotiin
xaaladda uu maanta dalku marayo iyo caalamka meesha uu maanta taagan yahay,
waxaad la socotiin Muslimiinta dhiigooda, maalkooda iyo sharaftooda in la
banneystay, arrintaasi waa arrin khatarteeda leh, loona baahan yahay in dadka oo
dhan ay fahmaan, waxaad la socotiin waxa ka dhacaya Carriga Falastiin iyo
caalamka sida uu dhagaha uga fureystay, waxaad la socotiin sidoo kale Lubnan
waxa ka dhacaya, maanta caalamkii ahlu shar ayaa hoggaaminaya, waxayna u
jiidayaan dhinaca sharta iyo inay dhibaato geliyaan dadka masaakiinta
Muslimiinta ah ee guryahooda ku nool in madaafiic lagu tuuro oo lagu duulo..
maxay halleeyeen Muslimiinta? Waxay yiraahdeen Muslimiin ayaan nahay oo kaliya
ayaa lagu dilayaa... haddii aan soo qaato waxyaabaha cadcad ee jira Soomaaliya
intii ay dhibaatadu ka jirtay 16-kii sano waxba lagama sheegi jirin, laakiin
markii ay shacbiga Soomaaliyeed ay sameeyeen kacdoon oo dadkii magaalada
Muqdisho degganaa ay is abaabuleen ay bilaabeen howl gallo ay uga soo horjeedaan
jidgooyooyinka, afduubyada iyo dhibaatooyinka kale ee faraha badan ee ka jira,
waxaa la bilaabay in la yiraahdo argagaxiso ayaa ka jirta dalka, ujeedaduna
waxay tahay in la hagar daameeyo ummaddaas. Oo ay san horey u dhaqaaqin markii
ilaahey uu guuleeeyey umadaan oo ninmankii 16 ka sono hortaagna ilaahey uu ka
guuleeyey oo ay magaaladii isu furan tay oo airporkii la furey dekadii la furay
waxyaabaha la sameeyey waxaa ka mid ah in la yiraahdo cunaqabateyntii hubka waa
la fududeeyey waana la qaaday in eithopiya ay waxaan jirin ku marmarsooto
ciidamo farabadane soo geliso waxaad la socotiin maxaakiimta islaamiga si nabada
loo dhaliyo in ay wadahadal ugu baaqeen dowlada in suudaan la isgu tegay wejigii
horeba si wanaagsan la isugu afgartey markii wejigii labaad la soo gaaray ee
balantii la soo gaarey oo la rabey in bantii kharduun la aado waxaa koogu
jawaabey in eithopiyaan ah ay dalka soo galaan arimaahsi wax iska dhacaayo maaha
ee waa wax qorsheysan oo ku talagal loo sameeyey oo la rabo in aysan somaliya
weligee degin aysana helin kala danbeyn sharci iyo nidaan dowladeed, waxaasoo
dhanna waxa loo sameynayo waxa weeye in dalkan inta ka hartay Itoobiya gacanta
loo geliyo.
 
Calanka Itoobiya oo la gubayoSawir
Qaade: Muuse
Maxamuud Jiisow |
"Ilaahay weyn ee markii
Soomaaliya shanta loo qeybinayay joogay hadda markii hoggaamiye kooxeedyada
lacagta la soo siinayay ee la soo yiri soo baabi'iya waxa yar oo magaalada Ka
jirana guusha naga siiyay waa noo joogaa, Itoobiya dhul nagama qabsoon doonto
Insha Allaah Tacaalaa, ku jiridda dalkeena ay ku jirtana way ka shallaayi
doontaa. Waxaan idiin sheegayaa walaalayaal, ciidamada maxaakiimta islaamiga
inla diyaariyay inay howlahooda si wanaagsan laysu duba rido oo qaab ciidan loo
diyaariyay loona qeybiyay ciidamo nabadda suga iyo ciidamo difaaca dalka, iyagoo
kaashanaya Alle iyo shacabkooda, waxaana idiin sheegaynaa dhammaan ciidamada
qalabka sida inay diyaar garoobeen, labadana ciidanna ay wada shaqeyn doonaan,
waxaan idiin sheegayaa in shacbiga Soomaaliyeed ay dhammaantood og yihiin waxa
ka socda magaalada Muqdisho, sidoo kale inaan maanta caalamka isku mowqif ka
taagneyn waxa ka jira Soomaaliya waad la socotiin, Soomaalidu waxay leeyihiin
rag qaddiyadooda aaminsan oo caalamka ka tirsan iyo dad ka soo horjeeda,
arrintaas darteed iyada ayaa guul oo in la milicsado ay tahay.. walaalayaa,
Soomaalidu meel kasta oo ay joogto waxaa la gudboon inay xaqaa'iqa gartaan, una
diyaargaroobaan sidii ay u difaaci lahaayeen diintooda iyo dalkooda, in
khilaafkii yar-yarka ahaa laga gudbo, in maanta dareen Muslinimo iyo dareen
Soomaalinimo la muujiyo, qof walbaana gunta uu dhiisha isaga dhigo dal iyo dibad
meeshii la joogaba.

Sawir Qaade: Muuse
Maxamuud Jiisow |
"Walaalayaal waxaan wada
hadalka u fureynay oo nabadda aan u raadinaynay oo dowladda u aqoonsaneynay
ujeedadeenu waxay aheyd inaan dalka Soomaaliyeed cadow shisheeye ka faa'ideysan
oo aan amxaaro soo gelin oo aan qolo soo gelin oo aan loo baahan cidna oo
Soomaali ay wada hadasho, waxna meel wada dhigato, laakiin arrintaasi waxay u
muuqataa inaan loo jeedin, si aan marmarsiiyo loo helin weliba waxaan u
sheegaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelay joogaan iyo caalamka in
maxaakiimta Islaamka ay wadahadal diyaar u aheyn, in qaddiyadda la kala furo oo
qaddiyad Soomaali u dhexeysa iyo mid xabashi iyo Soomaali u dhexeysa, arrinta
Itoobiya haddii aan si qoto dheer horay u sii galo, waxa idiinla dagaalamaya
Itoobiya oo dhan, waxa meesha socdaa waa labo qolo, niman la yiraahdo tikree oo
deggan waqooyiga Itoobiya oo ninkii lacagtiina wax ku bartay uu hoggaaminayo
Meles Zenawe, abaalkeeda Soomaaliya maanta wuxuu ugu guday inuu intii hartay
qabsado, shacabka Itoobiya dhammaan meel ay joogaan waa ay dhibaateysan yihiin,
caddaalad darro iyo nidaam xumo ayaa ka jirta, qawmiyaadka deggan dhammaantood
Itoobiya waa dulman yihiin, waxa u talinayana waxa sedax Milyan oo Tigree,
sidaas darteed shacbiga Itoobiya waxaan u sheegeynaa Meles Zenawe inaan lagu
kaalmeynin dulmiga uu ku sameynayo deriskiisa oo Soomaaliya ah, Qowmiyadda
Tikreegana waxaan u sheegeynaa inay nabad ku joogaan dalkooda, ciidamadoodana
kala baxaan dalka Soomaaliya, qolada labaadna waa qolo la soo kireystay oo been
loo sheegay, waxyaabo aan jirinna loo ballan qaaday oo la marin habaabiyay, mana
doonayo inaan magacooda sheegno, laakiin xabbadda meeshaad ka rideysiin iyo
meeshaad ku rideysiin kala garta, dan idinkuguma jirto idinkoo Itoobiya ama
taliskaas Tikree wakiil ka ah inaad Soomaaliya ku dhimataan, Maxaakiimta
Islaamiga ah waxay diyaar u yihiin inay la hadlaan cid kasta oo wax ka
tabaneysa, wax walba oo khilaaf ahna lagu dhameeyo wada hadal, waxay ka soo
horjeedaan in la adeegsado awood, in loo adeegsado ciidamo Shisheeye Soomaaliya
meeshey doonaan ha ka yimaadeene, walaalayaal arrintaas waxa loo sameynayana waa
in lagu wiiqmo oo nalaga mashquuliyo horumarkii aan sameyn laheyn, waxaad la
socotiin in magaalada Muqdisho ay ka bilaabatay howlo nadaafadeed, waxa abaabul
loogu jiraa sidii loo sameyn lahaa waxna looga qaban lahaa arrimaha caafimaadka,
tacliinta sidii kor lougu qaadi lahaa, amniga sida loo sugi lahaa, sidii ummadda
laysugu laab xaari lahaa oo Soomaaliya hal meel uga soo wada jeesan laheyd, si
arrimahaas nalooga mashquuliyana waxaa gudaha dalka la soo geliyay ciidamo
shisheeye, sidaas darteed waa inay socdaan howlaha oo dhan, Soomaaliyana Ilaahay
wuxuu ku maneystay inay leedahay wax howlahaas qabta iyo wax dalka difaaca,
haddii dhammaantood u diyaar garowno inaan shaqeeyo Ilaahay (SW) garab ayuu nagu
siinayaa.

Sawir Qaade: Muuse
Maxamuud Jiisow |
Gudoomiyaha maxaakiimta
islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qudbaddaasi ku dheeraaday waxa kale oo
uu ka hadlay dadaalka maxaakiimtu ay ugu jiraan in maamul loo dhiso Muqdisha,
taasoo u baahan dadaal, aqoon dheer, xikmad, karti iyo garasho, aqoonyahano
Soomaaliyeed daraasad ay sameeyeen waxay soo saareen fashiladii dhacayay inay
salka ku hayeen aqoon darro maamul, marka waxaan ka shaqeyneyno waxa ay yihiin
inaysan aqoon darro maamul aysan dhicin, ummaddaas Soomaaliyeed cid danahooda
fulin karta oo ay ku kalsoon tahay in loo dhiso inay lagama maarmaan tahay
maxkamaduhu aad u dareensan tahay, waana la soo gabagabeyn doonaa insha Allaah
sida ugu dhaqsiyaha badan, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in qabyaalad
iyo nin jecleysi meel layska dhigo, maslaxadda ummaddana aan horay soo marino,
dadkii aan howl u dhiibanana dhammaanteen in uu na matalo, waajibna ayayna ku
tahay inuu ka shaqeeyo maslaxadda, dalkeena waxa uu u bur-burayna waa caddaalad
darro iyo dhibaato ka jirta, waxa aan ku badbaadin karnana waa caddaalad,
haddaan caalad la helinna sidii ayay u jireysaa dhibaatada, deg-degna looma
baahna, howlaha socdana waa kuwo culus, waxaana loo baahan yahay degganaan,
tallaabta ugu horreysa ee aan ku dhaqaaqeynana waa in guryaha dadka ee lagu jiro
waa in laga baxaa, beeraha dadka laga haysto waa in looga baxaa, dulmi nin
kastoo sameeyow Ilaahay uga laabo, howlahaasna waa howlaha ugu horreeya ee
maxkamadaha Islaamiga mudnaanta koowaad siinayaan, waxaana jirta in Soomaali oo
dhan ay xaggiina soo fiirineyso maadaama magaalo madaxdii dalka ee Muqdisho aanu
joogno, waxaana loo baahan yahay arrimahaas oo dhan in sida ugu dhaqsiyaha badan
loo fuliyo, waxaana isu dar-daarmaynaa inaan is cafino, midnimada iyo jiritaanka
Soomaaliyeedna aan ilaalino" ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Abu mansuur ooka hadlaya bannaanbaxa
Sawir Qaade: Muuse
Maxamuud Jiisow |
Waxaa kaloo isna bannaan baxaa
ka hadlay Sheekh Mukhtaar Roobow (Abu mansuur) oo ah guddoomiye ku xigeenka
Guddiga Fulinta ee midowga maxaakiimta islaamka, wuxuuna yiri " Ethiopia waa
cadow soo jireen ah oo waligeena nala dagaalami jirey waxaana ogsonahay in aan
ka adkaan jirney hada ka hor iyaga iyo shacabkeena ayaa dagaalamay dhulkaan
hada dhulkaaan oo dhan ethiopia ayaa laga qabsaday oo laga saaray,
mujaahidiinta Soomaalidu waxay gaareen Gobolka Kansala hadda dhahee Suudaan ka
tirsan, haddii daandaansiga iyo edeb darrida ah aysan joojin, dadkii sidaas wax
yeelay awoowayaasheen bay ahaayeen, caruurtoodii baa joogta, wixii baa qoran oo
taariikh ahaan baa loo hayaa, meesha ay shalay gaareen bay insha Alaahu gaari
doonaan, Wa maa daalika Calalaalhi Bicasiis, cadowga Itoobiya waxaan leenahay
dalkayaga ka baxa idinma rabnee, haddii kale shacabka Soomaaliyeed dhamaantood
waa mutadawiciin u diyaar ah inay diintooda iyo dalkooda inay difaacaan, waxaana
leenahay waxa meeshan jooga dad mutadawiciin ah oo jecel inay dhintaan,
diintooda iyo dalkooda ay u dhintaan, sidaas idinku u jeceshihiin nolosha kuwa
geerida u jecel ayaa jooga oo diyaar ah inay dalka idiinka saaraan, waxaa diyaar
noo ah kuwa jannada u deg-degaya sida aad naarta ugu deg-degeysaan, waxaa diyaar
noo ah kuwa inay diinta ku shahiidaan diyaar u ah, oo markay shahiidaan soo
carfaya sidaad u soo ureysaan markaad bakhtisaan, waxaa naga go'an naf iyo
maalba inaan gelino sidii aad uga bixin laheyd dalkeena, jus ka mid ah oo weyn
baad haysateen, oo aan idiin ku haysanaa ma aqbalayno inaad intii hartay ku
darsataan, haddaad rabtaan Bay & Bakool iyo Gedo inaad ka dhigataan killin 6aad,
7aad iyo 8aad waan diidnay, mana aqbalayno insha Alaahu idinkoo dulleysan ayaad
baxaysaan, haddaad iska qarineysaan saxaafadda caalamka oo aad leedihiin dalkaas
ciidamadeena ma joogaan maxaabiistiina la soo qabtay ayaan saxaafadda soo
horjoojineynaa, maalintaas ayaad ceeboobeysaan, Yowma'idin yafraxuunal Mu'minuun
binasrilaah yansuru man yashaa, annaga waxaan hubnaa Ilaahay wuxuu noo ballan
qaaday inay imaan doonaan, Ilaah baa na amray inaan idiinla dagaalano, allaa na
yiri: Qaatilluuhum yucadibhumulaah bi'aydiikum wa yukhzihum wa yunsurkum
caleyhim, aayadaas seddax arrimood buu Ilaahay noogu ballan qaaday, Alla
gacmihiina ku cadaabaya, waan aaminsanahay ilaa baa gacmaheena idinku cadaabi
doona, Ilaahay wuxuu: Allaa hoojinaya oo dulleynaya, waan aaminsanahay in Sida
uu Rabigeen ballan qaaday inaad dulloobeysaan, wuxuu yiri ilaah: waan idiin
hiilinayaa, waana aaminsanahay in Rabbigeen noo hiilinayo, intuu na amray baan
sameyneynaa intuu noo ballan qaadayna isaga ayaan ka sugeynaa.. allaahu Akbar..
wal cizatu Lillaah.

Sawir Qaade: Muuse
Maxamuud Jiisow |
Sidoo kale waxaa dadkii
halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Golaha Kacdoonka bulshada
Sheekh Saciid Geelle, Guddoomiyaha Golaha Baraarujinta Yaxye sheekh
Ismaaciil,Guddoomiyaha Maxkadda Al-Irshaad Sheekh Faarax Cali Xuseen iyo
abwaanada kala Abshir Nuur Bacadle , Cismaan Guure iyo Taakoow Macalin Ciise .
waxaana ugu danbayntii isku soo baxaan lagu gubay calanka Dowladda Itoobiya
iyadoo midka Mareykankana Lugta lagu xirtay.
Banaanbaxaan oo ay soo qaban
qaabiyeen Golaha kacdoonka difaaca diinta iyo dalka iyo Maxkamadda Al-Irshaad
ayaa wuxuu ku soo idlaatay sidii loogu talagalay waxaana xagga amaanka goobta
uu ka dhacay banaanbaxa sugaayay maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga ee
Muqdisho .Banaanbaxaan ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho iyo goboloda
u dhow dhow ay gacanta ku hayaan Golaha Maxaakiimta Islaamiga.
Gabagabadii banaan baxaasi
waxaa lagu gubay barxadda weyn ee Stadium Konis calanka Itoobiya iyo kan
Mareykanka oo dab la qabadsiiyay, mana ahan markii ugu horreysay ee sidaas oo
kale loo gubo calanka Itoobiya, waxaan horay loogu gubay calamo Tarabuunka,
halkaas oo ah meeshii lagu dilay sawir qaadihii shisheeye ee lagu magacaabi
jiray Martin Edlar.
Muuse
Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somalia
002521576666
Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2006

|