SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR:::


Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...


Wararkii July 25, 2006

  • Dowladaha IGAD oo ku kala qaybsamay Ciidamaa Itoobiya ee ku sugan ..

  • C/llaahi Yuusuf “Imisa ayaan Qanyarow ku lahaa la shaqeey Dowladda..”

  • Iska hor imaad shalay ka dhacay agagaarka. Deegaankaa Siinaay.

  • Sheekh Shariif oo sheegay in ay u Diyaargaroobeen iska difaacidda...


Dowladaha IGAD oo ku kala qaybsamay Ciidamaa Itoobiya ee ku sugan ..

Markii Ciidamada Itoobiya ay soo galeen gudaha waddanka Soomaaliya isla markaana uu qirtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa kala qayb sanaan xoog leh ku timid Wadamada ku buhoobay Urur goboleeda IGAD kaddib markii qaar ka mid ah ay aad uga xumaadeen Ciidamada Itoobiya ee galay gudaha waddanka Soomaaliya, iygoo ku tilmaamay in Itoobiya ay ku xadgudubtay Sharcigii u yiilay Urur Goboleedka IGAD,

Wasiirka arrimaha dibada Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay jabisay sharcigii u yiilay wadamada IGAD, kaddib markii amar la’aan ay iska gashay gudaha Dalka Soomaaliya, siagoo sheegay in arrintaani ay keeni karto qas iyo qalalaase ku balaarta wadamada Geeska Afrika gaar ahaan kuwa deriska la ah Soomaaliya, waxa uuna u soo jeediyay Itoobiya in ay ciidmaadeeda ay dib ugala baxdo Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf “Imisa ayaan Qanyarow ku lahaa la shaqeey Dowladda..”


[:: XABSIGA THAILAND oo lagu ilaawey saddex ka tirsan askarta daraawiishta DGPL:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]


Waxaa kulan gaar ah Magaalada Baydhabo ku yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Max’ed Qanyare Afrax o isagu xubin firfricoon ka ahaa Isbahaysigii looga adkaaday Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo qaatay mudo hal saac ah ayaa waxaa isku keenidooda ka shaqeeyay Guddoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase yeeshee mar uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la hadlayay Max’ed Qanyare Afrax waxa uu aad u ugu canaantay in Dowladdiisu ka shaqeyn weysay mudo isaga iyo kooxihii ay isku safka ahaayeen.

“Maanta waa in aan Baydhabo kugu soo dhaweeyaa adiga oo soo burburiyay dadkaagii iyo dalkaagii”, waxaana la sheegay in Max’ed Qanyare uu ballanqaaday in uu la shaqeyn doono wixii haatan ka dambeeya Dowladda Federaalka, iyadoo hubkiisii iyo maleeshiyadiisii lagu biiray ciidamada Dowladda Federaalka ee ku xareysan Deegaanka Manaas oo ku dhow Magaalada Baydhabo.

Iska hor imaad shalay ka dhacay agagaarka. Deegaankaa Siinaay.

Tan iyo markii Maxaakiimtu ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho iska horimaad u dhexeeyay labo kooxood oo mid waliba ku doodayo in ay yihiin kuwa saxda ah ee la shaqeynaya Maxaakiimta Islaamiga ah.

Iska hor imaadkaan oo uu ku dhintay hal qofo, ayna ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, ayaa waxaa markii dambe soo kala dhex galay ciidamo ka socda Maxaakiimta Islaamiga.

Dagaalkaan oo ka dhcay deegaanka Siinaay ee Degmada Boondheere ayaa qolo waxay ahayd kuwo ka haray Maxkamaddii halkaasi horey u joogtay, kuwana waxay ahaayeen kuwo cusub oo la sheegay in ay soo golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sheekh Shariif oo sheegay in ay u Diyaargaroobeen iska difaacidda...

Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaah Golaha Maxaakiimta oo shalay la hadalyey dad isugu soo baxay banaanbax looga soo horjeedo faragelinta Dowladda Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay golaha Maxaakiimta iska difaaci doonaan Ciidamada Itoobiya isagoo sheegay in ay ku soo xadgudbeen,

“Ciidamada waxa aan u qaybinay kuwa suga amaanka iyo kuwa loo diyaariyey in ay ka hor tagaan Ciidamada Xabashida” ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in hooga iyo khasaaraha ay ku dambeyn doonto Itoobiya.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan sidii looga hortagi lahaa Itoobiya iyo kuwa la socda oo aan ogalayn in Soomaaliya ay nabad hesho,

“Itoobiya waxa ay ahayd kuwii taagulaynayay, gacan siinayey kooxihii looga adkaaday waxayna dhamaantood kuwada heshiiyeen in Soomaaliya dadkeeda ku sii jiraan dhibaatada
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2006

MAGACYADA DADKA RAYIDKA AH EE LA DILAY MUDDADII U DHAXAYSAY 22KA JULY 2005 – 20KA JULY 2006

Bannaanbax Ballaaran oo Ka Dhacay Muqdisho
Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo fara gelinta dowladda Itoobiya oo ka dhacay Garoonka K/cagta Stadium Banadir... Akhri...

Wafdi Liibiyaan ah oo marti u ah Maxaakiimta..
»Sheekh Aweys “Qanyare waxa uu hoos galay Cadddowgii..
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh oo shalay ka soo degey..
»Maareeye “ciidamo itoobiyaan ah oo kuma sugana dalka...
»Muxuu ku dhamaaday kulankii C/llaahi, Shariif iyo Geedii..
»Sheekh Shariif oo shacabka ugu baaqay iska difaacid..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... July 24

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland oo Lagu soo Qaaday meel marinta Sharciga Caasimada Garoowe
Sharciga Caasimada Puntland ee Garoowe Yuu Gacanta ugu Jiraa AKHRI

Muqdisho: Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi ... AKhri...

Saddaam Xuseen oo cisbitaal loola cararay

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD