Waxaa maalintii shalay
ahayd Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay dood cilmiyeed ku
saabsanayd (Sidee loo xoojin karaa nabadda haatan ka jirta Magaalada
Muqdisho) waxaana soo Qaban-qaabiyey Machadka nabadda Soomaaliyaeed,
Somali Peace Institute (SPI) waxaana ugu horeyntii warbixin ka soo
jeedyey Gudoomiyaha Machadka C/llaahi Max’ed Xasan (Black) wuxuuna
sheegay in 25-Bisha luulyo ee ku began tahay markii Machadka la furay oo
ah sanadkii 2004 wuxuuna sheegay intii uu jiray uu gacan ka gaystay
sidii Gayiga Soomaaliya nabad looga soo dabaali lahaa asagoo sheegay in
uu qabtaySiminaaro la xiriira dhinaca Nabada,

Black & C/risaaq



Black iyo Gabayre

Cabdulaaahi Black |
Mudane Black wuxuu sheegay in Machadka uu
haatan diyaarinayo siminaaro la xiriira dhinaca Nabada gaar ahaan sidii
loo xoojin lahaa nabadda ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho sidoo
kale waxa uu sheegay in Machadka uu soo saari doono Wargays inta badan
ka hadli doono arrimaha Nabadda
Maxamuud C/kariin Gabayre oo ah
Gudoomiyaha Midowga Ganacsada Soomaaliyeed oo isna halkaa ka hadlay ayaa
waxaa uu sheegay in Ganacsada Soomaaliyeed ee qayb ka qaateen Nabadda
iyo waliba hormarinta wadanka, wuxuu sheegay in Ganacsi Soomaaliyeed ku
nool yihiin kumaan kun Soomaali ah laga soo bilaabo Dekadda ilaa
Dukaanka ugu hooseeye sidoo kale wax uu sheegay in ganacsada ee ahaayeen
kuwa markasta gacansiiya dadka dhibaateysan,
C/laahi Max’ed Shirwac oo ku hadlayey
Magaca Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay Bulshadda
Rayidka ay haatan diyaar u yihiin xoojinta nabadgalyada ka jirta dalka
gaar ahaan Magaalada Muqdisho sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacan ka
gaysan doonaan sidii lagu soo dhaweyn lahaa Dowladda Fedaraalka iyo
Golaha Maxaakimta taasoo uu sheegay in lagu gaari karo nabad buuxda waxa
uuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta in ay ka
wada qayb galaan Shirka Kharduum,
C/naasir Axmed Cismaan oo ah Gudoomiyaha
Hay’adda INXA wuxuuna isna ku dheeraaday Taariikhdii Bulshada Rayidka
asagoo sheegay Bulshada Rayidka ee haayeen kuwii ugu horreeyey Hogaamiya
kooxeedyada oo ayaga ahaa kuwa ka soo horjeestay Nabada iyo dib u
heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ku hor Banaanbaxay , Bulashada Rayidka
waxay ahaayeen kuwii dhiiri galiyey Xorriyada saxaafada iyo
Xorriyatu-Qowlka, wuxuuna sheegay in maanta Bulshada Rayidku ee diyaar u
yihiin xoojinta nabadda ka soo iftiintay Magaalada Muqdisho,

Raaliya Amiin

Aamino Caaji

Xidhibaan Axmed Diiriye

Walaayo CabdiNaasir |
Maryan Xuseen Owreeye ayaa waxa ay
sheegtay ayadoo ku hadlaysay Magaca Haweenka Soomaaliyeed waxayna
sheegtey in Haweenka Soomaaliyeed ee ahaayeenh kuwa ka qayb qaadin jiray
nabada iyo dib u heshiisiinta laga soo bilaabo waqtigii xorriyada ilaa
maanta ayadoo sheegtey in dhibkii ka dhacay dalka uu xoogiisa ku dhacay
Haweenka Soomaaliyeed ayadoo taasi jirto ayey hadana waxa ay weli u
taagan yihiin adkaynta Nabadda,
Xildhibaan Axmed Diiriye oo ka hadlay dood
cilmiyeedkaas wax uu sheegay in maanta Muqdisho ay ka muuqato astaan
nabadeed “Markii la dhisay Dowlada oo aan ku soo laabanay waxaan
damacnay in wax ka qabano Nabadgalyada iyo Uruurinta maleeshiyooyinka
hase yeeshee taasi waa lo agaa halkii ay ku dambaysay, markii aan ka
tagnay waxaan milicsanaynay Muqdisho oo wali ku jirta bur iyo nabadgalyo
xumo balse halkii ayaan ka sii wadnay howshii Magaalada muqdisho lagu
nabadeyn lahaa waa Ilaah Mahaddii maanta taase waa laga baxay rag baa u
duubtay in Muqdisho nabad ku soo dabaalaan,” ayuu yiri Xildhbaan Axmed
diiriye,
Waxaa kaloo halkaas ka hadlayey C/qaadir
Maxamuud Walaayo wuxuuna asna ka hadlay doorka looga baahan yahay
saxaafada gaar ahaan dhinac nabadda wuxuuna sheegay saxafiga markasta
looga baahan yahay wadananimo waayo ayuu yiri wadankeena Maanta Gobollo
ka tirsan waxaa haysta Cadowga ummadda Soomaaliyeed waxaan saxaafada
laga doonayaa in ay ka qayb qaataan sidii looga hortigi la haa Cadowga
ummada Soomaaliyeed isla markaana ay Bulshadda ku Buraarujiyaan sidii
wadanka nabad loogu soo dabaali lahaa.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Mas’uul ka
socday Golaha Maxaakiimta oo lagu magacaabo Sheekh Xuseen Jimcaale, waxa
uuna sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay ka faa’iideystaan
nabadda, isla markaana Alle u toobad keenaan
C/risaaqa Aadan oo ah Aas-aasihii Machadka
ayaa waxa uu sheegay in dadka soomaaliyeed ku nool dibadaha ay aad ugu
farxeen isbedalka ka dhacay Magaalada Muqdisho asagoo sheegay in
Machadka wixii haatan ka dambeeye howlihisa uu ku balaarin doono wadanka
oo dhan si nabada loo loo xoojiyo wuxuuna u soo jeediyey Dowlada
Fedaraalka iyo Maxkamadaha in la yimaadaan dabacsanaan iyo jawi
wanaagsan oo lagu wada hadli karo wuxuuna u soo jeediyey Dowladda
Itoobiya in Ciidamadeeda ay kala baxdo wadanka Soomaaliya arrimaha
taagana loo daayo ayaga si ay u xalistaan.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com