SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

WARARKII:: JULY 26, 2006

  • Banaanbax looga soo horjeedo in Villa Soomaaliya lagu wareejiyo Maxkamadah oo ka dhacay..

  • Francois Fall oo fara marnaan kala tegay Magaalada Muqdisho..

  • Dowladda Itoobiya oo lagu cadaadinayo in.Ciidamadeda kala baxdo Soomaaliya.

  • Magacyada Xubnihii golaha Maxaakiimta uga qaybgaley Shirkii Suudaan..

  • Tikniko iyo Maleeshiyo lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta...

  • Dadwayne badan oo dhawaan lagu xidhxidhay Qabridaharre. 


Banaanbax looga soo horjeedo in Villa Soomaaliya lagu wareejiyo Maxkamadah oo ka dhacay..

Maalintii shalay ahayd ayaa la filayay in Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah lagu wareejiyo Villa Somalia iyo Radiyihii Qaranka, hase yeeshee arrintaasi waxaa ku yimid hakad, kaddib markii agagaarka Villa Somalia uu dhacay banaanbax looga soo horjeedo in Golaha Maxaakiimta lagu wareejiyo Villa Somalia, waxayna dadkii banaanbaxayay isugu jireen Haween, Dhallinyaro iyo Carruur, waxayna gubayeen Taayiri iyo Qashin, iyagoo jidka ku gooyay dhagxaan.
Qaar waxay ku dhawaaqayeen “Villa Somalia wareejinteeda lagalama tashan mas’uuliyiinta sare ee Isbahaysiga SNA”, halka kuwa kalana ku dhawaaqayeen “Waxaa Golaha Maxaakiimta heshiis la galay shaqsiyaad aan matalin Isbahaysiga SNA”. Banaanbaxaasi oo socday mudo ayaa mar aan wareysanay qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayay ayaa wuxuu mid ka mid ah yiri “meeshaan dhiig badan ayaa ku daatay ma ahan in si sahal la isaga wareejiyo”, waxaan daba dhigay su’aal ahayd “Haddii la wareejiyo maxaad qabaneysaan?”, wuxuu ku jawaabay “Anagu dagaal diyaar uma nihin laakiin waa in marka hore lala xiriira mas’uuliyiintii Isbahaysiga SNA”.
Mas’uuliyiin kale oo iyana ka tirsan Isbahaysiga ayaa waxaan weydiiyay in Xuseen Caydiid uu ka warqabo in Maxaakiimta lagu wareejiyo Villa Somalia, waxayna yiraahdeen “Xuseen Caydiid waan la xiriirnay, waxa inoo sheegay in uusan ka warqabin heshiis dhex maray Golaha Maxaakiimta iyo Isbahaysiga SNA”. Villa Somalia waa meesha keliya ee haatan u harsan Golaha Maxaakiimta, iyadoo dhamaan goobihii kale ee ku yiilay Muqdisho lagu wareejiyay Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana ka mid ah Dekaddii weyneyd ee Magaalada Muqdisho iyo waliba Garoonkii Diyaaradaha, isku soo wada duuboo Maxaakiimta ayaa iyagu aad u daneynaya in ay si dhaqsi leh ula wareegaan xarunta Madaxtoonyadii hore ee Villa Somalia iyo waliba Raadiyihii Qaranka ee haatan lagu magacaabo Codka Shacabka.

Francois Fall oo fara marnaan kala tegay Magaalada Muqdisho..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho soo gaaray Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall, waxa uuna la kulmay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Kulankaan oo ka dhacay Hotel Ramadaan ayaa ujeedada uu yimid Wakiilku waxa ay ahayd sidii uu u eegi lahaa xaalada Muqdisho iyo sidii uu Golaha Maxaakiimta uga dhaadhicin lahaa in ay ka qaybgalaan shirka Khartuum, kaddib markii wafdigii Golaha Maxaakiimta ay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho.

Wakiilka ayaa soo eegay goobo ku yaala Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay ka socdeen howlaha Nadaafadda, waxa uuna sheegay in Muqdisho haatan ammaankeedu uu yahay mid la isku halleyn karo.

Francois Fall ayaa Maxaakiimta ka dhaadhicin waayay in ay ka qaybgalaan kulanka Khartuum, waxayna shuruud uga dhigeen in marka hore Dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Dalka Soomaaliya.

Wakiilka ayaa intii uusan soo gaarin Magaalada Muqdisho waxaa uu Baydhabo kula soo kulmay Xubnaha Sare ee Dowladda Federaalka, waxayna u sheegeen in ay diyaariyeen guddi Dowladda Federaalka uga qaybgala kulanka Khartuum, waxaana hogaaminaya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda Itoobiya oo lagu cadaadinayo in.Ciidamadeda kala baxdo Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan qiratay in ciidamo ay leedahay qiratay in ay galeen Gudaha Dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay difaaci doonto Dowladda Federaalka ah ee lagu dhisay dalka Kenya oo haatan fariisin u ah Magaalada Baydhabo.

Wadamada IGAD ayaa la sheegay in Dowladda Itoobiya ay ku cadaadinayaa in ay Ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana wadamadaasi ugu horeeya wadanka Suudaan oo isagu martigelinaya kulanka dhex maraya Maxaakiimta iyo Dowadda Federaalka kaddib markii ay Maxaakiimtu sheegeen in aysan ka qaybgali doonin kulankaasi inta ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Dalka.

Mucaaradda Dalka Itoobiya ayaa la sheegay in Dowladda Itoobiya ay ku cadaadinayaan in Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo la sheegay in ay saameyn balaaran ku yeelan karto wadanka Itoobiya oo ay degan yihiin Malaayiin Muslimiin ah.

Magacyada Xubnihii golaha Maxaakiimta uga qaybgaley Shirkii Suudaan..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay xubnihii Golaha Maxaakiimta uga qaybgalay shirkii Khartuum kaasoo markii dambe baaqday kaddib markii ay halkaasi ka soo xaadi wafdigii Dowladda Federaalka, iyadoo Dowladda Federaalkuna ay shalay ogolaatay in ay ka qaybgasho kulankaasi.

Wafdiga waxaa hogaaminayay Prof. Ibraahim Xasan Caddow, waxaana ku wehliyay Sheekh Axmed Bile, Dr. Max’ed Cabdi, Dr. Daahir Maxamuud Geele, Axmed sheekh C/llaahi, Axmed Cabdi Samad, Sheekh Cusmaan, Khaliif Warsame, C/raxmaan Max’ed Odawaa, C/qaadir Macallin Max’ed, Max’ed Diirshe iyo Sheekh Cumar Axmed Weheliye iyo xubno kale, waxaana soo qabanqaabiyay shirkaan Jaamacadda Carabta gaar ahaan Dowladda Suudaan.

Shariif Xasan oo Dowladda uga qaybgalaua shirka Khartuum...

Maalintii shalay ahayd ayaa Dowladda Federaalka waxay magacowday guddi ka kooban 15-xubnood oo wada xaajood la gali doona Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna guddigaasi hogaamin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa la filayaa wada hadalkku in uu dhaco 2-da Bisha Augusta ee foodda nagu soo haysa.

Magacaabista Guddigaani waxay ku soo began tahay xili Magaalada Muqdisho shalay ay ku soo baalteen xubnihii Golaha Maxaakiimta ee la filayay inay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka kaddib markii uu guddigaasi u yeeray Guddoomi-yaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shalay ayaa Golaha maxaakiimta waxay sheegeen in aysan marnaba wada hadal la yeelan doonin Dowladda Federaalka inta wadanka ay ku soo hogaamineyso ama ay joogaan Ciidamada Itoobiya.

“Waxaan wada hadal la yeelan karaan marka ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dhamaan gayiga Soomaaliyeed” ayay yiraahdeen Golaha Maxaakiimta oo sheegay in ay markasta diyaar u ahaayeen in ay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Xukuumadda.

Tikniko iyo Maleeshiyo lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta...

Waxaa maalintii shalay ahayd Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah lagu wareejiyay Tikniko iyo Maleeshiyo ku sugan deegaanka Sii-Sii, halkaas oo ahayd halkii ay Maxaakiimtu ku galeen dagaal socday mudo dhowr maalmood, kaasoo dhaliyay khasaaro naf iyo maalba leh.

Tiknikada lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta oo gaareysay labo Gaari iyo 120 maleeshiyo ayaa waxaa la filayaa in wixii haatan ka dambeeya ay ka mid noqdaan Golaha Maxaakiimta, waxaa wareejintaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Golaha Maxaakiimta oo u mahadceliyay intii ka soo shaqeysay howshaasi.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay socday wareejin hub iyo maleeshiyooyin lag u wareejinayo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana ugu dambeeyay Maleeshiyo iyo hubkoodii oo lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta kuwaas oo fadhigoodu ahaa Wadada Maka Al-Mukurama, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo Maxaakiimta hub iyo maleeshiyooyin ku sugan magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Wararkii Puntland ee July 25, 2006.... AKHRI...

  • 120 Soomali ah oo Laga Soo Tarxiilay Dalka Cumaan Xilli ay ku Jireen Shaqadooda...
  • Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo Garoowe Lagu doortay.
  • Siciid-Suujino oo loo magacabay Wakiilka Isboortiga Puntland u fadhiya Scandanevian-ka.
  •  Axmed Cigaal Cawaale oo loo doortay Guddoomiyaha Olimbigada  Puntland. 
  • C/risaaq Sheekh Adduun ayaa loo doortay in uu Noqdo Guddoomiyaha Golaha Sare ee NUSOJ..
  • Wararka oo dhan akhri....
Faafin: SomaliTalk.com |July 26, 2006

Barnaamijkii Radio Xoriyo
25 July 2006
 
 
================================
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dhawaan Magaalada Qabridaharre ku soo xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aad u fara badan, kuwaasoo la sheegay in laga soo qaqabtay magaalooyinka Dhanaan, Dalaad iyo Laas-dhankayrre.
 
Dadkan waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysatada Itoobiya soo xidhxidheen intii ka denbaysay markii ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya diyaarada ka soo rideen wadday saraakiil ku jiray hawlgal millatari, kuwaasoo dhammaantood ku dhintay diyaaraddaas.

Dhinaca kale daba-yaaqadii toddobaadkii hore ayaa la sheegayaa in maydka gabadh shacab ah laga helay meel aan ka fogayn xeryaha millatariga ee gumaysiga Itoobiya ku leeyahay magaalada qabridaharre. Gabadhan, oo aanaan wali helin magaceeda, waxaa la sheegay inay ka mid ahayd maxaabiistada faraha badan eek u xakamaysan xeryaha gumaysiga ee magaalada qabridaharre.
 
Warar kale ayaa jira oo iyaguna sheegaya in meesha lagu magacabo Qolqolow ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dileen labo nin oo shacab ah daba-yaaqadii toddobaadkii hore. Labadan nin ee la dilay wali nooma suuragalin inaan magacyadooda helno.
 
Kulan wayne ay Jaaliyadda Kanada qabatay.
 
Maalintii sabtida ahayd ee bisha Juulaay 22-ka ahayd waxaa magaalada Toronto ee dalak Kanada lagu qabtay kulan wayn oo dad aad u fara badani ka soo qayb galeen, kaasoo uu soo qabanqaabiyay Ururka Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Ontario. Kulankan waxaa dadka ka soo qayb galay ka mid ahaa wasiirkii hore ee socdaalka ee dalka Kanada Judy Sgro, oo haatana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka kanada.
 
Kulankan, oo ah mid uu Ururku sannadkiiba hal mar qabto, waxaa lagaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha halganka Ogaadeenya iyo sidii loo sii xoojin lahaa taageerada loo hayo halganka Ogaadeenya.
 
Kulankaas waxaa warbixin waafi ah ka soo jeediyay maamulka Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Kanada, kuwaasoo ka xogwarramay waxqabadka Jaaliyadda iyo heerka uu marayo halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay.
 
Waxaa kulankaas hadal dheer ka jeedisay wasiirkii hore ee socdaalka ee dalka Kanada Judy Sgro, oo sheegtay inay toddobadii sano ee u denbeeyay ay xidhiidh wanaagsan oo wadashaqayneed la lahayd Jaaliyadda Ogaadeenya, waxayna ballanqaaday inay sii laban-laabi doonto xidhiidhka iyo war-haynta ay la leedahay xafiiska Jaaliyadda Ogaadeenya.
 
Ciidammo kale oo Baydhabo yimid.
 
Wararka naga soo gaadhaya dhinaca Soomaaliya ayaa sheegaya inay jimcihii soo gaadheen magaalada Baydhao ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya saraakiil ka socota dalka Uganda iyo ciidammo 30 gaadhaya oo saraakiishan la socday. Saraakiishan iyo ciidammada Uganda ka socda ayaa la sheegaya inay hordhac u yihiin ciidammo dhawr boqol gaadhaya oo toddobaadkan la filayo inay soo yimaadaan magaalada Baydhabo, oo horay u sii joogeen ciidammo aad u fara badan oo toddobaadyadii u denbeeyay ay xukuumadda Itoobiya ku soo daabushay dalka Soomaaliya.
 
Saraakiisha reer Uganda ayaa la sheegayaa inay kulanno la yeesheen madaxda dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya. Madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka aha ee Soomaaliya ayaa mar aan fogayn madaxwaynaha Uganda ka codsaday inuu la soo gaadho ciidammo gurmad ah oo ilaaliya xarunta dawlada ku meelgaadhka ah ee Baydhabo.
 
Warar kale oo laga helay madaxda dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dalka Kenya uu isaguna Baydhabo u soo diri doono ciidammo gurmad ah oo dawlada ku meelgaadhka ah ka ilaalin doona weerarro kaga yimaada Golaha maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya ee haysta magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa in dhawaalaba lagu soo daabulayay meelo ka mid ah gobollada Gedo, Bakool iyo Bay, iyadoo cutubyo ciidammada Itoobiya ka mid ah oo aad u hubaysani ay toddobaadkii hore galeen magaalada Baydhabo, isla markaana la wareegeen gacan haynta meelaha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.
 
Ciidammada Itoobiya ayaa sidoo kale la wareegay gacan ku haynta garoonka diyuuradaha ee magaalada Waajid, halkaasoo ay iyagu maamulayaan howlaha duullimaadka garoonka. Ciidammadan Itoobiyaanka ah ee la wareegay garoonka waajid ayaa la sheegayaa inay yihiin ciidammo hal Guuto dhan oo aad u hubaysan.
 
Intii ay ciidammadan Itoobiya qabsadeen garoonka dayuuradaha ee magaalada Waajid waxaa garoonka ku soo dagay diyaarado millatari oo waday hub iyo ciidan Itoobiyaan ah.
 
Ciidammada Itoobiyanka ah ee waajid qabsaday waxay cabsi iyo khalkhal aad u badan ku abuureen dadwaynihii ku dhaqnaa magaalada Waajid, waxayna iyagoo kooxo-kooxo ah wareegayaan oo dusha ka ilaashanayaan suuqyada magaalada, iyagoo si gooni ah ugu dhabba-galaya dukaamada iyo meelaha laga cunteeyo.
Ciidammadii Itoobiyaanka ahaa ee horay u fadhgiyay magaalada Baydhabo waxaa ku soo biiray ciidammo badan oo wata ilaa iyo 64 gaadiidka dagaalka ah oo isugu jira gawaadhi madaafiic jiidaysa iyo Booyadaha shidaalka.
Ciidammada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay fadhiisino ka samaysteen afar meelood oo magaalada Baydho ka xiga dhinaca magaalada Muqdisho.
 
Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha Maxakamadaha Islaamiga ayaa dadwaynaha soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidammada duullaanka ah ee Itoobiya oo ay dalkooda iyo diintoodaba ugu difaaci lahaayeen.
 
Bannaanbax Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
 
Bannaanbax ballaadhan oo lagaga soo horjeedo faragalinta qaawan ee xukuumadda Itoobiya ku hayso arrimaha dalka Soomaaliya ayaa isniintii lagu qabtay garoonka Ciyaaraha ee magaalada Muqdisho.
 
Bannaanbaxan waxaa ka qaybgalay dad kumannaan qof gaadhaya oo ka kooban dhammaanba bulshada qaybaheeda kala duwan, dadkaasoo bannaanbaxan ku muujinayay sida ay uga soo horjeedaan ciidammada Itoobiya ee soo galay meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Sh Shariif Sh Axmed oo ka hadlayey banaanbaxaas ayaa sheegay in qabiilka Tigreega ee hadda u taliya Itoobiya uu yahay midka horkacaya dhibaatada had iyo goore loo maleego bulshada soomaaliyeed. Wuxuu kaloo sheekhu sheegay in Golaha Maxkamadaha islaamigu uu diyaariyay ciidammo loogu talagalay inay dalka ka difaacaan cadowga Itoobiya.
 
Dadkii bannaanbaxan ka soo qayb galay ayaa gabagabadii bannaanbaxa waxay garoonka badhtamihiisa ku gubeen calanka gumaysatada Itoobiya.
 
25 July 2006.
Axmed Gaal-Eri       
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 
Dowladaha IGAD oo ku kala Qaybsamay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya..
»C/llaahi Yuusuf “Imisa ayaan Qanyarow ku lahaa la shaqeey
»Iska hor imaad shalay ka dhacay agagaarka Siinaay..
»Sheekh Shariif oo sheegay in ay u Diyaargaroobeen iska..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... GUJI... July 25

Xagaabixii 2aad ee Qoysaska Soomaaliyeed ee Sweden
Xagaabax la yaab leh, xagaabax lama illaawaan ah iyo horumar cusub oo ay soomaalida qurbuhu... Akhri... July 25

MAGACYADA DADKA RAYIDKA AH EE LA DILAY MUDDADII U DHAXAYSAY 22KA JULY 2005 – 20KA JULY 2006

Bannaanbax Ballaaran oo Ka Dhacay Muqdisho
Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo fara gelinta dowladda Itoobiya oo ka dhacay Garoonka K/cagta Stadium Banadir... Akhri...

Wafdi Liibiyaan ah oo marti u ah Maxaakiimta..
»Sheekh Aweys “Qanyare waxa uu hoos galay Cadddowgii..
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh oo shalay ka soo degey..
»Maareeye “ciidamo itoobiyaan ah oo kuma sugana dalka...
»Muxuu ku dhamaaday kulankii C/llaahi, Shariif iyo Geedii..
»Sheekh Shariif oo shacabka ugu baaqay iska difaacid..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... July 24

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland oo Lagu soo Qaaday meel marinta Sharciga Caasimada Garoowe
Sharciga Caasimada Puntland ee Garoowe Yuu Gacanta ugu Jiraa AKHRI

Muqdisho: Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi ... AKhri...

Saddaam Xuseen oo cisbitaal loola cararay


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD