Raiisul
Wasaare Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
Saakey
(July 30, 2006) ayaa Golaha Baarlamaanka wuxuu u fariistey in cod
kalsooni ah loo qaado ka dib markii xildhibaano soo jeediyeen Mooshin ah
in codka kalsoonida loo qaado Raisul wasaare geedi waxaa soo xaadirey
ilaa 219 xildhibaan waxaan shirka Gudoominayey Gudoomiyaha baarlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan sidoo kale waxaa fadhiyey Raiisul wasaare
Geedi.
Waxaa la
dhageystey ilaa dhowr xildhibaan oo iyaga ka Hadley waxayna ku eedeyeen
Cali Maxamed in uu ka gaabiyey Arrimo Fara badan oo uga horeeyso in uu
diidey in uu ka qayb qaato dib u heshiisiinnta.
Cali Geedi
oo si kalsooni ka muuqato u fadhiya waxaa mararka qaar soo booqanayey
taageerayashiisa iyaga Geedi oo mar kasta u sheegayey in uu sii
ahaanayo Raiisul Wasaare.
Markii ay
coddadkii la qaadey ayaa waxaa fadhiyey ilaa 217 xildhibaan waxa
Kalsooni siiyey 88 Xidhibaan waxaa diidey 126 xildhibaanoo iyaga
doonayey in Xilka laga qaado Geedi waxaa qaldamey 2 Cod ,1 codna waa la
waayey waxaa la dooneyey 139 cod ayuu ku waayi lahaa Xilka Raiisul
wasaaraha Balse ma noqon.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqey in Raiisul Wasare Geedi uu
sii shaqeeyo isla markaana uu cod Kalsooni ah ka helay Golaha
Baarlamaanka.
Waxaa la
filayaa in Raiisul Wasaare Geedi uu soo magaacbo ama buuxiyo boosaskii
ay baneeyeen 20 wasiir oo dhawaan is casilay sidoo kale Madaxweyne
Cabdulahi Yuusuf ayaa soo dhaweeyey Kalsoonida uu helay Raiisul
Wasaaare Geedi. [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri]
W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Baarlamaanka
oo cod hoose kalsooni ku siiyay dowlada.
Ra'iisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya
Prof:Cali Maxamad Geddi xukuumada uu hogaamiyo ayaa ka badbaaday
burbur ku yimaada Markii 2aad kadib markii ay baarlamaanka aqlabiyad
aad u hooseysa ugu codeeyeen in dowladu sii shaqeeyso.
Mudanayaasha u diiday kalsoonida
geddi ayaa u baahnaa 13 cod(139) oo kaliya taas oo u suurta galin
lahayd in ay xilka kaga xayuubiyaan Ra'iisaul wasaaraha Soomaaliya
Prof:Cali Maxamad Geddi oo si weyn ay baarlamaanku ugu dhaliilayaan
in uu lumiyay waxqabadkii dowladda Haddalo kala fogayn ahna dhex
dhigay dowlada iyo Maxkamada Islaamiga ah oo lagu waday in ay wada
hadlaan.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed
oo saakay iskugu yimid Xarunta ay ka dagan yihiin Baydhabo ee ADC-da
loo yaqaano oo ay xaadireen maanta 217 xildhibaan ayaa waxa codkooda
kalsoonida aan siinin 126 muddane halka 88 muddane ay siiyeen in
dowladu sii jirto taas waxa ay Mr.Geddi u sahashay in ay uu sii
ahaado Ra'iisal wasaaraha soomaaliya.
13 cod ayey ku badbaaday dowladda
soomaaliya ee uu hogaaminayo Dr.Cali Maxamad Geddi codbixinta maanta
dhacday waxaa qodob dhaliilid ah soo hordhigay baarlamaanka 24
mudane oo ay ku jireen kuwo horay iskaga casilay xilalkii ay dowlada
u hayeen iyagoo ku dhaliilayay Ra'iisal wasaaraha inuu wax ka qaban
waayay qodobo muhiim ahaa oo dowlada horyiilay.
Mr.Geddi waa markii 3aad oo uu hor
tagayo baarlamaanka iyadoo horay codka kalsoonida loogu diiday kadib
markii ay isku dhaceen baarlamaan kadibna Madaxweyne Yussuf u soo
magacaabay mar kalena sidaasna uu helay kalsoonida.
Waxaa ay dad badan saadaalinayaan in
Ra'iisal wasaaraha uu samayn doono isku shaandhayn gollaha wasiirada
ah,isla markaana uu soo buuxiyo jagooyinka ka banaan dowlada oo ay
firaaqeeyeen ilaa 20 wasiir siyaasiyiin badan ayaa qaba in uu
Ra'iisal wasaaruhu la kulmi doono dhabar jeedin kaga timaada qaybo
badan oo baarlamanka iyo qaybaha kale ee wadankaba ah haddii uusan
wax badan ka badalin afkaaraha siyaasadeed ee uu aaminsan yahay iyo
hadalada lagu tilmaamo in ay sii kala fogayn karaan shacabka
Soomaaliyeed gaar ahaan Xukuumada uu hogaaminayo iyo Midawga
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
Wararkii kale ee maanta hoos ka akhri
Wararkii July 30, 2006
-
Cabdalla Deerow
muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..
-
Cali Maxamed Geeddi
oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan
-
Ma dhabaa in
Madaxweyne C/llaahi uu habeen ku soo baryey ..
-
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..
-
Cali Max’ed Geeddi
oo kulamo gooni gooni aha la leh.
-
Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Waxaa wararka isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Cabdalla
Deerow muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..
Cabdalla
Deerow Isaaq oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Federaalka oo
maalinta jimcaha ahayd lagu dilay Magaalada Baydhabo ayaa wakaaladaha
wararka waxay ka qoreen warar fara badan. Cabdalla Deerow ayaa
wakaaladuhu waxay shegeen in uu ahaa nin qunyaru socod ah, balse u
ololeynayay isdii xilka looga qaadi lahaa Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geeddi, kaddib markii uu sheegay in Geedi uu ku fashilmay
dibuheshiisiintii Ummadda Soomaaliyeed, inkastoo Cabdalla Deerow uusan
ka mid noqon wasiiradii is casilay haddana ololahaas ayuu ku jiray,
sidoo kale Wakaalada kale ayaa waxay sheegtay in Cabdalla Deerow Isaaq
loo dilay arrimo la xiriira siyaasadaha ay isaga soo horjeedaan
Mas’uuliyiinta Sarsare ee Dowladda Federaalka, waayo Madaxweynaha iyo
Ra’isul Wasaaraha waa isku fikrad, halka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu
qabo mid ka duwan fikradaha ay qabaan Madaxweynaha iyo Ra’isul
Wasaaraha.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in
Cabdalla Deerow uu si aad ah uga soo horjeeday joogitaanka ciidamada
Itoobiya ee gudaha Dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo la sheegay in Cabdalla
Deerow uu si weyn u tageeray is casilaaddii ay is casileen wasiiradii ka
koobnaa 20-ka waxa uuna yiri “Anigana waan idinku soo daba jiraa”.
Cabdalla Deeow maalintii shalay ahayd
ayaa lagu aasay Magaalada Baydhabo, waxaana aaskiisa ka qaybgalay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Gudodomiye Shariif Xasan, iyo Ra’isul
Wasaare Geeddi, iyadoo Geedi uu sheegay in dilkii Cabdalla Deerow ay ka
dambeeyeen kooxo argagixiso oo aan dooneyn in dalku uu dego oo uu dowlad
la yeesho. Isku soo wada duuboo ilaa iyo hadda lama garan gacanta
dahsoon ee dishay CabdallaDeerow Isaaq.
Cali Maxamed Geeddi oo
Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan
Cali Maxamed Geeddi oo eedayn kulul u
jeediyey Masar, Liibiya iyo iiraan. Balse Marka hore ra'iisul wasaaruhu
waxa uu ka hadlayaa dilkii marxuum Cabdalla Deerow....
Halkan ka Dhegeyso..
(Qoraalka hoos ka akhri)
Ma dhabaa in Madaxweyne
C/llaahi uu habeen ku soo baryey ..
Wararka naga soo garaya Magaalada
Baydhabo ee Gobalka bay waxay sheegayan in Habeen hore Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed ay diyaarad ka qaaday magaalada Baydhabo, waxaana
diyaaraddaasi iska lahaa Dowladda Itoobiya oo ay la socdeen Siraakiil
Itoobiyaan ah. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu gaaray Magaalada Goday
halkaas oo uu kulan kula soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Itoobiya, ilaa iyo haddana lama oga waxyaabaha ay isla soo qaadeen,
Madaxweynaha ayaa subaxnimadii hore ee shalay waxa uu soo gaaray
magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha la socday sida aan ka helnay
ilo xog-ogaal ah, wasiirka Qayraadka badda Xasan Abshir iyo xubno kale.
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..
Maxkamadaha Islaamiga ah ee gacanta ku
dhigay Magaalada Muqdisho ayaa waxay shalay soo saareen go’aan ah in si
dhaqsi leh looga guuro wadooyinka la dhistay ee lagu ganacsado,
qaarkoodna lagu gooyay Kunteenaro iyo waxyaabo kale.
Maxaakiimta ayaa la sheegay in ay
doonayaan in ay dib u soo celiyaan bilicdii Magaalada Muqdisho, waxaa
sidoo kale go’aankaani uu qanabanayaa dadka dhistay jidadka dhex mara
Xaafadaha Dhexdooda, iyadoo xaaf xaaf ah ay ciidamada Maxaakiimtu uga
howgali doonaan maalmaha soo socda.
Go’aanka ka soo baxay Golaha
Maxaamiimta ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha Muqdisho,
waayo ayay yiraahdeen dad baa iska dhistay wadooyinkii iyo meelihii
bilicda Magaalada soo jeedi jiray.
Waxaa Magaalada Muqdisho haatan ka
socda howla nadaafadeed oo aad u baax weyn, waxaana shalay howl
nadaafadeed laga fuliyay Wadadii Ex-Fiyoore oo halkaasi uu yiilay qashan
aad u badan
Cali
Max’ed Geeddi oo kulamo gooni gooni aha la leh.
Cali Max’ed Geeddi oo ah Ra’isul
Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa kulo gooni gooni ah la leh ragga ay si
aadka ah isugu dhow yihiin ee ka tirsan Golaha Barlmaanka iyo kan
Wasiirada.
Ra’isul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira
sidii uu xubnahaan uga dhaadhicin lahaa ka hortaga inaan la keeni Golaha
Baarlamaanka mooshin ku aadan Xil ka qaadistiisa.
Ra’isul Wasaaraha ayaa habeenkii xalay
ahaa waxa uu casho u sameeyay qaar ka mid ah xubnahaasi, waxa uuna
sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaato wixii dhaliil ah, balse waxa uu
diiday in qofka Bini-aadamka ah meel cidlo ah laga eedeeyo.
Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa in uu
safar ugu ambabaxo Magaalada Nayroobi si uu halkaasi kulamo ula soo
yeesho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaha IGAD, iyadoo dhawaan la filayo
in Magaalada Nayroobi uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Wasiirada
arrimaha dibadda ee wadamada IGAD kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo
la xiriira xaaladda soomaaliya, iyadoo dhawaan is bedel ka dhacay
Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.
Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Baydhabo ee Gobalka Bay waxay sheegayan in xaaladd magaaladaasi ay aad u
kacsan tahay kaddib markii malintii jimcaha ahayd la dilay siyaasi weyn
looga yaqaanay Dalka wasiirna ka ahaa Dowladda Federaalka oo lagu
magacaabi jiray Cabdalla Deerow Isaaq.
Ilaa iyo hadda lama hubo ciddii ka
dambeysay dilka wasiirkaasi, hase yeeshee Cabdalla Deerow waxaa loo
dilay sida ay aaminsan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle arrimo
siyaasadeed. Inkastoo Dowladda Fedeaalka ay sheegtay in loo qabtay dhowr
qofood dilka Cabadalla Deerow, haddana siyaasiyiin ka tirsan Beelaha
Digil iyo Mirifle waxay sheegeen in xariga loo gaystay dadkaasi ay
yihiin kuwo la doonayo in lagu qanciyo ama lagu dejiyo beelaha Digil iyo
Mirifle, waayo horey ayaa wax looga qaban lahaa dadkii ciidamadii C/llaahi
Yuusuf ay ku dileen Magaalada Baydhabo, isku soo wada duuboo xaaladda
Magaalada Baydhabo waxay u ek tahay mid aan degeyn iyadoo xildhibaanadii
iyo wasiiradii lagu wargeliyay in ay ku ekaadaan guryahooda ama
Hoteelada ay degan yihiin.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Golaha Wakiilada
DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay in Garsoorku
uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada
Golaha Wakiilada DGPL ayaa
Sabti July 29 waxa ay Madaxtooyada DG Puntland dib ugu celiyeen Xeer
oranayay in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada oo hadda kala
madaxbanaan, xildhibaanadii ka soo qaybgashay kulankii tiradoodu ahayd
54 ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday in aysan meel marin karin qodobkan oo
kasoo horjeeda dastuurka DGPL, dastuurkaas oo oo la dajiyay 8 sano ka
hor.
Wakha oo dhan
Akhri
Ra'isul-wasaaraha
DFKMGS, oo ku eedeeyey Dalalka Iiraan, Liibiya iyo Masar inay gacan-saar
la leeyihiin Koox Argagixiso ah oo ka hawl-gasha dalka Somalia ”.
Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali
Maxamed Geeddi, waxa uu maanta Hoygiisa Magaalladda Baydhabo ku qabtay
Shir Jaraa'id oo uu kaga hadlay falkii lagu dilay Wasiirkii Dastuurka
iyo Arrimaha Federalka ee Dowladda , Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq ,
isagoo sheegay inay falkaasi geysteen Burcad qeyb ka ah Hawlaha
Argagixisadda Adduunka ka wadaan gudaha dalka Somalia.
Professor Geeddi, waxa uu sheegay in la
soo qabtay qaar ka mid ah kuwii ka dambeeyey falkii shalay lagu dilay
Marxuum Cabdalla Deerow, isla markaana lagu daba-joogo kuwo kale oo ku
lug lahaa dilkaasi, waa sida uu hadalka uu u yiri.
“Raggii ka dambeeyey dilkii Marxuum
Cabdalla Deerow waxaa gacanta ku haysa Dowladda, isla markaana waxaa
lagu hayaa baaritaan, waxayna Burcadaasi qeyb ka yihiin Hawlaha ay
Argagixisadda Adduunka ee ka socda dalka Somalia” ayuu yiri
Ra'isul-wasaaraha, wuxuuna intaasi ku daray:- “Beryahan, waxaa isa soo
taraya wararka sheegaya inay jiraan kooxo doonaya inay argagax-geliyaan
Dowladda Federalka iyo Shacbiga ku nool gobalka Bay, isla markaana ay ku
doonayaan in lagu dumiyo Qaranka iyo Himilladda Shacbiga Soomaaliyeed”.
Ra'isul-wasaare Calai Maxamed Geeddi,
waxa uu sheegay inay jiraan Dowladdo ay u arkayeen inay yihiin Dowladdo
saaxiibo la ah DFKMGS, balse, la ogaaday inay boqno goynayaan DFKMGS iyo
Danaha Qaranka Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay inay Dolwadaha
dalalka Masar, Liibiya iyo Iiraan taageero siiyaan Rag Soomaali
Argagixiso ah oo Hawlaha Argagixisadda Adduunka ka wada gudaha dalka
Somalia.
Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, waxa uu ugu
baaqay Beesha Caalamka, QM, Ururka Midowga Afrika, Urur-gobaleedka IGAD
iyo Ururka Jamaacadda Carabta inay wax ka qabtaan Faragelinta iyo
xadgudubka ay Dowladaha dalalka Ereteria, Masar, Liibiya iyo Iiraan ku
hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia.
Abdifitahaam
Mogadishu
abdifitahaam@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July
30, 2006
Wararkii July 29, 2006
- Baydhabo oo lagu Diley
Wasiir u ololaynayey in Baarlamaanku Kalsoonida Kala Laabto Ra'iisul
Wasaare Geeddi....
- Libya oo Deeq soo
Gaarsiisay Maxkamadaha islaamka....
- XARUNTA DR. ISMAACIIL JIMCAALE OO soo
gabagabeysay seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah

Marxuum Cabdalla Deerow
Sawirka: reuters |
Baydhabo oo lagu Diley Wasiir u
ololaynayey in Baarlamaanku Kalsoonida Kala Laabto Ra'iisul Wasaare
Geeddi....
Laakiin kama mid ahayn wasiiradii is
casiley
Sidaas waxaa qoray wararka
caalamaka, sida AP.....
(Baydhabo: July 28, 2006):-
Cabdalla Deeroow Isaaq oo ahaa wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha
Federaalka ee DFKMG ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley magaalada
Baydhabo.
Waxaa wararku sheegeen in markii uu ka soo baxay
masaajidka salaadii jimcda ka dib in rasaas lagaga furay laabta,
sidaasna lagu diley wasiirka.
Cabdalla Deerow Isaaq waxa uu Dowladii lagu soo
dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti ka soo noqday guddoomiyaha
baarlamaanka, haddana waxa uu ka tirsanaa xukuumadii lagu soo dhisay
magaalada Eldoret & Nairobi Kenya.
Waxaa wararku sheegeen ninka dilka geystey in uu
watey baastoolad oo uu afar xabadood ku dhuftay marxuumka, kaddibna uu
fakaday. Dilkaas waxaa loo xirxiray dad. Waxaana galabnimadii jimada ka
dhacay Baydhabo mudaharaad lagaga soo hor jeedo dilalka ka dhacay
Baydhabo.
Dilka
wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha
Federaalka ee DFKMG ayaa dhacay laba
maalmood kadib markii toogasho lagu dhaawacay Axmed Ibrahim Maxmed oo ah
Gudoomiya Gudiga Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka KMG
ee Soomaalya, labadaas arrimood oo ka dhacay Baydhabo oo ah xarunta
DFKMG.
Wasiirka Warfaafinta DFKMG Maxamed Cabdi Xayir
ayaa galabnimadii Jimcada cambareeyey ciddi ka dambeysey dilkii marxuum
Cabdalla Deerow, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri: Waxa aanu
cambaareyneynaa ciddii ka damabysay ee soo qorsheysay dilalkaas
bahalnimada ah ee lagu leeynayo madaxda dalka oo lagu khalkhal-galinayo
ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG”
Qoyskii marxuumkana waxaa tacsi u diray
madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yuusuf, guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif
Xasan sh. Aaden, ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi iyo
xubnaha labada gole ee DFKMG.
"Deerow
had been trying in recent days to build support for a
no-confidence vote against Prime Minister Mohammed Ali Gedi. He
was not, however, among the 18 ministers who resigned Thursday,
saying the government has failed to bring peace to this chaotic
African nation."
Associated Press (AP)
Warbaahinta
caalamka
|
Warar ay faafiyeen saxaafada caalamka ayaa
sheegay in Cabdalla Deerow uu maalmahan u ololaynayey sidii baarlamaanku
uu kalsoonida ugala laaban lahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed
Geeddi. Laakiin Cabdalla Deerow kama uu mid ahayn xubnihii dowaladda ee
is casiley July 27, ayaa warku raaciyey.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa
aad uga soo hor jeeda in dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamada
Itoobiya arrintaas oo keentay in baarlamanku qorshaynayey sidii loo
qaadi lahaa cod ra'iisul wasaaraha kalsoonida loogala noqonayo.
Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa
warbahinta caalamku ka soo xigteen iyagoo dhehaya: Haddii aan itoobiya
ciidankeeda kala bixin Soomaaliya, waxaa hubaal ah in markaas ay dowlada
(Soomaaliya) dhici doonto.
Shalay July 27 ayay ahayd markii ay DFKMG iska
casileen ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG haana
wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo wasiir xigeeno iyagoo dowlada ku eedeeyey
in ay nabad kusoo celin weydey dalka.
Magacyada Xubanaha Baarlamaanka DFKMG ee is
casiley:::
- Cabdiraxmaan Xaaji Adan Ibbi (Wasiiru
dowladda xiriirka Baarlamaanka & Xukuumadda)
- Ibraahim Maxamed Deeq (Wasiiru Dowlaha
Warfaafinta)
- Xuseen Maxamuud Sheikh (Wasiirka
hiddaha & Tacliinta Sare)
- Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacmadheere"
(Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga)
- Cabdi Maxamed Tarrax (Wasiirka
Warshadaha)
- Cusmaan Cali Caato (Wasiirka Hawlaha
Guud)
- Maxamed Cabdullaahi Sahal "Kaamil" (Wasiirka
Iskaashatooyinka)
- Cabdikarim Axmed Cali (Wasiirka
Lacagta)
- Maxamed Jaamac Furux (Wasiiru Dowlaha
Dekedaha)
- Farxaan Cali Maxamuud (Wasiiru Dowlaha
Qorsheynta & xiriirka caalamiga ah)
- Fowzia Maxamed Sh. Xasan (Wasiirada
Haweenka)
- Maxamed Cali Bilaal (Wasiir ku
xigeenka Beeraha)
- Mukhtaar Maxamed Yusuf (Wasiir ku
xigeenka Waxbarashada)
- Cabdulqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Wasiir
ku Xigeenka shaqada/shaqaalaha)
- Ibraahim Xuseen Cali (Wasiir ku
xigeenka Batroolka)
- Caamir Sheikh Maxamed (Wasiir Ku
xigeenka Awqaafta)
- Xuseen Cusmaan Xuseen (Wasiir ku
xigeen)
- Axmed Cabdiraxmaan Maxamed (Wasiir ku
xigeen)
- Cali Sheikh Maxamed
Libya oo Deeq soo Gaarsiisay
Maxkamadaha islaamka....

Dowladda
Libya ayaa gargaar isugu jira Dawo iyo raashin soo gaarsiisay golaha
maxaakiimta islaamiga Somalia oo dhowaan la wareegay Gacan ku heynta
caasimadda Somalia.
Deeqdaan Raashinka ah ee dowladda Libya ay soo
gaarsiisan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa Gudoomay Mas'uuliyiin uu
horkacayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo uga mahad celiyay
shacabka reer Libya iyo Madaxweynaheeda kaalmadaan.
Goobta ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha golaha
Fulinta maxaakiimta islaamiga oo sheegay in deeqda lagu wareejiyay Guddi
ay magacaabeen maxaakiimta islaamiga oo loogu magac daray u gargaarida
shacabka Soomaaliyeed oo horey uga qeyb qaatay abaarihii Somalia.

waxana
hadalkiisa ka mid ahaa: waxaa lagu wareejiyey golaha taakuleynta iyo
horumarinta somaliyeed deeq ka kooban saliid cadey ,bur ,iyo baasto
golahaas oo horey uga soo shaqeeyey samatabixintii gurmadka abaaraha
waxaana u rajeeyey in ay gaaridoonto dadkii loogu talagalay ee ku
haboonaa, dowladaha kale oo wax heysta in ay ku daydaan dowlda liibiya
sidoo kalana ganacsatada somaliyeed wuxuu ka codsaday in ay dadkooda ugu
gargaaraan waxa ay heystaan.

waxaa
isna halkaa hadalo soo dhaweyn iyo mahadcelin isugu jira ka soo jeediyey
axmed cabdulaahi shiikh oo sheegay in deeqdani ay tahay mid wax weyn ka
taraysa daboolida baahida jirta wuxuuna balanqaaday in loo gaarsiindoono
sida ugu dhaqsaha badan meelihii loogu talagalay.
Ramadan
Albakari oo hogaaminayay wafdigii Libyanka ahaa ee deeqda keenay ayaa
waxa uu sheegay in xiligaan la gargaari karo shacabka Soomaaliyeed
maadaama magalada muqdisho ay tahay meel nabadi ka soo ifeyso .
safiirka liibiya u fadhiya somaliya idiris abuu
diib oo isna ka hadlay munaasibada lagula kala warergayey deeqdaas wuxuu
xusay in dowlada liibiya aysan shacbiga somaliyeed ka hagran doonin
wixii ay awoodo.
Waxa uu sheegay in deeqdaan aysan ahaan doonin
deeqdii ugu dambeysay, balse ay ahaan doonto mid sii socon doonta.
MUUSE MAXAMUUD JISOW |
somali39@hotmail.com
XARUNTA DR. ISMAACIIL JIMCAALE
OO soo gabagabeysay seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah
Seminaar
ay ka qeyb qaadanayeen 30 xubnood oo ka kala socday culimaa'udiinka,
dadka laga tira badan yahay iyo suxufiyiinta ka howl gala idaacadaha
Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Hotel Ambassador ee magaalada
Muqdisho.
Seminaarkan oo socday muddo 3
maalmood ah waxay ku baranayeen xubnahaasi casharrro ay ka mid ahaayeen
xuquuqda aadanaha, qaabka loo baaro xadgudubyada, maamul wanaagga iyo
dimoqraadiyadda iyo qodobbo kale.
Guddoomiyaha xarunta Dr. Ismaaciil
Jimcaale, Maryan Xuseen Owreeye iyo C/laahi Calas Jimcaale oo ah madaxa
baarista dambiyada oo ka hadlay ayaa sheegay in seminaarkan ujeedada
laga leeyahay ay aheyd in dadka ay barto xuquuqda aadamiga, barashadaas
oo keeneysa in dadku ay difaacdaan xuquuqdooda, xuquuqda dadka kalena ay
dhowraan, waana barnaamij aad iyo aad muhiim u ah dhowrista xuquuqda
aadanaha ayay yiraahdeen Maryan Xuseen aWreeye iyo C/laahi Calas
Jimcaale, waxayna ka codsadeen inay howlahooda ku dabbakhaan xuquuqda
aadanaha, isla markaana ay u gudbiyaan dadka aan fursadda u helin.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in
seminaarka noocan oo kale ay mar walba u qabtaan dadka wixii la baray u
gudbin kara bulshada kale, isla markaana howlahooda ku dabbakhi kara
wixii ay barteen, waxaana loo arkaa ayay yiraahdeen xuquuqda aadanaha ka
shaqeynteeda inay fure u tahay in la helo nabad iyo cadaalad loo siman
yahay, isla markaasna uu qofka muwaadinka ah uu helo xuquuqda aas-aasiga,
waxayna sheegeen in seminaarkan uusan ku koobneyn 3 maalmood iyo 2
maalmood balse ay hay'addu xoogga saarto in mar walba ay bulshada u
qabato seminaaro ceynkan oo kale ah, waxayna hoosta ka xarriiqeen inay
jiri doonaan seminaarro kale oo loo gudbiyo bulshada kale oo aan
fursadda u helin.
MUUSE MAXAMUUD JISOW |
somali39@hotmail.com
Soomaalida haysta Sharciga Kumeel Gaarka ah oo 18-bilood loo Kordhiyey in ay
sii Joogi Karaan Maraykanka...
iyo
Minnesota oo lagu xiray nin dhaawac halis ah gaarsiiyey qof dumar ah oo
hooyo u ah canugiisa..
Akhri