WARARKII JULY 31, 2006
- Diyaarada Jubba Air-ways oo noqotey Diyaaradii
ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib ka soo degtey Goroonka
Diyaaradaha Muqdisho..
- C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay Kalsoonidii uu
ka helay Baarlamaanka..
- Ma dhabbaa in Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen
Qaybo ka mid ah..
- Banaanbax lagu taageerayo Geeddi oo ka dhacay
Muqdisho iyo Baydhabo..
-
Mudaaharaad ka Dhici Doona London kaasoo looga soo
Horjeedo Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya
- Garaad Jaamac iyo safarkiisii beerta nabada
Waxaa wararka isku soo dubaridey
Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho, Soomaaliya
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Diyaarada Jubba Air-ways oo
noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib ka soo
degtey Goroonka Diyaaradaha Muqdisho..
Maalintii shalay ahayd ayaa diyaar ay leedahay
shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ku soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Muqdisho, waana diyaaraddii ugu horeysay oo ganacsi ah oo 11-sano
kaddib ka soo degta Garoonkaasi.
Diyaaraddaani oo gelinkii hore iyo kii dambaba
shalay soo kaca dhigatay ayaa markii hore waxay keentay Xamuul, Markii dambana
waxay keentay dad rakaab ah oo ka yimid Yurub iyo Carabta.
Haweenay ka soo degtay Garoonka ayaa farxad
darteed la ilmeysay, iyadoo dhunkatay ciidanka Garoonka, waxayna ku hadaaqday
“Waa Illaahii mahaddii maanta, arrintaani waxay nooga timid xag Alle”.
Nin kale oo isna ka soo degay garoonkaasi ayaa
waxa uu yiri “Afar bilood ka hore waxaan ka soo degay Garoonka Diyaaradaha
Belidoogle, waa safar dheer, diyaaradda oo aan ka soo raacay Dubai iyo inta aan
u soo socday Muqdisho, waxaa dhawaa intii aan ka soo socday Dalka Imaaraadka
Carabta.
Diyaaraddaan ayaa imaanshaheeda waxaa si weyn u
soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in
maalmaha soo socda in diyaarado kale oo ganacsi ah ay ka soo degaan garoonkaasi,
iyadoo garoonku uu weli u baahan yahay xoogaa dayactir ah.
C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay
Kalsoonidii uu ka helay Baarlamaanka..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa si weyn u soo
dhaweeyay kalsoonidii Cali Max’ed Geddi uu ka helay Golaha Baarlamaanka, waxa
uuna sheegay in taasi ay muujineyso in shacabka Soomaaliyeed ay heleen Dowlad,
C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in dad yar oo ka tirsan Baarlamaanka ay fahamsan
yihiin wax la yiraahdo dowladnimada, kuwa kalana ay yihiin kuwo doonaya inay
burburiyaan Dowladda Federaalka.
Markii uu Geeddi codka kalsoonida ka helay
Golaha Baarlamaanka, waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda
Federaalka, waxayna isla soo qaadeen sidii Xubnaha Dowladda loo balaarin lahaa
waxna looga bedeli lahaa qorshayasha Dowladda ee dhinaca dib u heshiisiinta iyo
dib nabadeynta, sidoo kale waxa uu Ra’isul Wasaare Geeddi kula la yeeshay
Golihiisa Wasiirada, waxa uuna u sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u
soo magacaabi doono xubnaha ka maqan Dowladda.
Ma dhabbaa in Ciidamada itoobiya
ay ka Bexeen Qaybo ka mid ah..
Ciidamada Itoobiya oo todobaadyadii la soo
dhaafay si aad ah u soo buuxiyay gobolo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gobalada
Gedo, Bakool iyo Bay ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay sheeayaan in ciidamadii
Itoobiya xoogoodii ay ka baxeen gobaladaasi, waxaana ku haray ciidamo aan
sidaasi u badneyn.
Sababaha ay ciidamada Itoobiya u baxeena ayaa
lagu sheegay in ay tahay markii uu cadaadis uga yimid qaar ka mid ah Wadamada
IGAD, Mareykanka, iyo xisbiyada ka dhisan Dalka Itoobiya, kuwaas oo sheegay in
Itoobiya ay faragelinta ka dhaafto arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa
ciidamadaasi isaga baxeen dalka kaddib markii Ereteriya ay iyana la safatay
dhanka Maxaakiimta.
Banaanbax lagu taageerayo Geeddi
oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo..
Banaanbaxyadaas oo dadkii ka qaybgalay ay ku
dhawaaqayeen “Dowlad diid doonimeyno, Doolar qaate doonimeyo” iyo ereyo kale oo
la mid ah, sidoo kale Banaanbax kuwaan la mid ah waxay ka dhaceen Magaalada
Baydhabo oo xarun ah Dowladda Federaalka, waxayna ku dhawaaqayeen “Soo Dhawoow
geeddi” “Weligeen waan ku garab taagnaaneynaa, Dowlad diid ha dhaco”.
Geeddi ayaa u mahadceliyay intii gacanta ku
siisay in uu mar kale dib u hogaamiyo Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in
haddii uusan shacabka ka helin taageero uusan wadi Karin dowladiisa, waxa uuna u
soo jeediyay shacabka in ay gacan ku siiyaan howlaha Dowladda, waxayna
banaanbaxyadaas ku dhamaadeen sidii loogu talagalay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Mudaaharaad
ka Dhici Doona London kaasoo looga soo Horjeedo Faragelinta Itoobiya ee
Soomaaliya

Tilmaanta Safaarada |
Maalinta Jumcaha Taariikhda; 04/08/06 Saacada; 02:00 pm ilaa
05:00pm Goobta: Safaarada Itoobiya ee UK: Cinwaanka: 17 Princes Gate, London SW7
1PZ,
UK
Codkaada ku Difaac Dalkaada
"Waxa ugu yar ee aad Munkarka ku reebi kartaa waa
in codkaada ku diido"
Waxaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka
Ingiriiska loogu baaqaya in ay kasoo qaybgalaan Banaanbax wayn oo ka dhici doona
Safaarada Itoobiya ee
UK.
Banaanbax oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa looga
soo horjeeda ciidanka Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo faragelinta
arrimaha siyaasada soomaaliya.
Sida aad la socotaan Itoobiya iyadaa hortaaga
wadahadalka dawlada iyo Maxkamadaha.
Diidmadaada ku cabir wado sharci ah, yuu walaalkaa
u ciiloon codkaada, yeysan cabashadeenu ciil ku ekaan ee codkaada banaanka keen.
Raggii hibada loo dhiibey, iyagaysku haysta'e
Wixii
shicibku ku hadlaayey, hoos looma eegine
Haaraha
wax noo yeelay, halaskaannu jiidhnaye
Dibjirkii ku hawshooday, waakaa harraadaye
Habka
maanta ii muuqday, kii hore ma dhaamo'e
Intaan
Xabashi hibanaayo, Dalkanaa Hayaay lehe
Hubka
debedda laga keenay, mid hagaagsan maaha'e
Inagoo
u wada heegan, hadh-galuu na dhaafaye
Dar
uunbaa hareertooda, Halla-daadinaayaye
Ninka
ceebta hurinaaya, ku hullaabi mayno'e
War
yaan laysu hoosaain, Halaqyaa gudaaya'e
(Dhoodaan)
Laxiriir:
somali@somaliconcern.org
Range Resources oo si
Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc, Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...
(SomaliTalk.com, Boosaaso: July 30, 2006):-
Warar ka imanaya degaanka Buruc ayaa sheegay in dad ay dirsatay shirkadda Range
Resources ay si qarsoodi ah ku tageen inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qandala, gaar
ahaan waxaa warku sheegay in ay tageen agagaarka magaalada Buruc xagga xeebta oo
dhanka Bari ka xigta Boosaaso, magaaladaas oo shacabka deggani ay hore ugu
digeen una sheegeen in shirkadaasi aysan imaan degaankaas....
Warka oo dhan
TAHNIYAD AROOS
Arooska C/weli Salaad Cali (hogato) iyo
aroosada Muna Jaamac Xirsi
- 1 Eng mohamed abdi said (sagac)
- 2 ENG issa osman farah
- 3Mohamed salad said (bidhii)
- 4 yusuf aman shire
- 5 c/rashiid omar ismail (ismalure)
- 6omar shire yusuf
- 7 jamac omar mhamud (xanaano)
- 8 mohamud mire jaamac yusuf (xaaji khyr)
- 9 c/kaafi mire adan (cobol)
- 10 yusuf mohamud said (xanaf)
- 11 mohamed sujuur
- 12 idle mahamed shire (alkha)
- 13 c/risaaq ugaaska (ugaaska)
dhamaan ardayda wax ka barata wadanka india iyo
dadka aan kor kusoo xusnay waxay tahniyad iyo bogaadin u dirayaan arooska c/weli
salaad cali (hogato) iyo aroosada muna jaamac xirsi oo arooskoodu ka dhacay
caasumada wadanka ethopia waxaanu haddaanu nahay bahdi reer india noqda kuwii
isku waara ubad kheyrna ka laha hela
by : ENG MOHAMED ABDI SAID (SAGAC)
HYRABAD INDIA
sadaam1991@hotmail.com
Garaad Jaamac iyo safarkiisii beerta nabada""
Waxaa bilowday
socdaalkii aan ugu magac daray safarkii beerta nabada ee Garaad jaamac hada
socdaalka garaadka iyo cuqaal badan ayaa wuxuu ka bilowday deegaanka boocame iyo
karan karfood socdaalkaakiina wuxuu kubilowday sidan Subaxnimadii Isniintii aynu
ka soo gudubnay , ayaa waxaa magaalada laascaanood ka anbabaxay wafti balaadhn
oo uu hoggaaminayey Garaad Jaamac garaaad cali , waftidan ayaa ka koobnaa ,
Garaaddo Cuqaal . iyo Odoyaal dhaqameed,Wafdidan ayaa u jeedada socdaalkoodu
ahaaa sidii ay u gaadhsiin lahaayeen dhammaan deegaanada SSC , dhawaan baq ay
soo saareen Cuqaasha gobolada Sool Sanaag iyo Cayn , Baaqan ayaa ka hadlayey
kuna saabsanaaa Adkaynta Nabad galyada , iyo Ilaalinta Deegaanka
Hadaba waftigan
ayaa socdaalkooda ka bilaabay oo ugu horaystiiba booqday Tuulada Karin dabayl
wayn , waxayna judhiiba bilaabeen in ay gaadhsiiyaan baaqii socdaalkoodu ku
yoolayey .
Ka dibna waxay u gudbeen dhanka Hawdka bari oo ay ka mareen deegaanada kala ah ,
Qorilay , Karin karfood – halkan waftidu way ku nasatay waana lagu sooryeeyay
iyaga oo habeenimadiina u hoyday - , Boocame – oo ay ku waabariisteen jiirtii
hore ee subaxnimadii Talaadada - .
Markii ay waftidu soo dhammeeyeen goobihii ay ugu tala galeen in ay ka booqdaan
deegaanka Hawd bari , waxay u jihaysteen dhanka Nugaasha .
Horaantii socdaalka Nugaasha waxay waftidu abaaro 9 kii barqanimo ee
subaxnimadii talaadad ku gaadheen Tuulada Caroolay , halkaas oo waftidu isugu
wacday dhammaan dadwaynaha degen halkaas oo geed hadhkiis loogu bayaanshay u
jeeedka socdalka , looguna gudbiyey Baaqii Nabadda .
Abaare 11 :30 isla subaxnimadii Talaadada ayay ahayd , markii uu waftigu Caleemo
qoyan ,sacabtum iyo faantaastiye balaadhan lagaga soo dhaweeyey Degmada Taleex .
Galitaanka degmada taleex ee waftidu waxa uu ahaa mid aaad u xiisaleh labada
dhanba , waftiga qaar kamid ah ayaa aaad ugu faraxsanaa in ay manta arkaaan
degmada taariikhiga ah ee Taleeex , iyaga oo waliba nabad kala hadlaya .
May nasan waftidii , markiiba waxay baraysteen geedka loo yaqaan Geedka Gadafta
leh oo loo sii goglay ‘.
Waxay bilaabeen waftidii , in ay u akhriyaan baaqii ay wadeen ee Nabadda iyo
ilaalinta deegaanka , dhamaanba dad waynihii isugu soo banbaxay Magalada taleex
.
Waxaa dhanka waftida u hadlay , ugu horayn Garaad Maxamuud Mashaqare , Garaad C/salaaan
xasan Maxamed , iyo 5 caaqil , waxaa kaloo isna geedkaas ka hadlay Axmed Maxamed
Kaarshe oo ahaa oday ka socday Jaaliyadda dibadda .
Markii waftigaasi u soo gudbiyeeen wax garadka degmada taleex Baaqii nabadda ,
waxaa hadalkii lawareegay odayaashii iyo kasmoolaydii reer taleex , oo si buuxda
u taageeray baaqaas ku saabsan Nabadda iyo deegaanka ,waxayna Guddoonsiiyeen
Geenyo Garaad jaamac G cali , ugu danbaystiina waxaa hadalkii soo gunaanaday
Garaad Jaamac Garaaad Cali .
Shirkii markii uu dhammaaday , waxay dhammaanba waftidii booqdeen Xarumihii
Daraawiisheeed .
Casar liiqii isla maalintaas waxay waftidu gaadheen tuulada Godaalo , -
habeenkii ayay u hoyden oo lagu sooryeeyay - , waxaa markii uu waagu baryay geed
hoostii la isgu yeedhay dadka deggan tuulada Godaalo , waxaana loo soo badhigay
Baaqii Nabadda iyo ilaalinta deegaanka , si buuxda ayayna u soo dhaweeyeen reer
godaaalo baaqaas , waxayna goobtii ku guddoonsiiyeen Garaad jaamac G cali Gabadh
iyo Faras
12 : 30
duhurnimadii maalintii arbacada ayay gaadheen waftidii Degmada Xuddun , halkaas
oo ay shirk u qabteen geedka looyaqaan Halleeye , halkaas ayaana reer xuddun
loogu soo bandhigay Baaqii Nabadda iyo ilaalinta amniga , markii u waftidu
hawshoodii guteen ayaa hadalkii u gudbay dhanka odayaasha degmada xuddun ,
waxayna sheegeen in ay aqbaleen oo taageereen Baaqaas . goobtiibayna garaad
Jaamac G cali ku gudoonsiiyeen , Faras .
Goordanbe Oo casar gaaban ah ayaa waftidii Garaadadda Cuqaasha Iyo Duqaytida Ka
koobnaa Soo gaadheen magaalada Hol hol , Waxa uu markiiba waftigu bilaabay
hawlihiisii iyo fidinta barnaamijkii nabadda , si gaar ah deegaan holhol oo
dhawaanahan Xaalado kacsan ka jireen ayaa waftidu si ay wax uga taraan hawlaha
ku soo biiray deegan Hodman ee holhol ay ka bilaabeen barnaamijyo dheeri ah oo
dhanka nabadda ah
halkan ka daawo sawiradii garaadada iyo
cuqaasha socdaalkii nabada iyo deegaanada ay soomareen
Sawirada Halkan ka
Daawo.... GUJI...
Waxaa Somalitalk soo gaarsiiyey
abdirizak adam ali kaneec
kaneec1@hotmail.com
Ra'iisul Wasaare
Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
88 xildhibaan ayaa u codeyey in xilka loo daayo, halka
126 xildhibaan u codeeyeen in xilka laga qaado...
AKhri…
Ra'iisul wasaare
Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan...
»Cabdalla Deerow muxuu
aaminsanaa intii aan la dilin..
»Ma dhabaa in
Madaxweyne C/llahi uu habeen ku soo baryey
»Maxkamadaha Islaamiga
ah oo u digay dadka ku ganacsada..
»Cali Max’ed Geeddi oo
kulamo gooni gooni aha la leh.
»Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... July 30
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2006
|