Aynu wada
dhawrno
Lafta dheer ninkii is jabshay – Dhuuxana is
daadshay
Tallaabada sida uu u dhigo – aynu wada dhawrno
Ninkii labada dhaayood is tiray dheelmadkana doonay
Dhafandhaafka geedaha markaas wuu ku dhacayaaye
Dhawaaqyada sida uu u tago aynu wada dhawrno
Ninkii diinta magaceeda dheer macatab dhaafsiistay
Aakhiro waxa loo dhambali dhamacii naareede
Qiyaamaha wuxuu dhigan lahaa aynu wada dhawrno.
….. Gen. Maxamed Faarax Caydiid……
Maqaalkan waa u digasho qabqablayaasshii cararay ee laga adkaaday sida laba
alifle Maxamed Qanyare Afrax, Cabdirashiid Ilqayte iyo Bootaan Ciise Caalin iyo
qabqablayaasha ayagana laga adkaaday laakiinse aan weli cararin sida laba alifle
Xaaji. Muuse Suudi Yalaxaw iyo ninka darajadiiisa muranka weyni ka taaganyahay
Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waana u waano iyo talo maxkamadaha adkaaday ee
maanta guusha iyo gacanta sare ee dagaalka haysta.
Qabqablayaashu aqoon la,aantoodii waxay ku darsadeen doqonnimo markii ay
garanwaayeen isbaarooyinkii iyo culimadii ay dhoofinayeen 15ka sannadood inay
iska imaansadaan. Waxaynu wada ogayn in nimankan qabqablayaasha ahi aanay aqoon
badan lahayn, geesiyaalna ahayn, waxaynu kaloo ogayn inay yihiin dad manaxayaal
ah oo aan maatada iyo carruurta u naxariisan, waxaynu kaloo ogayn nimankani inay
yihiin niman aan isku kalsoonayn oo jecel soomaaliya inuu madaxweyne u noqdo
ninka ugu liitaa waana nimankii sida aadka ah u jeclaystay in soomaaliya uu
madaxweyne ka noqdo C/laahi Yuusuf Axmed laakiin dadka badankiisu waxaanay ogayn
in nimankani sidaan u jilicsanihiin, Xaaji Muusaa hadda ka hor waxaa laga
sheegay “ jilicsanaa ma Jaamac Cali Jaamacaa?”, aniguse weligay waxaan ogaa
inaanay nimankani wax badan qodnayn.
Anigu waxaan ahay nin inta badan mashquul ah oo baayac mushtar ah, haddaad
rabtid milyaneer waad iigu yeeri kartaa laakiin mar mar baan internetka wax soo
galiyaa, qoraalkaygii u dambeeyay waxaan internetka galiyay September 2005
waxaana la oran jiray “doqon ha gargaarin hana gargaarsan” nimankaas aan kor
kusoo sheegay qaarkood baanan kaga hadlay arrinkaas dad badan baa aad uga
carooday oo emaillo ii soo diray haba ugu badnaadeen dad aad u jecel Claahi
Yuusuf Axmed, Maxamed Qanyare Afrax, Cismaan Xasan Cali “Caato) iyo Xuseen
Maxamed Faakrax Caydiid, qoraalkaas markii aan bayaamiyay in waxani ay rag u
ekeyaal yihiin ayaan waxaan ka Codsaday jufadayda reer Ayaanle ee wax ka haysata
madaxtooyada inay Xuseen Caydiid u sheegaan inaanay asaga daacad u ahayn ee uu
jufadiisa ku koobnaado, markaas ka bacdina waxaan jufadayda ka codsaday inay
goonidooda u qaraabtaan tan iyo inta soomaalidu ay isku imaanayso oo ay dawlad
samaysanayso illeen hadda dawladi ma socotoo qabyaalad iyo qaraabashaa socotee,
runtii jufadayda ayagoo ku mahadsan arrinkaas weyga yeeleen oo hadda Xuseen
Maxamed Faarax Caydiid kama taliyo madaxtooyadii xamar, anoo aad u neceb nimanka
la yiraahdo qabqablayaasha ee dalka soomaaliya uu midiba magaalo meel ku ootay
haddana maxkamadaha saaxiib lama ahi oo shaki weyn baa iiga jira mase necbi
sidii aan qoraalkaygii hore ku sheegay maxaa jira waa culumo diinta u go,day cid
allaale iyo ciddii diinta eebe ilaalinaysana haddee waxaan u malaynayaa inaanay
habboonayn in laga horyimaadaa laakiin waxaan garan waayay sababta ay ragga
dagaallama ee maxkamaduhu ay cimaamadda guduudan madaxa iyo gorodda ugu duubtaan,
nin kaba dacas ah qaba oo jaldhaf jaldhaf leh oo madaxa duubtay oo indha
kaliyihi ka soo jeedaan muuqaal fiican ma,aha ee ragga maxkamadaha u sarreeyaa
waa inay adduunka tusaan muuqaal qurxoon oo laysku hallayn karo oo la jeclaado,
raggaasna waa inay ku xareeyaan xerrihii ay ragga ka cayrsadeen oo ay tababaraan
oo dishibiliin u yeelaan.
Si kasstaba arrinku ha ahaadee mar aan muraajaco ku sameeyay gabayadii Gen.
Maxamed Faarax Caydiid, ninkaasoo ahaa dagaal meeshiisa ha inoo joogee nin aan
gabay lagaga daba hadlin, ayaa dhaqamadiisa waxaa ka mid ahaa mar kasta oo uu
dagaal galo, dagaalkaas oo uu ku guulaysan jiray inuu gabay ka tiriyo, gabaygan
soo socda haddaba horraantii sagaashanaadkii mar qolo uu ka adkaaday uu la
yaabay basar xumadoodii ayuu tiriyay gabaygan la yiraahdo “soo mag magafeeya”
waxaanse la yaabay sida gabayga oo la tiriyay dhawr iyo toban sano ka hor uu uga
hadlayo qab qablayaashii shalay cararay wuxuuna yiri:-
Haddaan gabay mashiinkiisa furo Oon moosin ka haleelo
Amase aan matalo oo hadallo aan idinku maaweelsho
Mawjadaha dheer iyo haddaan meelo uga baaqo
Maashaa allaahuye waxbaad iga maqlaysaane
Marxabbaydun oran oo idinna way marag furaysaane
Haddaad muqaddin tahay oo eebahay mudane kaa yeelo
Mukhlis iyo haddaad muuminnimo adigu moogaato
Masaakiin agoon ah iyo haddaad maganta dayn weydo
Mufsadnimo haddaad marag muddo ah meelo ku cashayso
Kuma mooga oo weyne waa milicsanaayaaye
Mulkiyada adduunyada ninkii yara is moodmoodsha
Mar unbay mataani u duntaa iyo miinaduu qodaye
Maqaafaadka adduunyada ku jira maara laga waaye
Maalkiinii baad dhaafsateen dhuxulo meygaage
Muscur iinaad ahaataan ayaad maanta dalabteene
Majahaad la doonteen cadaab idinka moosnaaye
Mushkilaad abuurteen intaad madaxa taagteene
Mas cartay mar soo bax iyo good wada maliingeysan
Jilbis miririqleeyiyo gugumo micida soofaystay
Abeesada maraaryaha lahaad madaxa laasheene
Geerida macaansada fidnaad maanka galiseene
Kibir baydin maaxsamay intaad maraq cantuugteene
Maroodaad ismoodeen intaad muruqa riixdeene
Maac baad tiraahdeen intaad madal istaagteene
Ilaahii adduunyada mulkiyay baad maar ka barideene
Mani baad kusoo iibsateen malakamawdkiiye
Dacar baad magawdeen intaad malabkii diiddeene
Alleylehe mareegtaad xirteen weysku miliqdeene
Maafiyaad isugu soo dhacdeen maalin galinkeede
Waxaad muusannawdaan waxaad madal ka faantaanba
Magligaad la soo sare kacdeen waad ku malagteene
Mid yar iyo mid weyn sida calaan waw murgacateene
Dad magaagay baad weli tihiin oon maara loo heline
Maslaxada inaad diidantiin maqalnay dhawr jeere
Inaad macatab wada qaadateen waa mid la hubaaye
Inaad diinta meel uga dhacdeen muranla weeyaane
Musuq iyo waxaad maasuqdeen waad la milanteene
Alleylehe mareegtaad xirteen weysku miliqdeene
Mar quraad ku soo hoobateen moolkaad qodateene
Masalooyinkiinnii xumaa waad ku murugteene
Meel kastaba markii maax horliyo mawjad idin qaadday
Sida maanyadoo kale markii laydin meegaaray
Macnahaad dagaalka u gasheen anigu maaqaane
Waxba yaan la maarayn ninkii mawdki soo galaye
Maalin kale aan is madadaalinnee soo magmagafeeya
Jananku mar kale asagoo ay ka degi weyday wixii dadka iyo dalka lagu
samaynayayay waxa uu tiriyay gabay dheer oo sarbeeb ahaa laakiinse ka hadlayay
wixii rasmiga ahaa ee qarsoonaa iyo wixii soomaali lala damacsanaa, isla
markaasna soomaalida wuxuu ku waaniyay inay iska hilmaamaan wixii iyaga dhex
maray maxaa jira waxaa ka weyn waxa cadawgu la damacsanaa:-
Markii Wacarre Goboshaa dirsaday oo Xagarku soo duubtay
Ma damcine higlada iyo lebidu inay dagaalaane
Dhuumoodka qararrada dabraa iiga sii darane
Raxanreebku dabinkii uu dhigay Docol ku naafowye
Dabkii Garasku dunida uu ka shiday baa yoocadii dilaye
Dalxiis bay Sarmaan iyo Cadaad duhurki aadeene
Waxa Bilcil Shillinka loo dul dhigay waa dulmiga Ciine
Daqar bay Hareeri iyo Maraa Shalas ku deysteene
Meygaagga waxa loo daldalay waa Qurac daraaddiise
Dusha Qaydar wuxuu doonayaa Jiic inuu dego e
Dhusundhuska damiin uma noqdee yaw dirsaday Jeerin
Qalaanqalka Duddumada saaran oon daalka garanaynin
Berdey buu difaac ugu jiraa duulka abidkiise
Jirraq baa duleedinahayee hayska dacaraysto
Dooddii dheerdheeraha haddaan Caday la soo duuban
Dunraguba dihniga wuxuu ka qabay inuu dallaalaaye
Kala daadsanaantii yuu Deeq la kaashadaye
Dhaddin baa daf soo yiri hadday dumin lahaayeene
Fallaaguba wuxuu damacsanaa Dhirindhirkii diidye
Booc dherera Tiin daadsan iyo weliba Deelaasha
Mirimiri dooggii ka baxay aan cidi ka daaqaynin
Dooyada afgoysaa Jaleel daawo leeyahaye
Qaroonkuba hadduu dayaxa tago Jinaw ma deecdeene
Dhisiqii daruurta u ekaa Diriq ka gaabnaaye
Demenaanta reer Soomagale dabab Cajiinkiiye
Harihii dugsiga lagu ogaa dhaxanta soo daaye
Warwar iyo dareema isdhexgalay iyo Daacullaha Goomman
Maddooyaaga dembi uusan gelin Dabakar loo loogay
Dunjigoodba geedaha hadday damaqday qoobtiiye
Dadka haw fasiro cawsku waa kaan u dirayaaye
Daliisheedu waxayy tahay haddaan dacal ka raacsiiyo
Taariikhda duugga ah haddaan idin dareensiiyo
Xilliyo isdib maray baa jiroo naga dahsoonaaye
Adduunyadii dureey iyo dureey laysku diganaayay
Oo dadabtii loo xeeray baa laysku soo dumayae
Jarmalkii la kala duufsan jiray deyrkii laga qaadye
Durba labadii Yaman baa haddeer laysku soo daraye
Kuuriyana haddaa loo darbaday oo loo diyaar yahaye
Diiwaanka waxa loogu qoray waa dib u heshiintoode
Wixii layska dilay iyo wixii doorar ku idlaaday
Wixii duunya dhaafay iyo wixii dalag ku naafoobay
Dagaalkii labaad wixii dhexmaray bay nabad ka doorteene
Annaguna waxaan doonaynaa waa dabarkii Baarliine
Adduunyadan dayaxa dhaaftay iyo samada deegteeda
Casriyada la daran doorriyay iyo doorka lagu faanay
Nin dameeri dhaan raacday yiri dooddii muu garane
Dariiqaa midnimo lagu hantiyay muusan daalacane
Nin xaqiisa lama duudsin karo doqonta mooyaane
Dirqi kuma cabburo ruux hadduu doonto sharaftisa
Inkastuu da, weyn yahay xumahan nalaku daanneeyey
Dulmigan iyo dabkan nala dhexdhigay aan dood yar ka iraahdo
Dunjigaaba soomaalaay haddaad kala dabaylooto
Dallaal iyo mallaal baa dhexgeli degelladiiniiye
Dubbahaa ku soo foorara dalawadiiniiye
Dafadaa ku nool meelihii dooggu saanyadaye
Idinkuna daleelaha ayaad daasas huruddaane
Dakanada ninkii idinka galay baad la deristeene
Duul walaalo idinkoo ah baad kala dabrayseene
Xooggiinna duman maalintuu aayar kala daato
Sirta laydinku daw galay markay idinku doogowdo
Markuu idin damaaciyo kufriga magaca daaquud leh
Dawacada inaw halis tihiin daymo u lahaada
Dufan jeceshu wey nala rabeen dabinka maantaahe
Markaan dalaq nirahnay rabaan inay na duugaane
Haddii aannan dagaal kala hortegin nacab na soo doonay
Haddii aanan daaficin intuu soo dur durinaayo
Dalkayaga hadduu soo dhexgalo daallinkiyo tuuggu
Dawacada inaan halis u nahay daymo u lahaada
Dagaalkii hanoolaato markaan calanka doonaynay
Da, yar iyo da, weyn maalintaan wadar u doodaynay
Markuu dumarku dahabkuu lahaa derin sideed daadshay
Waxaan duubanaanno waxaan dibinta ruugnaaba
Markii calanka dooggaa la suray een uunka maqashiinnay
Markaan goolka dalaqsiinnay ee lagu damaashaaday
Ninkii diiday ee yiri ma dhalan laba dublayntiisa
Taariikhda doorkuu ka galay laba daleel sheega
Idinkoo xornimo deraja weyn daa,in idin siiyay
Inaad dibinta ruugtaan ma qabo damanka maantaaye
Dadnimo haddaad leedihiin iyo dhiig damqada manta
Dalka naaftay debaadiga ka haray daba galoo raadsha
Walaalaha is darayaynayana dib u heshiisiiya
Degsimooyinkaan kala xir xiran mar isku dooyeeya
Dabka nooga dhiga daalinkiyo dawdarkiyo tuugga
Dallaalkiyo mallaalku ha dumee damiya khuukhaalka
Dulmigiyo belaayada ninkii dumaya raacdeeya
Isku diraha duulka is dhalay diiddan nabaddooda
Duumadiyo wuxuu weli wadaa dabakarruubkiiye
Furuqaan mar hore dayrinuu soo dallacayaaye
Cudur dogob ahoo aan ka bixin baa ku soo duxiye
Dibnahaa caddaaday intuu dhiilku daa,imaye
Dululaasigii buu ku koray iyo doco docayntiiye
Inta uu dacaayada furtuu lacag ku doontaaye
Waa kii walaalkii dal dalay oo aabihii dilaye
Dantii waa wuxuu labada daan dalam ku siiyaaye
Ilaahay ha doorsshee duu ku karantiina
Dooroonayaalaw bulshada daacad u ahaada
Dadkan aad duqawda u tihiin nabadda deeqsiiya
Darbaddiyo dabaylaha na dilay naga dugaalsiiya
Nimanyahaw danaaniyo qabiil doodda ka ilaasha
Magaceenna door hore burburay dib u cusbooneeya
Dadaal iyo kartina muujiyoo daaddah na iraahda
Dastuurkiyo sharciga waafaqoo diinta ku adkaada
War bal daya dabkan ololaya oon la daminaynin
War bal daya dareemaha gubtiyo dalagga heed heeday
War bal daya duddada foorartiyo dawda laga yaacay
War bal daya dubboodka aan nihiyo kala dalawgeenna
War bal daya duufaantiyo waxaan soo deg degay maanta
War bal daya dalaafkan dhacay iyo duurkan lagu oomay
War bal daya cirkii di,i jiriyo dirirradan baaqday
War bal daya rarkan nala dul dhigay dulucda hoos taalla
War bal daya dareenkeenniyoo daymo ku idlaaday
War bal daya dadkeeniyoo hurdoo diiri kari waayay
War bal daya dubaax sidaannu nahay deyrka nagu heersan
War bal daya Dafada meeraysiyo haadka dalandoolay
War bal daya waraabaha dibbiray weerka daba jooga
War bal daya gumaysiga dib jiray damacu soo raafay
War bal daya dugaagguu watoo nagu dul noolaaday
War bal daya duunyadii aan lahayn sii dal daliddeeda
War bal daya dibbaha nagu habsaday duugga dhaxalkiisa
War bal daya baddeennii dihnayd siday u doorsoontay
War bal daya sidaw dabar go,niyo sidaan u duuflaalnay
War bal daya dambeedada maandeeq bahalka diirdiirtay
War bal daya da,dii garan lahayd duq isku hiifkooda
Dawladnimo haddii aanan rabin inaan ku daashoonno
Damaashaadka raaxiyo haddaan nabad la doonaynin
U darbada gumaysi aan dul iyo dacalba noo reebin.
Markii jananku uu sidaas uu umadda ugu digay ugana xanuunsaday wixii socda ayaa
waxaa jiray gabay kale oo uu jananku tiriyay markii Maxamed Siyaad uu Kenya
galay, gabaygan waan ka afeefanayaa maxaa jira wuxuu soo hadal qaadayaa
shakhsiyaad badan taasoo dadka qaarkiis laga yaabo inay u fasirtaan inuu boogo
hore oo bogsaday damqinayo runtuse waxay tahay jananku rag badan oo uu gabaygaas
ku soo qaaday rag macne leh may ahayn oo haddii la,ammaano iyo haddii la caayo
midna xikmad uguma fadhido dadka caqliga u saaxiibka ah, inkastoo meesha aanay
cayba ku jirin kaliya jananku wuxuu ka hadlayaa sida aanay ugu qalmin
darajooyinkii Maxamed Siyaad uu isaga taxay, magaca kaliya ee aanay haboonayn in
lagu jaa,ifeeyaase waa magaca Maxamed Siyaad Barre, madaxwenihii dalka asagana
waxaan akhristayaasha u xaqiijinayaa inaan waxba lagaga sheegayn se gabaygaa
asaga ku socda, run ahaan qoraalkani sharaf iyo tix galin buu u hayaa madaxweyne
Maxamed Siyaad Barre iyo kaalintii uu ka qaatay isku daygii ahaa in laysku
raadsho soomaaliweyn ee ay bilaabeen odayaasshii asaga ka horreyay, gabaygan
waxaa la yiraahdaa “duufaanta iyo dabaylaha xoogga leh” dadka qaarkiisna waxay u
yaqaannaan “Xadka iyo xawaaraha” wax badan bayna isaga egyihiin raggii gabayga
loo tiriyay iyo nimankii shalay cararay waana kan gabaygii:-
Taariikhdu wey soo taxnayd tan iyo Haabiile
Wixii taam noqdaaba maalinbay taxatka aadaane
Qof waliba wuxuu taransado yaa loo tammadiyaaye
Nin waliba marbuu tookhi jiray taabta bawdada e
Ninkii taag isbiday maalinbuu turunturroodaaye
Waxaan idin tusaalayn hayo yaa taa ka qira weyne
Aduunyadan intii talis gurracan turufka loo laabay
Waa tabtii Hitler iyo fircoon loo tummaatiyaye
Iyaguba mar bay soo tubeen xoog tagoog adage
Hayeeshee markay takabureen lagu tahluukeeye
Maantana tabtaas waxa ah waa taliskii naafoobay
Tuugyahow tafaafulay dadkoo haysta taladooda
Tubtii Saam Wildoo lagu dilaan taako kuu jirine
Asagaba dharaar baa la tifay tukub sidiisiiye
Inta aan tukuhu kugu hilgamin tagoo hasoo laaban
Tallaahidiyo dhaartaad martaa teedka kuu jaraye
Tinta ceebta kaala soo dhexbaxay waa lagaa tiriye
Jabhadaha tashaday waxay rabaan inay ku toogtaaane
Xaqaad tuurtay baa kugu tuntaye tagoo hasoo laaban
Haddii aadan tirtirin xoogaggaad shalay ku taamaysay
Sida tulud cadho leh loo eryay kuma takoorneene
Tafaraaruq baad nagu riddaye kuma taxaabneene
Inta toontii aad naga gashaba aan toosh lagugu raadin
Tiiraanyo ciil iyo intaadan taah la ladi waayin
Tunka hilibku buuxsamay intuusan caato kula tooxmin
Tigaad baad ku naaxdaye intaan mililku kaa tiixin
Soomaalidatan waa taad tuftaye tagoo hasoo laaban
Waddankii tigaaddiyo lahaa teeladiyo khayrka
Tacabkiisii hoos buu u dhacay waana tiil dhigaye
Haddii taajir lacag keeni laa tira canshuur diidye
Tobankii wadaad maalintaad toogashada geysey
Meel kastaba intaad taallo iyo tiirka mudanaysay
Tabco iyo tafaaful inaad tiqiin baa tolkaa qiraye
Talyaaniga u dhooftaa iyo sidii wabax taraartaaba
Tafaxaydataa iyo si kale wax u tushuushtaaba
Ninkastoo tixgalin kaa mudnaa taar u dirataaba
Qumbe tuubbo kuma dhuuqayside tagoo hasoo laaban
Afartaas jabhadaha tashaday tababarkoodii dheh
Taagtiko ilaah noo dhalshiyo xaq iyo tawfiiq dheh
Nacabkeenna teerriga ku dhacay talax taggiisii dheh.
Taangiga codkiisiyo madfaca tiririgtiisii dheh
Madixiinna tukihii feenan laa soo tartamiddiis dheh
Aniguna tahniyad aan heliyo libin ku tookhay dheh
Mar hadday turxaantii baxday tuugadiyo Moorgan
Afweynena tareen uu la maray tan iyo Keenyoo dhan
Shacabkii tawalay hadduu taaha dhigayaaye
Tunka qoriga saran haddaan tiirsha leennahaye
Haddeeraa la wada tuurayaa ul iyo torreeye
Haddaa tiirka eebbiyo sharciga loo tartamayaaye 1
Haddeeraa tigaaddiyo la degi toonta doogga lehe
Haddaa tamashle loo baxahayaa tan iyo khayraade
Tuducyada markii loo wacee laysku soo tuunsho
Wax dhan buu tasoobaye markaan taagno calankeenna
Tusmo loo cayimay baan markaaas tiigta leennahaye
Afku taaka weyniyo Gabyow iyo toxob wadaagoo dhan
Tuke geed ka diday bay noqdeen oo taababkaa u go,aye
Tolkiin wuxuu bogsaday maalintaad dhab u taraarteene
Tarangooyo wixii aan ahayn maydin tarahayne
Tahluukadii ka soo waaqsade iyo tii aad mariseene
Taariikh dhammaataad rabtaan inaad tallaashaane
Waxdhan baad tufaax naga cunteen tolonna ruugteene
Naga taga tuf iyo baas la gala tub aad ku biirtaanba
Tallaabada halkii aad dhigtaan cudur ku taageera
Aydis baydin taabtiyo tahara waaweynta
Kufrigaad mar hore taabacdeen taaha maqashiiya
Tallaamuhu markii ay dhacaan talal la soo booda
Maalintiina tiihiinna iyo belo u toog dhawra
Tooraha ku kala lexadkiyo tuurya edeggooya
Tunyabuur idinkoo qaboo tuur iyo buro yeeshay
Nayjeeriya tabaalada la gala tacab qasaarkiinna
Afweynena bangiyadii tuunsanayd tiradii weydiiya
Maslax teeniskuu dheelayiyo tumasha wediiya
Caana geel tunkuu ka cayiliyo tahanti weydiiya
Gaannina tirada kuma jiree turuufo weydiiya
Ina tarrax halkuu tiigsadiyo tahanti weydiiya
Matukade warkii laga tegiyo tororog weydiiya
Matashiishihii ina Raflana tacabkii weydiiya
Geellana intuu toogtayoo tebeysa weydiiya
Moorganna tafuhuu xaytay iyo tabartii weydiiya
Asagays takooraye Cartana ticisi weydiiya
Talaadadii inaaaad eersateen toban isweydiiya
Oktoobareey tabxumo inaad qaabteen tiro isweydiiya
Laagoos wixii idin dhex tubay tigidho weydiista
Afartaas jabhadaha tashaday tababarkoodii dheh
Taagtiko ilaah noo dhalshiyo xaq iyo tawfiiq dheh
Nacabkeenna teerriga ku dhacay talax taggiisii dheh.
Taangiga codkiisiyo madfaca tiririgtiisii dheh
Madixiinna tukihii feenan laa soo tartamiddiis dheh
Aniguna tahniyad aan heliyo libin ku tookhay dheh
Tunyabuur idinkoo qaboo tuur iyo burro yeeshay
Sawaaxili aan idiin tureyn ha idin tuutuujo
Taqtaqadda ugaalida ku cuna taa,ib noqoteene
Nayjeeriya tabaalada la gala tacab qasaarkiinna
Babangiida teelada cunnada tuuga subax noolba.
Runtii waxaad mooddaa markii aan u sii fiirsaday gabayadii janaraalka kulligood
waxaad mooddaa in qabqablayaashii laga adkaaday loogu tala galay, waxaan jananka
u xusay waa iyadoo shalay ay maxkamaduhu guul heleen mar haddaan guul maalin
dagaal la soo hooyay aan ka hadlaynana waxaa lagama maarmaan noqotay inaan ku
lammaaninno Jen. Maxamed Faarax Caydiid, si kastaba ha ahaatee waxaa caqli xumo
weyn ah in maxkamaduhu ay moodaan inay guul gaareen iyaddoo dhawr qab qable ay
weli xamar joogaan marka raggan Caato,Xuseen Caydiid, Qaybdiid, Muuse Suudi waa
in hubka laga dhigaa oo ay toobad keenaan ama ay Badhabo aadaan (Fariiqul fil
jannah, wa fariiqul fii saciira), waxaa kaloo iyaduna ila caqli xuma weyn ah in
waxa dhacay ka dib aanay maxkamaduhu isku diyaarin waqti dheer oo adag, waxaa
kaloo muhiim ah in Shariifka iyo maxkamaduhu inay la socdaan adduunku sida
maanta uu u shaqeeyo iyo inaanay taalibaannimo soconayn, waa haddii ay dagaalka
u galeen inay shacabka u hiiliyaan sida ugu fiicanina waa inay maamulka iyo
siyaasadda u dhaafaan maamulkii gobolka banaadir ee ay qab qablayaashu diideen
ee uu madaxda ka yahay mudane Cadde Gaabow iyo odayaasha siyaasadda sida
Cabdiqaasin, Xuseen Xaaji bood iyo ragga kale ee akhyaartaa, iyaguna ay ku
ekaadaan hawlaha ammaanka iyo millitariga marxaladdaan hadda ahna waxaa muhiim
ah inaad aad ugu fiirsataan tuducyada gabayga ku jira ka hor intaan reer
galbeedku carqaladayn barnaamijkii socday ee jeneraalku damacsanaa kuwaasoo
lahaa:-
Mar hadday turxaantii baxday tuugadiyo Moorgan
Afweynena tareen uu la maray tan iyo Keenyoo dhan
Shacabkii tawalay hadduu taaha dhigayaaye
Tunka qoriga saran haddaan tiirsha leennahaye
Haddeeraa la wada tuurayaa ul iyo torreeye
Haddaa tiirka eebbiyo sharciga loo tartamayaaye 1
Haddeeraa tigaaddiyo la degi toonta doogga lehe
Haddaa tamashle loo baxahayaa tan iyo khayraade
Tuducyada markii loo wacee laysku soo tuunsho
Wax dhan buu tasoobaye markaan taagno calankeenna
Tusmo loo cayimay baan markaaas tiigta leennahaye
(1) Sadarkaas waxaan u malaynayaa inuu yahay halka uu Mudane. Cismaan Xasan
Cali (Caato) uu ka diday maxaa yeelay nin isbaaro dhigasho iyo shaxaad sii
qorshaysanayay, sharciga iyo tiirka eebbe oo loo tartamaa mari mayso, Cismaan
malaha hadda waxaa u fiican inuu iskaga noqdo qaraabashadii iyo shaxaadkii Cadde
Muuse Gaabo iyo Claahi Yuusuf Axmed.
Wax loogu yeero gole wasiirro ah oo jooga baydhabo oo Itoobiya samaysay oo uu
madax ka yahay Claahi Yuusuf geedina ku xigo, ayaa ayagoo guri cariish ah oo
meel u dhaw isha Baydhabo ku yaal oo ay wada guddoominayeen Claahi Yuusuf oo ah
askari 85 jir ah caafimaadkiisana laga dayriyay iyo Cali Maxamed Geeddi oo ah
profaysar dhallinyaro ah oo labadoodu ay meel kasoo wada jeedaan ayadoo darmo
fidsan salka dhulka lagu wada hayo, qiyaastii kontomeeyo nin oo kale oo uu ugu
da, weyn yahay Crisaaq Jurile uguna da, yaryahay nin ka tirsan malayshiyada
Puntland ragaas oo teer iyo shalay jaad ruugayay qaarkoodna khamra isaga
dajinayay oo kulligood qawlallada cay iyo cagaar ka sii daynaya nin teer iyo
shalay qubaystayna aan lagu arag ayaa mar kaliya waxay ku baraarugeen
saaxiibbadood oo laga adkaaday qaarna ayba Baydhaba la joogaan ka bacdina war
murtiyeed bay soo saareen uu akhrinayay nin aad u marqaansani, ninkaaas oo aan
teer iyo shalay waxba cunin in markii uu dhawr laamood oo jaad ah laqaba uu koob
khamra ah isaga dajiyo maahee, waxaa la arkayay ninkaasoo ay faruuryuhu
gariirayeen afkana ay marba wax cagaarani ka soo dhacayeen intii uu akhrinayay
war murtiyeedkii ay la soo diyaariyeen raggii kale ee saaxibbadiis ahaa ee
ayaguna marqaansanaa una badnaa horjoogayaasha maleeshiyada Puntland wixii ka
sii haray isagoo isla markaasna labada dhinac ka taagnaayeen Cabdullaahi Yuusuf
Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi ninkaasoo aan filayo inuu ahaa Mr. Buubaa ayaa
markii dambe waxaa warqaddii ka qaaday markii uu dhammayn waayay Mudane Cali
Maxamed Geeddi oo sheegay in Qanyare iyo asxaabtiisii xilalkii laga qaaday.
Qoraalkani waa u weynayn, qiimayn iyo xusuusasho Gen. Maxamed Faarax Caydiid
halgankii toosnaa ee uu ku jiray ee ay doqomadu ka hor yimaadeen waana u
garawshiiyo Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre hawshii uu ka qabtay raadintii
dhulalkii iyo dadkii soomaaliyeed ee maqnaa.
Nabadeey....
Jaamac Cawaale Garaad
London UK
email. cawaale1@yahoo.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 5, 2006 |