SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa 

Marka hore mahad idilkeed Allaah, ayaa iska leh, kadibna waxaan hambalyo iyo bogaadin u durayaa Midowga maxaakimta oo runti, gaaray guul aad iyo aad u weyn, oona ah guul ay dadka soomaalida ah ee wanaag doonka ah waayanhan ka sheekeyn doonaan. 

Intaas kadib waxaan aad iyo aad ula yaabay nimanki qab qablayaasha ahaa, oo lix iyo toban sano ku kor soconayay ummadda soomaaliyeed, oo diiday wanaag, heshiis, waan waan iyo wax walboo loola tagay, ku qanci waayay sad ayan xaq u laheyn oo lagu qanciyay sida kii xildhibaanimada iyo wasiirnimada, oo maanta meel ay ka galaan Soomaaliya aanan garaneyn. 

Taariikhda faa’idada kaliya ay leedahay waa in dib loo jaleeco waxa horey u dhacay, sida howluhu u kala socdeen waagi hore iyo in dadku ay cashar u noqoto hadba waxa dhacay. Immisaa nin is qaad qaaday oo la ogaa meeshuu ku danbeeyay, immisaa dictator dunida soo martay oo maanta la ogyahay meeshay ku danbeeyeen. Waatuu wax baddan quraanka nooga sheekeeyay qisooyinki Fircoon, Caad , thamuud iyo wixi la mid ahaaba.  

Qab qablow waxaan ku oran lahaa dib u akhri taariikhda ay dunida soo martay ama baro quraanka isagaa wax walba kuu sheegayee. Sidoo kale dadkaaga dhinac ka raac oo u soo noqo Allaah, towbadu wey furan tahaye.

Intaas kadib waxa in leys weydiiyo u baahan dhaqaaqan maxaa xiga? Waa su’aal muhiim ah oo qof kasta oo Soomaaliyeed uu isweydiinayo, una baahan in la taxliiliyo. Su’aashu labo dhinac ayey si toos ah u abaareysaa, dhinac waa Maxaakiimta islaamiga. Dhinaca kalena waa dowladda Kumeel gaarka ah. 

Aan ku horeeyo Maxaakiimta Islaamiga ah, haddii Maxkamaduhu ay badiyaan la tashiga aqoonyahanada, ahlu diinka, waxgaradka, dadka wanaaga u saaxiibka ah, oo arimahoo dhan la gorfeeyo, oo tallaabo walboo la qaadayo laga fakaro wax baddan baa qabsoomaya. Leyska joojiyo laab lakaca, ku fududaanshaha awaamiirta, I.W.M. Waddanka waxa loosoo dhisay dowlad kumeel gaar ah, aragti ahaan waxa ila haboon in Maxkamaduhu ay mar walba fiiriyaan aragtida ay dowladdu ka qabto, haddii ay dowladu wanaag ula dhaqmeyso maxkamadaha, oo ay diyaar ula tahay inay la shaqeyso waxaan oran lahaa gacmo furan halagu soo dhaweeyo, oo halala shaqeeyo. Ogaada wax baddan baanu u il dareen dowlad la’aan waxba yaan la eegin kutiri kuteen dowlad cid walba ayaa u baahan, oo mar walba hal wajaho qaabka ay dowladdu  u qaabisho Maxkamadaha. 

Mida Dowladda, waxaan oran lahaa ( enough is enough ) Soomaalidu maanta idinka ayey idiin fiirinaysaa oo waxqabad baa leydinka doonayaa, qolyo been ah yeysan idiin durbaan tumin. Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin. Dagaal waa laga daalay, oo waad ogeydeen xamar sidey 16 sano aheyd, maanta waxa la joogaa waqtigi gacmaha leys qabsan lahaa oo meel qura loo abaari lahaa, waxaan idiin leeyahay maxkamadaha dowladu ha siiso kalsooni buuxda oo halala shaqeeyo.  

Haddii kale meel fulaan argagixiso ayaa joogta iyo faarax baa halkan jooga waqti baddan baa ku dhumaya ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaan oran lahaa waxaad joogtaa waqtigi aad ka dhabeyn laheyd  , oday soomaaliyeed oo Soomaali aad baab cusub u furi laheyd. Ogow waxaad madaxweyne u tahay soomaali oo dhan, ee laguma oran dadka qaar baan dadkaaga ka tirsaneyn. 

Mar kale waxaan ku celinayaa Soomaaliyey wax tegay tiigsimaad ma leh, ee maanta aanu fursandan qaaliga ah ka faa’ideysano. Gidigeen waanu isu baahan nahay Wadaad, waranle, Siyaasi, aqoonyahan, Culumo iyo cid walba ee aanu meel uga soo jeesano horumarka dalkeena, Allaahna talo saarano. 

Mar kale Guul Maxkamadaha, waxaana idiin leeyahay allaha idiin fududeeyo howshiina, caqliga ha shaqeeyo, Latashigana  badiya. 

Ugu danbeyn waxaan fursandan uga faa’ideysanay dhammaan Aqoonyahanada Soomaaliyeed, meel walboo ay joogaan inay ka qeyb qaataan sidi ay dalkood wax ugu qaban lahaayeen, oo ay fikirkooda iyo aqoontooda u geyn lahaayeen hadba tuuladi ay ka yimaadeen ama magaalda, 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD