Faallo:Maxaa
sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? Maxayse yihiin caqabadaha
horyaallo midawga maxaakimta?
Laga soo billaabo bur-burkii
xukuumadii marxuum Siyaad Barre, caasimada Soomaaliya waxay gacanta ugu jirtay
hoogaamiyo-kooxeedyo hubaysan oo si xukun-marooqsi ah uga talin jiray qaybaha
kala duwan ee Muqdisho, kuwaas oo ka kala tirsan qabaa’isha wada dago magaalada
Muqdisho.
Hoogaamiyo kooxeedyadaas oo
had iyo jeer maamuladooda ku salayn jiray danahooda gaar-ka ah isla markaasna ka
fogaa qadiyada soomaaliyeed, wadaninimada iyo masaalixda guud ee umadda ayaa
waxaa siyaasad ahaan hab-dhaqan u ahaa qodobadan soo socdo:
i. In aysan marna wadaagin hal aragti-siyaasadeed iyo maamul
midaysan oo ugu yaraan isu keeno maamuladooda ku kala qoqoban magaalada
Muqdisho.
ii. In ay mucaaradaan isla markaana kala hortagaan dagaal af
iyo adinba ah dawlad kaste oo loo yegleelo dalka Soomaaliya, xitaa haddii ay
ayaga qudhoodu ka qayb qaateen dhisitaanka dawladaasi amaba ay kaalin sare kaga
jiraan xukuumadaasi.
iii. Waxay si weyn ugu tacaddiyeen xuquuqda asaasiga ah ee
shacab-ka Soomaaliya, gaar ahaan midka magaalada Muqdisho ayaga oo si joogta ah
ugu hayay falal arxan darro ah, oo uusaan qaadan Karin damiirka aadamiga ah,
falalkaas oo isugu jiray: cadibaad dhaqaale iyo mid amni sida: dilal iyo dagaalo
joogta ah, isbaarooyin sharci-darra ah, dhaca iyo boob-ka hantida shacab-ka iyo
iyaga oo is hortaagay shaqaynta ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan magaalada
Muqdisho sida: gegida diyaaradaha ee caalamiga ah iyo takada weyn ee magaalada
Muqdisho.
iv. Waxay jabiyeen cunaqabatayntii hubka ee ay Jamciyada
Quruumaha Ka dhaxeyso ku soo rogtay dalka Soomaaliya ayaga oo ogolaaday qulqul-ka
noocyada kala duwan ee hubka ee magaalada Muqdisho kaga imaanayay qaybo ka mid
ah dalalka shisheeyaha.
v. Waxay xariiro iyo calaaqaadyo kala duwan la samaysteen
dalal cadaw ku ah jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya, waxayna si weyn ugu dhago
fududaayeen fulinta mu’aamaradaha lagu minja xaabinayo midnimada, qaranimada iyo
qadayadaha Soomaaliyeed ee muqaddas-ka ah.
Isugeynta umuurahaasi ka
dhan-ka ah xuquuqda aadamiga ah iyo waliba hoogaamiyo kooxeedyadaas oo aan
marnaba xil iska saarin xakamaynta burcadda iyo sugidda amaanka deegaamada yar
yar ee ay ka taliyaan ayaa taasi waxay abuurtay in uu shacab-ka Muqdisho ka
fikiro sidii uu ku heli lahaa hannaan kale u suurta galiyo sugidda amaankooda
asaasiga ah, waxana sidaas ku unkamay maxaakimta Islaamiga ah ee magaalada
Muqdisho.
Maxkamadahan oo markii hore
si gooni gooni ah uga billawday degmooyinka kala duwan ee Muqdisho ayaa waxay
hoos imaan jireen hoogaamiyo kooxeedyada gacanta ku hayo aagaga maxaakimtaasi
laga yegleelay, waxayna maxkamadahani ku koobnaayeen fulinta arrimo kooban oo ka
mid ah Axkaamta Islaam-ka sida: kala saaridda shakhsiyaad-ka is haysto,
xiritaanka burcadda,fulinta arrimaha Nikaaxa iyo dhaqan-celinta dhalinyarada
isticmaasho maandooriyayaasha iyo kuwa ku biiray kooxaha burcadka ah ee ay
qaraabadoodu u gacan galisay maxaakimta Islaamiga ah.
In kaste oo aysan
maxkamaduhu si toos ah ugu lug lahayn arrimaha siyaasada hadana waxaa jiray
khilaaf iyo ismaan-dhaaf isi soo tararayay oo u dhaxeeyay ayaga iyo hoogaamiyo
kooxeedyada hubaysan. Hoogaamiyo kooxeedyadu waxay walaac weyn ka qabeen wax ay
u arkeen dhaqdhaqaaq iyo hanaqaad diimeed oo soo cifanayo kaas oo ugu danbayntii
halis ku noqon karo maamuladooda sida iminkaba dhacday, halka ay maxkamaduhu
aaminsanaayeen in aysan la shaqayn Karin maamulo calmaani ah oo aan ku dhisnayn
hannaan sharciyaysan isla markaasna ay sutida u hayaan hoogaamiyo kooxeedyo
dhiig-miirata ah.
Waxaa soo shaac baxay
dacaayado ay isdhaafsanayaan labada dhinac iyo dilal asasiina ah oo lagu
qaarajiyay shakhsiyaad muhiim ah oo kala taabacsanaa dhinacyada Diinta iyo
hoogaamiyo kooxeedyada hubaysan, waxayna koox waliba kooxda kale ku eedaysay
mas’uuliyada dilalkaasi. Waxaa si tartiib-tartiib ah isugu biiray maxakamadihii
ka jiray qaybaha kala duwan ee Muqdisho ayaga oo samaystay hogaan sare oo ciidan
iyo mid maamul, waxana si weyn ula jiray dareenka shacabka Moqdisho oo ka soo
daalay gumaysiga hoogaamiyo kooxeedyada ku amartaaglaynay muddo ku siman 15 sano.
Sidoo kale hoogaamiyo kooxeedyada hubaysan ayaa ku dhawaaqay isbahaysi lamagac
baxay Isbahaysiga Ladiririka Argagixisada, waxana cirka isku shareeray
khilaafaadkii u dhaxeeyay labada dhinac ayada oo ay ugu danbayntii qarxeen
dagaalada ba’an ee mudada todobaadyada ah ka socday magaalada Moqdisho.
Maxay tahay duruusta
laga dhexlayo is-badalka Moqdisho?
Muqdisho waxaa ka dhacay
dagaalo qaraar oo sababay isbadalkii ugu weynaa ee ka hergalo caasimada
Soomaaliya tan iyo markii uu burburay taliskii Siyaad Barre, waxa la jabiyay
hoogaamiyo-kooxeedyadii mudada 15 sana ah uu u afduubnaa shacabka Moqdisho ayada
oo inta badan lala wareegay hubkii, malaysiyaadkii iyo aagagii ay ka talin
jireen, waxayna u qayb sameen kuwo u firxaday magaalooyinka Jawhar, Baydhabo iyo
meelo kale iyo qaar kale oo haatan ku xayiran aag kooban oo ka tirsan magaalada
Moqdisho.waxaa dacallada muqdisho ka babanayo calanka midowga maxkamadaha
Islaamiga ah.haddaba waxa is-badalkan weyn laga qaadan karaa duruus muhiim ah
iyo cashiro taariikhi ah oo ay ka mid yihiin:
- awooda uu yeelan karo
kacdoonka shacab ka soo daalay cadaab iyo caddibaad muddo sanadyaala ah iyo
sida uu u wiiqi karo awooda xoogaga dhiig-miiratada ah ee hortaagan, waxana
isbadalkani laga fahmi karaa farqiga u dhaxeeyo kacdoomada ku salaysan
aragtiyada iyo qadiyada diiniga ah iyo kuwa ku dhisan siyaasada iyo
damacyada maadiga ah, is-badalkani waxuu ku biirayaa qoraalada Cilmiga
Bulshada, gaar ahaan daraasaad-ka lagu lafa-guro isbadalada aduunka iyo
sababaha keeno ( World transformation and its root causes), waxuna ka
digayaa in aan la dhayalsan dhaqdhaqaaqyada iyo gacdoonada shacabeed asaga
oo muujinayo sida ay kacdoomadaasi u abuuri karaan isbadallo lama filaan ah
muddo yar gudaheed.
- waxa kale oo isbadalkani
laga qaadan karaa in ay Soomaalidu hub-kadhigis isku samayn karto ayada
dhexdeeda. Haddii kooxo Soomaaliyeed oo iskood isu abaabulay ay muddo
todobaadya ah ku jabiyeen hoogaamiyo kooxeedyadii ugu dhibka iyo awooda
badnaa dalka Soomaaliya waxay taasi ifinaysaa in Soomaalida hubka laga dhigi
karo haddii la adeegsado ciidamo Soomaaliyeed oo leh tiro iyo tayo aad u
xoogan, waxayna arrintani fursad siinaysaa DFKMG ah ee Soomaaliya ayada oo
sidoo kalana miiska soo saarayso fikrada ah in laga fursan karo adeegsiga
ciidamo shisheeye in kaste oo ay arrintani qaadan karto waqti aad u dheer.
Sidee buu ku
waari karaa isbadalka Moqdisho maxayse yihiin caqabadaha horyaallo midawga
maxkamadaha?
Guusha mustaqbalka iyo
waaritaanka isbadalka Moqdisho waxuu ku xiranyahay hadba sida uu midawga
maxkamaduhu u wajaho caqabadaha horyaalo, caqabadahaas oo isugu jiro kuwa ka
dhextaagan gudaha maxkamadaha, kuwo ka imaan karo qaybaha kale ee Soomaaliyeed
iyo qaybta seddexaad oo ka imaan karayo dalal shisheeye, waxana caqabadahaas
cul-culus ka mid ah:
- qaybo ka mid ah
saraakiisha iyo malaysiyaadka maxkamadaha oo aan intooda badan u bislayn ku
dhaqan-ka shareecada Islaamka, sababtu waxay tahay inta badan xoogaga
maxaakimtu waxay ka kala yimaadeen seddex dhinac: kuwo ku yimid kacdoonka
dadweynaha markii ay sare u kacday xammaasada dagaal-ka, kuwo markii horaba
ciidamada maxkamadaha kaga mid noqday qaab qabiil iyo qaybta saddexaad oo ah
malaysiyaad iyo saraakiil tiro badan oo ka mid ahaa xoogagii isbahaysigii
laga adkaaday kuwaas oo si naf lacaari ah ugu biiray midawga
maxaakimta..dhammaan malaysiyaadkaasi ma ahan kuwo loo carbiyay u adeega
Shareecada Islaam-ka, mana ahan kuwo macluumaad badan kahaysto hadafyada
maxaakimta, waxana damiirkooda ku weyn xasuusta qabiil-ka, sadaa darteed
waxaa isbadal kale ku abuuri karo dhacdo ama dareen yar oo horseedi karo
khilaafaad soo kala dhexgalo malaysiyaad-ka saldhiga u ah awooda maxaakimta
sida dabciga u ahayd isbahaysiyadii had iyo jeer looga dhawaaqi jiray
magaalada Muqdisho.
B. Inta badan wadaadada
hogaanka u hayo midawga maxaakimta waxay ka tirsanyihiin mid ka mid ah ururada
diiniga ah ee ka jiro dalka Soomaaliya, wuxuna urukani caan ku yahay gacan
fudayd iyo go’aamo aan laga fiirsan, waana sababta keentay waji-gabax iyo guul
darrooyinka ba’an oo uu ururkaasi kala kulmay qaybo badan oo ka tirsan dalka
Soomaaliya halkaas oo uu markii hore ku yeeshay saamayn ballaaran. Waxaa suurta
gal ah in ay madaxda maxaakimtu ku tillaaba qaado go’aamo gurracan kuwaas oo
shaki ku abuurayo shacab tira badan oo haatan taageersan midowga maxkamadaha.
- In kaste oo uu dagaalka
Moqdisho huwanyahay qadiyad diimeed hadana waxaa jiro shacab aad u badan oo
aaminsan in uusan marnaba dagaalkani ka marnayn qursho qabiil, sidaa darteed
waxaa midawga maxkamadaha hortaalo in uu shacabka Muqdisho u isticmaalo
hannaan ku dhisan: cadaalad, midnimo, dabacsanaan iyo wadaaga talalada iyo
maamulka Moqdisho,waxana maxaakimta looga fadhiyaa in ay iska fogeeyaan
falalkii gurracnaa ee lagu yaqiinay hoogaamiyo xoodyadii Muqdisho iyo in ay
Shacabka Muqdisho u muujiyaan in Xamar isaga loo xoreeyay.
- Ismaan-dhaaf iyo khilaaf
soo kala dhex galo DFKMG ah iyo midawga maxaakimta ayaa ah mid ka mid ah
caqabadaha ugu waaweyn ee minjo xaabin karo guusha maxaakimta, wuxuna sababi
karaa iska horimaadyo hubaysan, hardan cusub iyo qalalaaso siyaasadeed oo
xaalada ka dhigo KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR, sidaa darteed waxaa looga
fadhiyaa midawga maxkamadaha in oo suu dhaweeyo wadaxaajoodyada uu ku
dhawaaqay Ra’iisul wasaare Geedi iyo madaxda kale ee DFKMG ah, arrintaasi
waxay horseedi kartaa calaaqaad xoogan oo dhex maro labada dhinac, waxayna
kaalin muhiim ah ka galaysaa dib-uheshiisiinta Soomaaliya, ayada oo sidoo
kale horseedi karto in ay DFKMG ah u ruqaansato magaalada Moqdisho iyo in uu
Muqdisho ka hergalo xukun dawladeed oo meesha ka saaro jawigii colaadeed ee
mudada 15 sana ah hareeyay xarunta Soomaaliya, waxana sidoo kale meesha ka
baxayo shir qoolada ay maleegayaan wadamada shisheeye ee aaminsan in ay
kooxo argagixisa ah la wareegeen magaalada Moqdishoeen.
Si kastaba ha ahaatee, in
kaste oo aan si cad loo carra baabi karin waxa uu mustaqbalku u soo sido midawga
Maxaakimta ee la wareegay caasimada Soomaaliya ayaa hadana waxay guusha iyo
guul-darrada maxaakimtaasi ku xirantahay hadba sida ay ula tacaalaan umuuraha
xasaasiga ah ee aanu soo xusnay, sidaa darteed waxaa maxaakimta la gudboon in ay
ka faa’iidaystaan fursada muhiimka ah ee uga bannaan dib-uheshiisiinta
Soomaaliya iyo in ay ka dhabeeyaan wacadkii ay lagaleen shacabka Muqdisho ayaga
oo ka soo dhalaalayo masuuliyadda ay farayso qaddiyada diimeed ee ay huwanyihiin.
Axmed Maxamed Caafi,
saxafi madax bannaan,
Gedo, Garbahaarrey,
caarif114@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 8, 2006
Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..
C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama
hadlin!! |