WARARKII: Khamiis June 15, 2006
-
Sheekh Shariif “Shacabka Reer Jowharow
waxaan idiin wadnaa Kitaabka.”
-
Maxkamad Islaami ah oo shalay looga
dhawaaqey Magaalada Jalalaqsi..
-
Culuma’udiinka gobalka Baay oo si aad ah
uga soo horjeestey .”
-
C/llaahi Yuusuf iyo
Geeddi oo si weyn u soo dhaweeyey Go'aankii Golaha ...
-
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay is
hortaagi doonto in soomaaliya..
-
Muuse Suudi iyo Bashiir
Raage oo isaga baxay Isbahaysiga Argaggixisada..
-
Finland oo xaflad qalinjabin ah u qabatay
arday soomaliyeed
-
Isbitalka Qardho oo dhaqaalo loogu aruuriyay
magaalada Helsinki
Sheekh
Shariif “Shacabka Reer Jowharow waxaan idiin wadnaa Kitaabka.”
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay gaaray
Magaalada Jowhar kaddib markii ay halkaasi qabsadeen Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah kana saareen Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ahaa, mar uu
la hadlayay dadweyne isugu soo baxay Garoonka Ciyaaraha ee Magaalada Muqdisho,
waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin dad u socda sidii
ay shacabka uga badbaadin lahaayeen kuwa dulmiga iyo dhibaatada ku haya.
“Waxaa noo dhexeeya Kitaabka Alle, wax kalana ma
wadano, ma dooneysaan oo diyaar ma u tihidiin ku dhaqanka Shareecadda Islaamiga
ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in Magaalada Jowhar lagu soo rogay
bandow bilaabanaya habeenkii Labo Saac wixii ka dambeeya, sidoo kale waxa uu
sheegay in cidna loo ogolaan doonin in ay hub la dhex marto magaalada oo aan ka
ahayn kuwa Midowga Maxaakiimta, iyadoo shacabka reer Jowhar ay si aad ah u soo
dhaweeyeen qabsashada Maxaakiimta.
Maxkamad
Islaami ah oo shalay looga dhawaaqey Magaalada Jalalaqsi..
Wararka naga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi oo ay
dhawaan dagaalo ku dhex mareen labo beelood oo halkaasi wada degta ayaa
maalintii shalay ahayd waxa looga dhawaaqay maxkamad islaami ah waxaana ku
dhawaaqisteeda ka qaybgalay Waxgarad iyo Odoyaal ka kala socday beelaha dega
degmadaasi.
Dadweynaha deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyeen
furida Maxkamaddaasi oo loogu magacdaray Badar, waxayna ku soo beegan tahay xili
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay gacanta ku dhigeen Magaalada Jowhar iyo
deegaano ku dhow dhow Degmada Jalalaqsi sida Mahadaay.
Guddoomiyaha Maxkamadda waxaa loo magacaabay
Sheekh Cusmaan Nuur Saalax, Guddoomiye u xigeena waxaa loo magacaabay Sheekh
Max’ed Axmed Cabdala Suuley.
Labo todobaad gudahooda ayaa Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah waxay fureen Maxkamado laga kala furay Dayniile, Balcad,
Buula-Xuubey iyo Towfiiq, iyadoo sidoo kale Degmada Jowhar la filayo maanta in
looga dhawaaqo Maxkamad Islaami ah.
Culuma’udiinka
gobalka Baay oo si aad ah uga soo horjeestey .”
Markii Golaha Baarla-maanka uu
shalay ku dhawaaqay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala soocin
ayaa markiiba waxaa bayaan soo saaray Culuma’udiinka gobalka Baay waxayna
sheegeen in deegaanadooda aysan cag soo dhigi karin ciidamo shisheeye noocayn
doonaan ha ahaadeene.
“Waan og nahay waxa ay ciidamo
shisheeye galaan iyo waxa ay gudana, kuwii hore ayaa waayo aragnimo noogu filan”
ayay ku yiraahdeen bayaan-kooda, waxay kaloo sheegeen in xubinihii Baarlamaanka
ee go’aamiyay in dalka la keeno ciidamo shisheeye mas’uuliyadeeda ay qaadi
doonaan xubnahaasi.
Baarlamaanka Soomaali-yeed ayaa
isagu si aad ah uga soo horjeeday in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo isugu
jira kuwa safka hore iyo kuwa kalaba, balse su’aasha is weydiinta mudan waxay
tahay maxaa xiligaan keenay in Baarla- maanka Soomaaliyeed uu ogolaado in dalka
la keeno ciidamo shisheeye, iyadoo qaar ka mid ah Baarlamaanka ay sheegeen in ay
dadaal u gali doonaan sidii looga hortagi in dalka ay soo galaan ciidamadaasi.
C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo
si weyn u soo dhaweeyey Go'aankii Golaha ...
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aankii Baarlamaanka ee
ahaa in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala soocin.
C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ayaa
iyagu mudo u ololeenayay in Baarlamaanka Soomaaliyeed u codeeyo in dalka la
keeno ciidamo shisheeye, waxayna wadamo fara badan ay ka dhaadhiciyeen sidii
arrimahaasi ay ugu howlgali lahaayeen.
C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi
waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay la kulmaan saraakiil ka socda wadamada
IGAD si ay u qorsheeyaan sida ugu fudud ee loo keeno ciidamada nabad ilaalin ee
Soomaaliya.
Dowladaha Uganda iyo Suudaan
ayaa iyagu ah Dowlado horey u ballanqaaday in Soomaaliya ay geyn doonaan ciidamo
nabad ilaalin ah kuwasoo hubka ka dhigi doona dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee
dirirtu u dhexeyso.
Wadamada ciidamada ugu yaboohay
Soomaaliya ayaa ah wadamo dhaqaalahoodu aad u liito, hase yeeshee waxay arrini
ka taagan sidii dhaqaale loogu heli ciidamada nabad ilaalin ee loo soo dirayo
Soomaaliya.
Dowladda
Mareykanka oo sheegtay in ay is hortaagi doonto in soomaaliya..
Dowladda Mareykanka ayaa iyadu waxay si aad ah uga
soo horjeedaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, iyadoo sheegtay in
haddii Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ay noqon doonto xarun lagu
kala iibsado hubka oo ay sheegtay in ay saameyn ku yeelan doonto wadamada
deriska la ah iyo kuwo kalaba.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in haddii
qaramada Midoobey la hor keeno qaraar ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta
hubka uu is hortaagi doono uuna isticmaali doono awoodiisa, hase yeeshee waxaa
arrintaani la ogaan doonaan shirka maanta ay isugu imaanayaan Mareykanka iyo
wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya sida Sweden, Norway, Italy iyo Tanzania.
Warar ayaa waxay sheegayaan in shirkaani ay ku
biiraan ururada Jaamacadda Carabta, Islaamka iyo Qaaradda Afrika, sidoo kale
waxaa goob joog ka noqon dooa Qaramada Midoobey oo sheegay in Mareykanku uu si
aad ah ugala tashan doono arrimaha Soomaaliya oo haatan maraya meel xasaasi ah..
Muuse Suudi iyo Bashiir Raage
oo isaga baxay Isbahaysiga..
Maalintii shalay ahayd ayaa kulan ka dhacay
Mowlaca Sheekh Muxiyadiin ayna isugu yimaadeen waxgaradka, Odoyaasha iyo
Siyaasiyiinta Beelaha Mudullood ayaa waxaa looga hadlay is bedelka ka dhacay
Magaalada Muqdisho, kaddib markii Magaalada Muqdisho iyo degaano kale ay si
rasmi ah ula wareegeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana xubnihii ka
qaybgalay kulankaasi ka mid ahaa Cali Mahdi Max’ed, Xuseen Sheekh Amed Kadare,
waxaa kaloo ka qaybgalay Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage. Kulankaan oo
dhowr saacadood qaatay ayaa aaqiritaankii waxaa Saxaafadda la hadlay Xuseen
Sheekh Axmed (Kadare) oo sheegay in Muuse Suudi iyo Bashiir Raage ay gebi
ahaanba ka baxeen isbahaysigii loo magacdaray la dagaalanka Argagixisada.
“Markaan fiirinay xaaladda taagan iyo siday ugu hogaansameen Muuse Suudi iyo
Bashiir Raage go’aankii Beesha Mudullood ayaa waxaa la isku afgartay in Muuse
iyo Bashiir ay ka baxaan isbahaysigaasi” ayuu yiri Xuseen Sheekh Axmed (Kadare)
oo sheeay in Muuse Suudi iyo Bashiir Raage ay haatan hoos joogaan Dalladda
Beesha Mudullood.
Kulankii ka dhacay Mowlaca Sheekh Muxiyadiin ayaa
beelaha Mudullood ku kala qaybsameen, waxayna qaarkood ku tilmaameen mowlacaasi
mid laga abaabulo iska hor keenka beesha Mudullood, waxaana arrintaani si aad ah
u weeraray Sheekh Cali Dheere oo sheegay in ragga Mudullood ee ku shiray Mowlaca
Sheekh Muxiyadiin ay ahaayeen kuwii burburiyay Maxakamaddii Islaamiga ahayd ee
ka jiray Waqooyiga Muqdisho, isagoo sheegay in maanta ay doonayaan in ay
gashadaan shaar qabiil oo la isaga hor keenayo Beesha Mudullood.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2006
Finland oo xaflad qalinjabin
ah u qabatay arday soomaliyeed
Helsinki-12-06-06
Waxaa dhawaan ka dhacday xarunta ururka arimaha dhalinyarada ee
Finland Kanava xaflad balaaran oo lagu abaal marainayay arday
Soomaaliyeed oo dhowaan ka qalanijabisay dugsiyada sare ee dalka
Finland.




Xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo
qaybgaleen dadweyne farabadan oo Soomaaliyeed , waxaa ugu horayn
halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka Soomaali Liito C/rasaaq
Xasan Maxamed oo ka waramay doorka waxbarashada ay leedahay iyo
sida dhalinyarada looga baahan yahay in ay horumar u sameeyaan.
Waxaa kaloo ka hadlay xafladaasi Asli Xasan Cabaade iyo Axmed
Xasan Cabaade oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada
Vancouver ee dalka Kanada oo iyagu booqasho gaaban ku yimid
Dalkan Finland Iyo odayal iyo waxgarad iyo waalidiin
Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugnaa..
Xafladii oo faahfaahsan ka dhegeyso
halkan
Isbitalka Qardho oo dhaqaalo
loogu aruuriyay magaalada Helsinki
Shir ku saabsan dhaqaalo loo ururinayay Isbitaal weyn oo lagu
wado in laga dhiso magaalada Qardho ayaa ka dhacay hoolka wayn
ee xarunta dhaqamada ee wadankan finalnd ee Caisa sabtidii aynu
soo dhaafnay,


waxaana ka soo qayb galay dhamaan
bulshada soomaaliyeed ee wadankan finland gaarhaaan
indheergaradkooda iyo rag odayaal ruug caddaa ah oo arimaha
bulshada ee Soomaaliyeed wax ka soo qabtay. Waxaa ugu horayn
halkaasi ka hadlay sheekh Aadan Dayax oo ka mid ah wadaadada
Soomaaliyeed ee ku sugan wadankan finland kaa wuxuuna sheegay
ahmiyada halkan laysugu yimid iyadoo bulshadu ay arimo badan
isugu yimaadaan kuwa wanaagsan iyo kuwa xun hadaba waxaan idin
sheegayaa inay tahay tani mid wanaagsan oo allena raali ka
yahay isla mar ahaantaa aanu ajar ku raadinayno si uu ilaahay
wax inoogu qabto sadaqada aanu maanta la baxnaa iyadoo aynu hora
ula soconay inaanu ka qayb qaadanay abaarihii dalka ka dhacay ee
koonfurta dalka iyo mashaariicyo kale , wuxuuna sheegay sheekh
aadan in bulshada Soomaaliyeed ee Finland lagu yaqaan bulsho si
wacan arimahan uga qaybqaata oo aan kala qoqobnayn.


Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Cali Qaasim oo warbixin kooban
ka bixiyay Isbitaalka oo sheegay marxaladaha uu soo maray
isbitaalka iyo hada halka uu marayo iyo baahida hortaala, waxaa
kaloo ka hadlay Oday Dalmar oo Rug cadaa Siyaasadeed ah isla mar
ahaantaa ah Odayaasha Soomaaliyeed kuwooda loogu qadarin badan
yahay ,Waxaa kaloo hadalka qaatay oo halkaasi ku sugnaa Rug
cadaaga Siyaasadeed ee Kingkong oo isagana halkaasi ka soo
jeediyay Qudbad qiima leh oo ku wajahneed Dhqaala ururiinta iyo
waliba Siyaasada Dalku haatan Marayo.
Waxaa kaloo Halkaasi Ka hadlay Prof Axmed Xijis oo isagana ku
nuuxnuxsaday Baahida Caafimaad ee dalka ka jirta iyo sida ay
umadu ugu baahan yihiin taa soo aynu la socono buu yiri in
burburku uu aad u saameeyay ,ayna ugu badan yihiin Caafimaadka
iyo waxbarashada hadaba waa in la helaa labadaasi baahi sidii
loo haqab tiri lahaa ayuu yiri Profosoorku. wuxuu kaloo sheegay
in bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan finland ay horumar
samaysay maanta oo ay isu yimaadeen bulsho kala reer reer ah
hadana wax wada qabsanaya waa horumar la taaban karo oo ay ku
talaabsatay bulshada waana arin aad uwanaagsan waana
taageersanahay hiil iyo hoobaba ah isbitaalka qardho.
Dad yowgii goobta yimid aad bay u badnaayeen , runtii waxaana uu
jawigu u dhacay si aad u wanaagsan.
|
Wararkii SHALAY:::
Midawga Maxaakiimta Islaamiga oo
Dagaal Qaraar ku qabsadey Jowhar
Arbaca June 14, 2006
Dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud intaba
ayaa waxa uu ka dhacay Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe
waxaana dagaalkaas u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo
Isbaheysigii la dagaalanka "Argagixisada".
Dagaalkan oo socday dhowr saacadood
ayaa Maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga waxay Magaalada ka soo
galeen laba meelood oo ah Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar iyo waliba
wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, waxaan markii dagaalka uu socda Hal
saac ayaa Maxaakiimta waxaa u suurogalay inay Magaaladda soo galaan,
waxaana ay keentay in ciidamadii Maxamed Dheere ay kala firxadaan oo
qaarkood la sheegay inay u carareen dhinca xeebta.
Ilaa iyo hadda Khasaaraha labada dhinac
weli lama hayo, balse warar ayaa sheegaya in Midowga Maxaakiimta laba
gaari ay kala qaraxday Miino, waxaana la sheeg ay ku dhinteen ilaa dhowr
qofood, warar ayaa sheegaya in dhimashadda labada dhinac ay gaareyso
15-qofood, halka dhaawacuna yahay 25-qofood, waxaana la sheegay in
Khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah uu aad u yaraa , maadaama
dagaalku uu ka dhacya duleedka Jowhar.
Wararku waxay intaas ku darayaan in
dadka magaaladda Jowhar ay si aad u soo dhaweeyeen ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga waxaana qaarkood ay lulayeen caleemo qoyan, sidoo kale
Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa iyagu waxay gacanta ku dhigeen
dhammaan xarumihii Maamulka Maxamed Dheere, sida Xaruntii Boolis-ka
Maxkamdda sare, garoonka Diyaaradaha, Gurigii Maxamed Dheere ee Martida,
Xabsiga dhexe ee Magaalada oo la sheegay in laga sii daayay Maxaabiistii
ku xirneyd, warar ayaa sheegaya Maxaakiimta ay ku raad joogan haraagii
Isbaheysiga laga awood roonaday iyadoo lagu waramayo in maleeshiyooyinka
isbaheysiga ay u carareen dhinaca xeebta.
Qabsashadda Jowhar waa guul weyn oo u
soo hoyatay Maxaakiimta, maadaama ay Jowhar aheyd xaruntii ugu weyneyd
ee isbaheysiga argaggixisada, waxaana xarun u aheyd midka ka mid ah
Isbaheysiga laga itaal roonaaday oo lagu magacaabay Maxamed dheere oo
haatan ku maqan dalka Itoobiya.
Dhinaca kale waxaa xalay saqdii dhexe
ka baxay Magaaladda Jowhar sadex ka mid ah isbaheysiga oo lagu kala
magacaabo Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise caalin iyo Cabdi Nuure Siyaad,
waxaana lagu waramay in ay ku sii jeedan deegaanka Ceel-buur.
LIFAAQ::::
- Guddoomiyaha midowga Maxkamada
Islaamiga oo la hadlay reer Jowhar: Sheikh Shariif Sh. Axmed oo
dadweynaha reer Jowhar kula hadlay garoonka Kubbada cagta ee
magaalada Jowhar maanta (jun 14) ayaa waxa uu dadweynihii halkaas
isugu yimid u sheegay in magaalada Jowhar lagu dhiqi doono
shareecada Islaamka. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ay dhammaatay
caddaalad darradii ka jirtey magaalda Jowhar. Waxana uu sheegay in
ammaanka magaalada la sugu doono.
- Baarlamaanka DFKMG oo ansixiyey
in ciidamo shisheeye la keeno dalka: Baarlamaanka DFKMG oo kulan
ku yeeshay Baydhabo ayaa maanta (Jun 14) ansixiyey in dalka la keeno
ciidamo shisheeye. Codbixin arrintaas loo qaaday ayaa waxaa
ogolaaday in ciidamo shisheeye la keeno 125 xubnood, waxaana diidey
73 xubnood. Codbixinta oo dhacday galabnimadii maanta (Jun 14).
- Beledweyne oo uu ka dhacay
kulan lagu taageerayo Maxkamadaha Islaamiga: Magaalada Bedeweyne
ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan lagu taageerayo maxkamadaha
Islaamiga, waxaana magaalada Beledweyne ka socda qorshe loogaga
dhawaaqayo maxkamda Islaamiga.
- Muuse Suudi iyo Bashiir Raagge
oo ka baxay Isbahaysigii Argaggixisada: Wararka ka imanaya
magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in maanta (Jun 14) ay
isbahaysigii argaggixisada ka baxeen Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir
Raagge Shiiraar. Kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka soo
qayb galeen odayaasha beesha Mudullood ayaa laga sheegay in ay
isbahaysigii Argaggixisada iskaga bexeen Yalaxow iyo Shiiraar,
ayagun ay arrintaas xaqiijiyen maadaama ay kulanka goob joog ka
ahaayeen. Arrintaasi waxa ku hir gashay kaddib markii ay beesha
Muddullood cadaadis saareen labadaas qabqable dagaal si ay ug
tanaasulaan isbahaysigii laga awooda roonaaday ee lagala wareegey
dhulkii ay ku amar kutaaglayn jireen ee Muqdisho, Balcad, Dayniile
iyo Jowhar.
Cabdi Qaybdiid oo Gebi ahaan isaga
baxay Isbahaysiga la Dagaalanka Argagixisada
Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo
xubin ka ah Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisa ayaa shaaca ka qaaday
inuu isaga baxay Isbaheysigii uu ku jiray, wuxuuna sheegay in sababaha
uu uga baxay ay tahay kaddib markii Isbaheysigu uu faraha la galay
dagaal aan loo baahneyn, warar ayaa waxay sheegayaan in sababaha uu
Qeybdiid isbaheysiga uga baxay ay tahay, kaddib markii cadaadis uu uga
yimid Beesha uu ka dhashay ee Sacad.
“Isbaheysigu waxa uu keenay bur-bur iyo
dagaal hor leh, taas oo saameyn ku yeeshay bulshada ku nool Muqdusho,
waana taas sababaha aan uga baxay Isbaheysiga” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid
oo saxaafadda la hadlayay.
Ka bixitaanka Cabdi Qeybdiid ee
Isbaheysiaga ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeay dadweynaha ku nool
Muqdisho, gaar ahaan beesha uu ka dhashay oo iyadu ka cabsi qabtay in
dagaal uu ka dhex dhaco isaga iyo Maxaakiimta.
Cabdi Qeybdiid waxa uu ahaa ninkii ugu
dambeyay ee ku soo biira Isbaheysiga , waxaana la filayaa in
Teknikadiisii maalmaha soo socda uu ku wareejiyo Maxkamadda Islaamiga ah
ee Al-Furqaan, wuxuuna ka bixitaanka uu ku soo beegmay xilli ay wadamada
IGAD sheegeen in Xayiraad lagu soo rogey Qabqablayaasha dagaalka ee
soomaaliya kaddib kulan ka dhacay Nairobi oo iskugu yimaadeen Wasiiradda
Arrimaha dibadda ee IGAD
W[D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com |
Kulankii wadamada IGAD ee
Nairobi.
Warbixintii Canab Mumtaz |
SomaliTalk.com |
canabmumtaz@yahoo.com
Wasiirada arimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay urur
goboleedka IGAD ayaa ka barandagaya in xayiraado xaga safarka ah
ay ku soo rogaan qabqablayaasha dagaalka ee dalka soomaliya.
Kulan wasiradaasi uga socda magalada nayroobi ayaa waxaa ay ku
falqeynayaan in dagaal oogaysha dalka soomaliya laga mamnuco in
ay u safraan wadamada bariga Afrika.
Qodobka ku saabsanaa xayiraada xaga safarka ah ayaa waxaa
wasiradaasi hor digey wasiirka arimaha dibada ee Kenya Rapheal
Tuju oo sheegey in ay tahay arin aan la aqbali ka reynin in
qabqablayaasha dagaalka ay xarun u noqoto waddamada jaarka la
ah wadanka Soomaaliya isla markaana ka abaabulaan qorshoyinkooda
ku aadan carqaladeynta xasiloodida dalka soomaliya.
Dowlada Kenya ayaa baryahan dambe talaabo dardar leh ku haysa ka
haddlida
 xaalada
SoomaaliyaWasiirka Arrimaha dibada Mr. Raphael Tuju waxaa kale uu
yiri wadankeena uma ogolaan doono dad soo burburiyay
wadankooda,waxa ay dowladu ka fiirsanaysaa ayuu yiri sidii ay usii
adkayn lahayad cunaqabataynta saaran Hogaamiyayasha dagaalka oo
uu tilmaamay in ay cabaqad ku noqdeen habsi u shaqaynta dowladii
Soomaaliyeed ee lagu Magaalada Nairobi sidoo kale dowladu uma
ogolaan doonto ayuu yiri in bangiyo ka dhigtaan wadanka kenya.
Ra'isal wasaaraha DFK soomaliya Cali Maxamad gedi ayaa ku baaqey
in ciidamo ajnabi ah oo amaanka suga oo lageeyo dalka soomaliya.
Raisal wasaaraha oo hadal ka jeediyey kulankii wasiirada arimaha
dibada ee urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kale oo uu sheegey in
beesha caalamka aysan sidoo la rabay waxba uga qabanin Arrimaha Dalka
Soomaliya.,Mr.Gedi ayaa waxa uu sidoo kale ugu mahadceliyey
dowlda Wadanka Kenya go’aankii ay ka qaadatay qabqablayaasha
dagaalka.
Dowladaha IGAD Arrimaha kale ee laga sugayon go'aan ka
gaaristooda ayaa ah ciidamada suga amaanka oo ay dowlada
dalbatay kadib markii ay maara u waysay Amaan ku soo celinta
halka ay ka dagan yihiin gobolka Bay ee baydhabo,Ra'iisal
wasaaraha Somaliya Cali Maxamad gedi ayaa u sheegay TV Aljazeera
in ciidamada Ajnabiga ah ay wax badan ka tari doonaan Xaalada
Amaan ee guud Ahaan wadanka Somaliya ka jirta.
Hadalka raisal wasaaraha ayaa ku soo beegmey iyadoo malintii
labaad maanta barlamaanka Soomaliya uu xal ka gaari waayey in
ciiddamo shisheeye la geeyo dalka soomaliya iyo in kale..
Gudoomiyaha barlamanka sharif Hassan Sheikh aaadan oo
gudoominayey kulankii maanta ay yeesheen xubnaha barlamaanka
ayaa ku dawaaqey in doodaasi la hakinayo ilaa malinta berita ah
si xildibaanada isku khilaafsan amurtaasi ay u helaan waqti ay
ku gudbiyaan fikirkooda.
Dhinaca kalane Dowladda Maraykanka ayaa Faafisay in Fadhi
caalamiga ah oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya la qabano
maalinta qamiista ah oo ay tarikhduna tahey 15 bisha june.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Sean
McCormack ayaa sheegay in kulankaasi oo lagu qaban doono
magaalada New York ay gudoomin doonto haweneyda Jendayi Frazer
oo ah kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee arrimaha
Africa.Waxaana ilaa iyo haatan si rasmi ah loo sheegay inay ka
qayb geli doonaan kulankaasi wadamada xubnaha ka ah Qaramada
Midoobay iyo dalalka Norwey,Sweden,talyaaniga, Ingiriiska iyo
Tanzania.Afhayenku waxaa uu sheegey in kulankaasi looga hadli
doono sidii wadamadaasi ay u midayn lahaayeen siyaasadohooda iyo
xiriirkooda diblomaasiyadeed ee ku aadan arrimaha Soomaaliya, si
markaasi loola shaqeeyo hay’adaha Federaalka. Warar Dheeraad
ah hoos ka akhri....
|
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006
Warar GooGoos ah: June 13
»Sheekh Qaasim
“Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u..
»C/llaahi
Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen Kenya…?
»Dowladda
Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka
»Doodii ku
saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta...
»Xarunta
Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo....
»Gumaysiga
Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Jun 13
|