KENYA:
WARIYAYAASHII STANDARD IYO KTN OO LA SII DAAYAY
Khamiistii March
2 gelinkii dambe ayaa xabsiga laga sii dayey
sedax suxufi oo u shaqaynayay wargayska standard oo Talaadadii la xiray.
Sedaxdan suxufi oo kala ah Chacha Mwita, Dennis Oyango iyo Ayub Savula
Ayaa la horgeeyey maxkamada ku taala magaladda Nairobi waxaana lagu soo
oogay dacwad ah in ay qoreen warbixin been abuur ah.
Hasayeshe waa ay diideen in ay qirtaan dambigaasi waxaana lagu
soo dayey damaanad.
Sidoo
kale waxa ay habeenkii Khamiista ciidanka amaanka galeen xarunta
daabacaada wargayska iyagoo gubay dhamaanba wargaysyadii la rabay in
lagu faafiyo dalka,isla markaana waxay ciidanku hawada ka saareen
Telefishanka KTN oo xiiriir uu wargaysku ka dhaxeeyo.
Sii daynta wariyayaasha ayaa ka dambay
kadib markii Gudoomiyaha gudiga sharciga iyo howlaha cadaalada ee
barlamanka Poul Mwite iyo Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee wadanka
Ezakiel Mutua ay ugu baaqeen dowladda in ay sida ugu daqsiyaha badan
xabsiga uga sii dayso sedaxda suxufi ee shalay xabsiga loo taxaabay
iyagoo lagu edaynayo in ay qoreen war been abuur ah.
Wariyayaashan oo u shaqaynayey wargayska Starndard
ayaa waxaa lugu eedaynayaa in ay alifeen warbixin lagu dabacay wargayska
malintii sabtida oo shegaysay in wasiirkii hore ee dhirta Kalonzo
Musyoka uu kulan qasoodi ah la yeeshay madaxwayne Mwai kibaki.
EEDAYMADA LOO JEEDIYAY DOWLADA KENYA.
Sodon Mudane oo katirsan dhaqdhaqaaqa
orenjada, iyo iskashiga milkiilaysha qalabka warbahida ee Media owners
association ayaa ku tilmaamay falkaasi mid looga goleeyahay in lagu
cadaadiyo saxafada xorta ah. Inkastoo wasiirka war faafida ee Mutahi
Kagwe uu sheegay in wasaaradiisa aysan ku lug lahayn werarkkii xalay
dhacay hadana wasiirka amniga qaranka john michuki ayaa shegay in
werarkaasi uu ahaa talaabo lagu sugayo amaanka qaranka. Waxaa kaloo
cambareeyey talabadaasi xarunta caalamiga ee saxafada iyo ururada ka
jira caalamka sida Maraykanka.
Canab Mumtaz | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com
SHIRWEYNIHII CUMAR CALI EE LAGU QABTAY MAGAALADA
MINNEAPOLIS DALKA MAREEKANKA
02/26/2006
Sawiro badan oo laga qaaday
kulanka ka eeg halkan... (PowPoint)
Waxaa bishu feberweri markay ahayd
26,2006,ka dhacay magaalada minyaabulus ee gobolka manisooto shir ay ka soo
qayb galeen bahda cumar cali oo ka tirsan beesha cali saleebaan. Waxayna soo
saareen go'aamadan soo socda:
- in laga shaqeeyo
sidii la isugu xiri lahaa bahda xiriirkeeda gudaha iyo kan dibadda
loona heli lahaa is afgarasho,wadashaqayn iyo walaaltinimo.
- in laga shaqeeyo
sidii looga qayb geli lahaa horomarinta dhulka ,siiba xagga bulshada
,waxbarashada ,dhaqaalaha ,iyo nabadda.
- in loo diyaariyo
beesha cali saleebaan in ay isu kaashato badbaadinta ummadda
soomaaliyeed oo ay soo martay ama ay haysato dhibaatooyin burburiyay
qaranimadoodii.
- in kaalmo loo
geysto dadka dan yarta ah loona naxariisto maxaa yeelay waa dadka
ugu badan oo ay taabatay dhibaatadu.
- Shirka waxaa
lagu sameeyay labo guddi,guddiga fulinta oo ka kooban toddobo qof
iyo guddiga talabixinta ama odayaash oo ka kooban labaatan IYO KOW
qof


Sawiro badan oo laga qaaday
kulanka ka eeg halkan... (PowPoint)
Barnaamijkii Radio Xoriyo
03
March 2006
Dad badan oo
Dhagaxbuur lagu xidhxidhay.
Guddoomiye ku
xigeenka JWXO oo Finland booqasho ku jooga.
Eritereya oo diiday
inay xadka wadahadal ka gasho.
Maxkamad ku sheegta
Itoobiya oo qarisay markhaatiyaasha.
======================
Wararka ka imanaya gobolka Jarar ee dalka
Ogaadeenya ayaa sheegaya in magaalada Dhagaxbuur lagu soo xidhxidhay dad
aad u badan oo laga soo qaqabtay qaar ka mid ah tuulooyinka ku
hareeraysan magaalada Dhagaxbuur.
Warku wuxuu intaas ku
darayaa in dhammaanba dadkii degganaa tuulada Higlaley, oo 25 km dhinaca
woqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhagaxbuur, lagu soo xidhxidhay
xabsiga magaalada Dhagaxbuur, iyadoo ayna ciidammada gumaysigu sheegin
sababta ay dadkaas u xidhxidheen.
Hase yeeshee waxaa la
sheegayaa in dadkan lagu eedeeyay inay gacansaar la leeyihiin JWXO.
Warku wuxuu kaloo intaas ku darayaa in xabsiga Dhagaxbuur uu
buux-dhaafay oo dadkii qaadi la’yahay.
Dadka ay ilaa iyo hadda
magacyadoodu na soo gaadheen waxaa ka mid ah;
1- Shamsa Muxumed Daahir
Cabdi
2- C/fataax Maxamed
Cabdi Qarayare iyo
3- Nimco Aw-Cabdi Samad
4- C/rashiid Axmed
Ileeye
Magacyada dadka kale ee
xidhxidhan waxaan rajaynaynaa inaan idiinku soo gudbino barnaamijyada
soo socda haddii Eebe idmo.
Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo
Finland booqasho ku jooga.
Guddoomiye ku xigeenka
Jabhadda Waddaniga Xoreynat Ogaadeenya JWXO Maxamed Ismaaciil Cumar ayaa
galabnimadii talaadada ahayd gaadhay magaala madaxda Finland ee
Helsinki. Guddoomiye ku xigeenka waxaa socodaalkiisa ku weheliya
guddoomiye ku xigeenka hooggaanka arrimaha dibada iyo jaaliyadaha
Maxamed Macalin.
Wariyaha RX ee dalka
Finland Dhoodi Danwaa ayaa dhanbaal uu halkaas nooga soo diray wuxuu ku
sheegay in madax ka socota maamulka Jaaliyadda Ogaadeenya iyo unugta
JWXO ay waftiga si diirran ugu soo dhaweeyeen garoonka dayuuradaha.
Waftiga ayaa si rasmi ah u guda-galay hawlihii uu u tagay dalka Finland
maalinimadii arbacada ee bisha Maarso kowda ahayd, iyagoo la kulmay
wasaarada arrimaha dibada ee dalka Finland. Waxay waftigu si buuxda uga
warbixiyeen guud ahaan xaalada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika,
gaar ahaan Ogaadeenya iyo halganka ay hormuudka ka tahay JWXO. Waxay
sidoo kale ka warbixiyeen arrimaha xaquuqul insaanka, abaaraha iyo guud
ahaan gumaadka lagu hayo shacabka Ogaadeeniya.
Wasaarad Arrimaha dibada
ee Finland ayaa si buuxda u soo dhawaysay dhamaan waxyaabihii waftigu
kala hadlay, waxayna ballanqaaday inay si buuxda ula sii soconayso
qadiyada Ogaadeenya, hada wixii ka dambeeyana ay xidhiidh joogta ah la
samayn doonto masuuliyiinta JWXO.
Eritereya oo diiday
inay xadka wadahadal ka gasho.
Dawlada Eritereya ayaa
ku gacan saydhay inay wax wadaxaajood ah ka gasho khilaafka xuduudeed ee
u dhexeeya iyada iyo Itoobiya. Diidmada Eritereya waxay ka danbaysay, ka
dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku taliyay in guddi
madaxbannaan loo qabto xal u-helidda khilaafka xuduudeed ii Eritereya
iyo Itoobiya u dhexeeya.
Go’aankii kama danbaysta
ahaa ee labada dhinacba waajibka ku ahaa ayaa gundhig sharci u ah
dhibaatada Eritereya iyo Itoobiya, mana jiro qiil kale o oak furan,
sidaas waxaa lagu sheegay bayaan isniintii ka soo baxay wasaarada
arrimaha dibada ee dalka Eritereya.
Go’aanka lagu sheegay
bayaanka Eritereya waa go’aankii ka soo baxay guddiigii Qaramada
Midoobey u qabatay xallinta khilaafka Eritereya iyo Itoobiya, kaasoo
go’aankiisii kama danbaysta ahaa soo saaray bishii Abriil sannadkii
2002.
Dawlada Eritereya yaa ka
digtay in isku day kasta oo wax lagaga baddalayo go’aankii guddiga ee ku
saabsanaa astaynta xadka ama qaabab kale loogu samaynayo fulintiisa waa
sharci darro, wuxuuna horseedayaa oo kaliya in arrintu meel khatar ah
gaadho.
Marar badan ooh ore ayay
dawlada Eritereya ka digtay in la marin-habaabiyo sharciga caalamiga ah,
si qiil loogu raadiyo xukuumadda Itoobiya oo ku gacan saydhay qaraarkii
guddiga caalamiga ah ee astaynta xadka ku saabsanaa, hase yeeshee beesha
caalamka oo ay hormuud u tahay Qaramada Midoobey ayaa ku sii dhaggan
sidii go’aanka loo waafajin lahaa doonista xukuumadda keligii taliye
Meles Zenawi.
Maxkamad ku sheegta
Itoobiya oo qarisay markhaatiyaasha.
Maxkamad ku sheegta
xukuumadda Itoobiya ee qaadaysa dacwadda 129 qof oo u badan madaxdii
xisbiyada mucaaradka ah ayaa arbacadii diiday inay daboolka ka qaado
magacyada markhaatiyada.
Maxkamad ku sheegtan
ayaa diiday inay daboolka ka qaado magacyada dadka ku markhaati furaya
madaxda mucaaradka, arrimo nabadgelyadooda la xidhiidha dartood.
Qaaddiga maxkamad ku
sheegtan ayaa diiday in la shaaciyo magacyada 360 markhaati oo xeer
ilaalinta Zenawi ay doonayaan inay dacwaddan u adeegsadaan.
Dhinaca kale shan qof oo
kaliya oo ka mid ah madaxda mucaaradka ee xabsiga lagu hayo ayaa soo
xaadiray dhagaysiga fadhi maxkamadeedkii arbacadii la qabtay, waxayna
diideen inay maxkamad ku sheegta horyimaadaan, ka dib hal toddobaad oo
kaliya markii hooggaamiyahooda la xidhani uu dacwaddan ku tilmaamay
riwaayad. Madaxda mucaaradku waxay diideen inay maxkamadda horyimaadaan
oo diidaan ama qirtaan denbiyada loo haysto.
Qaaddiga maxkamad ku
sheegta Zenawi ayaa saraakiisha xabsiga ku amray inay eedaysanayaasha
qasab ku horkeenaan maxkamaddiisa marka dhagaysiga dacwadda la isugu soo
noqdo 23-ka Maarso.
Dadka dacwaddan loo
haysto waxay ak mid yihiin kumanaan qof oo xukuumadda keligii taliye ay
xabsiga u taxaabtay bilihii Juun iyo Nofember ee kal hore, ka dib markii
dadwaynuhu ka gadooday musuqmaasuqii ay xukuumadda Zenawi ku samysay
doorashadii May. Waxay kaloo boolisku laayeen dad boqollaal gaadhaya oo
ka mid ah bannaanbaxayaashii rayadka ahaa.
Radio Xoriyo
03
March 2006.
Axmed Gaal-eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu
yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Bari
Faafin: SomaliTalk.com | March
3, 2006
Qaad
(Jaad) Laga Dhoofiyey Dalka Holland oo Lagu Qabtay Maraykanka
»C/raxmaan Faroole: Ma
helin Qoraal Xil la igaga Qaaday
»Nin Mareykan ah oo lagu
afduubtay degmada Afmadow
»Max’ed Dheere: C/llahi
Yuusuf hubkii Yemen beeshiisuu siiyay
»Taliye ku xigeen iyo
xaaskiisii oo lagu dilay Muqdisho ..
»C/llaahi Yuusuf oo
kulamo gooni gooni ah ku leh Baydhabo
»Geeddi oo wada qorshe
uu kuln ka dhaca Jowhar...
»Jaamacadda Carabta oo
soo dhaweysay kulanka Baydhabo
»Minneapolis:- Mark
Kennedy oo booqday Suuqa Soomaalida
iyo
Sawirka hadda ee Dhismihii Baarlamaankii Soomaaliya... Guji Mar
2