

Maalintii shalay ahayd ayaa Fagaaraha
Tiribuunka ee Magaalada Muqdisho waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara
badan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna isku soo
baxoodii ay uga soo horjeedeen kooxaha u adeegaya caddowga Islaamka oo ay
sheegeen in ay halis ku yihiin Diintooda iyo dalkooda sida ay sheegeen.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi hadal ka
jeediyay Guddoomiyaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka Mudane Shiikh Axmed
C/llaahi waxa uuna sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in wax loo dhimo
Diinta Islaamka isagoo sheegay in ay dagaal la geli doonaan kooxaha u
adeegaya Gaalada.

Waxaa kalloo ka hadlay Guddoomiyaha
Midowga Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagu u mahadceliyay
intii soo qaban-qaabisay banaanbaxaasi waxaa kalloo uu sheegay in
banaanbaxaani uu ka tarjumayo sida aysan shacabka Soomaaliyeed u ogoleyn in
waxyeelo loo gaysto culumadooda iyo diintooda.

Wuxuu kalloo sheegay in ay dagaalka ay
kula jiraan kooxaha caddowga ku ah Diinta Islaamka ay wadi doonaan, balse
farta kuma uusan fiiqin kooxahaasi, waxaase uu ula jeeday kooxihii dhawaan
ku dhawaaqay isbahaysigii la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada waxa uuna
qiray in Soomaaliya aysan ku sugneyn wax argagixisaa, balse argagixiso ay
yihiin kuwii ummadda ku hayay dilalka, dhaca iyo dhibaatooyinka xag walba
leh mudadii 15-ka sano ahayd.

Sawirada waxaa qaaday Jiisow
Xubnihii dhawaan ku dhawaaqay "isbahaysiga"
oo ku sii Jeeda Addis-Ababa.
Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan
in Sagaalkii xubnood ee dhawan ku dhawaaqay isbahaysigii ay u bixiyeen "la
dagaalanka argagixisada" la filayo in todobaadkaan ay u ambabaxayaan
Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya kaddib markii ay martiqaad ka heleen
Dowlada Itoobiya.
Waxaa la sheegay in xubnahaasi ay
halkaasi u tagayaan sidii ay wada-tashi ula soo sameyn lahaayeen xubno ka
socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay
Dowladda Itoobiya ugu yeertay xubnahaasi oo iyagu dhawaan sheegtay in
Soomaaliya ay ku sugan yihiin "dad ajnabi" ah oo ka tirsan "Ururka Al-Qaacidda",
kuwaas oo ay sheegeen in ay hayaan Dad Soomaali ah oo ku sugan Magaalada
Muqdisho.
Dhawaan ayaa xubnahaani sida la sheegay
waxay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar kulan kula yeesheen saraakiil ka
socotay Sirdoonka Mareykanka waxayna halkaasi isku dhaafsadeen warbixino la
xiriira waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada.


Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga
qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda
yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday
Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya
ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk |
C/llaahi Yuusuf oo
caafimaad ahaan ugu socda cariga Ingiriiska..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed dhowrkii biloodba mar gaara dalka Ingiriiska ama wadamo kale si uu u
soo baaro xaaladdiisa caafimaad ayaa la filayaa in uu dhawaan u ambabaxo
dalka Ingiriiska si uu mar kale uu baaritaan guud isugu sameeyo oo la
xiriira dhinaca Beerka. C/llaahi Yuusuf ayaa mar uu sanadkii hore tagay
cariga Ingiriiska waxaa ku banaanbaxay dadweyne fara badan oo qaarkood dacwo
ku soo oogay kaddib markii ay sheegeen in uu dilay dad ay ehelo ahaayeen ama
uu shirqooley waxaana ugu cadcaddaa Xaaskii Suldaan Hurre, oo iyadu sheegtay
in aysan marnaba ka hari doonin Kiiskaas waqtigii la doonaba ha qaatee.
C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sanadkii hore ka galay Isbitaalka Magaalada
London waxaana laga qariyay dhamaan Saxaafadda, isagoo Isbitaalka ku jiray
labo todobaad. Inkastoo aan la caddeyn waqtiga uu baxayo C/llaahi Yuusuf
haddana waxaa weli hor yaala howlo culculus oo la xiriira Dowladda
Federaalka, maadaama dhawaan Magaalada Baydhabo uu ka furmay shirkii Golaha
Baarlamaanka, waxayna sheegeen saraakiil ku dhow dhow C/llaahi Yuusuf in uu
shirka joogi doono ilaa laga dhameeyo qodobada hor yaala Golaha Baarlamaanka
oo ay ugu horeyso sidii ciidamo shisheeye loo keeni lahaa dalka iyo waliba
in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, inkastoo qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka ay arrintaasi ku diidan yihiin, iyagoo sheegay in
waqtigaan aan loo baahneyn Ciidamo shisheeye.
Xildhibaan Diirshe
“Nabadgelyo xumida ka jirta muqdisho waxaa sabab u ah feregelin…
Xildhibaan Nuur Axmed
Diirshe oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee markii khilaafku soo kala
dhex galay Dowladdana ka mid ahaa Xildhibaanadii ku sugnaa Magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in nabadgelyada ka jirta Baydhabo ay ka
shaqeeyeen dadka deegaanka waxa uuna sheegay in arrintaasi ay mudan tahay in
lagaga daydo.
“Waxaan ka mahadceli-neynaa
sidii diiraneed ee nalagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo” ayuu yiri
Xildhibaan Diirshe oo intaa raaciyay “Nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada
Muqdisho waxaa sabab u aha faragelin shisheeye waxaana lagaga badbaadi karaa
iyadoo isku duubni ay sameeyaan bulshada Gobalka Banaadir”.
Ugu dambeyntii Xildhibaanku
waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka ay hor yaalaan ajandayaal muhiim ah,
maadaama mudo sanad ah uusan isugu imaanin wax shir ah, waxa uuna u soo
jeediyay, wuxuuna u soo jeediyay xildhibaanada in ay si saraaxad leh uga
doodaan qodobada la soo hordhigi doono.
Taliyaha Ciidanka
Booliiska ee Gobalka Gedo oo sheegey in Baydhabo u yimaadeen…
Waxaa noo suuragalay in aan
wareysi la yeelanayo taliyaha Ciidanka Booliiska Gobalka Gedo Col. Yuusuf
Cismaan (Yuusuf Dhuumaal) haatanna ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu
sheegay in sababaha uu u yimid Magaalada Baydhabo ay tahay sidii uga
qayb-qaadan lahaa nabadgelyada Magaalada Baydhabo maadaama ay haatan ku
sugan yihiin dhamaan xubnihii Dowladda.
Col. Yuusuf waxa uu sheegay in haatan
Bayadhabo ay ku joogaan ilaa iyo 60 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliiska
kuwaas oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Gobalada dalka isagoo xusay in
ay qayb ka qaateen sugidda ammaanka, furitaankii shirkii Golaha Baarlamaanka,
isagoo sheegay in haatanna u taagan yihiin sugidda nabadgelyada dhamaan
shirara soo socda
Mar uu ka hadlayay dhinaca abaaraha waxa
u sheegay in Gobalka Gedo ay haatan ka jiraan abaar daran iyo biyo la’aan
waxa uuna u mahadceliyay intii gobalka soo gaarsiisay gargaarka, wuxuuna si
gaar ah u xusay shacabka ku nool Gobalka Banaadir oo uu sheegay in ay
muujiyeen wadanimo iyo geesinimo.
Geedi “ Xayiraad ka qaadista hubka ee
Soomaaliya waxay u taalaa Xukuumadda…
Ra’isul Wasaare Geeddi oo haatan ku sugan
Magaalada Baydhabo oo shalay u waramayay ragga wararka dira ayaa wax laga
weydiiyay mowqifkiisa ku aadan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka
ee lagu soo rogay sanadkii 1992-dii, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u taalo
Xukumadda, isagoo sheegay in arrintaasi ay ka doodi doonto Dowladda
Federaalka kaddibna ay u gudbin doonto Golaha Baarlamaanka.
“Marka Golaha Baarla-maanka loo gudbiyo
isaga ayay u taalaa in uu sharciyeeyo iyo in uusan sharciyeen” ayuu yiri
Geedi oo intaa raaciyay “hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha ee ahaa
xayaarad ka qaadista hubka Soomaaliya waxay ahayd talo ee ma ahayn sharci”.
Ugu dambeyntii waxa uu Cali Max’ed Geedi
uu sheegay in ay iyagu raaci doonaan wixii sharci ah ee uu golaha
Baarlamaanku ansixyo, taasoo uu sheegay in ay tahay wadada saxda ah.
Dhinaca kale waxaa maalintii shalay ahayd
Magaalada Baydhabo soo gaaray sarkaalkii u shaqeynayay Hay’adda UNICEF ee
dhawaan lagu afduubtay deegaanka Afmadow waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay
xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo ninkaas sii deyntiisa ay gacan
ka gaysatay Dowladda Federaalka oo iyadu bixisay lacagtii lagu sheeganayay,
waxaana arrintaan xaqiijiyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.
Dowladda Talyaaniga oo shalay deeq soo
gaarsiisey Dowladda Federaalka ..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Garoonka Diyaaradaha ee
Baydhabo ay ka soo degeen labo diyaaradood oo la sheegay in ay sideen deeq
ay dowladda Talyaaniga ugu talagashay Dowladda Federalka, waxayna deeqdaasi
ka koobneyd Matooro, Qalab Xafiis iyo Teendhooyin.

Juurile oo saxiixaya deeqda
Deeqdaan ayaa waxaa guddoomay Wasiirka
qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurile iyo Wasiirka
Qalabeynta Maxamuud Sayid Aadan, waxayna markii ay gudoomeen u mahadceliyeen
Dowaldda Talyaaniga oo ay sheegeen in ay tahay dowlad dooneysa in ay gacan
ka gaysato in Soomaaliya mar kale ay cagaheeda isku taagto.
Deeqdaan oo uu la socday Danjiraha
Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in deeqdan
aysan aheyn tii ugu horeysay oo Dowlada Talyaanig ay guddoonsiiso Dowladda
Federaalka isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha ay Dowladda
Talyaaniga ku taageereyso Dowladda Federaalka, waxaana deeqdaas markii dambe
lagu wareeejiyay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.
Sanadkii hore bartamihiisa ayay ahayd
markii Dowaldda Talyaaniga ay deeq soo gaarsiisay Dowladdda Federaalka oo
markaa fadhigeedu ahaa Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe. [War dheeraad
ah oo kusaabsan deeqda talyaaniga hoos ka akhri]..
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Ra'iisul Wasaare Geedi iyo
Gudoomiye Shariif oo kulan albaabada u xeran yihiin ku yeeshay Hooyga
Ra'iisul Wasaaraha.
Baydhabo. 03.03.06:
Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ee Somalia Md. Shariif Xasan Shiikh Aden
iyo Ra'iisul Wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa
kulan albaabada u xeran yahay ku yeeshay hooyga uu degan yahay Ra'iisul
wasaare Cali Maxamed Geedi.

Guddoomiyaha iyo Ra'isul Wasaaraha ayaa isla soo
qaaday sida loo horumarin karo howlaha haatan socda ee is dhex galka
xubnaha barlamaanka, iyo sidii looga dhaadhicin lahaa arrintaasi.
Waxana ay sidoo kale iska wareysteen xaaladda guud
ee dalka iyo sida ay wada shaqeyn dhab ah u yeelan lahaayeen xukuumadda
iyo Barlamaanka.
Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan Shiikh
Aadan ayaa ka waramay shirka uu la qaatay Ra'isul wasaaraha, isaga oo
xusay in ay tahay in ay iska wareystaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka
wada shaqeyn ee xukuumadda iyo Barlamaanka, iyo sidoo kale sidii loo
wacyi galin lahaa umadda soomaaliyeed, loogana qayb qaadan lahaa si wada
jir ah dib udhiska, dib u hishiisiinta iyo nabad ku soo dabaalista dalka.
Gudoomiyaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa shirar kala
gooni gooni ah maalmahanba lakala yeelanayey xubnaha baarlamaanka oo
kala fakarka ah,
Iyada oo shirka uu joogay sidoo kale wasiirka
Tacliinta Sare Xuseen Maxamed Shiikh Xuseen.
Abdirahman Dinari/Mohamed
Yusuf Ahmed
Office Of the Somali
Prime Minister/Media Departmen
----------------------------------------------------------------------------
Deeq ay dowlada talyaaniga soo
gaarsiisay dowlada Federaalka soomaaliyeed.
Baydhabo. 03/03/06:
Wasiirka Qorsheynta iyo
Iskaashiga Caalamiga Prof. C/risaaq Cismaan Xasan "Juriille" ayaa deeq
ka gudoomay xiriiriyaha dowlada Talyaaniga ee xaga deeqaha Mr. Mario
Ravelli.

Mr. Mario Ravelli oo saxiixaya deeqda
Prof. Jurille oo deeqdan ka gudoomay
dowlada Talyaaniga Wakiilkeeda ayaa ka hadlay xaflad yar oo halkaasi
lagu sameeyey waxa uu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeeysay ee ay
deeq soo gaarsiiso dalka Talyaaniga.
Prof. Juriile ayaa ugu mahadceliyey
dowlada Talyaaniga deeqdan ay soo gaarsiisay, Mr. Mario Ravelli iyo
Wasiirka Qorsheynta ayaa halkasi kala saxiixday warqadihii kala
wareejinta Macaawinooyinka iyadoo sidoo kale uu wasiirka Qorsheynta iyo
xiriirka Caalamiga ku wareejiyey Wasiirka hantida Qaranka iyo Qalabaynta
Mr. Maxamuud Sayid Aden oo isagana kusii wareejiyey ninka gacanta ku
haaya magaalada Baydhabo Mr. Maxamed Ibraahin Xaabsade.
Wasiirka Hantida Qaranka iyo
Qalabeynta Mr.Maxamuud Sayid Aaden oo kala wareejintaasi ka hadlay ayaa
ku booriyey in qalabkaani loo isticmaalo sidii loogu talo galay oo ay ka
faa'ideystaan shacabka soomaaliyeed oo aysan noqon mid dano shaqsiyadeed
lagu fuliyo.
Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade
ayaa isna halkaasi hadal kooban kasoo jeediyey oo sheegay in qalabka ay
la wareegeen uusan noqon doonin mid shaqsiyadeed oo
ay ku fulin doonaan sidii loogu talo galay.
Qalabkani ayaa waxa kala siday laba
diyaaradood oo waawayn iyadoo maalinimada beri ahna ay imaan doonto
diyaarad kale waxaana qalabkaasi ka mid ahaa:
-
4 ware houses 24
X 10 miter
-
Tents 32 M2
-
2 living rooms
for 2 person
-
2 Offices for two
person
-
2 Generator
15KVA.
Waa markii sadexaad oo ay dowlada
talyaaniga deeqahaan oo kale soo gaarsiiso dowlada Federaalka iyadoo
markii ugu horeeysay ay kasoo kala degeen qalabkaan oo kale magaalada
Muqdisho dekada Ceel Macaan iyo garoonka Diyaaradaha ee Cisiley iyadoo
loo sii gudbiyey magaalada Jowhar.
Abdirahman Dinari/Mohamed
Yusuf Ahmed
Office Of the Somali
Prime Minister/Media Departme
---------------------------------------------------------------------------
Dowladda Federaalka oo
ku guulaysatay in sarkaalkii UN-ka ee lagu afduubtay Afmadow la sii
daayo, iyada oo Bob McCarthy uu maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Sarkaalka Qaramada Midoobay ee lagu
afduubtay magaalada Afmadow ee dib loo sii daayey shalay galab
magaciisana la yiraahdo Bob McCarthy, oo ka
mid ahaa the emergency officer for the United Nations Children's Found
(UNICEF) Somalia office, ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo oo ay
kusugan yihiin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul
Wasaaraha Somalia.

Mr. Bob McCarthy oo
wajigiisa ay farxad ka muuqatay ayaa kasoo degay garoonka magaalada
Baydhabo iyadoo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan dowlada Federaalka oo
sii daysmadiisa ka qeyb qaatay ayaa waxa ka mid ahaa
Wasiirka warshadaha Cabdi Maxamed
Tarax, W/k/xigeenka Amniga Qaranka soomaaliyeed Md. C/rashiid Maxamed
Xidig iyo Wasiiru dowlaha dib u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga
Mr. Axmed Mashruuc.
Wasiirka Warshadaha iyo wasiirada la
socday ayaa waxa ay ku wareejiyeen Mr. Bob McCarthy madaxda sare ee
dowlada Federaalka waxa uuna mid mid u gacan qaaday Madaxweynaha Somalia
Md. Cabdulaahi Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo
Ra'iisul wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi waxayna
dhamaantood mid mid ugu tacsiyeeyeen dhibkii soo gaaray sarkaalka oo ay
u sheegeen in uu madax u yahay dadka dhibka u geeystay uuna muujiyo
samir iyo dulqaad.
Mr. Bob McCarthy oo mid mid ula
kulmay sadaxda masuul ayaa waxa uu sheegay in uu markii hore usoo
bareeray in dalka Somalia oo dhib badan ka taagan yahay in uu wax u
qabto, isla markaana uu sheegay in uu sii wadan doono shaqadiisa oo
aysan dhib u keeni doonin dhibka soo gaaray, waxakaloo uu sheegay in uu
aad ugu farxsan yahay sida wayn ay isugu mashquuliyeen dowlada Federalka
sii daysmadiisa.
Mr. Bob McCarthy waxa kale uu
sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay oo wax dhib ah uusan soo gaarin oo
aan ka ahayn in xornimadiisa laga qaaday.
Sarkaalkani ayaa nin ganacsade ah ku
afduubtay magaalada Afmadow isagoo cadeeyey inuu u afduubtay lacago ay
horey ugu deensadeen hay'ada Qaramada Midoobay ee UNHCR sanadii
1996-dii, oo aanan loo soo celin.
Abdirahman Dinari/Mohamed
Yusuf Ahmed
Office Of the
Somali Prime Minister/Media Departmen
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
War saxaafadeed
ay soo saartay Q.M ayay ku amaantay dowladda Federaalka soomaaliya
dadaalka ay u gashay sii daynta sarkaal u shaqeynayay oo lagy
afduubtay somalia dhawaan.
UN Press Release
ABDUCTED UN STAFF MEMBER FREED
Nairobi (2 March 2006)
– The United Nations has confirmed the release of UNICEF staff
member Mr Robert McCarthy.
Mr McCarthy (47) was abducted on 1 March 2006 by armed men on the
outskirts of Afmadow, 110 kilometres northwest of Kismayo in the
Lower Juba region of Somalia. He was released into the custody of UN
security staff and members of the Somali Transitional Federal
Government late this afternoon.
UNICEF Executive Director Ms Ann M. Veneman was in Nairobi and
greeted Bob’s wife, Rosemary McCarthy and two of their children.
Veneman said: “We are very
relieved that Mr. McCarthy has been released unharmed and thank the
Transitional Federal Government for demonstrating leadership in this
critical time.”
----------------
For more information, please contact:
Sandra Macharia, Information Officer, UNDP/RC Somalia
Tel: (254 20) 4183640/2; Fax: (254 20) 4183641; Email:
sandra.macharia@undp.org
Faafin: SomaliTalk.com | March
4, 2006
KENYA:
WARIYAYAASHII STANDARD IYO KTN OO LA SII DAAYAY
»Ninkii
lagu Afduubay
Afmadow
oo la sii daayey...
»Dad
badan oo Dhagaxbuur lagu xidhxidhay...
»Shirweyne
Beesha Cumar Cali oo lagu qabtay Minneapolis
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 3
Qaad
(Jaad) Laga Dhoofiyey Dalka Holland oo Lagu Qabtay Maraykanka
»C/raxmaan Faroole: Ma
helin Qoraal Xil la igaga Qaaday
»Nin Mareykan ah oo lagu
afduubtay degmada Afmadow
»Max’ed Dheere: C/llahi
Yuusuf hubkii Yemen beeshiisuu siiyay
»Taliye ku xigeen iyo
xaaskiisii oo lagu dilay Muqdisho ..
»C/llaahi Yuusuf oo
kulamo gooni gooni ah ku leh Baydhabo
»Geeddi oo wada qorshe
uu kuln ka dhaca Jowhar...
»Jaamacadda Carabta oo
soo dhaweysay kulanka Baydhabo
»Minneapolis:- Mark
Kennedy oo booqday Suuqa Soomaalida
iyo
Sawirka hadda ee Dhismihii Baarlamaankii Soomaaliya... Guji Mar
2