Abdul Diriye, London.
abduldiriye@yahoo.com
Waxaa iska dabiici ah in waalidku ay barbaarinta
caruurtooda uga fekeraan ugana qayb qaataan sida ay korriimada jirkooda uga
fekeraan. La yaabna ma laha inaan niraahno dadka iyo xayawankuba waa
wadaagaan inay ubadkooda baraan sidii ay noloshooda u maamulan lahaayeen oo
ay mushkiladaha degaankooda ku hareeraysan uga gudbi lahaayeen ama wixii ay
cuni lahaayeen ula soo bixi lahaayeen una samaysan lahayeen hoy ay gabbaad
ka dhigtaan.
Ilmuhu inay wax bartaan waxay bilaabaan waqti aad u
horreeya oo ay dhici karto in aan weli garaadkoodu wax kala soocin mana
joojiyo qofku inuu wax baranayo oo uu isa saxayo ilaa uu ka geeriyoodo ama
caqligu ka tago. Inta haddaba ilmuhu ay hoos joogaan waalidkood ayaa
waalidka ama qofka ka masuulka ahi awood u leeyahay inuu ku dadaalo in uu u
hagaajiyo aasaaska uu ilmuhu hadhow wax ku dhisi lahaa ama uu xumaanta iyo
samaanta ku kala miisaami lahaa. Qodobbada soo socda waxaa laga yaabaa inay
waalidka qurbaha jooga wax badan taraan:
1.
Aqoonta iyo edebtu waa laba wax oo la oran karo
waa kala duwan yihiin. Oo waxaa laga yaabaa in la arko qof aad u aqoon badan
laakiin u baahan in edebtiisa wax laga saxo sida loo arki karo qof edeb
badan laakiin arrimaha qaar jaahil ka ah. Tusaale ahaan haddii labo qof ay
shaqo soo wada dalbadaan waxaa laga yaabaa in midkood uu haysto
shahaadooyinkii loo baahnaa weliba uu leeyahay khibrad badan oo uu shaqadaan
oo kale horay u soo qabtay laakiin aanu shaqaaalaha kale la heshiin karin oo
uu ama iskala weyn yahay ama uu si dhaqso leh u caroodo. Qofka kale waxaa
laga yaabaa inaanu weligii shaqadan oo kale soo qaban, waxbarasho gaar ah oo
shaqadaan khusaysana aanu weligii gelin laakiin uu yahay qof dabeecad
wanaagsan oo shaqaalaha meeshaba isu haya kana warqaba, shaqadiisana aan ka
maqnaan oo cudurdaarasho been ah aan aqoon sida loo sameeyo. Maamuluhu
labadaas qof markuu kala dooranayo wuxuu isu miisaamayaa mid walba
faa’iidada iyo khasaaraha uu leeyahay iyo baahida shirkaddiisa.
2.
Waxbarshadii Soomaaliya iyo tan waddamada loo
soo qaxay gaar ahaan kuwa reer galbeedku way kala duwan yihiin. Waxaa caadi
ahayd Soomaaliya in ilmaha la geeyo dugsi quraan oo waalidku ku yiraahdo
macallinka “macallin, ilmahayga lafihiisana anaa leh, jirkiisana adigaa leh”
oo micnaheed yahay sidaad doonto u dil oo jirkiisa nabro ugu yeel laakiin
lafihiisa ha iga jebin. Kama hadlayo hadda ilmaha in la garaaco inay sax
tahay iyo inay qalad tahay, laakiin waxaa hadalkaas ka muuqda sida buuxda ee
waalidku ugu kalsoonaa macallinka oo wax walba oo ku saabsan ilmahaas
waxbarashadiisa uu macallinka keligiis uga masuul ahaa. Waxaaba adkayd in
xataa iskooladii Soomaaliya ka jirey ay waalidiintu tagaan oo ay ka war
doonaan sida ilmahoodu wax u baranayaan. Dareenka noocaas ah kama jiro
waddamada reer galbeedka. Waalidku qayb weyn ayuu ku leeyahay waxbarashada
oo macallimiinta iyo maamulka iskuuladu waxay waalidiinta uga warbixiyaan
waxbarashda ilmahooda, dhaqankooda iyo weliba sida ay u soo xaadiraan. Waxaa
la ogaaday in haddii macallimintu dareemaan in waalidku aanu muhimmad weyn
siinayn warbixinaha loo soo diro, ama aanu su’aalo weydiin macallimiinta oo
aanu iskuulka soo booqan marar badan, in macallimiintu iyaguna aanay
ilmihiisa muhimmad weyn siinayn oo waqti badan ku luminayn.
Professor David Gillborn oo wax ka dhiga University
of London (Institute of Education) ayaa wuxuu yiri “Waxaan ka
dhashay reer faqiir ah, macallinkaygii xisaabta ayaa wuxuu igu qoray
inaan barto xisaab hoose, laakiin maalintii imtixaanku soo dhawaa
ayaan codsaday inaan galo imtixaanka sare (Higher Tier). Maamulkii
iskuulku waxay yiraahdeen imtixaanka lacag ayaa lagu galaa
iskuulkuna ma doonayo inuu xoolaha dawladda ku ciyaaro oo imtixaan
aadan geli karin kugu qoro, waxaan keliya oo kaa bixin karnaa inaad
gasho imtixaanka xisaabta hoose oo aad baratay. Waalidkay ayaan ku
qanciyey inay jeebkooda ka bixiyaan imtixaankii Higher-ka ahaa.
Labadii imtixaan ayaan u fariistay, kii la i soo baray ee hoose waa
ku dhacay, kii sare (higher) ayaan kuu baasay. Haddii aan maalintaas
yeeli lahaa talada macallinka xisaabta maanta professor kama noqdeen
jaamacad.” (Waxaan joogay Prof. Gillborn
isagoo arrintaas ka sheekaynaya, January 2004) |
3.
Weligaa ma ku fekertay waalidka qiimaha lahow,
in iskuulada waddamado badan sida Ingiriiska ardaydu iyagoo isku fasal
dhigta haddana loo kala dhigo duruus kala duwan oo kala sarraysa? Ardaydu
haddii ay isku da’ yihiin isku fasal ayaa laysugu geeyaa, laakiin dugsiga
sare markay gaaraan macallinka xisaabtu, tusaale ahaan, wuxuu ardayda u
kala goobeeya saddex qaybood; qayb sarraysa oo xisaab sare loo dhigo (Higher
Tier) qayb dhexe oo la baro xisaab dhexdhexaad ah (Intermediate Tier) iyo
qayb hoose oo loo dhigo xisaab aad u jilicsan (Foundation Tier). Ilmahaasu
ogow isku mar ayey dhammaynayaan iskuulka weligoodna isku fasal ayey
ahaanayaan laakiin markii ay soo galaan fasalka ayaa saddexdii qaybood loo
kala qaybiyaa. Markii ay dhamaystaan iskuulka, ilmihii la soo baray Higher
Tier wuxuu heli karaa (A*, A, B, iyo C) waxaana u furan inuu barto wixii uu
doono oo cilmi ah sida Medicine, Engineering, Pharmacy, etc. kii soo bartay
Intermediate wax walba ma baran karo oo jaamacadaha qaarkood ma aqbalayaan
heerka uu soo bartay, kii soo bartay foundation isagana fursadihiisu way sii
yaraanayaan oo xataa haddii uu su’aalaha imtixaanka sidii la rabey uga wada
jawaabo wuxuu keenayaa (D) waayo looma oggola inuu keeno (A*, A, B, ama C).
4.
Soomaaliya ilmuhu hadduu ku dhaco imtixaanada
wuxuu mar kale ku noqon jirey isla fasalkii uu ku dhacay. Ingiriiska
caruurta wax ku barata marna facood lagama reebo, laakiin maalintay iskuulka
dhamystaan ayaa dantu kala reebtaa oo midna jaamacad fiican aadaa midna
suuqa galaa. Haddaadan waqti hore sii ogaan meesha ilmahaagu u socdo goor
aadan wax ka qaban karin ayaad soo baraarugi doontaa. Waxaana laga yaabaa
inaad markaas mashquul ku noqoto sidaad iyaga iyo booliiska u kala asturi
lahayd ama aad cusbitaalka ugu soo booqan lahayd adigoo waxa ay cuneen ee ay
ku waasheen aan garan karin. Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan
ilmahooda waxa loo dhigo oo ay weliba talo ku yeeshaan oo haddii laga diido
ay ilamahooda iskuul kale geystaan ama ay iyagu guriga ugu qabtaan macallin
ka caawiya ilmaha xisaabta. Haddii ay dhibaato kaa haysato ka warqabka
iskuulka ku dadaal inaad Soomaalida haysata xarumaha (community centres) ku
adkayso inay wax kula qabtaan. Haddii ay kula tahay inaanay daacad ahayn oo
meesha ay u joogaan inay lacag ku qaataan oo keliya, isku day inaad
hadalkaaga u caddayso, waayo iyagu sidaas isuma haystaan, waxaana laga
yaabaa in hadalkaagu, haba ka caraysiiyee, uu dareensiiyo culayska jira.
Waddanka Ingiriiska waa khasab in ilmaha da’doodu u dhaxayso 5 jir
ilaa 16 jir la geeyo iskuul. Ilmuhu markuu 7 sano jiro waxaa laga
qaadaa imtixaan ah akhriska, qoraalka, higgaadda (ama hikaadda) iyo
xisaabta, markuu yahay 11 jir iyo markuu 14 jiro waxa laga qaadaa
imtixaano kale oo ah Xisaab, Saynis iyo Ingiriis. Imtixaanadaas ayaa
macallimiintu ku go’aansanayaan waxa ilmahaaga loo dhigi doono
dugsiga sare oo ay dhigtaan 14 jir ilaa 16 jir. Haddii ilmuhu rabo
inuu sii wato iskuulka inta u dhexeysa 16 ilaa 18 jir wuxuu gelayaa
‘Sixth Form’. Halkaa wuxuu ku baranayaa maaddooyin uu ugu
diyaar-garoobayo jaamacadda oo la yiraahdo ‘A Levels’. Maadooyinka
iskuuulka lagu dhigto qaarkood sida ‘Barasahda Diinta’ waxaa
waalidku xaq u leeyahay inuu ka saaro ilmihiisa waayo barashadeedu
maaha khasab. |
Xasan
isagoo afar jir ah ayaa Holland la keenay halkaas ayuuuna ka
bilaabay iskuulka. Laakiin markii uu sideed jir ahaa ayaa reerku u
guuray Sweden oo ay qaraabo ku lahayeen. Saddex sano iskuulka markuu
dhiganayey ayaa Aabbe reerkii u raray Suuriya si ilmaha loo siiyo
aqoon Islaami ah. Labo sano ka dib hooyo waxay go’aansatey inay
caruurta Ingiriiska keento waxaana la soo dejiyey London. Guri
la’aan markii reerku ahaa hal sano oo hadba meel loo rarayey ayey
ugu dambayn u guureen magaalada Birmingham oo oo ay deggen yihiin
gabdho ay hooyo reer Holland wada ahaan jireen. Xasan hadda waa lix
iyo toban jir laakiin wuxuu ku hadlaa dhawr luqadood oo uu midba
xoogaa ka yaqaan. (Waa sheeko run ku ah qoysas
badan oo Soomaaliyeed) |
5.
Waxaa kaloo iyaduna muhiim ah in waalidku haddii
ay awoodayaan isku dayaan inay bal wax ka ogaadaan sida nidaamka iskoolku u
shaqeeyo iyo waxa ilmaha loo dhigo. Taasi waxay ka caawinaysaa waalidka inay
ka warqabaan sida wax u socdaan oo ay ogaadaan markii ay muhiim tahay inay
talaabo qaadaan. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in warqadaha iskuulku
soo diraan aanay waalidku akhrisan karin, oo ay ilmaha weydiiyaan waxa ku
qoran. Ilmuhuna ay hadba wixii waalidka dhegihiisa u roon ugu fasiraan.
6.
Arrinta kale ee iyaduna u baahan in la joojiyo
waa guuritaanka faraha badan haddii laga maarmi karo. Mar walba oo reerku ka
guuraan xaafad ilamuhuna ay bedelaan iskoolkooda waxaa ku imanaya ilmaha
kala-go’ aqooneed waxaan dhici karta intuu iskuulka cusub la qabsanayo inay
waqti dheer qaadato.
Reeraha guur-guura oo aan meel ku
xasilin ilmahoodu waa kuwa ugu badan oo ku dhaca waxbarashada. Diraasad lagu
sameeyey 14 iskuul oo ku yaal dalka Ingiriiska waxaa la is garab dhigay
waxbarashada ilmaha ay reerahoodu guurguuraan oo markaas hadba iskool cusub
la geeyo iyo kuwa ay reerahoodu deggan yihiin. Waxaa caddaatay in ardayda
waalidkood guurguuraan ay aad iyo aad uga hooseeyaan kuwa kale sida
muuqaalka hoose ku cad. (Muuqaalku wuxuu muujinayaa ardaydii aan xataa
hal imtixaan ku gudbin. Midabka buluugga ah waa ilmaha reerahoodu deggan
yihiin, midabka cagaaran waa ilmaha reerahoodu guurguuraan)
7.
Waxaa iyaduna lama huraan ah in waalidku ku talo
galaan kharash gaar ah oo ay ku daboolaan baahiyaha waxbarasho ee ilmaha.
Ilmuhu markuu sii weynaadoba wuxuu u baahanayaa inuu wax yeesho oo weliba uu
helo meel uu ku habaysto qalabkiisa waxbarasho. Wuxuu u baahanayaa buugaag,
computer, IWM.
In kastoo Soomaalida Qurbaha joogtaa
aanay hantidoodu u saamaxayn inay guryo waaweyn oo ku filan degaan, haddana
waxaa wanaagsan inay guriga u habeeyaan sida ugu wanaagsan ilmaha
waxbarashadooda. Tusaale ahaan haddii qolka fadhiga waalidku ku sheekeystaan,
oo ilmaha yaryari ku ciyaaraan, kuwa iskuulka tagaana rabaan inay homework
kaga shaqeeyaan, Tvguna mar walba ka shidan yahay, telefoono soo dhacayaan,
oo ay weliba kulligood fiidkii qolkaas isugu yimaadaan waxaa adkaanaysa in
midkoodna danihiisa fushado. Marka haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan
in waalidiintu isku dayaan inay guriga hab maamul lagu wada joogo u
sameeyaan. Ogow qofka maskaxdiisu waxay u baahan tahay inay nasato waqti oo
sawaxanku ka yaraado waayo sawaxanka badani wuxuu keenaa in dadka
dareenkoodu adkaysan waayo oo ay degdeg u caroodaan.
8.
Guri kala dhiman ilmaha joogaana waa kala dhima
yihiin. Guriga hal waalid keliya uu joogo waxaa adkaanaysa sida ilmaha
koriimada garaadkooda (cognition) iyo laxawgoodu (emotion) u dhamaystirmi
lahayeen. Taasi weliba waxay sii adkaanaysaa marka reerku qurbe ku nool
yahay.

Ugu dambayn waalidku ha ogaado ilmaha in iskool la geeyo
keliya in aanay mustaqbalkiisa hagaajin karin waayo waxaa jira wax badan oo
ilmuhu aanu iskuulka kaga bogan karin waxaan ka mid ah waxyaabahaas edebta.
Guriga ayaa ugu horreeya meesha ay tahay in waalidku wax ka qabto si uu uga
dhigo meel ilmuhu edeb iyo aqoon ka kororsan karo khaas ahaan inta ilmuhu
yar yahay ee uu guriga u badan yahay. Hadalada ay waalidiintu ku hadlayaan
raad ayey ku yeeshaan caruurta koriimadooda oo haddii, tusaale ahaan, guriga
laysku caayo oo lagu dagaalamo ogow in ilmuhu meeshaas duruus ka qaadanayo
hadhowna ay dhici karto inuu wixii uu maqlayey uu waalidkii ama walaalihiisa
ka weyn kula hadlo. Dadka ka shaqeeya waxbarashadu waxay caddeeyeen si qofku
wax u barto waa inuu yaqaan waxa uu yahay, kadibna waa inuu yeeshaa
qof ama dad uu tiigsado oo uu ku daydo oo uu jeclaado inuu iyaga oo kale
noqdo mustaqbalka (who is he and who is he capable of becoming).
Taasi waxay keentaa in bulshooyinka is dhex deggan ay ku kala
wanaagsanaadaan waxbrashada ama qaarkoodba ay wax gaar ah ku fiicnaadaan.
Waayo bulsho walba wixii ay xiisayso ayaa ilmahoodu xiiseeyaan. Tusaale
ahaan waalidka qaar waxay u soo gadaan caruurtooda sawirada ciyaaryahanada
iyo dadka heesa, ilmaha sariirtiisa dusheeda ayuu ku dhegsadaa oo subax
walba markuu soo kaco ee maskaxdiisu cusub tahay wuxuu ku hammiiyaa siduu
qofka sawirkaas leh oo kale u noqon lahaa. Adiga ayey haddaba kugu xiran
tahy sidaad ilmahaaga u bari lahayd waxa uu yahay uguna samayn lahayd meel
uu tiigsado iyo dad uu jeclaado.
Gebagebadii, qoraalkaan laguma soo koobi karo waxyaabaha
kala duwan ee waalidku qaban karaan, waxaa qasadku ahaa in la baraarujiyo
waalidiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee kartida u leh inay aqoontooda iyo
kartidooda ku caawiyaan caruurta Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray
qaxa. Caruurtaasi waxay ku koreen cidla, intooda badan ma yaqaanaan waxa ay
yihiin, mana jiraan dad Soomaaliyeed oo ay ku daydaan. Wax badan ayaa la
qaban karaa, waalidka xil ayaa saaran dadka Soomaaliyeed ee haysta xarumaha
(community centres) iyagana xil ayaa saaran. Rajaduna ma xuma haddii
dareenka waalidku mar walba u soo jeedo siduu ilmaha u hagaajin lahaa
edebtooda iyo aqoontooda.
Abdul Diriye, London.
abduldiriye@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March
4, 2006