Nin Caddaan ah oo Hooyadiis asal ku leedahay
Soomaali oo lagu diley UK...
Dembi
baarayaasha dalka Ingriiska ayaa sheegay in nin caddaan ah oo hooyadiis ay
asal ku leedahay Soomaali in laga yaabo in ninkaas loo diley arrimo la
xiriira kala faquuqa ama takoor.
Lee Phipps waxaa meydkiisa la helay
galabnimdii Khamiistii la soo dhaafay, waxana uu u dhintay mindi ama toorey
lala dhacay, gaar ahaan lagala beegsaday wadnaha.
Lee Phipps oo da'diisu ahayd 31-jir waxa uu
lanoolaa hooyadiis oo da'deedu tahay 53-jir ah iyo laba gabdhood oo
walaalihiis ah oo deggan South Shields, South Tyneside. Aabihiis oo ay
hooyadiis hore isu fureen waxaa la sheegay in uu ka soo safray aagga
Manchester si uu ugu yimaado reerka dilka ka dib.
Waxaa warku intaas ku daray in ninkan la
diley uu guriga kabaxay galabnimdii Khamiista si uu sawiro uga soo qaato
buurta barafka leh ee Cleadon Hills, waxana uu ahaa nin jecel in uu sawiro
ka qaato deegaanka ama beey'ada.
Waxaa la helay meydkiisa oo aan laga qaaday
kaamaradii uu watay iyo lacag uu sidey, taas oo muujienysa in aan tuugo
dilin balse loo malaynayo in loo diley arrimo la xiriira kala takoor
maadaama ay hooyadiis asal ku leedahay Soomaali.
Ninkan la diley hooyadiis waxaa la sheegay
in ay tahay qof aad uga soo horjeeda kala faquuqa dadka, waxana ay hore u
sheegtay in qoyskeeda loo muujiyey nacayb ama colaad ku salaysan takoor.

Lee Phipps |
Sannadkii hore ayey ahayd markii ninkan la
diley hooyadiis ay samaysay meel Internet ah oo u dooda dadka la takooray,
waxana la sheegay in ay eedaymo u soo jeedisey dad shacab ah iyo booliska.
Sannadkii 2002 waxa ay dacwad ku oogtey shirkad shaqo oo ay tiri si takoor
ah ayaa iyada loola dhaqmay laakiin dacwadaas kuma aysan guulaysan.
Ninkan hadda la diley waxa uu saddex sano
ka hor sawir ka qaaday koox burcad ah oo lagu eedeeyeey in ay hooyadiis
farta ugu fiiqeen sidii Nazi-gii. Cisbitaal ayaana markaas isaga la dhigay
kaddib markii kooxdaasi ay isaga garaaceen.
Lee Phipps waxa uu ahaa caddaan,
timihiisuna yihiin huruud iyo caddaan isku dhafan (ama blond) oo ah timaha
dadka caddaanka ah, waxaana warbaahinta dalka Ingriisku muujiyeen in sababta
loo diley ay u badan tahay in ay la xiriirto takoor, maadaama ay hooyadiis
asal ku leedahay Soomaali.
Isha: Warbaahinta UK | Tarjumadii
SomaliTalk.com
Dab galaaftay hanti fara badan oo qabsaday deegaanka
salagle ee gobolka jubbada dhexe
Waxaa
habeenimadi Axada dab qabsaday deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe
halkaas oo ay ku baaba,een hanti fara badan oo isugu jirta mid dhaqasho iyo
mid ganacsi ayadoo uu dabkaas galaaftay badiba goobahii ganacsi ee deegaanka
salagle.
Dabkaan qabsaday deegaanka Salagle ayaa waxaa uu
dhashay sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaankaas kadib markii qof
sigaar cabayay uu ku tuuray goob shidaal oo halkaasi ku taalay waxaana
halkaasi ku bas beelay 210 guri oo isugu jira kuwo hoy ahaan loo daganaa iyo
kuwo ganacsi waxaana dabkaas ay waxyeelo ka soo gaartay 40 qof oo ku
dhaawacmay dabkaas inkastoo aysan jirin wax dhimasho ah oo uu dabkaas
geyestay.
waxaa Axadii deegaanka Salagle ee uu dabku qabsaday
lagu arkayay dadkii ku hanti iyo guryo beelay oo taagtaagan meelaha
islamarkaana la' cid u maciinta ayadoo u qeybsanaha deegaankaas ee maamulka
isbahayasiga ninka lagu magacaabo Ducaale Ganaane Cuncun uu caalamka ugu
baaqay in kaalmo lala soo gaaro dadkaasi musiibada ku habsatay ee ku dhaqan
deegaankaas.
Dhanka kale waxaa maalmahan si habsami leh oga socda
dekada magaalada kismayo daabulaada markab ay saarantahay raashin mucaawino
ah oo ay ku deegday heyada WFP raashinkaan loo qeybinayo dadka ay abaartu
saameysay ee ku dhaqan gobolada Jubbada Hose & Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay
isugu jiraan galay masago iyo waliba saliid ayadoo ay si dar dar leh haatan
ay oga socoto deegaanadaas qeybinta raashinka mucaawinada ah
cabdi qadar nuur maxamed (filipin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
C/llaahi Yuusuf
“Xildhibaanada waxaan u soo jeedinayaa in gacan ka hadal dambe uusan ..
C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah
Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maalintii shalay ahayd la hadlayay
Xildhibaanada Baarlamaanka mar uu qado u sameeyay Guddomiyaha Baarlamaanka
ayaa waxa uu u sheegay in ay isa saamaxaan oo ay iska illoobaan wixii horey
u dhex maray, taas oo uu sheegay in ay tahay mid ay Dowladdu horey ugu
dhaqaaqi karto. “Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad si niyad ah iyo qalbi
furnaan ah aad uga doodaan qodobada la idin hor keeni doono” ayuu yiri
C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaa raaciyay “waxaan idinkula dardaaramayaa in
aad iska ilaalisaan gacan ka hadal dambe oo idin dhex mara oo la mid ah kii
17-kii Maarso 2004 ee ka dhacay Magaalada Nairobi. C/llaahi Yuusuf oo
mararka qaarkood ku kaftamayay Afka Maay-Maayga ayaa waxa uu sheegay in
Xildhibanaada looga baahan yahay in ay si wadajir ah isku kaashadaan si loo
badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed oo ay haysato dhibaatooyin dhinacyo badan
leh. Kulankaasi waxaa kalloo ka hadlay Ra’isul Wasaare Cali Maxed Geedi oo
isna ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ku xisaabtamaan waqtigaan
in dalku uu ku jiro marxalad adag loona baahan yahay in xildhibaanada la
yimaadaan dadaal dheeraad ah. kulanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in maanta
uu ka dhaco xaruntii hore ee ADC ee Magaalada Baydhabo oo weli ay ka socoto
dayarctir, balse Guddoomiyaha Baarlamaanku uu sheegay in dayactirka uu socon
doono kulanka Baarlamaanka uu sheegay in uu qabsoomi doono.
Xildhibaan bixiyay 200 oo Loor oo
Galley ah..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar
waxay sheegayaan in mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka uu shalay
maamulka Gobalka Sh/dhexe gaarsiiyay labo boqol oo Loor oo Galley ah oo uu
xildhibaanku ugu talagalay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaartu kuna
sugan Deegaanka Cadale maadaama uu Xildhibaankaasi ka yimid deegaankaasi.
Xildhibaanka bixiyay labada boqol oo Loor
oo lagu magacaabo Xildhibaan Max’ed Geeddi ayaa waxa uu sheegay mar uu ka
hadlayay xafalddii guddoonsiinta in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan
yahay in dadkooda ay gacan siiyaan.
Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Sh/dhexe
oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uga mahadceliyay Xildhibaankaasi
deeqdii uu gaarsiiyay dadkiisa, waxa uuna ugu baaqay Xildhibaana kale ee
Baarlamaanka in ay ku daydaan xildhibaankaasi oo noqday xildhibaankii ugu
horeeyay ee wax gaarsiiya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo
biyo la’aanta.
Max’ed Dheere ayaa xaafaddaha ay ka
kooban ahay Magaalada Jowhar wuxuu u soo jeediyay in ay gacan ka gaystaan
sidii u taakuleyn lahaayeen dadkii ay waxyeealadu ka soo gartay abaarta.
Shariif Xasan “Waa in Xildhibaanadu ay
iska iloobaan Jowhar iyo Muqdisho ..
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay
Xaflad qado ahayd u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka taasoo ka dhacday
dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee MODEL, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada
in kulamadii Baarlamaanka maanta la bilaabo ay si caadi ah u socon doonaan,
waxa uuna u soo jeediyay Xildhibaanada in qodobada hor yalaa ay si
niyad-sami ku dheehan tahay ay uga doodaan.
“Waxaan Xildhibaanada u soo jeedinayaa in
ay iska ilaabaan arrintii ahayd Muqdisho iyo Jowhar una soo jeestaan sidii
ay wax ugu qaban lahaayeen bulshadooda’ ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan
oo sheegay in ay iska ilaaliyaan in mar kale uu ka lumo waqti, waayo wuxuu
sheegay in mudo sanad iyo bar ku dhawaad ah uu ka lumay waqti, kaasoo uu
sheegay in ay wax badan ku qaban kareen.
Guddoomiyaha Baarla-maanka wax auu soo
jeediyay Xildhibaanada in ay is cafiyaan oo aan dib dambe loo fiirin wixii
horey u dhacay.
Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa oo ka
warbixisay abaaraha ka jira Gobalka Gedo ..
Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa agaasimaheeda
Soomaaliya Faarax Shiikh C/qaadir ayaa shalay Guddiga abaaraha uga
warbixiyay xaaladda Goblka Gedo, isagoo sheegay in dadkii halkaas ku noolaa
oo xoola dhaqatada ahaa ay xoolahoodii kaga dhamaadeen abaarta haatanna loo
baahan yahay in xoolahoodii la badbaadiyo.
Wuxuu sheegay in Hay’addiisu ay halkaas
gaarsiisay kaalmo gaar ahaan waxa uu sheegay in ay halkaas ay ka fureen
xarumo quudin ah oo dadka lagu siinayo raashin.
Faarax waxa uu si kulul u beeniyay warar
dhawaan ka soo yeeray mid ka mid ah Maamulka gobalka Gedo oo ahaa in
hay’adda Muslim Ifriiqiyaa aysan wax xarumo ah ka furin Gobalkaasi, isagoo
sheegay in arrintaasi wax laga weydiiyo guddiga taakuleynta ee dhawaan iyagu
booqday gobalkaasi.
Dhinaca kale dhaqdha-qaaqa Bulshad
rayidka ah ayaa shalay guddiga taakuleynta ku wareejiyay 1350 Doolar oo ay
ugu talagaleen dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta
ee ku nool Gobalada dalka.
Jaamacadda Carabta oo
lacag fara badan siisay Dowladda Federaalka ..
Wararka naga soo gaaraya
xarunta Jamaacadda Carabta ee Magaalada Qaahira ayaa waxay sheegayaan in
jaamacadda Carabta Dowladda Federaalka ugu deeqday lacag gaareysa 26-Milyan
oo Doolar oo Jaamacadda Carabtu ugu talagashay in dib loogu soo nooleeyo
kaabayaashii dowladda, in lagu fuliyo mashaariic la xiriirta adeegyada
bulshada.
Lacagtaan oo loo qaybiyay
saddex qaybood ayaa qaybta ugu horeysa waxay Dowladda soo gaareysaa dhawaan,
waxaana lacag ay jaamacadda Carabtu sheegtay in ay tahay mid tijaabo ah oo
lagu eegayo sida ay Dowladda Federaalka u maamuleyso.
Lacagtaan oo dhamaanteed ku
soo dhacday sanduuqa horumarinta ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa bixiyay
wadamada Jaamacadda Carabta oo iyagu fulinaya baaqii jaamacadda Carabta ee
ka soo baxay shir-weynihii hogaamiyaasha carabta ee lagu qabtay wadanka
Al-Jeeriya kaasoo ahaa in Soomaaliya la siiyo taageero dhaqaale maadama ay
shan iyo taban sano ku jirtay dagaalo sokeeye.
Lacagtaan ayaa la sheegay in
Jaamacadda Carabta u qorsheysneyd in ay horey u bixiso ayaa waxaa hakiyay
khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo waliba saldhig la’aanta Dowladda
soo wajahday mudadii sanadka iyo barka ahayd.
Deeqdaan ay bixisay
Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo dhaweeyay Dowladda Federaalka. [War
dheeraad ah oo ku saabsan shirka Jaamacada Carabta oo looga hadlay
Soomaaliya ka akhri hoos..]
Kulankii Baarlamaanka oo
maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo ..
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xubnaha Baarlamaanka ay isku
diyaarinayaan kulankii Baarlamaanka oo maanta la filayo in uu ka furmo
Magaalada Baydhabo waxaana la xaqiijiyay in Magaalada Baydhabo ay ku sugan
yihiin ilaa iyo 225-Xildhibaan, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada
Baydhabo gaaray dhowr xildhibaan oo ka yimid dalka dibaddiisa.
Halka uu ka dhacayo kulanka
Baarlamaanka ayaa waxaa weli ka socda dayactir aad u xoogan waxaana, waxaana
mas’uuliyiinta ku howlan dayactirkaasi ay sheegeen in meel wanaagsan ay u
mareyso howshaasi, waxayna sheegeen in kulanka Maanta lagu qaban karo
hoolkaasi oo ay sheegeen in ay u dhiman yihiin wax aan sidaas u weyneyn.
Golaha Baarlamaanka oo mudo
todobaad ah ku maqnaa fasax ayaa la filayaa in uu maanta ka doodo sidii loo
sameyn lahaa guddiyadii Baarlamaanka oo la sheegay in ay inta badan ka
madaxbanaan doonaan Golaha Baarlamaanka.
Max’ed Dheere
“Xildhibaanada waxaa la siiyay midkiiba 200 oo Doolar ee waa in ay wax ka
siiyaan..
Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed
Dheere) oo maalintii shalay ahayd deeq ka guddoomay mid ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada
Baarlamaanka in ay gacan ka gaystaan sidii ay u badbaadin lahaayeen
walaalahooda ay hayso abaarta iyo biyo la’aanta.
“Waxaan ogahay in
Xildhibaanada la siiyay midkiiba labo Kun oo Doolar sidaa darteed waa inay
wax uga gooyaan walaalahooda soo doortay kuna soo doortay beel ahaan” ayuu
yiri Max’ed Dheere oo intaa raaciyay “ma wanaagsana in walaalkaa uu u dhinto
gaajo adna aad dhereg Baydhabo la jiifto”.
Kulankii sagootinka ahaa ee
dhawaan loo sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugnaa Magaalada
Muqdisho ayaa bulshada rayidka ah waxay midkiiba ka codsadeen in uu bixiyo
labo Boqol oo Doolar si loogu kaalmeeyo walaalahooda ay hayso abaaraha, hase
yeeshee ma jiro Xildhibaan ilaa iyo haatan bixiyay lacagtaasi.
Dhinaca kale mar dhawaan la
uruurinayay lacago loogu talagalay dadka ay abaartu waxyeeleysay ayaa waxaa
looga codsaday hogaamiyaasha Siyaasadda Muqdisho in ay bixiyaan lacago si
loogu gargaaro walaalahooda, hase yeeshee codsigaasi cid dheg jalaq u siisay
ma jirto.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Madaxda Kulmiye iyo Ucid oo Eedayn u
jeediyay Cabdulaahi Yuusuf.
By: Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London.
5.3.2005
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland
Kulmiye Axmed Maxamud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga kale ee isna
mucaaradka ee Ucid Faysal Cali waraabe ayaa waxaa ay weerareen
Siyaasadda Madaxweynaha Dawladda kumeel gaarka ee Soomaaliya oo ay ku
tilmaameen mid uu Cabdulaahi Yusuf ku doonayo dagaal uu ka huriyo
Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.
Labadan Gudoomiye oo ka qaybgalayay Xaflad lagu soo
dhoweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaliland Cabdiraxmaan Maxamed
Cirro oo ka dhacday shalay Old Street London waxaa ay sheegeen in
Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya ay u muuqato mid fashilan maadaama
madaxweynuhu uu dalbanayo hub, halkii uu xooga saari lahaa dib u
heshiisiinta dalkaasi Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay ku eedeeyeen sheegeen in Sidoo kale
Cabdulaahi Yusuf uu qorshaynayo in somaliland ay lamid noqoto somaliyada
dagaalka sokeeye ay ka jiraan oo ay sheegeen in looga baahanyahay
soomaalidu in ay aayahooda ka taliyaan waa sida ay hadalka u dhigeenee
labadan hogaamiye ee london ku sugan.
Horay ayaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir
Riyaale Kaahin waxaa uu ka codsaday Qaramada Midoobay in aan Somaliya
laga qaadin cunuqabataynta hubka ee saaran si Madaxweynaha Soomaaliya
iyo inta la fikirka ah aysan u helin hub khatar hor leh ku abuuri kara
Gobolka.
Maamulka Somaliland ayaa in badan waxaa xurguf ay
kala dhaxaysay Puntland oo uu Madaxweyne ka ahaa Cabdulaahi Yusuf ka hor
intii aan loo dooran in uu Madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya shirkii
dalkaasi Kenya ka dhacayay.
ridwanhaji@yahoo.com
Shirkii Wasiirada
Arimaha Dibada ee Carabta ee Lagu Qabtay Xaruunta Jaamacadda Carabta ee
Qaahira oo looga Hadlay Arimaha Soomaaliya.
Waxaa Xaruunta Dhexe ee Ururka
Jaamacadda Carabta ee Qaahira lagu Qabtay Shirkii ay Iahaayeen
Wasiirada Arimaha dibadda ee Wadamada Carabta Kaas oo Gogol Xaar u
ah Shirka Madaxda Wadamada Carabta ee lagu Wado Dhamaadka Bishan
Maarso in lagu Qabto Xaruunta Dalka Suudan ee Khartuum.
Shirkan oo ajandayaal Fara Badan oo
Quseeya Wadamada Carabta looga Hadlay ayaa Waxaa ka mid ahaa
Qodabada Xasaasiga ahaa ee looga Hadlay Kulankan Arinta dalka
Soomaaliya.Guddi Ka kooban
11 Wasiir Arimo Dibad Carbeed oo u Xilsaaran Arimaha Dalka
Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa waxay Yeesheen Kulan Gaar ah
oo ay Ugu arinsanayaan Xaalka uu Dalka Soomaaliya ku Suganyahay
Iminka,waxayna ugu Horeentii ay Warbixin ku Saabsan Xaaladda
Soomaalida oo ay Soo Gudbiyeen Gudiyo Dhawaan Booqday Soomaaliya Ka
dhageesteen,Gudiyadan ayaa Soo Gudbiyay warbixin ah in Soomaaliya ay
Haatan ka Jirto Dawlad Federaal ah oo ku Meel Gaar ah Balse is
Khilaafsantahay isla Markaana kala Jooga Goobo kala gadisan iyaga oo
isku Haysta Halka Dawladda ku Shaqeyneyso.
iyaga oo sidoo kale sheegay in
Soomaaliya ay u Kala Qaybsantahay Gobolo iyo Maamullo sida
Somaliland iyo Puntland waxayna sheegeen in Qaybo ka Tirsan
Soomaaliya ay Ka Dhacaan dagaalo Qabiil ah.
Waxaa sidoo kale ay dhageesteen
Qudbada Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Soomaaliya Md:C/laahi Sh/Ismaaciil
oo Halkaas ka soo Jeediyay Warbixin aad u dheer oo Xamaasad lahayd
oo uu uga waramay Xaalada uu dalka Ku suganyahay Maanta iyo
dadaalada ay wado dawladda ku meel Gaarka ah ee soomaaliya ee dhanka
Dib u hishiisiinta,waxuuna ugu Baaqay Wadamada Carabta in ay Dalka
Soomaaliya ay Gar gaar la soo gaaraan oo ay ku taageerayaan Shacabka
soomaalida kaas oo mudadii 14ka sano ahayd ee la soo dhaafay ay
Halakeeyeen Dagaalo Ahli ah,iyada oo ay intaas u sii dheertahay
Xiligan Abaaro Ba,an oo ka jira Goobo Fara badan oo ka tirsan
Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Md:C/laahi sh/Ismaaciil waxaa uu
sheegay in Soomaliya Haatan ay ka baxday Xiligii uu Khilaafka kala
Jiray Wadamada la Dariska ah Kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamada
Itobiya ,kenya iyo Jabuti waxuuna sheegay in Dawladda itoobiya ay
Dooneyso Horumarka Dawladda ku meel gaarka Iyo Shacbka
Soomaliyeedba,isagoo Kenyana ku sheegay in ay Tahay dawladii Marti
Galisay Shirka Dib u hishiisiinta Soomaalida kaas oo Soomaaliya ay
ku dhisteen Dawladda uu Hadda isaga Xubinta ka yahay waxuuna
dawladda Jabuti ku sheegay in ay tahay Dal ay walaalo yihiin
Soomaaliya.Wasiirka Arimaha
dibadda Soomaaliya Md:C/laahi Sh/Ismaaciil waxaa uu ugu Baaqay
wadamada Carabta in ay Bixiyaan Dhaqaalahii ay Dalalka Carabta isla
Ogolaadaan Shirkii Al-jaris kaas oo dhanaa ilaa 26 Milyan oo Dollar
waxuuna sheegay Wasiirku in Xiligan ay Dawladiisu u baahantahay
Qarashaydaas si ay wax ugu Qabato Hawlaha Dib u hishiisiinta ee
Dawladda Xiligan ku Mashquulsantahay,wuxuuna Si kulul ugu Sheegay
Wadamada Carabta hadii ay Arinkaas wax ka Qaban waayaan in aysan
Xilli danbe is weydiinin Soomaaliya Halka ay ka baxday isaga oo ula
jeeda in ay Suuro gal tahay in Wadamo kale oo aan Carab ahayn oo
soomaalida ay Xiriir la leedahay laga yaabo in ay wax u Qabtaan
Soomaalida.
Md:C/laahi Sh/Ismaaciil Mar uu ka
Hadlayay Halka ay Xaaladda Dawladiisu Mareyso Waxa uu sheegay in ay
Jiraan Wasiiro ka Tirsan Dawladda Federaalka oo aan Dooneynin in ay
Hubka iska Dhigaan isla Markaana Dawladda in ay ka shaqeyso
Caasimadda Soomaaliya Hor Taagan,Wuxuuna Talo ahaan u soo Jeediyay
in Wadamada Carabta ay Wasiiradaas ay Cunaqabateyn Saaraan.
Intaas ka dib ayaa waxaa la Guda Galay
in laga Doodo Arimaha uu soo Jeediyay Wasiirka iyo Waliba
Warbixinada ay soo Gudbiyeeb Gudiga Arimaha Soomaliya U Xilsaarnaa.
Ugu Horeentii waxaa Gudiga Wasiirada
ee Jaamacadda Carabta u Xilsaartay Arinka Soomaaliya ay Fahmi Kari
Waayeen Sida ay Suuro Gal Tahay in Wasiiro ka tirsan Dawladda
Federaalka ay Hadana Mucaarad ku yihiin Dawladda Maadaama ay Xubno
ka yihiin Xukuumadda iyaga oo Tusaale ahaan u soo Qaatay Wasiirka
Amniga oo Shaqadiisa ay tahay in uu Dalka Nabadeeyo Hadana uu isagu
Dooneynin in la Hubka la dhigo Hadana.
Waxaa sidoo kale ay Wasiiradda
carabceed ay isla Garteen isla markaana ay Qalinka ku Duugeen in
Xafiiska Jaamacadda Carabta laga Furo jawhar iyaga oo sidoo kale
ogolaaday Qarashkii lagu Furi lahaa xafiiskaas waxaana lagu wadaa in
dhawaan la furo Xafiiskaas ay Jaamacadda Carabta Leedahay.
Waxaa sidoo kale ay Cadeeyeen in
Caasimadda Soomaaliya ay Tahay Muqadas isla Markaana aysan Caasimad
u noqon karin Soomaaliya Magaalo ay Joogaan ama ay ka taliyaan Qolo
ama Qabiil Gooni ah.Waxaa ay
Mahad iyo amaan u soo jeediyeen Madaxweynaha Dalka Yamana Cali
Cabdalla Saalax kaas oo kaalin weyn ka Qaatay in ay Hishiiyaan
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo 5/1/2006 ku
hishiiyay Cadan Mirahiisana ay Ka mid tahay Kulanka Hadda
Baarlamaanka soomaalida uga soconaayo Magaalada Baydhabo.
Waxaa Xusid Mudan in inta uu socday
Kulanka ay Warbixino ka soo Kala Jeediyeen Wakiilka Xoghaya Guud ee
Jaamacadda Carabta ee Arimaha Soomaaliya Mr:al-Khuseybi iyo Samiir
Xusni oo ah U Qaybsanaha Afrika ee Jaamacadda Carabta iyaga oo
Kuligood soo Jeediyay sida ay muhiim tahay in Wadamada Carabta ay
Bixiyaan Kharashyada ay isla Ogolaadeen Shirkii aljaris kal Hore
waxayna dhamaantood soo jeediyeen in ay Soomaaliya ay Xiligan u
baahantahay kaliya in Dhaqaalo lala soo Gaaro oo deg ah.
Waxaa sidoo kale laga Codsaday
Wadamada Carabta ah ee Cunaqabateynta Xoolaha Saaran Soomaaliya ay
ka Qaadaan si Dhaqaalaha soomaaliya uu soo Kobco o Ganacsigii
Wadamada Carabta iyo Soomaaliya uu Dib u soo Noqdo,
waxaa iyana laga sheegay Halkaas in
Wadamada Carabta ay Dhamaantood ay ka Furanayaan Safaaradahooda
hadba sida ay nabadgalyada ugu jirto Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa ku soo gaba
gaboobay sidii loogu Tala galay iyada oo ay Sidoo Kale Dalka
Soomaaliya uga qayb Qaateen Shirkan Safiirka Soomaaliya ee Masar
isla Markaana ah Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaalida Md:C/laahi
xasan Maxamuud.
Warkaana waxaa Na soo Gaarsiiyay
Maxamed Deeq oo ka mid ah Wariyaasha sida tooska ah uga Hawlgala
Xafiiska wararka ee Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira ee Dalka
Masar.Isha:Wargayska Warsan
oo ah Wargays ka soo baxa Dalka Masar | EMail:
wargayskawarsan@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | March 6, 2006