SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 9, 2006

  • Max’ed Dheere oo eedeeyay C/llaahi Yuusuf iyo Cabdi Risaaq Jurile..

  • C/llaahi Yuusuf oo qoraal ka helay Madaxweyne Kibaki..

  • Beesha Sade oo 48-saac u qabatay Guddoomiyaha.Baarlamaanka.

  • Magaalada Baydhabo oo heshiis ku kala saxiixdeen DFKMG & Kenya..

  • Iska hor imaad ka dhacay deegaanka Ceel-Huur...

  • Suufiyada oo kulan ku yeeshey Hotel Naaso Hablood ..

  • Xaflado Balaaran oo loo sameeyay Maalinta Haweenka ee 8-da Maarso.




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

Sawirkan Xamar waxaalaga qaaday 1984, waxaana laga sawiray dhanka Xeebta badweynta Hindiya, waxaana sawirka ka muuqda Hotel Curuba | Isha saiwkan: www.swan.ac.uk

Max’ed Dheere oo eedeeyay C/llaahi Yuusuf iyo Cabdi Risaaq Jurile..

Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar, wuxuuna shirkaasi jaraa’id kaga hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeeray wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah kaasoo ahaa in Dowladda Federaalka ay u baahan tahay in loo tababaro ciidamo Booliis ah oo gaaraya 3500 oo Askari kuwaasoo la sheegay in ay sugayaan ammaanka Magaalada Baydhabo, Max’ed Dheere ayaa warkaan ku tilmaamay mid keeni kara qalaase iyo iska hor keen waayo ayuu yiri “dalku wuxuu u baahan yahay Kumaan kun oo Askari oo suga ammaanka guud ee dalka”. “C/risaaq Jurile ma ahan in uu ka hadlo arrimaha ciidamada, loomana baahna in magaalo gaar ah la yiraahdo waxaa loo tababarayaa ciidamo” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo C/risaaq Jurile ay wadaan qorshayaal ka dhan ah Dowladda taasoo keeni karta in ay burburto wixii lagu soo dhisay Magaalada Nairobi.

“Qofka marka uu doonayo waa in uu ku hadlo waxa xaqiiqda ku fadhiya ee uusan ka hadlin wax bulshada kala geeynaya” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in arrimaha ay wadaan C/llaahi Yuusuf iyo C/risaaq Jurile ay keeni karto isku dhac Qabiil. Dhawaan ayaa Max’ed Dheere waxa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in hubkii laga keenay dalka Yemen uu u qaybiyay ciidamo ka socday beeshiisa, wuxuuna ciidamadaasi ka fogeeyay in ay yihiin ciidamo qaran, hase yeeshee markii Ciidamada halkaas la isugu keenayay ayuu Max’ed Dheere sheegay inay yihiin kuwo qaranka, isagoo ugu baaqay ciidamada kale ee Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan ciidamadaasi.

Waxaa maalinba maalinta ka dambeeya sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere, iyadoo uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf marna ka hadlin eedeyamahaasi ka imaanay ninkii sida weyn ugu soo dhaweeyay Maaalada Jowhar markii ay Dowladdu u kala jabtay Muqdisho iyo Jowhar.

C/llaahi Yuusuf oo qoraal ka helay Madaxweyne Kibaki..

Maalintii shalay ahayd ayaa Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Wadanka Kenya soo gaaray Magaalada Baydhabo wuxuuna markiiba kulan la yeeshay Madaxweyne C/lalahi Yuusuf Axmed oo ay sila soo qaadeen halka ay maranayaan howlaha Dowladad iyo wixii u qabsoomay mudadii ay jirtay dowladdiilagu soo dhisay Magaalada Nairobi.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa warqad qoraal ah soo gaarsiiyay Madaxweyne C/llaahdi Yuusuf Axmed waxayna warqadaasi ku saabsaneyd in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ka soo qaybgalo kulanka Madaxda IGAD kaasoo dhawaan ka dhici doona Magaalada Nairobi.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo la xiriira abaaraha ba’an ee haatan ku habsaday qaar ka mid ah Wadamada IGAD abaartaasoo dhibaato ku haysa dadka iyo duunyada ayaa waxay xoogeeda saameysay wadamaada Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Beesha Sade oo 48-saac u qabatay Guddoomiyaha.Baarlamaanka.

Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Magaalada Baydhabo Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Beesha Sade ayaa waxay uga hadleen arrimo la xiriira Xildhibaanimadii uu ka geeryooday Max’ed Xaashi Gaani, waxayna shirkooda jaraa’id ku sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu faragelin ku sameeyay Beeshaasi kaddib markii uu aqbalay in xilkii uu ka geeryooday Max’ed Xaashi Gaani uu u aqoonsado C/waaxid Cilmi.

Shirkaan Jaraa’id oo uu ka dhex muuqday Wasiirka Hantida iyo qalabeynta Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka ay kaga fadhiyaan in mudo 48-saac uu kaga soo jawaabo faragelintaasi.

“Beeshu waxay isku raacday in xilkaasi uu buuxiyo wiilkii uu dhalay xildhibaankaasi gaaryooday oo lagu magacaabo Sharmaake Max’ed Xaashi” ayay ku yiraahdeen shirkaa jaraa’id.

Weli waxaa Dowladda Federaalka laga dareemayaa khilaafkii keenay in ay kala degto Muqdisho iyo Jowhar waayo Xildhibaanada shirka jaraa’id ku qabtay Baydhaabo ayaa waxay ahaayeen dhamaantood dhinaca Jowhar, labada shaqsina waxaa kala taageeraya Xildhibaanadii ku kula sugnaa Muqdisho iyo Jowhar, haddaba waxaa Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha looga fadhiyaa in arritaani ay si hoose u dhameystaan ama sida sharciga qabo loo dhaafo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Magaalada Baydhabo oo shalay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladaha soomaaliya iyo ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd magaaladaasi ay ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Kenya heshiis dhigaya in si wadajir ah looga shaqeeyo ammaanka Xuduudda gaar ahaan marka ay timaado dhinaca abaaraha.

Heshiiskaan oo Dowladda Federaalka uu u saxiixay Wasiirka Deegaanka Max’ed Cusmaan Maye, dhinaca Kenyana uu u saxiixay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, ayaa waxa uu heshiiskaan labada dhinac u ogolaanayaa in dadkoodu isaga kala gudbaan xuduudda marka uu dhaco jiilaal iyo abaar.

Iska hor imaad ka dhacay deegaanka Ceel-Huur...

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Huur ee Degmada Hobyo waxay sheegayaan in maalintii doraad ahayd halkaas uu ka dhacay iska hor imaad uu ku dhintay hal qof, ayna ku dhaawacmeen labo qofood.

Iska hor imaadkaan ayaa waxa uu u dhexeeyay labo kooxood oo Culuma’udiin ah oo isku haystay dhismaha Masjid halkaasi laga hirgelinayay koox oo dooneysa in halkaasi ay ka dhisto kooxna ay ka soo horjeeday.

Waxaana markii dambe arrintaani dhex galay odoyaal iyo waxgarad oo ku guuleystay in ay kala qaboojiyaan labadaasi kooxood, mana ahan markii ugu horeysay oo labo kooxood oo Culuma’udiin ah isku qabsadaan dhismo Masjid ama dugsi waxaana taa lala xiriirinayaa arrimaha dariiqooyinka.

Kal hore ayay ahayd markii Magaalada Gaalkacyo ay koox damacday in halkaasi ay ka dhisto Masaajid, hase yeeshee waxaa diiday koox, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad, waxayna arrintu markii dambe isku bedeshay arrimo qabiil taasoo keentay in halkaasi masaajidkii laga dhiso.

Wafdi ka socda dalka Kenya oo shalay soo garey Baydhabo...

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo soo gaaray wafdi ka socday Dowladda Kenya oo uu hogaaminaya wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee wadankaasi, waxana wafdigaasi ka mid ahaa ergeygii hore ee Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed danjire Kiplikat, waxaa kalloo ka mid ahaa wafdigaasi Wakiilka arrrimaha Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Max’ed Cabdi Afey waxayna markiiba hadalo ka jeediyeen kulanka Baarlamaanka iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ay ka soo qaybgalaan Baarlamaankii Soomaaliya oo fadhiya isla markaana ka doodaya arrimaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxa uu Xildhibaanada u gudbiyay qaababka ay u shiraan baarlamaanada iyo sida ay u soo saaraan xeerarka isla markaana loo doodo, isagoo u soo jeediyay Xildhibanaada in xiriir mataaneyn ah uu dhex maro labada Baarlamaan ee Kenya iyo Soomaaliya, taas oo ay si weyn u soo dhaweyeen Xildhibaanada Baarlamanka.

Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegay in uu dhawaan soo gaari doono Baydhabo Guddoomiyaha Baarlamanka ee Wadanka Kenya si uu qudbad uga jeediyo Kulamada Baarlamaanka, wafidgaas ayaa isla shalay dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Suufiyada oo kulan ku yeeshey Hotel Naaso Hablood ..

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Naaso Hablood ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Suufiyada.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa Suufiyada isla markaana uga qayb-qaadan lahaayeen sidii dalka loogu hogaamin lahaa ama loogu dhaqi lahaa shareecadda Islaamka.

Kulankaas waxaa ka hadlay xoghayaha Suufiyada Shiikh C/qaadir Macallin Max’ed Siyaad, waxa uuna sheegay in Suufiyada looga baahan yahay in ay si wadajir ah isku kaashadaan isla markaana ka shaqeeyaan sidii dalka loogu dhaqi lahaa Diinta Ilsaamka iyadoo la raacayo Madhabta Shaaficiyada ee Ahlu-Sunna Wal Jameeca.

Shiikh C/qaadir waxa uu sheegay in Suufiyada ay ka qayb-qaadan doonto sidii taakuleyn loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu iyo biyo la’aantu hayso, wuxuu kalloo u soo jeediyay Culuma’u-diinka Soomaaliyeed in ay ka qayb-qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalada iyo colaadaha ka jira guud ahaan dalka, waxaana kulankaasi.

Kulankaan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Shiikh Abba, Shiikh Rufaaci, waxa uuna kulankaasi ku dhamaadya jawi is afgarasho.

Xaflado Balaaran oo loo sameeyay Maalinta Haweenka ee 8-da Maarso.

(hal ku dhiga sanadka: Jooji Gudniinka Fircooniga)

Shalay oo ay ku beegneyd 8-Maarso waa maalinta Haweenka Aduunka waxaana xaflado lagu xusayo maalinkaas ay ka dhacday guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo goobo kala duwan lagu qabtay xafladahaasi, haddii aan soo qaadano xarunta FEERO Family Economic Rehabilitation Organization, waxaana xaladdaan ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay guddoomiyaha FEERO Faadumo Maxamuud Ugaas (Faadumo Olol), waxayna sheegtay in 8-Maarso ay tahay maalin astaan u ah Haweenka Adduunka, waxyan sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay la kulmeen xadgudubyo dhinacyo badan leh oo isugu jira dil kufsi, Barakac iyo Wixii la mid ah.

Faadumo Waxay sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed haatan ay hayaan howl muhiim ah loona baahan yahay in laga qyabgeliyo siyaasadda dalka, taas oo ay sheegtay inay si weyn uga liitaan Haweenka Soomaaliyeed, waxaa kalloo xafladdaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Garoobada Soomaaliyeed Xaliimo Cali Ceynte oo iyana sheegtay in Haweenka Garoobada ah ay haystaan dhibaatooyin aad u fara badan, qaarkood waxay sheegtay in markii laga dilay raggoodii ay carruurtooda u xamaashaan, balse waxay sheegtay Xaliimo in aysan helin Haweenkaasi wixii dayeel ahaa ee ay u baahnaayeen, waxayna u soo jeedisay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan Haweenka Garoobada, waxaana xafladdaasi intii ay socotay dadka maaweelinayay Kooxda Horyaal Band.

Xaflad tan la mid ah ayaa waxay ka dhacday Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha waxaana iska kaashaday Xaruna iyo Hay’adda Inxa, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Maryan Xuseen Owreeye oo sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad u dulman maalin walbana lagula kaco xadugudubyo aad u baahsan, waxaa kalloo ka hadlay Max’ed Faroole Max’ed oo ka socday Hay’adda Inxa oo isna sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin bulshada Laf dhabarkeeda, waxaana halkaas lagu soo bandhigay sawiro gabdho loo gaystay xadgudubyo.

Xaflad iyana lagu xusayay 8-da Maarso ayaa waxay ka dhacday Hotel Ambassador waxaana soo qaban-qaabiyay Dalladda GOGWO, waxaana halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’addaasi Batuulo Max’ed Mursal oo iyana sheegtay in mudadii dagaalada sokeeye ay socdeen Haweenka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii badbaadiyay Bulshada Soomaaliyed haatanna loo baahan yahay in gacan la siiyo, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay qoraalo ka hadlayay dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga.

Sidoo kale xaflad taa la mid ah ayaa waxay ka dhacday xarunta Hay’adda SOGWO waxaana ka halday Safiyo Abuukar Karaani iyo Shariif Cali Shire waxayna sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan doorka ay Haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda loona baahan yahay in mar kasta la xaq dhowro, wuxuuna hal ku dhigoodu ahaa jooji Gudniinka Fircooniga ah, taageer waxbarashada gabadhaha.

Sidoo kale Xaflad ayaa waxay ka dhacday xaruna Hay’adda Taqwa waxaana ka hadlay Guddoomiyaha Hay’addaasi Nadiifo Cabdi Diirshe oo iyana sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii mar kasta ka qayb-qaadan jiray halgamadii wadanku soo maray oo ay ugu horeyso halgankii Xoriyadda.

Xaflad aad u balaaran ayaa waxay xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo taasoo lagu xusayay Maalinta Haweenka, waxaana ka halday Guddoomiye Shariif Xasan, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Qoyska Foosiyo Max’ed Shiikh waxayna hambalyo iyo bogaadin u direen Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Xafladahan ayaa dhamaantood isaga mid ahaa sidii looga hortagi lahaa Gudniinka Ficooniga ah oo ay sheegeen in ay uu yahay mid dhibaato ku haya Haweenka Soomaalyeed.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2006


Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi hadduu ka tanaasulo saddex qodob waxaan oran lahaa
»Wafdi ka socda Talyaaniga oo ku soo fool leh Baydhabo ..
»Gacma Dheere oo ka warbixiyay howlihii nabadeynta G/Dhexe
»C/llaahi Tarabi “Haddii aad i doorataan mudo lix bilood ah
»Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Baydhabo soo gaaray
»Max’ed Dheere oo xirxiray Ganacsato reer Jowhar ah
»60-qof oo Soomaali tahriibayaal oo maydkooda laga xeebaha
»Geedi oo hambalyo u diray xuska Maalinta 8-da Maarso..
»Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta
»Kulan dhexmaray Cabdulaahi Yusuf iyo Ururka Al-Islaax
»Dad rayad ah oo gumaysiga Itoobiya laayay...
iyo Warar GooGoos ah ka akhi halkan.... Guji... March 8

Max’ed Dheere oo Warqad ka helay Madaxweyne C/laahi Yuusuf..
»Guddigii taakuleynta oo beeniyay hadalkii Muuse Suudi...
»Garoowe oo lagu daadiyay waraaqo golaha wakiilada looga..
»Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo kusii jeeda Waajid
»Kulankii Baarlamaanka oo looga dooday ajandayaal dhawr ah
»Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle oo isa soo horfariistey
»Beelaha Faarax Garaad oo Dib u eegaya hoggaanka PL
»Baaq Nabadeed: Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 7


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD