Banaanbax looga soo
horjeedo kooxihii dhawaan ku dhawaaqay Isbahaysiga oo ka dhacay Yaqshiid..
Shiikh Cali Dheere “ka
digtoonaada caddowga Islaamka”
Shalay
salaaddii Jimcaha kaddib ayaa dadweyne aad u fara badan waxay isugu soo
baxeen fagaare ku yaala degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana
banaanbaxaasi soo qaban-qaabiyay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka,
waxaana looga soo horjeeday kooxihii dhawaan ku dhawaaqay in ay sameeyeen
Gole la magacbaxay Golaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
Dadweynihii ka qaybgalay banaanbaxaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay
ka mid ahaayeen Doolar qaate Dooni meyo, “Waan la dagaalameynaa caddowga
islaamka” iyo ereyo kale oo la mid ah, waxaana halkaasi hadalo ka soo jeeday
qaar ka tirsan Culumad’udiinka waxaana ka mid ahaa aasaasihii Maxkamadaha
Islaamiga ah ee sanadkii 1995-tii Shiikh Cali Dheere, wuxuuna dadkii ka
qaybgalayay banaanbaxaasi ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan caddowga
Islaamka, waxaa kalloo ka hadlay Shiikh Maxamuud Ibraahim Suuley oo isna
yiri “Waqtigii ay Daalibaan xukumeysay dalka Afgaanistaan ayaa Mareykanku
waxa uu ku yiri Malaayiin Doolar qaata ee soo dhiiba Usama Bin Laadin, si
Saldanadiinu idinku badbaado, ayaa hogaamiyihii waqtigaas Mullah Max’ed ugu
jawaabay, “Nin Muslin intaan gaal u gacangelin laheyn wax kasta aan ku
weyno”.
Ka
qaybgalayaasha banaanbaxa ayaa markii dambe waxay mareen wadooyinka
Magaalada Muqdisho iyagoo aad u qiireysan oo shucuur aad u daran ka muuqato.
Banaanbax kan la mid ah ayaa todobaadkii hore waxa uu ka dhacay Fagaaraha
Tiribuunka oo looga soo horjeeday kooxihii dhawaan sameeyay Isbahaysiga la
dagaalanka Argagixisda, banaanbaxyadaan is daba jooga ah waxay muujinayaan
sida shacabka Soomaaliyeed uga soo horjeedaan in dhibaato la gaarsiiyo
diintooda iyo culumadooda, waxaana la filayaa in banaanbaxyo kuwaan la mid
ah ay dhacaan todobaayada soo socda.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo
soo gaaray deegaano ka tirsan Gobalka Gedo…
Wararka ka imaanaya Gobalka
Gedo gaara haan degmada Buula Xaawo waxay sheegayaan in shalay subax ay
halkaasi soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, waxaana la
sheegay in ciidamadaasi ay ku faafeen dhamaan gudaha Magaalada, iyagoo
shalay galabnimadii ciidamadaasi ay ka baxeen Magaalada ayna degeen meel
dibadda ka ah Degamada Buula Xaawo.
Ciidankaan ilaa iyo hadda
lama garanayo sababahay u yimaadeen magaalada Buula Xaawo mana ahan markii
ugu horeysay ee ay ciidamo Itoobiyaan soo galaan degmada Buula Xaawo,
waxayna sanadkii 1996-dii ayay Ciidamada Itoobiya soo galeen halkaasi,
iyagoo waqtigaasi la sheegay in ay baacsanayeen ciidamo ka tirsanaa ururka
Al-Itixaad oo fariisimo ku lahaa halkaasi.
Qaar ka mid ah odoyaasha
deegaanka ka soo jeeda ayaa waxay sheegeen in imaashaha ciidamada itoobiya
ku lug leeyihiin dad u dhashay gobalka oo doonaya in ay siyaabo kale uga
faa’iideystaan ciidamadaasi Itoobiya ee soo galay Gedo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka
iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Ceel-Barde..
Wararka naga soo gaaraya
Mgaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu
hogaaminayo oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ay u
kicitimeen Magaalada Ceel-Barde ee Gobalka Bakool, waxaana la sheegay in
markii ay halkaasi gaareen si weyn loogu soo dhaweeyay.
Guddoomiyaha Baarla-maanka
ayaa halkaa u tagay sidii nabadeyn iyo dib u heshiisiin u dhexdhigi lahaa
beelo halkaas horey ugu dagaalamay iyo waliba sidii uu u soo eegi lahaa
xaaladda abaarta ka jirata deegaankasi.
Guddoomiyaha waxa uu kulamo
la yeeshay Waxgaradka, Odoyaasha iyo Malaaqyada deegaankasi oo ay isla soo
qaadeen xaaladda deegaanka Ceel-Barde iyo Tuulooyinka ku xeeran, waxayna
Dowladda ka codsadeen waxgaradka deegaankaasi in gargaar lala soo gaaro,
maadaama ay abaar darani ka jirto deegaankaasi, waxaana la filayaa in
Guddoomiyaha uu dib ugu soo laabto maanta Magaalada Baydhabo.
Max’ed Dheere oo
mamnuucay lacagtii horey loogu qaybiyay ciidamadii ku xareysnaa Kongo ..
Iyadoo Ganacsatada Magaalada Jowhar ay si
aad ugu jahwareereen lacag Shillin Soomaali ah oo mushaar ahaan loo siiyay
ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo ee laga keenay Puntland iyo
Maleeshiyooyinka Max’ed Dheere ayaa waxaa dhacday in ganacsatada Degmada
Jowhar ay si weyn u diideen lacagtaasi, taasina waxay keentay in dad fara
badan loo xirxiro isla markaana xitaa dhac loo gaysto qaar ka mid ah
ganacsatada, gaara haan kuwa iibiya Jaadka, waxyana arrintaani ka dambeysay
markii Max’ed Dheere uu amray in lacagtaasi la qaato.
Markii uu istaagay Ganacsigii Magaalada
Jowhar ayaa labo maalmood kale wareegto kale oo uu saaray Max’ed Dheere gebi
ahaanba ku joojiyay lacagtaasi oo uu sheegay in ay ahayd mid been abuur ah.
Wareegtadu waxay sheegeysay in cidii lagu
arko lacagtaasi ay mudan doonto ganaax iyo xabsi, waxaana arrintaasi si weyn
soo dhaweyay ganacsatada degmada Jowhar oo iyagu sheegay in ganacsigooda
laga xukumo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.
Wararka naga soo gaaraya Jowhar waxay
sheegayaan in dib loo furey ganacsigii, noloshii Magaalada Jowharna ay caadi
ku soo laabatay, waxayna dadku u mahadceliyeen Max’ed Dheere oo ay sheegeen
in uu yahay nin u damqanaya Ganacsatada.
Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool
Gobalka Banaadir oo soo saaray baaq ka kooban dhowr qodob..
Waxaa maalintii khamiista ahayd Huteelka
Nabadda (Hotel Peace) ka dhacay kulan ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee
Bulshada, gaar ahaan bahda Waxbarashada, Shirkadaha Isgaarsiinta, bahda
Caafimaadka, Hay’adaha Nabadda iyo Ganacsatada, waxaana kulankaasi looga
hadlay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana xubnihii halkaas
ka hadlay ka mid ahaa Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) oo sheegay in nabadgelya
xumida ka jirta Muqdisho ay sababteeda leeyihiin beelaha dega Magaalada.
Kulankaas waxaa laga soo saaray dhowr oo
ay ka mid ahaayeen:, dagaalkii ka dhacay Muqdisho uu sababay khasaaro naf
iyo maalba leh, in aysan marnaba ogolaan doonin dagaal dambe oo ka dhaca
Magaalada Muqdiso, in la joojiyo faragelinta lagu hayo dalka gaar ahaan
Mareykanka oo ay ka codsadeen in uu gacan ka gaysto isku keenidda shacabka
Soomaaliyeed, waxa ay hambalyo u direen shirka ka socda Magaalad Baydhabo
iyo qodobo kale. [Warkan oo Faahfaahsan iyo sawiro laga qaaday kulanka ka
eeg dhank ahoose wararakan]
Maalintii la dilay Elman
oo loo aqoonsaday Maalinta Nabadda Soomaaliya..
Maalintii Khamiista ahayd
ayaa Hotel Naaso Hablood ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xus loo
sameynayay geeridii Marxuum Elman Cali Axmed oo isagu geeryooday 9-kii
Bishii Maaarso 1996-dii ayaa waxaa xuskaas ka qaybgalay qaybaha kala duwan
ee bulshada.
Xafladdaan oo si heer sare
leh soo agaasimahay ayaa ugu horeyntii halkaas waxaa lagu soo bandhigay
boorar ay ku qornaayeen waxqabadkii Marxuum Elman gaar ahaan dhinaca
nabadda, dib u dhiska iyo Iboortiga, waxaana dadkii ka qaybgalay xafladdaasi
maaweelinayay kooxda Horyaal Band oo iyagu halkaas ku soo bandhigay Ruwaayad
ka hadleysay waxqabadkii halyeeygaas.
Eng. Suudaani Cali Axmed oo
madax ka ah Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadnaha ee Elman ayaa waxa uu ka
warbixiyay waxqabadkii Marxuum Elman oo isagu sheegay in iyadoo ay socdeen
dagaalo sokyeeye uu u ololeenayay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka,
wuxuuna si gaar ah diyaaradda u saaray dhallinyarada oo ahaa xooggii waday
dagaalada sokeeye, wuxuuna u buuray meherado uu kaga reebayay dagaaladii
Sokeeye, Eng. Suudaan waxaa kalloo uu sheegay in Elman uu uruurin jiray
carruurta dibjirka ah isaga oo siin jiray qalab ay Casseeye oo dusha ay kaga
qorneyd “Tuugsi Maya Shaqo Haa”.
Intii xafladduu socotay ayaa
waxaa la xoo xiriiray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isagu sheegay in
Elman Cali Axmed uu ahaa halyeey aysan hilmaamin doonin Shacabka
Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay Ra’isul Wasaaruhu in 9-ka Maarso ay Dowlada
Federaalka u aqoonsaday Maalinta Nabadda Soomaaliya, waxaana arrintaan si
weyn ugu farxay dhamaan inta nabadda jecel oo weli qalbigooda uusan ka go’in
waxqabadkii Elman Cali Axmed, waxaana xafladaasi ka hadlay qaar ka mid ah
dhallinyaradii uu waqtigaasi soo barbaariyay oo sheegay in aysan iloobi
doonin Elman Cali Axmed.
Siminar ku saabsan Gudniinka
Fircooniga oo lagu qabtay Muqdisho...
Waxaa maalintii khamiista ahayd Hotel
Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay siminaar hal maalin ah oo
looga hadlayay dhibaatada iyo waxyeelada gudniinka fircooniga ah, waxaana
siminaarkaas iska kaashaday Hay’addaha Rianbo iyo Hay’adda COCO oo marka la
soo gaabiyo loo yaqaano (Community Concern Oganization) ayaa waxaa ka
qaybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Gobalka Banaadir, Haween, Saxafiyiin
iyo Dhallinyaro, waxaana ka furay Maryan Cabdule Qaawane oo iyadu sheegtay
in loo howlgalo sidii loo suulin lahaa Guniinkaasi oo dhibaato ku haya
Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaa kalloo ka hadlay Aamino Cabdi Caga Baruur, oo
iyana si aad ah uga hadashay waxyeelada guniinka Fircooniga ah oo ay
sheegtay in dalkeena Soomaaliya uu si aad ah ugu badan yahay Gudniinka
ficooniga ah (FGM), waxaa kalloo ka hadlay Aamin Xaaji Jimcaale iyo Caasho
Cabdi Diini oo iyagu kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in casharada ay
halkaan ka faa’iideysteen u gudbiyaan bulshada inteeda kale.
Siminaarkaasi ayaa waxaa Cashiro ka
bixinayay Yuusuf Daa’uud oo ka socday Ha’adda COCO, wuxuuna halkaas ku soo
bandhigay Barnaamij cusub oo looga hortago FGM-ka oo lagu magacaabo WECC
Frame Work isagoo sheegay in barnaamijkaani uu yahay mid si weyn looga
hortagi karo gudniinkaan, isagoo sheegay in Gudniinka Fircooniga ah uu
dhibaato weyn ku hayo qaar ka mid ah wadamada Adduunka gaar ahaan Soomaaliya,
iyadoo gabdhuhu ay kala kulmaan dhiiga oo ku xirma, dhiig bax, waqtiga
Guurkooda oo iyana dhibaato aad u baaxad weyn ay kala kulmaan, wuxuuna u soo
jeediyay ka qaybgalayaasha in ay barnaamijkaan gaarsiiyaan deegaankooda si
looga tago caadadaas oo aan xitaa aysan ogoleyn Diinta Islaamka, waxaana ka
qaybgalayaasha halkaas ku doorteedn 12 qofood oo barnaamijka Wecc Frame Work
ka hirgeliya deegaanadooda, si ay bulshada ugu wacyi-geliyaan dhibaatada
gudniinka
W/.D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Shacabka Soomaaliyeed oo loogu Baaqay in la abaabulo kacdoon ka dhan ah
hogaamiye kooxeedyada hubeysan

Kulan balaaran oo ay ku
yeesheen hotelka nabada xubnaha bulshada rayidka ah uuna shir gudoominayey
gudomiyaha midowga ganacsatada somaliyeed ee gobolka banadir maxamuud cabdi
kariin cali gabeyre ayaa laga soo saarey 8 qodob oo kala ah
-
1.
in dagaalkii ka
dhacey muqdishu 18 kii febrayo uu sababbey khasaare aad u baaxad weyn oo
isugu jira naf iyo maalba saameyn balaarana ku yeeshay adeegyadii wax
barashada , caafimaadka ,ganacsiga ,gaadiidka iyo gurmadkii abaaraha
-
2.
in bulshada rayidka
ah aysan markale aysan ogolaaneyn in dagaal uu ka dhaco muqdisho xalkane
lagu raadiyo wadahadal iyo dib u heshiisiin ,
-
3.
shirkaan hor dhaca ah
wuxuu saameyn u yahay sameynta gudiyo joogto ah o ka howl gala
nabadaynta magaladamuqdisho,
-
4.
in ay joojiyaan
dowladaha shisheeye ee faragelinta ku haayo arimaha somaliya uuna ugu
horeeyo mareykanku in ay ku caawiyaan shacabka dhibaateysan xalinta
qilaafkooda,
-
5.
in la taageero dib u
heshhiisiinta doewlada ee ka socoto beydha maadaama ay tahay dowlad
nimadu waxa keliye ee xalka waara lagu heli karo ,
-
6.
in xildhibaanada iyo
wasiirada ku sugan muqdisdho ay ka qeyb galaan shirka baarlamaanka ee ka
socda baydhabo ,
-
7.
in ay
ganacsatadu,bahda wax barashada ,caafimaadka iyo aqoonyahanaduba ay si
wada jir ah ugu guntadaan xal u raadinta nabad galyaa mudisaho,
-
8.
in gudiga soo qabana
qaabiyey shiraan u sii d=wado howshaan lana kaashado dadka lae ee aan
looga maarmin .
shirgudoyahay shirka
gabeyre oo kulankaasi furay ayaa sheegay in ajendaha shirku uu isugu jiro dhageysiga
war bixinada ,dood furan ,iyo kudhawaaqida natiijada shirka waxaana uu xusey
in qof kasta u hadalkiisa jeedin karo 3 daqiiqo inta ay socoto doodu.
gudoomiye ku xigeeka
koowaad ee dalada bashiir macalin yuusuf oo kulankaasi fikirkiisa ka
jeediyey ayaa yiri “ dagaalkaanu wuxuu noo furey bog cusub oo jadiid ah
kaasoo aana u arko halis dadkane waxaan ku war gelinayaa in arintaas laga
hortago maadaama ay ka duwantahay 16 kii sano ee la soo dhaafay , anigu
waxaan qabaa in shacabka somaliyeed ay taageeraan dowlada u dhalatey gacane
siiyaan kana toosiyaan.
sh: maxamud axmed abuu
sheyba oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta jaamacada islaamiga oo isna fikirkiisa
ka dhiibtey ayaa yiri dagaalkaan ka dhacay muqdisho wuxuu ahaa dagaal uu
watey Maraykan wuxuuna dagaalkaani dhaqaale siiyey ragii hogaamiye
kooxeedyada ee aan awal dhaqaalaha ku heli jirin dagaalda waxaana shacabka
somaliyeed u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan gaar ahaa dadka reer
muqdisho in fidna wade uu dhiubaato la danacsan yahay isla markaana uu isagu
hurinayo dagaaladaan.


xubnihii kale ee halkaasi
fikirkooda ka dhiibtey waxaa ka mid ahaa cabdiraxman odowaa oo ku hadlayey
magaca mac.hadka simad wuxuuna soo jeediyey in la abaabulo kacdoon ka dhan
ah hogaamiye kooxeedyada hubeysan ayna ka qeyb qaataan bahda waxbarashada
iyo bulshada rayidka wuxuuna sheegay in 60.000 ardey ay dhigi karaan
wadooyinka si loo joojiyo dagaalda lagu hoobtey .
siyaasiga xusen sh: axmed
kadare oo isna ka hadlay kulankii ayaa yiri xalkii baa maqan marki dowladii
hore dhacdayna qofkasta qabiil buu dugaashada waxaana hada jira niman
ganacsato ah oo dagaalada hurinaya waxaana loo baahan yahay in shacabka
somaliyeed ay si midnim ku jirto uga gudbaan marxaladaan adag hadalkeygune
waa tilmaan.

Gudoomiye ku xigeenkii
TNJ dii carte axmed abroone aamiin ayaa isne yiri; muqdisho waa madaxii
soomaalya madaxu haduu jiran yahayna korka kale ma caafimaadayo soomaliyana
shisheeyuhu wuxuu ugu tala galay in aysan hashiinin dagaaladuna makala laha
qadiim iyo cuseeb, Soomaaliyana basbaasbaa la mariyay.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somalia
Barnaamijkii Radio Xoriyo
10 March
2006
-
Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay.
-
Ciidammada
gumaysiga oo gubay magaalada Jarrati.
-
Carruur
badan oo macaluuli ku hayso Bariga Afrika.
-
Eritereya oo
diidday eed ay Qaramada Midoobey u soo jeedisay.
-
Dagaallo dhawr
oo ay iskaga horyimaadeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa
cadowga Itoobiya ayaa si wayn loogu naafeeyay ciidammada saama-la-luudka
ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasina waxay u dheceen sidatan;
16/2/06
Dhagax-tuur, oo ka tirsan degmada Awaare, dagaal ay ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ku qaadeen kuwa cadowga Itoobiya ee halkaas fadhiya waxaa
cadowga lagaga dilay 10 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/2/06
Gasaangas, oo degmada Xamro ka tirsan, weerar lagu qaaday fadhiisin
cadowgu halkaas ku leeyahay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 3
kalana waa lagaga dhaawacay.
20/2/06 Xamaro, oo ka tirsan Fiiq, dagaal lagu qaaday saldhigga cadowga
waxaa lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Ciidammada
gumaysiga oo gubay magaalada Jarrati.
Markii ay taariikhdu
ahayd 25/2/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya gubeen magaalada
Jarrati, wuxuuna dabku magaalada wad-gaadhay, ka dib markii ay dab
qabadsiiyeen kaalin shidaal oo magaalada ku taallay.
Waxaa halkaas ku gubtay
107 guri oo magaalada ku yaallay, waxaana halkaas ku dhintay inta la
ogyahay haweenay iyo labo carruur ah oo mataano ahaa oo ay nuujinaysay.
Dadkii guryohooda laga gubay oo qaar dhaawac ahi ku jiraan ayaa la
sheegayaa inay wali qoxooti ku yihiin magaalada duleedkeeda, ilaa iyo
haddana ayna helin wax gargaar ah.
Dhinaca kale dadkii
faraha badnaa ee laga soo qaqabtay tuulooyinka ku hareeraysan magaalada
Dhagaxbuur ee lagu soo xidhxidhay xabsiga Dhagaxbuur ayaa wali sidii u
xidhxidhan, waxaanan kaloo magacyadooda helnay:
1. Maxamed Ilyaas
2. Dhagacade Cabdi
Tarabi iyo
3. Muraar Maxamed Tarabi.
Dhinaca kale 22/2 -
27/2/06 waxuu siminaar uga socday xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya xubnaha arrimaha siyaasada ee Jabhadda. Wuxuuna
siminaarkaasi ugu dhamaday si guul ah. Waxaa siminaarkaas lagu qiimeeyay
hawlaha Jabhada, iyadoo la isku raacay in halganku toobiyihii loogu
talagalay ku taagan yahay, cadawgiina lagaga adkaaday dhinacyada
dagaalka iyo abaabuylka bulshada. Siminaarkaas waxaa lagu dajiyay qorshe
siyaasadeed oo cusub.
Carruur badan oo
macaluuli ku hayso Bariga Afrika.
Ugu yaraan 3 milyan oo
carruur ah, oo 600,000 oo ka mid ahi shan sano ka yar yihiin, ayay cunto
iyo biyo la’aani ku haysaa dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya,
sidaas waxaa ka digay ururka carruurta ee Save the Children ee dalka
Britan.
Ururka Save the Children
wuxuu dunida ka codsaday in loogu deeqo lacag dhan 700, 870 oo dollar,
wuxuuna sheegay 42% ka mid ah carruurta iyo dadka waawayn ay dhibaatada
abaartu ku hayso gobolka Bariga Afrika ay khatar u yihiin dhibaatada
nafaqa darrada. Ururka Save the Children ayaa aaminsan in abaarta
gobolka Bariga Afrika ka jirta ay tahay middii ugu xumayd ee soo marta
tan iyo sannadkii 1993.
Cunta la’aantu waxay
fara ba’an ku haysaa qoysas markii horaba aad sabool u ahaa, sidaas
waxaa bayaan ay khamiistii soo saartay ku sheegtay madaxda ururka Save
the Children Jasmine Whitbread.
Ururka Save the Children
wuxuu kaloo intaas ku daray in dhibaatada sida gaarka ah carruurta u
haysa aan si fiican xoogga loo saarin, isla markaana looga digin,
wuxuuna ku baaqay in arrintaas si guud gacan looga gaysto.
Sida ay sheegeen
ururrada samafalka ah, in ka badan 11 milyan oo qof ayaa macaluul ba’ani
ku haysaa dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.
Eritereya oo
diidday eed ay Qaramada Midoobey u soo jeedisay.
Dawlada Eritereya ayaa
ku gacan saydhay inay wax eed ah ku yeelan karto dhimashada askari u
dhashay dalka India oo ka mid ahaa askarta nabad ilaalinta u joogta
xadka u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya, kaasoo wana-joogsi u dhintay,
wax yar ka dib markii la keenay isbitaal ku yaalla magaalada Addis
Ababa.
Xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobey Kofi Annan iyo xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dalka
Eritereya ku eedeeyay in xayiraada uu ku soo rogay duullimaadyada
Qaramada Midoobey ay sabab u tahay in askarigan si dhakhsa ah loo
gaadhsiin waayo goobtii lagu dawayn lahaa.
Askarigan India u
dhashay oo lagu magacaabi jiray Kambala Ramesh Annappa wuxuu ku
xanuunsaday dhulka millatariga ka caaggan eek u dheraran xadka u
dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya. Wuxuuna dhintay ka dib markii la geeyay
isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa oo loo soo waday muddo afar
saacadood ah. Haddii magaalada Casmara ee dalka Eritereya loo qaadi
lahaa wuxuu ku tagi lahaa 45-50 daqiiqo gudohood, hase yeeshee dawlada
Eritereya ayaa mamnuucday in Qaramada Midoobey ay dalkeeda ku
isticmaasho dayuuradaha helikobtarka ah.
La-taliyaha madaxwaynaha
Eritereya Yemane Ghebremeskel ayaa diiday in dalkiisu uu wax masuuliyad
ah ku leeyahay dhimashada askrigaas.
“In Eritereya lagu
eedeeyo arrintan waa cadaalad darro. Waa dhacdo naxdin leh, mana aha
waji siyaasadeed loo yeelo, sidaas waxaa warfidiyeennada u sheegay
Yemane Ghebremeskel, oo sii adkeeyay in Eritereya ayna dhacdadaas wax
lug ah ku lahayn”.
Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobey ayaa jimcihii magaalada New York ka soo saaray qaraar
uu ku sheegay inuu si wayn u danaynayo dhimashada askarigaas, oo ay
sabab u tahay xayiraada aan la aqbali Karin ee Eritereya ku soo rogtay
Qaramada Midoobey.
Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobey wuxuu sheegay in xayiraadaasi khatar ku keenayso
nolosha askarta Qaramada Midoobey, wuxuuna dawlada Erireteya ka codsaday
inay sida ugu dhakhsaha badan xayiraadaas u qaaddo.
Radio Xoriyo
10
March 2006.
Dhoodi Danwaa
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com