Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ku Geeriyoodey
Qardho
March 15, 2006: Wararka ka imanaya magaalada Qardho ee
gobolka Bari ayaa tibaaxay in Duhurnimadii maanta uu halkaasi ku geeriyoodey
Allah ha u naxariistee Boqor Maxamuud
Boqor Muuse oo ahaa isim aad muctarif uga ah Soomaaliya.
Waxaa magaalada Qardho isla maanta gaarey madaxweynaha
DGPL Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde Muuse) si uu u soo booqdo Boqor Maxamuud
Boqor Muuse oo xanuunsanaa maalmahan.
Boqor Maxamuud Boqor Muuse waxa uu ku dhashay
dooxada Dharoor oo ka tirsan Gobolka Bari, waxana uu dugsi Quraanka ka
bilaabay magaalada Iskushuban ee G/Bari.
Boqor Maxamuud Boqor Muuse waxa ismimnimada
loo caleemo saaray kaddib markii uu geeriyoodey Boqor Muuse sannadkii 1986.
Allah ha u naxariistee
Boqor Maxamuud waxa uu ifka kag ategey siddeed
carruur ah.
Boqor Maxamuud Boqor Muuse
waxa uu ahaa Isim ay u siman yihiin ummaada Soomaaliyeed. Maxamed
Cabdi Farax Botan (Shiike) oo sannadkii 2001 booqday magaalada Qardho ayaa
qoran sidan:
...." waxaan gaaray Iridkii Guriga Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo kuyaal
Magalada Qardho, Guriga Boqor Maxamuud markii aad tagto waxad - dareemaysaa
in meesha aad joogto ay tahay meel umadda oo idil ay u siman tahay,markii
aan dhaafnay Albabka ayaa wiil dhallin yaro ahi oo isagu Albaabka Fadhiya oo
qaabka loosoo kala horeeyo dadka u sheegaya ayaa nayiri Aniga iyo Inamadii
ila socday walaalayaal ma waxaad doonayseen inaad Boqorka aragtaan, waxan
ugu jawabnay (Haa) Walaal Hadii ay suurto gal tahay, waxa uu nayiri Mar
haddii aad Albabka soo dhafteen waad arkaysaan laakin hadda rag kale ayaa ku
jira gudaha ee sugta, Howrarsan.
Qaddar yar ka dib waxaa noo suurta gashay in aan galno gudaha ,markii aan
salaanay Boqorka waxa uu nagu yiri Adeerayaal waad mahadsan tihiin sida
sharafta leh,Cisada leh ,wanagga leh ee aad iisoo bariidiseen, Aniga halakan
ayaan joogaa waxaana aan ahay Boqorka Umaddaan ,waxana aan ahay Nin u siman
Dadkan oo idil haddii uu yahay Mid wadanka ku nool gudihiisa iyo Mid wadanka
ka maqanba, soo dhawaada Gurigan waa gurigiinii , waa uu nawaaniyay Boqorka
waxana uu nagu yiri Adeerayaal waxad tihiin wiilashaydii Anna waxan ahay
Boqorka Umadda somaliyeed, waxan idinkula Dardaarmayaa Cabsida eebbe
Naftayda iyo Tiinaba. "
Qoraalkii Shakiib
ee 2001
Ugaas Max’ed Wali “
Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib xumo haddii mar kale ay..
Iyadoo
dhawaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen deegaano ka tirsan Gobalka Gedo,
waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay soo geliyeen qaar ka mid ah dadka
Deegaanka, kuwaasoo Ciidamada Itoobiya kula taliyay in ay kala shaqeeyaan
amniga deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.
Arrintaan ayaa waxaa si aad ah isugu maandhaafay odoyaasha Deegaanka Gobalka
Gedo oo uu ugu horeeyo Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur ahna Ugaaska
Beesha Sade ahna afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood.
Haddaba si aan arrimahaani wax uga ogaano ayaa waxaan wareysi kala yeelanay
mar kale Ugaas Max’ed Wali oo yiri “Siday noo sheegeen dad xogogaal ah mar
aan la xiriirnay deegaanaada Doolow, Buula Xaawo iyo Luuq waxaa mar kale la
isku dayayaa in Ciidamada Itoobiya ay mar kale fariisimadoodii dib loogu soo
celiyo degmooyinkaas kaddib markii dad aan xilkaas aheyn ay codsi u
gudbiyeen Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan maamulada haatan halkaasi ku sugan
kuwaasoo doonaya in ay fursado u helaan uruursiga dakhli ka soo gala
deeganadaasi oo ay qaybsadaan iyaga iyo Itoobiyaanka” wuxuuna intaa raaciyay
“waxaa lagu tilmaami karaa arrintaasi ayaandaro iyo Diin la’aan, waxaana uga
digeynaa dadkaasi xilkaska aan ahayn ee aan la lahayn shaqsiyadda iyo
wadaniyadda in ay ka waantoobaan kaalmeysiga ay kaalmeysanayaan ciidamada
Itoobiya, haddii ay ka waantoobi waayaana waxay la kulmi doonaan ciqaab,
Inshaa Allaah markii fursad loo helo”.
Sidoo
kale Ugaas Max’ed Wali waxa uu uga digay Ciidamada Itoobiya in ay joojiyaan
faragelinta qaawan ee ay ku hayaan gudaha Soomaalia, haddii Dowladda
Itoobiya jooji weyso faragelintaasi waxay la kulmi doontaa jawaab mudankeeda
ah, Ummadda Soomaaliyeedna indhaha kama qarsan doonto faragelinta iyo
dulmiga ay ku sameyneyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidoo kale Ugaas
Max’ed Wali waxa uu ayaandaro ku tilmaamay dadka sheeganaya in ay matalaan
Soomaaliya in ay soo doorteen ninkii cowrada Soomaaliya Itoobiya tusay oo ah
C/llaahi Yuusuf Axmed.
C/llaahi Yuusuf, Shariif
Xasan iyo Geeddi oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd halka uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay kulan ku
yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana kulankaasi la iskula
soo qaaday sidi dar dar loo galin lahaa howlaha Dowladda kaddib markii
khilaaf soo kala dhex galay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo,
waxaana khilaafkaasi uu xoogiisu ku yimid Markii dhowr jeer fasax la siiyay
xubnaha golaha Baarlamaanka taasoo ay si aad ah uga caroodeen qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku tilmaamay in aan la dooneyn in dowladdu ay
talaabo horey u qaado. Kulanka mas’uuliyiinta Dowladda ayaa waxaa kalloo
looga hadlay ciidamo soo gadooday oo ku sugnaa xerada Daynuunaay kuwaasoo
qalqal geliyay amniga Magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamadaasi ay
xerooyinkoodii uga soo baxeen kaddib markii ay halkaasi kala kulmeen daryeel
la’aan, iyadoo qaarkood ay dhigteen isbaarooyink ka bilaabnaya deegaanka
Daynuunaay ilaa iyo Magaalada Baydhabo, waxaana haatan socda sidii
ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xerooyinkoodii.
Ciidamadii ka tagay
xerada Kongo oo la filayo in lagu xareeyo Xerada Mannaas..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ciidamadii
dhawaan ka tagay xerada Kongo oo markii horeba laga keenay deegaanka
Puntland ayaa la filayaa in la dejiyo deegaanka Manaas oo 30Km u jirta
Magaalada Baydhabo.
Ciidankaan oo tiradoodu gaareyso 800 oo askari ayaa la sheegay in hubkii ay
siteen badankiisii uu kala haray maamulka Gobaka Sh/dhexe ee uu madaxda u
yahay Max’ed Dheere.
Suuqyada hubka lagu kala iibsado ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay laga
dareemayay hubkaas oo u badnaa qoryo fudud kasoo ka soo galay dhinaca
degamada Jowhar, waxaana hoos u dhac ku yimid qiimihii hubka ee Suuqa
Cir-Toogte.
Ciidankaan oo aan wali si rasmi ah loo dejin ayaa haddana waxaa la
qorsheynayaa in la dejiyo deegaanka Mannaas, waxaana shalay deegaankasi
booqday rasaakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo horey joogay ammaanka
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Shir Jabuuti ku dhexmaray
Taliska ciidamada Mareykanka iyo..
Waxaa maalintii shalay ahayd shir ku
yeeshay dalka Jabuuti Taliyaha Ciidamada Mareyknaka ee howlgalka Geeska
Afrik Gen. Timothy Gormley iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, waxayna sida la
sheegaay ka wada hadleen arimo la xariira Siyaasadda guud ee dalka
Soomaaliya iyo saamaynta Dowladda Mareykanku ku leedahay arimaha Siyaasadda
Soomaaiya.
Shirkaas oo qaatay muddo sedex saacadood
ah ayaa waxaa diiradda si gaar ah loogu saaray dagaaladii dhawaan ka dhacay
Magaaladda Muqdisho iyo waxa ka jira in Dowladda Mareykanku ay ku luglahayd
dagaalkaas, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika oo ay wehliyeen
10 ka mid saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee saldhigoodu yahay dalka
Jaabuuti ayaa si xoog leh u dafiray in Dowladda Mareykanku ay wax ka ogtahay
dagaalkaas waxa kale oo uu beeniyey inay wax xariir ah la leeyihiin
Qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho.
Soomaalidii ka qayb gashay kulankaas oo
la sheegay in intoobadan ka tirsanaayen ururada Bulshaada Rayidka ah ayaa
waxaa la sheegay inay ka tageen Magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kulankaas
ka qayb galay Prof. Axmed Ismaaiil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacad ku taala
dalka Mareykanka waxayna u sharxeen saraakiisha mareykanka in dagaaladii ka
dhacay Muqdisho ay si waayn oo hoos ugu dhacday sumcaddii Dowladda
Mareykanka ee Soomaaliya markii aay soo bexeen warar sheegaya inay ku lug
leedahay dagaalka, waxayna ku balameen inay sii socdaaan kulamadaas iyadoo
maalmaha soo socdana ay kulan isugu imaan doonaan labada dhinac.
Maxkamadaha Islaamiga ah oo sheegay
inay u howlgeli doonaan sidii ay wax uga...
Waxa maalintii shalay ahayd shir Jaraa’id
ku qabtay Magaalada Muqdisho Masuuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee
Muqdisho waxayna shirkaas Jaraa’id uga hadleen arimnaha nabad galyada
Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada
Muqdisho.
Shirkaas Jaraa’id waxaa ka hadlay
Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uuna
sheegay inay ka hortagayaan dadka laynaya Aqoonyahada Soomaaliyeed isla
markaana u taagan inay ugaarsadaan dadka wax galka ee Soomaaliyeed, waxa uu
sheegay in maalmahaan ay Magaalada Muqdisho ku soo bateen falalka dilalka
ahee lala beegsanayo Aqoonyamada iyo dadka hormuudka u ah bulshada
Soomaaliyeed waxa uuna sheegay inay arimahaas ka dambeeyaan dad doonaya
inaysan dagin nabad galyada Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Sh. Shariif inay
bilaabayaan inay howlgalo joogto ah oo ay ku ugaarsanayaan kooxahaas, isgoo
intaas raaciyey in Maxkamadaha Islaamiga ah u taagan yihiin sugidda nabad
galyada shacabka Soomaaliyeed ayna la dagaalamayaan waxwalba oo qalqal
galinaya xasuiloonida shacabka Soomaaliyeed
Wafdi ka socday Wadamada Deeqda bixiya
oo kulan kula yeeshay Baydhabo.
Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada
Baydhabo soo gaaray wafdi ka socday Wadamada deeqda bixiya, waxayna
Magaalada Baydhabo kulan kula yeesheen guddigii dhawaan loo xilsaaray in ay
wax ka qabtaan dhibaatadii ka dhacday Tuulada Salagle ee dabku baabi’iyay
ayaa wafdigaasi waxaa loo gudbiyay warbxin dheer oo la xiriirta khasaarihii
gaaray tuuladaasi, iyadoo wafdiga xitaa loo dhiibay sawiro iyo qoraalo la
xiriira dabkaasi.
Wafdiga ayaa waxay balanqadeen in ay
gacan ka gaysan doonaan sidii dib dhis loogu sameyn lahaa Tuuladaasi,
waxaana la filayaa in maalmaha soo socda wafdigaasi oo ka socday Beesha
Caalamka ay booqdaan Tuulada Salagle si ay u soo ogaadaan xaqiiqda dhabta ah
ee ka jirta tuuladaasi.
WAfdigaan oo isla shalay dib ugu laabtay
Magaalada Nairobi ayaa warbixintooda waxay u gudbin doonaan hay’addihii iyo
wadamadii ay markii horeba ka tirsanaayeen.
Dowladda Federaalka oo Tuuladaasi ka
dhigtay Degmo ayaa waxaa Tuulada ilaa iyo haatan gaaray gargaar aan sidaasi
u buurneyn.
W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Soomaaliya:
Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta
Howshan ayaa
waxaa loogu magac daray mashruuca ka hortaga aafada indho la'aanta
iyadoo uu sheegay agaasimuhu dr muuse afeey inay howsha wadi doonaan
ilaa iyo inta lasoo cirib tirayo indho la,aanta ka jirta guud ahaan
soomaaliya oo dhan ,waxuu kaloo dr, afeey sheegay inaysan kala jeclayn
qof kasta oo soomaaliyana ay caawin doonaan meel kasta haka yimaadee.
Sidoo kale
waxuu war bixin naga siiyey agaasimaha isbitaalka carafaad dr ,muuse
xuseen cumar (muuse afey)
Waxaa
mashruucan lasoo bilaabay oktoobar 2004 waxaana xiligaas indhaha loo
fiiqay hal waqti oo kaliya oo tabrucaad ah 470 qofood ,sidoo kale waxuu
agaasimuhu intaasi sii raaciyey janaayo 2005 ka waxaa indhaha loo fiiqay
460 qofood sidoo kale julay 2005kii waxaa iyana indhaha loo qalay 444
qofood . sidoo kale isla sanadkaasi ayaa waxaa indhaha loo fiiqay 400
qofood .

Sidoo kale
waxaa agaasimaha isbitaalka carafaad muuse afey uu intaasi noo raaciyey
in isbitaalkani uu u dadaalo ugu jiro sidii uu u caawin lahaa dadka
danaysan iyo kuwa soo barakacay oo indhaha loogu qalay ilaa iyo hada
100 qofood oo ay iska kaashadeen isbitaalka iyo hayada wadaniga zamzam
.
Waxuu intas
ku daray agaasimaha isbitaalka carfaad dr ,muuse afeey inta sanadkan
ka harsan loo fiiqayo indhaha ayaa waxay gaadhaysaa ilaa 400 qofood
oo socondoonta laga bilaabo 13 maarso iyo ilaa 17 maarso ee sanadkan
2006 da oo isugu jira caruur dad waaweyn iyo kuwo dhexaad ahba
waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey dr ,muuse afey inay caruurta loo qali
doono labada indhood kuwa ka jiran balse dadka waawen ay tahay hal il
oo kaliya ,sidoo kale waxaa uu kaloo noo sheegay dr muuse afeey inta
guud ahaan isbitaalka indhaha loogu fiiqay tan iyo sanadkii 2004 tii
ilaa sanadkan 2006 da inay yihiin 2274 qofood .


Si kastaba ha
ahaatee waxuu kaloo wax nooga sheegay dr, muuse afeey xaalaada abaaraha
dalka ka jira oo ay sameeyeen teem ka socda isbitaalka carafaad oo ay u
direen gobolda gedo iyo bakool waxuu kaloo intaasi sii raaciyey inay
goboldaasi ay gaadhsiiyeen deeq daawo ah iyo raashin isugu jira galay,
bariis iyo wax yaalo kale .
Muuse Maxamud
Jiisow
somali39@hotmail.com
muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 15, 2006
Muqdisho: "Isbahaysiga
Argaggixisada"oo isku Khilaafay Sheegidda Xiriirkooda InterPoll
»Max’ed
Dheere oo aflagaadeeyey C/Laahi Yuusuf..
»Ciidamadii
ku xareysnaa Daynuunaay oo gadooday..
»C/llaahi
Yuusuf oo u ambabaxaya dalka Kenya..
»Kulan
dhex maray Cadde Muuse, Cismaan Caato iyo Furux
»C/llaahi
Yuusuf oo uu degmo ugu aqoosaday Tulada Salagle
»Maleeshiyadii
Xerada Kongo oo gebi ahaanba isaga baxay
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Mar 14
Muslim Aid oo £74,485 ku taageertay dadka ku tabaloobey Abaaraha Soomaaliya..
Berlusconi oo ka
carooday wareysi Tv oo lala yeeshay
Xildhibaanada
Baarlamaanka oo mar kale Galaya Fasax ilaa mudo Tobaad ah
»Qaar
ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hanjabay
»Shiikh
caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe..
»Ururka
Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac muujiyay
»Maleeshiyada
Yuusuf Daba-Geed oo weerar qabsaday
»Qoral
ka soo baxay Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali
iyo Warar GooGoos
ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 13
Barre Hiiraale
iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..
»Heshiis
buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo
»Geeddi
oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii..
»Shirka
Golaha wasiirada DFK la iskula soo qaaday amaanka
»Ururka
Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu...
»Ciidamada
Itoobiya ee soo galay Deegaanka Buulo Xaawo
»C/llaahi
Yuusuf oo la filayo in Nairobi kulan kula yeesho..
wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Mar 12