SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 16, 2006

  • HAY'ADAHA QM.OO GARGAARKA AY SIIYAAN QAXOOTIGA SOMALIA DHIMAYA.
  • Aqoonyahano Soomaaliyeed oo saraakiil Mareykan ah ku martiqaaday in ay booqdaan Soomaaliya ..
  • Kulanka Baarlamaanka ee sabtida oo mar kale laga yaabo in dib loo dhigo ..
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo soo saartay warbixin la xiriirta dadkii lagu dilay..
  • Mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle oo isku maandhaafay ciidamadii laga keenay xerada Kongo.
  • Ammaanka Magaalada Baydhabo sii xumaanaya kaddib markii ay soo buuxiyeen Ciidamo ka yimid ..
  • Golaha deegaanka Gobalka Banaadir oo qabtay xaflad lagu xirayay kal fadhigii koowaad ee ..
  • Max’ed Dheere “Dowladdu waa in ay si deg deg ah u bixisaa lacagihii deynta ahaa ee ay...

NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN


Burburka Bangigii Ganacsiga ee Soomaaliya ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Muqdisho sannadihii soddonkii (1930)

Muqdisho: 1930's | Isha sawirkan: http://www.swan.ac.uk
HAY'ADAHA QM.OO GARGAARKA AY SIIYAAN QAXOOTIGA SOMALIA DHIMAYA.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

 
Hay'adaha Qaramada midoobay ee ka howlgala Xeryaha qaxootiga kenya ayaa sheegay in ay dhimayaan gargaarka ay siiyaan dadka ku nool xeryaha 20% iyagoo ku macneeyay xaalado adag oo ka jira aduunka  tusaalena usoo qaadanayay dhibka uu reebay Tsunamigii saameeyay wadamo badan oo Easiya ku yaala mar ay shir iskugu yimaadeen Hay'adaha ka shaqeeya gargaarka Qaxootiga.
 
Dhinaca kalena Hay’adda caalamig ah ee Oxfam ayaa digniin ka soo saartay in ay qaaadan karto ilaa 15 sano in laga soo kabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ku duftay gobolka waqooyi bari Kenya.
 
Warbixino kala duwan oo ay Hay’adu soo saartay ayay ku sheegaysaa in  boqolkiiba 70 dukaamada ku yaala dagmadda wajeer oo ka mid ah meelaha abaaraha ugu daran ee gobolka wali  ay ka jiraan  albaabada looxiray iyadoo dadkii kunoola dagmadaasi oo u badan xoola dhaqato ay awoodi kari layihiin in ay iska bixiyaan lacagaha lagu leeyahay kadib markii ay ka dhamadheen xoolahoodi.
 
Hay’dda oxfom oo  ka bixisay sawir muruga leh xaalada abareed ee ka jirta degmada wajeer ayaa warbixinadeeda ku xustay  in xoolaha ay dishay abaartu iyagoo daadsan  waddo walba oo ka mid ah kuwa magaalada wajeer kadib markii ay biyo iyo baadba waayeen
 
Waxaa kale oo isbitaalada k jira caruur iyo dad waaweyn oo dhamaantood la ildaran cudurada ka dhasha nafaqa darida,isbitaalada ayaan badanaa haysanin wax daryeel caafimaad ah maadaama ay laftooda saamayn weyn  u gaysateen abaaraha.
 
Guud ahaan hay;dda ayaa waxaa ay sheegaysaa in dad tiradooda ay kabadantay 1.5 0o kunool waddamada kuyaala gayska afrika  ay ubaahanyihiin cuna gargaar ah
SOMALIA: Drought-stricken families abandon homes for KismayoAbaaro kuwan la mid ah ayaa ka jira Soomaaliya sawiradii ugu dambeeyay ee magaalada kismaayo ayaa ahaa kuwo leh muuqaalo naxdin wata kadib markii roob la;aan awgeed uu dhulku isku badalay saxaro aan geed lahayn dadkana wax ay usoo galeen magaalada gudaheeda si ay uga helaan nolol.
 
Abaaraha ka jira Koofurta Soomaaliya waxa ay sababeen in dadka ay cunaan caleenta geedaha oo la kariyay,kumanaan kale ayaa ka bara kacay meelihii ay daganaayeen

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo saraakiil Mareykan ah ku martiqaaday in ay booqdaan ..

W/.D: Amiin Yuusuf

Aqoonyahano Soomaali-yeed oo dhawaan ka kulmay saraakiil Mareykan ah, kuwaasoo kula kulmay Magaalada Jabuuti ayaa waxaa kulankaasi ka soo baxay warar dheeraad ah oo la xiriira arrimaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya.

Aqoonayahanadaani ayaa ku martiqaaday saraakiishaas in ay tagaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya ee la xiriirta dhinaca argagixisada.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u dagaalameen beel beel iyaga ayaa argagxisinimo isugu filan” ayay yiraahdeen Aqoonayahanadaas oo ballan-qaaday in ay geyn doonaan goob kasta oo ay ku tuhmayaan waxa loogu yeero kooxaha argagixisada ah.

Aqoonyahanadan waxay sheegeen in Maxkamadaha Islaamiga ah ay ku dhismeen qaab qabiil ah kaddib markii Hogaamiyaasha siyaasadda ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan ammaanka, waxay kaloo sheegeen in Maxkamadaha Islaamiga ah ay yihiin kuwo aan cidina wax u dhimeyn oo ku shaqeeya rabitaanka Shacabka.

Kulanka Baarlamaanka ee sabtida oo mar kale laga yaabo in dib loo dhigo ..

Wararka naga soo garaya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in kulanka Baarlamaanka oo lagu wado in mar kale uu qabsoomo Sabtida soo socota laga yaabo in mar kale dib loo dhigo kaddib markii xubnaha Baarlamaanka qaarkood uu ka dhex bilwoday khilaafyo la xiriira qaabka qaybsiga guddiyada Baarlamaanka oo ka kooban afar iyo taban guddi.

Qaar ka mid ah waxay soo jeediyeen in loo qaybsado qaabkii 4.5 kuwo kale waxay soo jeediyeen in lagu xulo qaab aqooneed, waxaa kalloo lagu waramay in magaalada Baydhabo haatan ammaankeedu uu sii xumaanayo kaddib markii maleeshiyo fara badan soo galeen Magaalada kuwasoo qas iyo qalaanqal ka wada halkaasi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay inay ka ambabaxeen Magaalada Baydhabo iyagoo ku laabtay goobihii ay ka yimaadeen, iyadoo laga cabsi qabo in Kooramkii Baarlamaanka uu buuxsami kari waayo

Mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle oo isku maandhaafay ciidamadii laga keenay xerada Kongo.

Shirar Albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen mas’uuliyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sunga Magaalada Baydhabo isla markaana looga hadlayay waxa laga yeelayo ciidamada C/llaahi Yuusuf ee ka soo wareegay Xerada Kongo ee Magaalada Jowhar una soo wareegay deegaanada Bay iyo Bakool ayaan wax natiijo ahi ka soo bixin kaddib markii la isku maandhaafay imaanshaha Ciidamadaas deegaanada Bay iyo Bakool. Shirkaas oo ay ka qaybgaleen Xildhibaanada, Wasiirada, Siyaasiyiinta iyo Aqoonayahanada ku sugan Magaalada Baydhabo oo dhamaantood ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa waxa ay isku aragti ka noqon waayeen in ciidamadaasi ay soo galaan Gobalada Bay iyo Bakool iyagoo qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Waxgaradka beelahaas ay sheegeen in ciidamadaas aysan imaan karin deegaanada Bay iyo Bakool, iyagoo sheegay in shirkii waajid ay ku yeesheen Beelaha Digil iyo Mirifle ay ku go’aansadeen in Ciidamo meel kale ka yimid aysan imaan karin deeganadooda. Go’aankaas mid ka duwan ayaa waxaa qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle oo sheegay in aysan wax dhibaato ah keeneyn ciidamadaas haddii ay yimaadaan Gobalada Bay iyo Bakool. Doodu markii ay kululaatay ayaa waxaa shirka isaga baxay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiintii ka qaygashay shirkaasi oo sheegay in haddii ciidamadaas la isku dayo in Gobaladaas la keeno ay ka hor tagi doonaan. Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan, Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Shaati Guduud ayaa ka maqnaa shirka, iyadoo lagu micneeyay in aysan ku qanacsaneyn imaanshaha Ciidamadaas, balse Wasiirka Garsoorka Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in la isugu soo laaban doonto kulan kale oo arrintaasi xal looga gaarayo.

Ammaanka Magaalada Baydhabo sii xumaanaya kaddib markii ay soo buuxiyeen Ciidamo ka yimid ..

Magaalada Baydhabo oo shir uga socdo Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya isla markaana ay degan yihiin madaxda sare ee Dowladda Federaalka ayaa laga deyrinayaa ammaankeeda, iyadoo la sheegay in Magaaladaas ay qalqal geliyeen maleeshiyooyin hubeysan oo ay leeyihiin Wasiirada iyo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.

Arrintaan ayaa waxay ka dambeysay kaddib markii dhawaan Xerada Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ay ka soo gadoodeen ciidamo horey loogu xareeyay halkaas iyaogo ka cabanaya in aysan ku haysan xeradaasi wax daryeel ah isla markaana aan la fulin balanqaadkii loo sameeyay.

Qaar ka mid ah horjoogayaasha Ciidamadaas oo Saxaafaddu ay su’aalo weydiisay ayaa sheegay in sababta ugu weyn oo ay Magaalada Baydhabo u soo galeen ay tahay kaddib markii ay Magaalada soo galeen ciidamo ka yimid meel ka baxsan Baydhabo.

Waxaa hadda ku soo badanaya Magaalada jid gooyooyinka ay dhiganayaan maleeshiyadaas, qoryaha lala dhex marayo Magaalada iyo is barbar yaaca ay sameenayaan Maleeshiyooyinka ay leeyihiin mas’uuliyiinta hubeysan ee Digil iyo Mirifle.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo soo saartay warbxin la xiriirta dadkii lagu dilay..

Xarunta Xaquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Magaalada Muqdisho ayaa cambaareysay dilalkii loo gaystay Marxuumiinta kala ah, Nimco Nuur Shiikh oo ninkeedii ku gowracay degmada Huriwaa, Max’ed Salaad Diini (Doolaal) oo koox maleeshiyo ah ay ku dileen Magaalada Muqdiso, Ganacsade Max’ed Faarax Madoobe oo lagu dilay Buundada Liiqliiqato ee Magaalada Baladweyne oo dilkiisa ay gaysteen koox maleeshiyo sababo la xiriira qaybtiisa qabiil, Shiikh Max’ed C/raxmaan Ilaaq oo nin adeer u ahaa ku dilay Magaalada Garoowe, Cusmaan Shiikh Ibraahim oo nin maleeshiyo ah ku dilay Xaafadda Kaasa- Balbalaare xili uu ka soo baxay masjid Salaadii Cishaha, wuxuuna ka tirsanaa Hay’adda HARDO ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.

Dhamaan dilalkaan argagaxa leh ayay Hay’addu ku tilmaantay kuwo xadgudub ku ah Diinta Islaamka, Xeerarka soo jireenka ah ee Dhaqanka Soomaaliyeedc iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha qodobkiisa saddexaad oo leh qof waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabadgelyo iyo xorriyo.

Dhanka kale waxay xaruntu ka codsatay Qabaa’ilada, maamulada iyo Siyaasiyiinta ay hoos tagaan meelaha ay falalkaasi ka dhaceen in ay soo qabtaan kuwii ka dambeeyay falalkaas xadgudubka ah, iyadoo u mahadcelisay booliiks Puntland oo ay sheegtay Hay’addu in ay soo qabteen ninkii dilka u gaystay Shiikh C/raxmaan si loo hor keeno sharciga, waxayna sheegtay in loo diiwaangelin doono kuwa gaysanaya xadgudyadaasi naxariis darada ah ayna imaan doonto maalin cadaaladda la hor keeni doono, waxaana ku saxiixnaa qoraalkaani gudoonka xarunta Maryan Xuseen Owreeye.

Golaha deegaanka Gobalka Banaadir oo qabtay xaflad lagu xirayay kal fadhigii koowaad ee ..

Waxaa shalay lagu qabtay xaruntii hore ee Xisbiga xaflad balaaran oo ay ka qaybgaleen xubnaha Baarlamaanka Golaha Deegaanka, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Saraakiil Ciidan iyo waxgarad kale taasoo lagu xiriyay kal fadhigii koowaad ee Golaha Deegaanka gobalka Banaadir.

Waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame oo ka mid ah xildhibanaada Dowladda Federaalka oo dhawaan ka soo laabtay Magaalada Badhabo halkaas oo uu ka socdo Shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna halkaasi ka jeediyay hadal ku aadan sida uu u arko Golaha Deegaanka Gobalka Banaadi, howlihii ay qabteen iyo waxa la gudboon hada kaddib, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in Golaha Deegaanka Gobalka uu dardargeliyo howshii loo dhisay, waxaa kalloo uu sheegay in Golaha Baarlamaanka oo uu haatan shir uga socdo Magaalada Baydhabo ay xushmad weyn u hayaan Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir.

Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tootoow, waxa uuna sheegay in Golaha Deegaanka uusan ahayn Gole fulineyd ee uu yahay gole sharci dajineyd, waxa uuna sheegay in ay dhameystireen xeer hoosaadkii Golaha iyo sidii ay u dhici lahayd doorashooyinka madaxda kale ee Gobalka ee ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobalka iyo Duqa Magaalada iyo ku xigeenadiisa iyo qaab dhismeedka uu yeelanayo maamulka Gobalka Banaadir.

Max’ed Dheere oo Sheegtay in DFKMG ay kala Guurtey $9-Million oo Doolar

Max’ed Dheere “Dowladdu waa in ay si deg deg ah u bixisaa lacagihii deynta ahaa ee ay...

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si dhaqsi leh u bixiso lacago deyn ah oo gaaraya 9-Milyan oo Doolar oo uu sheegay in ay kala guurtay Dowladda Federaalka ah.

Max’ed Dheere oo ka hadlayay xaflad loogu dabaal degayay sanadguuradii shanaad ee ka soo wareegtay xiligii uu Max’ed Dheere la wareegay maamulka Gobalka Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegay in mudo sagaal bilood ah oo ay Dowladdu deganeyd Magaalada Jowhar in ay ka deynsadeen lacago fara badan oo uu sheegay in ay saxiixeen madaxda sare ee Dowladda, “Iyagoo aan na ogeysiin ayay guureen, waxayna la guureen deyntii ay ka galeen ummadda Gobalka Sh/dhexe, haddii ay garan waayeen in ay na macsalaameeyaan, ciddii kaa maaranta waa laga maarmaahee, waxaan ka codsadneynaa in ay si deg deg ah u bixiyaan lacagta ay nagala guureen” ayuu yiri Max’ed Dheere oo si kulul u weeraray Siyaasadda C/llaahi Yuusuf oo uu sheegay in uusan dooneyn Dowlad ee uu doonayo in uu ka aargoosto Beelo Soomaaliyeed.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 16, 2006

Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ku Geeriyoodey Qardho
»Ugaas Max’ed: Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib
»
C/llaahi, Shariif Xasan & Geeddi oo kulan gaar ah yeeshay
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo u howlgeli doonaan sidii..
»Wafdi wadamada deeqda bixiya oo kulan yeeshay Baydhabo
»Soomaaliya: Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta
»Shir Jabuuti ku dhexmaray taliska ciidamada Mareykanka iyo
Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 15

Xildhibaanada Baarlamaanka oo mar kale Galaya Fasax ilaa mudo Tobaad ah
»Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hanjabay
»Shiikh caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe..
»Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac muujiyay
»Maleeshiyada Yuusuf Daba-Geed oo weerar qabsaday
»Qoral ka soo baxay Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 13

Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..
»Heshiis buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo
»Geeddi oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii..
»Shirka Golaha wasiirada DFK la iskula soo qaaday amaanka
»Ururka Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu...
»Ciidamada Itoobiya ee soo galay Deegaanka Buulo Xaawo
»C/llaahi Yuusuf oo la filayo in Nairobi kulan kula yeesho..
wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 12

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD