
WAJIGII
LABAAD EE GARGAARKA AY ‘MUSLIM AID’ U FIDINAYSO DADKA SOOMALIYEED EE
ABAARUHU AY KU DHUFTEEN.

Intii ay hawlwadeennada Muslim Aid ee goobaha
abaaruhu ku jireen gurmadkii ugu horreeyay ee ka koobnaa waraabinta,
quudinta, gabbaad gelinta iyo isu keenidda dadkaas tabalaysan, waxay
kooxdayada maamulku diyaarinaysay WEJIGA LABAAD ee gargaarka oo ka
kooban RAASHIN iyo DAAWAYN.

Si looga kaaftoomo daahid dhimashooyin badan keenta
loona kobciyo dakhliga ganacsatada yaryar ee Soomaaliyeed iyo
dhaqaalaha guud ee dalka, dhammaan agabka ay Muslim Aid ugu gurmatay
dadka ay abaaruhu waxyeeleen waxaa laga iibiyay suuqyada dalka.

Wejigaan Labaad oo socon doona muddo aan saas u
dheerayn, waxaa looga gudbayaa Wejiga Saddexaad oo ah dib u dejinta
iyo dib u qalabaynta dadkaas oo runtii ah midka ugu adag maadaama
yoolkiisu yahay mid dheer oo ah in dadkaasi ay iyagu quudkooda
gacantooda ku soo saarsadaan oo ka kaaftoomaan deeqaha dibadda uga
yimaada.
Haddaba Muslim Aid oo ka duulaysa ujeddadeeda
Banu’aadamnimo waxay dadkaas u fidisay wixii karaankeed ah oo
RAASHIN iyo DAAWAYN la xiriira, iyadoo dhammaan maamulka iyo
hawlwadeennada Muslim Aid (sida aad masawirrada ka arki kartaan)
aysan u kala harin gurmadka ay walaalohood uga dabcinayaan
dhibaatada RABBAANIGA ee la soo deristay.

Muslim Aid waxay mahad ballaaran u celinaysaa cid
kasta oo ku gargaartaya gudashada hawlahaas waajibka ah, gargaarkasi
ha noqdo mid gacanta ama afka ama qalbiga ka yimid.
Ciddii rabta inay Muslim Aid ka caawiso ama iskaashi
kala samayso hawlaha gurmadka iyo guud ahaan hawlaha samafalkaba,
fadlan ha kala soo xiriireen telefoonka 44 (0)20 7377 4200 ama
mail@muslimaid.org ama ha daalacdeen boggayaga internetka
http://www.muslimaid.org/
Mahadsanidin |
ali@muslimaid.org
Warbixin kooban oo ku saabsan gargaarkii ay Muslim Aid u fidisay
dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobay duufaan-badeedkii “Tsunami”.
MUSLIM
AID OO SANNAD KA DIB, WELI SOOMAALIDA KA TAAGEERAYSA SIDII AY UGA
SOO KABAN LAHAAYEEN DUUFFAN BADEEDKII “TSUNAMI”
TAARIIKHDA WARBIXINTA: ISNIIN 16KA JANUARY 2006
Soomaaliya oo ku taal geeska Afrika,
waa waddan lagu illoobay dhibaatadii ka soo gaartay duufaan
badeedkii “Tsunami” ee ku habsatay. Mawjadahaas baaxadda wayni waxay
khasaare ballaarn u geysteen dal uu horay u soo curyaamiyay dagaal
sokeeye oo muddo 15 sano ah socday.

Markii ay duufaanta tsunamidu
dhacdayba kooxdayada gurmadka oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho
ayaa socdaal ku tegay meelaha ay waxyeelladu soo gaartay, iyagoo
dadkii waxyeellada ka badbaaday u fidiyay gargaar isugu jira cunto,
daawo iyo bustayaal qiimohoodu gaarayaan £10,000.
Tsunamida ka dib waxaa la sheegay in
Soomaaliya ay ku dhinteen 289, halka ay in ka badan 800 oo guri ku
burbureen, 600 oo doonyaha kalluumeysiga ahna la waayay. Meeshii
soomaaliya oo dhan ugu khasaaraha badnayd waxay ahayd gacanka
Xaafuun, halkaasoo hadda laga dhisay magaalo cusub oo markaan badda
ka soo durugsan ilaa 500 oo mitir.
Xaafuun, oo ku taal gobolka Bari ee
woqooyi bari Soomaaliya, waxaa dhulka la sintay duufaan badeedka
tsunamida loo yaqaan. Muddo hadda sannad laga joogo oo Xaafuun iyo
agagaarkeedaba uu burbur wayni soo gaaray, gargaarka iyo dib u
dhiska ay Muslim Aid bulshadaas u fidisay wuxuu ahaa mid aad u
ballaaran oo gaarsiisan heer dib loogu soo nooleeynayo meheradihii
ay horay u lahaayeen dadkii kalluumeysatada ahaa ee dhibaatadu ay
soo gaartay.
Annagoo kaashanayna hay’adda Oxfam iyo
Guddiga Gurmadka Musiibooyinka ‘Disaster Emergency Committee (DEC)’,
ayay Muslim Aid ku bixisay lacag gaaraysa ilaa £370,000 meelaha
musiibadu ku dhacday ee Soomaliya. 40 guri oo aan Xaafuun ka dhisnay
iyo 20 aan Garacad ka dhisnay ayaa waxay ahaayeen wejigii koowaad ee
barnaamijka dib-u-dhiska oo aan ugu talogalnay inay si toos ah uga
faaiideystaan dad gaaraya ilaa 700 oo qof.
BURBURKII AY TSUNAMIDU
U GEYSATAY XAAFUUN
Wefdiga Muslim Aid oo Xaafuun kula
shiraya Gudoomiyaha gobolka, Duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa,
Madaxa Hafun Development, Madaxa Booliska iyo mas’uuliyiin kale .
Munaasabaddii Dhagax-dhigista guryaha
Xaafuun
XAAFUUNTA CUSUB

Munaasabaddii
qaybinta Guryaha
Sannadguuradii koowaad ee Tsunamida
ayaa guryaha lagu wareejiyay dadkii ugu baahida badnaa ee ay soo
xuleen guddi uu madax u yahay oday 90 jir ah oo Xaafuun ku dhashay
ayna ku jiraan ururro haween iyo kuwo dhallinyaro iyadoo ay
kor-joogayaal ka ahaayeen Duqa magaalada, ku xigeenkiisa iyo Muslim
Aid. Guryaha la dhisay oo dhammi waxay ka kooban yihiin 2 qol oo
hurdo, 1 jiko, 1 musqul iyo barando siyaabo badan loo adeegsan karo.
Dheefta guryuhu kuma koobna dadka la siiyay oo kaliya ee waxaa jira
boqolaal qof oo kale oo siyaabo kala duduwan faaiidadu ay u
gaarayso, iyagoo si aan toos ahayn ula deggan milkiilayaasha inta ay
sugayaan guryo cusub oo dhowaan la dhisi doono.
GURI KA MID AH
GURYIHII AY MUSLIM AID DHISTAY OO LAGU WAREEJINAYO QOYSKII XAQA U
HELAY.

Guryihii Muslim Aid ay ka dhistay
magaalada Garacad
Duqa magaalada Garacad oo ka
qaybqaadanaya olole nadaafadeed oo laga fulinayo agagaarka guryihii
ay Muslim Aid UK ka dhistay magaalada Garacad (20 guri ayay
Muslim Aid UK Garacad ka dhistay).
Wejiga labaad ee
qorshaha
·
1,000 shabaagta kalluumeysiga ah ayaa
la soo gadayaa oo kalluumeysatada loo qaybinayaa.
·
Siddeetan (80) doonyood oo dhererkoodu
yahay 9 GRP ayaa loo qaybinayaa 80 qoys oo kalluumeysato ah
(qorshihii hore wuxuu ahaa 80 doonyood oo 6.5 mitir ah, hase yeeshee
Wasaaradda Kalluumeysiga ee Puntland ayaa mamnuucday doonyaha
noocaas ah)
Tilmaamaha
doonyaha & matoorrada
-
Nooca doonta
waxaa loo yaqaan (Afdheer)
-
Samayska
GPR
-
Dhererka 9m
-
ballarka
1.4
-
Joogga 0.9m
-
Xamuulka
kalluunka 1.5ton
-
Tirada
shaqaalaha 4 kalluumeysato
-
Matoorka Yamaha HP 25 matoor dibad yaal
ah
Muslim Aid hawleheedu kuma koobna mashaariicda dib-u-dhiska ee laga
wado Puntland oo kaliya. Annagoo kaashanayna xafiisyadayada waawayn
iyo wakiillada noo jooga gobollada dalka oo dhan (Hargeysa ilaa
Kismaayo), ayaan dadka u baahan u fidinaa mashaariic horumarineed oo
isugu jira waxbarasho, caafimaad, tababarro xirfadeed, dakhli soo
saarasho (Quutul Caysh), biyaha iyo nadaafadda, korinta agoonta iyo
mashaariic gurmad iyo kuwo dib-u-dhis intaba.

Muslim Aid, waxay sidoo kale
mashaariic gargaar oo tsunamida la xiriira ka fulisaa Indonesia, Sri
Lanka iyo India. Dhaqaalaha ay Muslim Aid ilaa hadda ku bixisay
mashaariicda tsunamida la xiriira ee ay ka fuliso dalalka ay
musiibadaani ku habsatay, wuxuu gaarayaa ilaa £1.7 malyan, iyadoo
sannadkaan 2006 ay mashaariic kale jidka ku soo jiraan.
Mahadsanidin
Muslim Aid Somalia
Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir Michael Siva
telefoonka 44- (0)207-377-4220 ama
English media@muslimaid.org
af Soomaaliga
ali@muslimaid.org
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2006
Muslim Aid oo
£74,485 ku taageertay dadka ku tabaloobey Abaaraha Soomaaliya..

Xafiisyada
Muslim Aid ee Soomaaliya ayaa markii abaaruhu soo if bexeen dad gaaraya
7,500 oo qof oo koonfurta Soomaliya ku nool u bilaabay inay u qaybiyaan
bariis, bur, sonkor, buskud, biyo, hoy ku mel-gaar ah iyo daawooyin. Dad
badan oo abaartaasi saamaysay ayaa guryohoodii ka soo tegay iyagoo cunto
iyo biyo raadinaya. Muslim Aid waxay dadkaas u samaysay hoy ku meel-gaar
ah oo ay qorraxda iyo dhaxanta ka galaan. Guji....
|