SHIRKA
WASIIRADA ARRIMAHA DIBADA IGAD OO KA FURMAY NAIROBI
Canab
Mumtaz | SomaliTalk | Kenya|
canabmumtaz@yahoo.com
Wasiirada arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD ayaa maanta
magaalada Nairobi waxaa uga furmey kulan ay kaga arrin sanayaan
arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan,Kulankan oo socon doona muddo
laba cisha ah ayaa waxaa lagu eegayaa xaalada amaan ee
Soomaaliya, iyo waliba horumarka laga gaarey hanaanka nabadda ee
wadanka Suudaan.
Waxaa
sidoo kale lagu eegi doonaa kulankani dadaalada lagu doonayo in
ciidamo nabad ilaalineed lagu geeyo dalka Soomaaliya, iyadoo
arrin kaasna muddo sanado kahor ay IGAD go’aan satey. waxaa la
rajaynayaa in go’aanada ay wasiirada kasoo saraan kulankani la
hor dhigo kulanka ay madaxweynayaasha IGAD isugu imaan doonaan
magaalada Nairobi todobaadka soo socda.
Waxaa
dhanka Dowlada Soomaaliya uga qeyb galaya kulankan wasiirka
arrimaha dibadda ee Soomaaliya Abdullahi Sheik Ismail.shirkan u
furmey wasiirada IGAD,Kulamadan ayaa qabsoomaya xili xubnaha
baarlamaanka Soomaaliya ay ku shir san yihiin magaalada Baydhab,
iyadoo sanad uu kasoo wareegay markii baarlamaanka Soomaaliya ay
isku khilaafeen keenista ciidamo amaanka sugaya..Sidoo kale,
kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili uu kuguda jiro Golaha
Amaanka ee Qaramada Midoobey dadaal uu kaga barandagayo suura
galnimada in laga qaado soomaliya cuna qabateynta xaga
hubka..Si kastaba ha ahaatee dadaalada iyo kulamada soconaya
ayaa ansixin tooda waxaa iskaleh baarlamaanka Soomaaliyeed ee
fadhigiisu haatan yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Canab
Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com
Caasha Axmed Cabdala
“17-kii Maarso waxay ahayd maalin murugo leh laakiin wixii i gaaray..
W/.D: Amiin Yuusuf |
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
17-kii Maarso waa
sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii uu gacan ka hadalku
dhex maray Xubnaha Baarlamaanka iyagoo xiligaasi ku shirsanaa Hotel
Grand Regancy ee Magaalada Nairobi waxayna xiligaas ay ka doodayeen
xildhibaanada Baarlamaanka ha la keeno Ciidamo ka socda safaka hore iyo
yaan la keenin, waxayna gacan ka hadalkaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen
qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood loola cararay
Isbitaalka. Caasha Axmed Cabdala waxay ka mid ahayd Xildhibaanadii uu
gacan ka hadalku ka soo gaaray gacan ka hadalkaasi ayaa mar ay
weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhbo uga waramayay dhacdadaan ayaa
waxay tiri “17-ka Maarso waa maalin murugo leh, waana maalin fool xumo
ku ah Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxay intaas sii raacisay “inkastoo
dhaawac iga soo gaaray xiligaas haddana maanta cid aan u haysto falkaasi
ma jirto, waayo waxaan xiligaas u dagaalamayay sidii aan u badbaadin
lahaa shacabka Soomaaliyeed” waxay kalloo intaa ku dartay “raggii i
dilay waa garanayay, waayo haddaan tagi lahaa safaaradda dalka aan
deganahay oo aan oran lahaa rag baa sidaan ii galay waa la xiri lahaa,
balse Ilaah dartii iyo Soomaalinimo ayaan ku daayay”, waxaa kalloo ka
mid ahaa dadkii dagaaalkaasi galay Macallin Maxamuud oo loo yaqaano
“Macalin Jiis” oo isagu bakooraddii uu watay maalintaasi ahayd mid ka
qayb-qaadatay dagaalkaasi ayaa isna waxa uu yiri “aad baan uga xumahay
wixii dhacay maalinkaas waxaana rajeynaa in aysan dib dambe noogu soo
noqon, waa dhacdo naxdin leh oo loo baahan yahay in mar kasta laga
feyjignaado”. Xubnihii kale oo iyana dagaalkaasi dhaawacu ka soo gaaray
waxaa ka mid ahaa Wasiirka horumarinta reer Miyiga Max’ed Shiikh Max’ed
Guuleed (Gacma Dheere) oo isna dhacdadaan ku tilmaamay mid aad u fool
xun, “waxay ahayd dhacdo si fudud inta cod loogu qaado lagu kala bixi
karay ee ma ahayn in gacan ka hadal la sameeyo” ayuu yiri Gacma Dheere
oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay is cafiyaan oo iska
hilmaamaan wixii horey u dhacay. Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa
dhacdadaasi waxay ku tilmaameen mid laga murugoodo balse waxay sheegeen
in wixii haatan ka dambeeya loo howlgalo sidii shacabka Soomaaliyeed
dhibaatada looga saari lahaa waayo iyagan aaya na soo doortay
C/llaahi Yuusuf iyo
Shariif Xasan oo maanta u kala ambabaxaya Nairobi iyo Qaahira …
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka
C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ay
maanta u kala ambabixi doonaan dalalka Kenya iyo Masar.
Madaxweynaha ayaa ka
qaybgeli doona kulanka Madaxda Wadamada IGAD oo bishan ka furmi
doona Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale Guddoomiyaha
Baarlamaanka ayaa isna ka qaybgali doona shirka madaxda Baarlamaanada ee
Jaamacadda Carabta oo isna ka furmi doona Magaalada Qaahir.
Waxaa Magaalada Nairobi
ka socda kulan hor dhac ah oo ay leeyihiin Wasiirada arrimaha dibadda ee
IGAD waxaana Soomaaliya uga qaybgalay wasiirka Arrimaha Dibadda C/llaahi
Shiikh Ismaaciil, waxaana looga hadlayaa kulankii wixii la hor dhigi
ahaa shirka madaxda IGAD
Guddoomiyaha
Baarla-maanka oo maanta Shir gudoominaya kulanka Baarlamaanka kaddibna
...
Guddoomiyaha
Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh ayaa maanta la filayaa in uu shir
gudoomiyo kulanka Baarlamaanka oo lagu ballansanaa qabashadiisa maanta.
Guddoomiyaha ayaa markii
uu kulankaasi furo ayaa waxa u ambabixi doonaan Magaalada Qaahir ee
dalka Masar halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Madaxda Baarlamaanada
Jaamacadda Carabta.
Saddexda mas’uul ee ugu
sareysa Dowladda Federaalka ayaa ka maqnaan doona Magaalada Baydhabo
xili uu Golaha Baarlamaanku uu leeyahay kulamo xasaasi ah, iyadoo
Ra’isul Wasaaraha uu horey u gaaray Magaalada Nairobi halka uu maanta la
filayo in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u amababaxo Nairobi.
Beelihii ku
dagaalamay deegaanka Yamaarugle oo gaaray heshiis rasmi ah…
Waxaa dhawaan Magaalada
Wardheer ee Soonka shanaad ee dalka Itoobiya lagu soo gebagabeeyay shir
dib u heshiisiin ah oo u dhexeeyay beelihii ku dagaalamay deegaanka
Yamaarugle waxaana kulankaan soo qaban-qaabiyay waxgarad iyo Odoyaal ka
tirsan Labada Beelood ee dirirtu u dhexeysay.
Kulankaan oo lagu soo
afjaray wixii khilaaf ah ayaa labada beelood ku heshiiyeen in si siman
loo qaybsado dhulka daaqsinka oo ay isku haystaan labada beelood, in si
wadajir ah loo cabo ceelasha u dhexeeya labada beeldoo, in wixii dil ah
iyo wixii khilaaf ahba lagu xaliyo shareecadda Islaamka.
Labadaan beelood
dagaalkoodii ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan, waxaana ku barakacay
boqolaal qoys oo deganaa halkii uu dagaalku ka bilowday, waxaana
heshiiska labadaan beelood ka soo shaqeeyay waxgarad ka tirsan beelaha
la degan.
Ra’isul Wasaare
Geeddi oo Nairobi kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Hay’adaha samafalka
iyo ..
Maalintii khamiista
ahayd ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka ambabaxay wafdi uu hogaaminayay
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi kuwaasoo gaaray Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya.
Isla shalay ayaa
Magaalada Nairobi waxay kulan kula yeesheen mas’uuliyii ka socotay
wadamada deeqda bixiya iyo Hay’adaha samafalka waxana la iskula soo
qaaday kulankaasi sidii ay Hay’adahaasi uga qayb-qaadan lahaayeen
taageerida dowladda iyo ka qaybqaadashada dhibaatada abaaraha iyo biyo
la’aanta ka jirta qaar ka mid ah Gobalada dalka.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu doonayo in uu dib u heshiisiin dhex
dhigo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe
Max’ed Dheere kaddib markii uu Max’ed Dheere sheegay in uu dowladda ku
leeyahay 9-Milyan oo Doolar.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdigiisa ay gaari
doonaan dalka Biljim halkaas oo uu kula kulmi doono madax ka socota
midowga Yurub, iyadoo kal hore Midowga Yurub uu ballanqaaday in uu
bixinayo kaalmada iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka.
Dhinaca kale Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya halkaa soo uu kaga qaybali doono kulanka Madaxda wadamada
IGAD.
Hayadda GOGWO oo qabatey dood
ku saabsan Xaalada nabadgelyo ee Muqdisho ...
Dalladda Haweenka ee
GOGWo ayaa maalintii khamiista ahayd waxa ay dood ku saabsan xaaladda
nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho ku qabtay hotel Naasa Hablood, waxaana
doodaasi ka qagbgalay siyaasiyiin, Odey dhaqameedyo, Saraakiil,
Aqoonyahano, Haween, hay’adaha NGO-da iyo Saxafiyiin.
Raggii ugu cadcadaa ee
ka hadlay doodaasi waxaa ka mid ahaa Max’ed Faarax Jimcaale oo sheegay
in xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta Magaalada Muqdisho ay ugu wacan
tahay iyadoo bulshadu aysan isku tiirsaneyn, waxa uuna sheegay in looga
bixi karo iyadoo la helo dowlad loo dhan yahay, waxaa kalloo ka hadlay
Macallin Haaruun oo isna sheegay in xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta
Magaalada Muqdisho ama dalka ay ugu wacan tahay iyadoo shacabka
Soomaaliyeed aysan u bisleyn waxa la yiraahdo nidaam iyo kala dambeyn.
Xafladaan oo ay xiriirinayeen AVV.
Cumar Dhageey iyo Prof. Yaxye Caamir ayaa waxaa kalloo ka hadlay Maryan
Daqare oo iyaduna ku eedeeysay xaaladda nabadgelyo ee Muqdisoh qaar ka
mid ah beelaha Soomaalieed ee dega magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay
in looga bixi karo in la helo Nidaam Dowladeed oo dalka oo dhan gaara,
waxaa kalloo ka hadlay Danjire Cali Liibaan oo isna ku eedeeyay beelaha
Hiraab iyo Murusade in ay mas’uul ka yihiin xaalada nabadgelyo xumo ee
ka jirta Magaalada Muqdisho, waxaa kalloo ka hadlay Zamsam C/llaahi oo
sheegtay in dagaalkii Qabiilka uu isku bedelay mid diineed, waxayna
sheegtay in kooxahaasi ay yihiin kuwo is diray, aysanna jirin cid u
xilsaartay waxa ay sheeganayaan, waxayna ugu baaqday shacabka in ay in
kooxahaasi ku cadaadiyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada
Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Gebi gabadii xubnihii ka qaybgalay
kulankaasi oo loo qaybiyay 8 kooxood ayaa waxay soo saareen dhowr qodob
oo xal loogu heli karo dhibaatada Soomaaliya, waxayna intooda badani
isku raaceen in looga bixi karo iyadoo lagu dhaqmo shareecadda Islaamka,
in la helo dowlad, in wacyigelin loo sameeyo bulshada oo la xiriirta
dhinaca nabadgelyada, waxayna xafladdaasi ku soo gebagabowday sidii
loogu talagalay mar aan wareysanay Batuulo Maxamed Mursal oo ka mid ah
saraakiisha GOGWO waxay noo sheegtay in ay doodaha noocaan oo kale ah
dalladdoodu GOGWO ay ku balaarin doonto dalka, si loo helo xal dhab ah
oo looga saaro dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo
gaartay Magaalada Jowhar..
Wararka ka imaanaya
Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd magaaladaas ay soo gaareen saraakiil sare oo ka tirsan
Dowladda Itoobiyaa kuwasoo watay Diyaar qaas ah oo laga leeyahay dalka
Itoobiya.
Markiiba waxay kulan uu
albaabadu u xirnaa la qaateen Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed
Dheere inkastoo aan faahfaahin wixii ay ka wada hadleen haddana warar
ayaa waxay sheegayaan in saraakiishaasi ay halkaasi ku yimaadeen sidii
loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ma’xed Dheere,
maadaama ay labadoodu yihiin kuwo si aad ah ugu dhow Dowladda Itoobiya.
Warar ayaa waxay
sheegayaan in Max’ed Dheere loo keenay warqad martiqaad ah oo uu ku
tagayo dalka Itoobiya si uu halkaasi ugula kulmo Madaxweynaha Dowladda
Federalaka marka uu dhameysto kulanka Wadamada IGAD ee dhawaan ka
dhacaya Magaalada Nairobi.
Hay’adda HURCOS oo u
xuub siibatay Naadiga Qurba jooga Soomaaliyeed (SODIF)..
Guddiga u dooda xaquuqda
xaqootiga Soomaali-yeed ee HURCOS ayaa u xuub siibtay Naadiga Qurba
joogta Soomaaliyeed ee Somali Diaspora Fourm in the World (SODIF).
“Isbedelkaas oo keenay
waxqabadkii tabankii sano iyo khibaradihii laga helay iyo waxa la
hiigsanayo Mustaqbalka in lagu dhaqaaqo” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha
HURCOS AVV. C/raxmaan Xuseen Abuu Xamza oo ka hadlayay manaasabad lagu
qabtay hortelka Naasa Hablood.
Hay’adda SODIF waxa ay
ugu baaqday Maamulada ka jira dalka iyo beesha caalamka in ay gacan ka
gaystaan sidii loo daryeeli lahaa dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah
dibadda.
Guddoomiyaha Abuu Xamza
waxa uu shacabka Soomaaliyeed Ilaah uga baryay in uu ka saaro dhibaatada
sidoo kalana waxa uu u soo jeediyay in ay midoobaan oo ay si wada jir ah
uga shaqeeyaan nabadgelyada taasoo uu sheegay in lagu hakin karo
dhibaatada haysata qaxootiga Soomaaliyeed ee ku noool dibadaha.
Saddex carruur ah iyo
Haweenay uur leh oo ku geeryooday Kaddib markii....
Maalintii shalay ahayd ayaa Gaari
Koostar ah oo koox burcad ah ka soo dhaceen agagaarka Black Sea ayna
marayeen wadada Shiirkole aya gaarigii halkaas uga halaabay.
Kooxdii Burcadda ahayd waxay ogaatay
in goobta ay tahay goob ay ka dhow yihiin Maxkamadaha Islaamiga ah,
markiiba si halhaleel ah ayay uga baxeen gaarigii una baxsadeen.
Gaarigii oo ay ku hareersanayeen dad
fara badan una badnaa Carruur iyo Haween kuwaasoo ku hadaaqayay “Alla
gaarigaan waa la soo dhacay” “Alla gaariga shidaaluu sii deynayaa” ayaa
waxaa dhacday in Cabdi-Bilaa oo uu saaran yahay qoriga Dhashiiaha ayaa
waxa uu kaga yimid Dhinaca Al-Baraka ayaa isagoo aan waxba hubsan ayuu
markiiba ooda ka qaaday rasaas waxayna rasaastii isku martay Saddex
carruur ah iyo Haweenay uur lahayd oo goobtii ku geeryooday.
Dhacdadaan ayaa waxaa si aad ah uga
xumaaday dadweynaha deegaanka waxayna Maxkamadaha Islaamiga ah ku
guuleysteen in gaarigii ay halkaasi ka kaxeeyaan, wuxuuna howlgalkaani
ahaa mid ay Maxkamaduhu ku doonayeen in ay ku soo furtaan gaarigaasi
balse arrintu sidaas ma noqon oo waxaa dhacay shilkaan ay ku geeryoodeen
dadkaasi.
Mas’uuliyiinta Maxkama-daha ayaa
waxay shegeen in ay baarayaan sidii uu u dhacay falkaasi, waxayna
dadweynaha deegaanku sheegeen in Maxkamadaha Islaamiga ah marka ay
galayaan howlgal in ay badiyaan hubsiimada si looga badbaado shil
noocaan oo kale ah in uusan dib u soo noqon.
W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
MUUSE
AFAEY " WAXAAN IDIINKAGA MAHAD CELINEYNAA DADAALKA FIICAN IYO AQOONTA
AAD MARWALBA UMADDA SOMALYEED AAD UGU DADAALAYSAAN IN AAD INDHAHA UGU
FIIQDAAN
Xaflad lagu soo gabagabeeyey howlihii indho fiiqista ee ka socotay
isbitaalka carafaad ee magaalada muqdisho ….
Waxaa
Jimacadii Maarso 17 lagu soo gabagabeeyey isbitaalka carafaad ee
magaalada muqdisho howshii mashruuca ka hortaga indho la,aanta oo
socday intii u dhaxaysay 13 maarso ilaa iyo 17ka maarso oo maanta ah
.






Waxaa lagu
diiwaan geliyey markii ugu horaysay isbitaalka 427 qofood oo ay 11
caruur yihiin waxaana lagu guulaysatay in indhahooda ay wax ku arkaan
400 oo qofood sidoo kale waxaan goobta kasoo xaadirin 27qof oo iskood u
maqnaaday sida uu noo sheegay agaasimaha isbitaalka carfaad mud. Muuse
xuseen cumar (muuse afey) .
Mashruucan ka
hortaga indho la,aanta ayaa waxaa iska kaashaday isbitaalka kukuuyo oo
ka howl gala dalkaasi Kenya , iyo isbitaalka carafaad ,sidoo kale waxaa
howl baaxad leh ka qaatay hayada wadaniga zamzam iyadoo aysan meesha
aysan ka maqnayn jaamacada muqdisho oo si tabarucaad ah ula shaqaynayey
isbitaalka carafaad iyadoo sida aynoo xaqiijiyeen macalimiinta
jaamacada muqdisho iyo qaar ka tirsan ardayda jaamacada muqdisho oo goob
joogayaal ahaa ayaa waxay fursad u ahayd habka indho fiiqista oo
tababar ay u qaadanayeen .
Sidoo kale
waxaa halkaasi hadal kooban saxaafada ka siiyey agaasimaha isbitaalka
carfaad mud. Muuse xuseen cumar (muuse afey) inay maanta u tahay maalin
farxadeed , isla markaana ay ku guulaysteen markii shanaad howsha
noocan oo kala ah ay u qabataan bulshada danyarta ah ,sidoo kale waxuu
kaloo mahad celin balaadhan usoo jeediyey dhaqaatiirta ka timid
isbitaalka kukuuyo ee dalkaasi Kenya , ardayda jaamacada muqdisho ,iyo
shaqaalaha isbitaalka carafaad oo u kala baxa dhaqaatiir iyo ilaalada
isbitaalka
Sidoo kale
waxaa hadal kooban halkaas ka sheegay horjoogaha dhaqaatiirta
isbitaalka kukuuyo dr.mondhia oo mahad celin iyo amaan wanaag ku dheehan
yahay u soo jeediyey agaasimaha isbitaalka carafaad mud. muuse afeey
sida gacanta looga siiyey gudashada howshooda sidoo kale waxuu kaloo
ka hadlay is xilqaanka laysugu xilqaamay howshooda ay qabteen ,waxuu
kaloo dr. mondhia amaanay teemka uu horjoogaha u yahay ee ka socda
isbitaalka kukuuyo ee dalkaasi Kenya
Si kastaba ha
ahaatee mashruucan ka hortaga aafada indho la,aanta ayaa waxaa uu
muujiyey wax qabad ku dayasho mudan oo ay ku amaaneen dhamaan waxgaradka
iyo aqoon yahanka wadniga ahiba, mashruucan oo wax qabadkiisa la taaban
karo ayaa ah mid kusoo noqnoqda sanadkiiba dhowr jeer .
Muuse
Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Barnaamijkii Radio Xoriyo
17
March 2006
-
Waftigii JWXO oo la kulmay
wasaarada arrimaha dibada ee Denmark.
-
Odayaal
Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo.
-
Baabuurtii
shacabka oo loo diiday inay qaadaan raashiinka gargaarka.
-
Golaha
Amaanka ee Q.M oo ka fiirsanayo ka qaadista cunaqabataynta hubka
ee saran Soomaaliya.
-
======================
Maalintii
isniinta ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 13/03/06 ayaa waxaa
wasaarada arrimaha dibada ee dalka Denmark la kulmay wafti ka socda
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO, kaasoo masuuliyiinta
Denmark uga xog-warramay xaaladda Ogaadeenya iyo xadgudubyada uu
gumaysiga Itoobiya ku hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.
Masuuliyiinta Denmark ayaa
waftiga JWXO u sheegay in dalka Denmark uu joojiyay gabi ahaanba
mucaawanooyinkii uu siin jiray Itoobiya, ka dib markii uu
yiqiinsaday in xukuumadda Meles Zenawi ayna ahayn xukuumad ku
dhaqanta hannaanka dimuqraadiyada.
Waftiga JWXO, oo ka koobnaa guddoomiye ku xigeenka kowaad ee JWXO
mudane Maxamed Ismaaciil iyo ku xigeenka hooggaanka arrimaha dibada
iyo Jaaliyadaha ee JWXO mudane Maxamed Macalin, wuxuu in ka badan
hal toddobaad booqasho ku joogay dalka Denmark.
Waftiga JWXO wuxuu la kulmay madaxa qaybta Afrika ee wasaarada
arrimaha dibada ee dalka Denmark mudane Birger Fredriksson, waxayna
uga warrameen gumaysiga ka jira dalka Ogaadeenya, gumaadka lagu hayo
dadwyanaha Soomaalida Ogaadeenya, siyaasada Itoobiya ee ku wajahan
macaluulinta dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo sida ay xukuumadda
Itoobiya u hortaagan tahay in arrinta Ogaadeenya lagu dhammeeyo qaab
nabad ah.
Mudane Fredriksson ayaa isaguna dhiniciisa muujiyay in dawlada
Denmark ay aad ula socoto xaaladda guud ahaan Itoobiya iyo sida ay
ugu tumato xuquuqda aadanaha, isla markaana ay u diiddan tahay ku
dhaqanka hannaanka dimuqraadiyada. Masuulkan ayaa waftiga JWXO u
sheegay in dawlada Denmark ayna wax caawimo ah siinin xukuumadda
Itoobiya, wuxuuna ballanqaaday inuu xukuumadda dalkiisa gaadhsiinayo
farriinta waftiga, isla markaana ay dawlada Denmark aad u danaynayso
nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.
Odayaal
Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo.
Xukuumadda
gumaysiga Itoobiya ayaa baryihii denbe oo dhan ku hawllanayd sidii
ay u fulin lahay qorshe cusub oo ay ku doonayso inay iskaga
horkeento dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, isla markaana ku
jaha-wareeriso dadka maxasta ah ee Soomaalida Ogaadeenya.
Waxay
wakiillo soomaali ah u soo magacawday safaaradaha ay ku leedahay
dalal badan oo Yurub iyo Woqooyiga Ameerika ku yaalla. Dadkaas ayaa
loogu talagalay inay ka shaqeeyaan sidii ay u kala qaybin lahaayeen
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira dalalka loo soo magacaabay.
Waxaa
qorshahaas ka mid ah odayaal uu gumaysigu u kala dirayo dalalka
Yurub iyo Maraykanka, kuwaasoo ku horraynaya magaalooyinka
Miniapolis ee dalka Maraykanka iyo London ee dalka Britan.
Hawsha
odayaashan loo diray waxay tahay inay ka qayb qaataan
jaha-wareerinta dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo kala
qaybintooda. Waxaana ka mid ah arrimaha ay fulinayaan inay
dadwaynaha ka dhaadhiciyaan in dalka Ogaadeenya ayna dhibaato
gumaysi ka jirin, isla maarkaana loo baahan yahay in dib loogu noqdo,
si loo maalgashado oo horumarintiisa looga shaqeeyo.
Qorshayaasha kale ee arrintan la xidhiidha ee xukuumadda Itoobiya ay
wado waxaa ka mid ah iyadoo go’aansatay in xoogga la saaro sidii loo
badin lahaa dadka war-doonka ah ee u shaqeeya. Waxay qoratay dad
sidii dharcad ahaan ugu shaqeeya, kuwaasoo lacago badan loo
ballanqaaday.
Ciidammada
xoreynta Ogaadeenya ayaa arintaas ka warhelay, waxayna ka sameeyeen
hawlgallo waawayn, iyagoo gacanta ku dhigay qaar dadkaas ka mid ah.
Waxaa jira qaar kale oo iyagu ciidammada xoreynta Ogaadeenya isu soo
dhiibay oo fashiliyay qorshihii loo soo diray.
Baabuurtii shacabka oo loo diiday inay qaadaan raashiinka gargaarka
ah.
Xukuumadda
Itoobiya ayaa baabuurta shacabku leeyahay ka mamnuucday inay qaadaan
raashiinka gargaarka ah ee la gaynayo meelihii loo qoondeeyay,
iyagoo ku andacoonaya in raashinka gargaarka ah JWXO gacanta ku
dhigto oo dadwaynaha u qaybiso, qaabkaasna ay JWXO sumcad kaga hesho
dadwaynaha.
Waxay
xukuumadda Wayaanuhu askarteeda ku amartay inay baabuurtooda ku
qaadaan raashiinka gargaarka ah, hase yeeshee askartii ayaa
arrintaas diidday, iyagoo ka cabsanaya in jidadka lagu gumaado.
Halkaasna
waxaa ku fashilmay qorshihii ay xukuumadda Itoobiya ku doonaysay
inay kula wareegto raashiinka Qamandida u badan ee la geeyo meelaha
qaarkood.
Dhinaca
kale waxay xukuumadda gumaysiga Itoobiya kordhinaysaa tirada
ciidammadii ka joogay dalka Ogaadeenya, sababtuna waxay tahay iyadoo
ay kordheen ciidammadii xoreynta Ogaadeenya ee ka dagaallamayay
gobollada kala duwan ee dalka Ogaadeenya.
Golaha Amaanka ee Q.M oo ka
fiirsanaya ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saran Soomaaliya.
Warbixin uu soo saaray golaha amaanka
ee Q.M ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay inuu goluhu aad uga
fiirsanayo ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saaray Soomaaliya si
dalka loogu soo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo ka kala socda
ururka midowga afrika iyo urur goboleedka IGAD.
Goluhu wuxuu carrabaabay aadna u
cambaareeyey in cunaqabataynta hubka ee la saaran soomaaliya
sanadkii 1992 qodobkiisuna ahaa 733 ay ku xadgudbeen dowlado la
garanayo lalana xisaabtami doono.
Madaxweynaha DFKM ee soomaaliya iyo
weliba urur goboleedka Igad ayaa horaan codsaday in soomaaliya laga
qaado cunaqabataynta hubka ee saran,arintaasoo ka dhex dhalisay
khilaaf xoogan BKM ee soomaaliya oo markii dambana gacan ka hadal
isu badashay.
Golaha amaanka ee Q.M ma uusan ku dhawaaqin si ramsi in inuu u
qaadi doono cunaqabataynta hubka ee saran soomaaliya balse wuxuu
sheegay inay dib u eege doonaan arintaas si loo keeno ciidamo ka
qayb qaata soo celinta amniga Soomaaliya
Radio Xoriyo
17
March 2006.
C/nuur Sh. Maxamed
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee
dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM
waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 18, 2006
Boqor Maxamuud
Boqor Muuse oo ku Geeriyoodey Qardho
»Ugaas
Max’ed: Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib
»C/llaahi,
Shariif Xasan & Geeddi oo kulan gaar ah yeeshay
»Maxkamadaha
Islaamiga ah oo u howlgeli doonaan sidii..
»Wafdi
wadamada deeqda bixiya oo kulan yeeshay Baydhabo
»Soomaaliya:
Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta
»Shir
Jabuuti ku dhexmaray taliska ciidamada Mareykanka iyo
Warar GooGoos ah
ka akhri halkan... Guji... Mar 15