Maxkamadda Islaamiga ah oo
daaha ka rogay arrimo sir ah oo ay ka heleen..
Maxkamadaha Islaamiga ah
oo iyagu si aad ah uga soo horjeeda isbahaysiga la dagaalanka
"Argagixisada" ku tilmaamay kuwo u taagan baabi’inta diinta iyo dalka,
ayaa maalintii shalay ahayd waxay shir jaraa’id ku qabteen magaalada
Muqdisho, wuxuuna shirkaan jaraa’id daba joogaa shir jaraa’id oo doraad
Deyniile ku qabteen Isbahaysiga la dagaalanka "Argagixisada", waxayna
Maxakamadaha Islaamku sheegeen in kooxaha ku shirtay Deyniile ay yihiin
kuwo u soo jeestay in ay baabi’iyaan diinta iyo dalka, iyagoo
adeegsanaya waxay ugu yeereen shisheeye.
“waad ogeydeen waxay ku
hadleen markii hore maanta waxay yiraahdeen waxaan shacabka u dhiseynaa
dugsiyo, jidad iyo wixii la mid ah, waxaana halkaasi kaaga soo baxaya in
la doonayo in la baabi’iyo waxbarasahada Dugsiyada ay magacyadooda
yihiin Mascuud, Bilaal, Abuu Bakar, Shaafici, waxayna doonayaan in ay ku
bedelaan magacyo gaalo sida John iyo David iyo kuwo kalaba” ayuu yiri
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo intaa ku daray “shacabka ayaa looga
baahan yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxahaas oo adeegsanaya
dowladu shisheeye ah”.
Shiikh Shariif Shiikh
Axmed waxa uu sheegay in Midowga Maxkamadaha Islaamiga la socdaan in
maanta Magaalada Muqdisho uu imaanayo nin Yahuudi ah oo asal ahaan ka
soo jeeda Ruushka marna safiir ka ahaan jiray Dalka Itoobiya, waxayna
xubnaha isku magacaabay Isbahaysiga kula kulmi doonaa Hotel Global
isagoo marka hore diyaaradda wada ay ka soo degi doonto Garoonka Jowhar
kaddibna laga soo dejin doono Garoonka Cisaley sidaasna uu ku imaan
doono Hotel Global.
Shiikh Shariif waxa uu
sheegay in Isbahaysigaas uu yahay mid ku shaqeeya awaamiirta dowlado
shisheeye.
Midowga Maxkamahada
Islaamiga ah waxay sheegeen inay wadi doonaan howlaha ay ku sugayaan
amniga Magaalada Muqdisho waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay
ka digtoonaadaan kooxaha doonaya in ay u adeegaan caddowga Islaamka
kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aan ka naxeyn Diinta iyo
Dalka.
Kulankii Wadamada IGAD oo ay
ka soo baxeen qodob ay ka mid ahaayeen in Soomaaliya..

Eeg bidix: C/laahi Yuusuf iyo Mels Zenawi oo
isla faqaya
Waxaa maalintii shalay ahayd
Magaalada Nairobi lagu soo gebagabeeyay wajigii hore ee Kulan madaxeedka
wadamada IGAD oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha Wadamada Kenya,
Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya, Uganda, Itoobiya iyo Wasiirka Beeraha oo
matalayay Madaxweynahooda.
Kulankaan oo ayaa looga halday labo
arrimood oo aad u muhiim ah oo kala ah arrimaha Soomaaliya iyo arrimaha
wadanka Suudaan, iyadoo mar ay ka hadlayeen arrimaha Soomaaliya urur
gobaleedku uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu Soomaaliya u diro
Ciidamo nabad ilaalin ah marka laga qaado cunqabateynta hubka, sidoo
kale urur gobaleedku waxa uu sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan wax u
qabashada dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.
Wadamada IGAD waxay soo dhaweeyeen
kulankii Baarlamaanka ee lagu qabtay magaalad Baydhabo kaasoo ay
sheegeen in uu tilmaamayo in Dowladda Federaalka ay dooneyso in ay soo
celiso Dowladnimadii Soomaaliya.
Cali Max’ed Geedi “laga bilaabo Raas Kambooni
ilaa Raas Caseyr ma joogaan wax argagixiso la yiraahdo”....
Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa
waxa daboolka ka qaaday in Soomaaliya aysan ku sugneyn kooxo argagixiso
ah oo dhibaato u keeni kara beesha Caalamka ama wadamada Deriska la ah
Soomaaliya.
“laga bilaabo Raas
Kambooni ilaa Raas Caseyr kuma sugna wax argagixiso ah” ayuu yiri Cali
Max’ed Geedi oo sheegay in Dowladdiisan ay beesha caalamka kala shaqeyn
doonto sidii looga hortagi lahaa kooxaha argagixisada ah.
Mar waxa laga weydiiyay
sida uu u arko Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada dhawaan looga
dhawaaqay Magaalada Muqdisho waxa uu yiri Geedi “Dowladdu ma
taageersanaya Isbahaysigaasi, waxayna Dowladdu ka soo horjeedaa in la
sameeyo Isbahaysiyo” waxa uuna intaas sii raaciyay “Maxkamadaha
Islaamiga ah ee ka jira dalka ma ahan kuwo argagixiso ah, ee Maxkamadu
ku yimid rabitaanka Shacabka oo ka shaqeeyay nabadgelyada Gobalka
Banaadir”.
Hadalka ka soo yeeray
Ra’isul Wasaare Geedi waxa uu ku soo beegmay xili ay maalintii shalay
ahayd Deegaanka Deyniile ay shir jaraa’id ku qabteen kooxihii dhawaan
sameeyay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada kuwasoo sheegay in
Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah.
Siyaasiiinta
Soomaaliyeed ayaa ah kuwo is bedel badan, marka la fiiryo xiligaani,
waxayna ereyga argagixisada u adeegsadaan hadba shaqsiga ay siyaasadda
isaga soo horjeedaan.
C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo
kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Nairobi waxay sheegayaan in kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne c/llaahi
Yuusuf Axmed, guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi, waxaana kulankaasi looga hadlay go’aanadii ka soo baxay urur
gobaleedka IGAD oo ay ugu weynaayeen in Soomaaliya loo diro ciidamo
nabad ilaalin ah.
Kulankaan ayaa ujeeda loo qabtay ay
sidi looga dhaadhicin lahaa Guddoomiyaha baarlamaanka in Soomaaliya ay
galaan ciidamo ka socda Beesha Caalamka si ay u soo celiyaan amniga iyo
kala dambeynta isla markaana hub ka dhigis ugu sameeyaan kooxaha
maleeshiyoo-yinka hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka waa uu soo
dhaweeyay arrintaasi balse waxa uu sheegay in ay ku xiran
ogolaanshaheeda Golaha Baarlamaanka oo ansixiya.
Golaha Baarlamaanka ayaa haatan ku
shirsan Magaalada Baydhabo xubno ka mid ah waxay si aad ah uga soo
horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye waana midda keentay
khilaafkii dowladda oo kala dejiyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Siyaasiyiin Digil iyo Mirifle ah oo maanta u
ambabaxaya Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool ..
Siyaasiyiin ka socota
Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa la filayaa in ay maanta u ambabaxayaan
gobalka Bakool gaar ahaan degmada Waajid oo iyadu la dejiyay ciidamadii
laga qaaday xerada Kongo.
Siyaasiyiintaan ayaa
dadweynaha kala soo hadli doona sidii loo soo dhaweyn lahaa
ciidamadaasi, isla markaana loo ilaali lahaa nabadgelyadooda, sidoo kale
waxa ay Siyaasiyiintu la kulmi doonaan saraakiisha Ciidamada ee la socda
ciidamada Puntland kuwaasoo doonaya in ay ka dhaadhiciyaan inaysan dhex
geli dadweynaha Deegaanka, taas oo ay sheegeen in lagu yareyn karo isku
dhacyada dhex mara iyaga iyo dadweynaha.
Inkastoo siyaasiyiinta
Beelaha Digil iyo Mirifle isku khilaafeen imaanshaha ciidankaas haddana
waxay markii dambe ku heshiiyeen in ciidankaasi la dejiyo deegaanka
Waajid.
Ciidamadii laga keenay Xerada
Kongo oo lagu xareeyay xero ku taala Waajid ..
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool waxay sheegayaan in ciidamadii laga
keenay halka lagu magacaabo xerada Kongo haatan la dejiyay xero ku dhow
deegaanka Waajid.
Ciidankaas oo ka kooban
850 askari ayaa waxay soo mareen safar aad u dheere, iyadoo taasi jirto
ayaa haddana imaanshahooda Gobalada Bay iyo Bakool waxa ay muran ka dhex
dhalisay Siyaasiyiinta, Odoyaasha iyo Dadweynaha ku nool Gobalada Bay
iyo Bakool, qaarkood waxay sheegeen in ciidankaasi aan la keeni karin
gobaladaasi, kuwo kale waxay soo jeediyeen in ciidamadaasi la dejiyo
gobalka Bakool, kuwo kalena waxay soo jeediyeen meel duleed ka ah
Magaalada Baydhabo.
Aaqiritaankii waxaa la
isku raacay in Ciidamadaasi la dejiyo xero ay horey u deganaan jireen
ciidamadii RRA-da oo ku taala degmada Waajid.
Ciidankaani ayaa waxaa
la sheegay in uu shalay is fahamwaa ka abuuray Dadweynaha Deegaanka
Waajid kaddib markii lacago sheegay inay faalso tahay ay damceen in ay
wax kaga iibasadaan dadweynaha ku nool Magaalada Waajid, hase yeeshee
ganacsatadii waa ay diideen lacagtaasi.
Ciidankaasi ayaa wararka
qaar waxay sheegayaan in loo rari doono deegaanka Salagle oo ka tirsan
Degmada Bu’aale ee Gobalka J/dhexe halkaas oo looga dhigi doono xarun
rasmi ah, hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaas
dib loogu celin doono deegamadii ay horey uga yimaadeen ee Puntland.
Madaxweynaha Uganda oo
sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ....
Madaxweynaha Wadanka Uganda Musafeeni
ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Madaxda Wadamada IGAD ayaa waxa uu
sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay u dirto
ciidamo kala shaqeeya Dowladda Federaalka arrimaha nabadgelyada iyo dib
u soo celintii maamulkii iyo kala dambeyntii.
“Haddii Qaramada Midoobey
cunaqabateynta hubka ka qaado Soomaaliya waxaa diyaar u nahay in aan
dirno ciidamadaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo isagu xilka
Guddoominimada IGAD ku wareejin doono marka uu dhamaado shirka IGAD oo
haatan ka socda wadanka Kenya Madaxweynaha Kenya ee Kipaki, sidoo kale
Dowladda Suudaan ayaa la sheegay in ay iyana diyaar u tahay in ay
Soomaaliya u dirto ciidamo nabad ilaalin ah haddii ay Qaramada Midoobey
Soomaaliya ka qaado cunaqabateynta hubka, waxaana la filayaa in shir
madaxeedka IGAD uu ka soo baxo codsi loo jeedinayo Qaramada Midoobey oo
ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u fududaato in
Soomaaliya ay galaan Ciidamo nabad ilaalin ah
C/llaahi Yuusuf iyo Cadde
Muuse oo la filayo in ay ku kulmaan Wadanka Yemen ..
War aanu ka helnay rag
ku dhow Madaxweyne Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxay inoo sheegeen
in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu dhaawaan tagi doono dalka Yemen gaar
ahaan marka uu dhameysto kulanka wadamada IGAD.
C/llaahi Yuusuf oo la
filayo in uu warbixin siiyo Madxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdala
Saalax oo la xiriira waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii dhex maray
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka 4-tii
Janaayo ee sanadkaan.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu dalka Yemen kula kulmi doono
madaxweynaha Maamulka Gobaleedka Puntland Gen. Caddee Muuse iyagoo
dowladda Yemen kala hadli sidii loo joojin lahaa dadka tahriibka ah ee
maalin walba ku dhimanaya xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.
W/.D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 21, 2006
Boqor Maxamuud
Boqor Muuse oo ku Geeriyoodey Qardho
»Ugaas
Max’ed: Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib
»C/llaahi,
Shariif Xasan & Geeddi oo kulan gaar ah yeeshay
»Maxkamadaha
Islaamiga ah oo u howlgeli doonaan sidii..
»Wafdi
wadamada deeqda bixiya oo kulan yeeshay Baydhabo
»Soomaaliya:
Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta
»Shir
Jabuuti ku dhexmaray taliska ciidamada Mareykanka iyo
Warar GooGoos ah
ka akhri halkan... Guji... Mar 15
Xildhibaanada
Baarlamaanka oo mar kale Galaya Fasax ilaa mudo Tobaad ah
»Qaar
ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hanjabay
»Shiikh
caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe..
»Ururka
Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac muujiyay
»Maleeshiyada
Yuusuf Daba-Geed oo weerar qabsaday
»Qoral
ka soo baxay Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali
iyo Warar GooGoos
ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 13
Barre Hiiraale
iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..
»Heshiis
buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo
»Geeddi
oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii..
»Shirka
Golaha wasiirada DFK la iskula soo qaaday amaanka
»Ururka
Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu...
»Ciidamada
Itoobiya ee soo galay Deegaanka Buulo Xaawo
»C/llaahi
Yuusuf oo la filayo in Nairobi kulan kula yeesho..
wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Mar 12