ABAARAHA KA TAAGAN W/BARI KENYA(NDF) OO
MEEL HALIS AH MARAYA.
Nolosha kummanaan
Soomaalida Kenya ah ayaa helis ku jirta iyagoo aan haysanin gabaad iyo
geed midna kadib markii ay abaaro daran ka dhameeyeen xoolihii ay
lahaayeen,dhulkuna uu noqday saxare lama dagaan ah roob la'aanta
awgeed,Biya La'aanta ayaa ah tan nolosha dadka hoos u dhigtay wax badan waxaana
maalin walba haraad awgiis u naf baxa labaatameeyo xoolo ah,iyadoo
dadkuna ay si weyn usoo food saartay haraad iyo gaajo ba'an,ceelasha
biyaha ee gobolka ayaa aad u yar,dhowr hay'addo samafal ah qaarkoodna
laga leeyahay wadanka ayaan wax badan ka qabanin baahida gobolka ee.
Dadweynaha gobolka ayaa biyaha u gala
faylal dhaadheer waabarigii waxa ayna ugu yimaadaan meelo aad uga fog
magaalooyinka oo ah tuulooyin aan qabin ceel ama meel kale oo biya laga
cabo waxaana ugu dhacda qoraxda sida ay biyaha u sugayaan,Roob La'aanta
Gobolka darteed Culumada iyo dadweynaha ayaa dhowr jeer fagaare isku soo
baxay Alle bari roob doon ahaa oo ay ku Tukanayeen salaadda Alle bariga
ee roobka,dadka deegaanka oo Soomaali ah ayaa waxa ay badankood kuu
sheegayaan in Gargaarka Alle ee Xagga cirka ah ay kaga kalsoon yihiin
macaawino magac u yaal ah.
Xoolo
badan ayaa lagu quudiyaa guryaha kadib markii ay duurka ka soo waayeen geedo
ay daaqaan iyo waro biyaha ay ka cabaan,dadka xoolaha leh ayay ku kaliftay
si ay duunyadooda u badbaadiyaan in ay wax ka siiyaan biyaha ay Ugu deeqaan
Hay'adaha samafalka ee booyadaha lagu keeno sida Hay'adda Islamic Relief
Global Programmes oo gobolka abaaraha ka jira wax ka qabatay iyadoo
warbixinadii ugu dambeeya ee gobolka Soomaalida ee Kenya ka soo saartay
warbixino badan laakiin biyahaas inta badan maahan kuwo baahida haraadka ka
saara.
 
Caruurta gobolka ayaa qaar badan waxa ay
nafaqo dari ku haysaa tuulooyinka ka baxsan magaalada halka kuwa magaaladuna
ay Isbitaalada Magaalada buux dhaafiyeen,caruurtan nafaqo darida ay ku
dhacday ayaan haysanin raashin iyo cabitaan ku filan,dadka waaweyn ayaa
sidoo kale waxa ay qabaan cuduro kadhashay dadka waaweyn ayaa qaba cuduro
ay ka mid yihiin TB-da iyo Maleriyada.
Dadka Soomaaliyeed ee gobolkan leh ayaa ah
badankood xoola dhaqato,waxa ayna soo saaraan xoolaha laga cunno dalka
inta ugu badan,balse maanta xoolo badan oo waliba aad u yar yar ayaa la
xabaalayaa kadib markii caano hooyooyinkood looga waayey ama abaaraha
dartood ay la geeeriyeedoon.
Xoola
dhaqato badan oo gobolka ah ayaa xoolahoodi la aaday gobolo kale sida
magaalada xeebta ah ee Mombaasa si ay uga helaan wax ay ku soo quudiyaan
xoolahooda oo waraab iyo cuntada xoolaha ay cunaan.Dadka Deegaanka oo
aan la soo yeeshay waraysiyo kala duwan ayaa sheegay in aysan helin wax
gargaar ah iyagoo ku eedaynaya in guddiyada loo xilsaaro howsha abaaraha
ay dhexda ka baxsadaan laakiin mas'uuliyiinta ayaa arrintan diidan lagu
eedaynayo.
Canab Mumtaz
canabmumtaz@yahoo.com
|