HUGUNKA MADAAFIICDA GOOBTA
IYO DHAWAAQA RASAASTA OO AY MUQDISHO KU WAABARIISATAY
Max’ed Dheere “C/llaahi
waxaa la gudboon in uu si deg deg ah isu casilo..
Max’ed
Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe oo shalay
shir jaraa’id ku qabtay xaruntii Jowhar ayaa waxa uu si aad ah uga hor yimid
go’aankii Wadamada IGAD ee ahaa in Soomaaliya loo soo diro Ciidamo
shisheeye.
“Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye waayo horey ayaan u soo aragnay
ciidamadaasi, waxaana u soo jeedinayaa Wadamada IGAD in ay iska ilaaliyaan
fikradda uu shaqsigu wato” ayuu yiri Max’ed Dheere oo u soo jeediyay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu deg deg isku casilo.
“C/llaahi Yuusuf waa uu ku fashilmay siyaasadda mana ahan madaxweyne ee waa
nin qabiili ah” ayuu yiri Max’ed Dheere oo mar kale ku celiyay in uu diyaar
u yahay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha ay soo kala dhex
galaan Beesha Caalamka.
Ismaaciil Hurre Buubaa
“Ciidamada ka yimdi xerada Kongo waa ciidamo Qaran.
Imaaciil Hurre Buubaa oo ah
Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gobalka Wasiirka Iskaashiga
gobalka oo u waramayay weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa
uu faahfaahin ka bixiyay arrimo la xiriira ciidamadii laga keenay xerada
Kongo iyo waxyaabaha ay qabato wasaaraddiisa, waxa uuna sheegay in
wasaaraddiisu ay tahay mid u taagan iskaashiga wadamada deriska la ah
Soomaaliya, isagoo sheegay in wasaaraddiisu ay ka shaqeyn doonto xiriirka
iyo wax wada qabsiga wadamadaasi. Mar uu ka hadlaayay sababaha ay uga
qaybgali wayeen kulanka wadamada IGAD Wasiiradooda arrimaha dibadda oo
dhawaan lagu soo gebagabeeyay Magalada Nairobi, waxa uu yiri “inkastoo aan
xaq u lahayn in aan ka qaybgalno kulankaas haddana waxaan arrimahaas u
dhaafnay wasaaradda Arrimaha dibadda, maadaama uu naga dhexeeyo xiriir”. Mar
uu ka hadlayay sida uu arko ciidamada laga keenay xerada Kongo kuna sugan
Gobalada Bay iyo Bakool waxa uu yiri Ismaaciil Hurre Buubaa “Anigu
ciidamadaas waxaan u arkaa ciidamo Qaran mana ahan ciidamo qabiil”, waxa
uuna intaas sii raacaiyay “waxaan rajeynayaa in ciidamadaasi ay gacan ka
gaysan doonaan sidii dalka nabad loogu soo celin lahaa”, waxaa kalloo la
weydiiyay sababta dib loogu soo nooleyn waayay ciidamadii xoogga dalka
Soomaaliyeed si ay u sugaan ammaanka?, waxa uu yiri “Ciidamadii xoogga Dalka
Soomaaliyeed markii runta laga hadlo badankood way gaboobeen oo wax howl ah
oo ay qaban karaan ma jiraan, marka la reebo in laga faa’iideysto waayo
aragnimadooda, waxyana Dowladdu ku tala jirtaa in ay uruuriso kooxaha
maleeshiyooyinka isla markaana loo furo tababar si ay uga qayb-qaataan
ammaanka dalka”, Ismaaciil waxaa wax laga weydiiyay sida uu arko gooni u
goosadka dalka la magacbaxay Somaliland, “anigu waxaan ka mid ahay dadka
aaminsan midnimada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in dad fara badan ay nala
fahmi doonaan” ayuu yiri Ismaaciil Hurre Buubaa.
Xildhibaan Cismaan libaax
“ciidamada laga keeney maaha ciidamo qaran ..
Xildhibaan Cismaan Libaax oo ka mid ah Xildhibaanad ka soo jeeda Gobalada
Bay iyo Bakool haatanna ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa wax laga weydiiyay
sida uu arko ciidamada Puntland ee laga keenay xerada Kongo, waxa uuna yiri
“Ciidamadaasi ma ahan ciidamo qaran ee waa ciidamo beeleed mana soo gali
karaan gobalada Bay iyo Bakool”, wuxuu intaa raaciyay “waa in la helaa
ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeeya dib u soo celinta nabadgelyadii iyo kala
dambeyntii”.
Mar uu
ka hadlayay waxa uu hor taagan in maamul loo sameeyo Magaalada Baydhabo,
waxa uu Cismaan Libaax yiri “waa runtaa Magaalada Baydhabo ma lahan maamul,
balse haatan waxaa lagu howlan yahay sidii maamul loogu sameyn lahaa
magaalada Baydhabo taasoo wax ka tareysa dhinaca ammaanka iyo adeegyada
bulshada”
Ugu
dambeyntii waxa uu u soo jeediyay dadweynaha Gobalada Bay iyo Bakool in ay
ka shaqeeyaan sidii deeganadooda nabad ugu soo dabaali lahaayeen dowladdu u
hesho goob ammaan ah.
C/llaahi Yuusuf oo shalay
dib ugu soo laabtay Baydhabo..
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed oo ka qaybgalay shirkii Madaxda Wadamada IGAD ee lagu soo
gebagabeeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay dib ugu soo
laabtay Magaalada Baydhabo, waxaana garoonka Diyaaradaha si wey ugu soo
dhaweeyay xubnaha labada Gole ee Dowladda ee ku sugan Magaaladaasi.
C/llaahi Yuusuf oo
khudbad ka jeediyay kulankii Wadamada IGAD ayaa waxa uu u soo jeediyay
wadamadaasi inay gacan ka gaystaan in Soomaaliya laga qaado Cuqabateynta
hubka taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen wadamadaasi iyagoo sheegay in ay u
howlgali doonaan sidii Qaramada Midoobey uga dhaadhicin lahaayeen in
Soomaaliya laga qaado cuqabateynta hubka si ay u fududaato in Soomaaliya ay
soo galaan ciidamo shisheeye.
Hay’adda gargaarka iyo horumarinta
Bulshada ee 31 –ka March oo u mahacelisey..
Hay’ada Gargaarka Iyo
Horumarinta Bulshada ee 31st March Waxay u mahad celineeysaa
dhamaan ummada Soomaaliyeed ee gurmadka u soo fidiyay walaalahooda
Soomaliyeed ee ku dhibaateeysan Gobalada kala duwan ee dalka sidoo kale waay
u mahad celineysaa dhamaan inta gacanta ka geeysatay gurmadka gaar ahaan
idaacadaha gudaha ah iyo kuwa caalamiga sida barnaamijkii ka baxay
Taleefishinka Al-Jaziira ee afka carabiga ku hadasha kaas oo looga hadlay
baahida dhamaan ka jirta geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo sidii
gurmad loo gaarsiin lahaa kaasoo uu fadhiyay sheekh caanka ah ee Dr Yuusuf
Al-Khardaawi wuxuuna Shiikhu codsaday in ummadda geeska Afrika gaar ahaan
ummadda soomaaliyeed gurmad la gaarsiiyo
hay’adda Gargaarka Iyo
Horumarinta Bulshada Ee 31st March oo deeq raashin iyo biyo isugu
jira gaarsiisay Gobalada abaaruha ka jiraan qaar ka mid ah ayaa codsaneysa
in dadkaas caawinaad lala soo gaaro waxaa qoraalkan na soo gaarsiiyey
C/xakiin Macalin Axmed oo ah Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda Gargaarka Iyo
Horumarinta Bulshada Ee 31st March.
Midowga Maxkamadaha
Islaamiga ah oo shalay Gargaar gaarsiiyey Dad soo barakacay..
Maalintii shalay ahayd ayaa Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah waxa ay gargaar gaarsiiyeen xero ay ku jiraan dadka
soo barakacay oo ku taala Warshaddii hore ee Kabka.
Deeqdaas oo ka koobneyd Bariis, Bur iyo
Dhar ayaa waxaa loo qaybiyay 180 qoys oo ku jira xeradaasi, iyadoo dadkaasi
ay ahaayeen kuwo dhibaato ay ka soo gaartay dagaaladii dhawaan ka dhacay
Magaalada Muqdisho.
Gargaarkaan ma ahan midkii ugu horeeyay
ee Maxkamadaha Islaamiga ah bixiyaan dhawaan ayay ahayd markii dad qaxooti
ah oo ku jira Xerada Damaayo ay gaarsiiyeen taasoo ay si aad ah ugu farxeen
dadkaasi.
Gargaarkaan shalay la siiyay dadka ku
jiray Xerada Warshadda Kabka ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Macallim Max’ed
oo ahaa Macallin Dugsi Qur’aan ku hayay xeradaasi oo u mahadceliyay
Maxaakiimta Islaaiga ah.
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah waxa ay
sheegeen in gargaarka noocaan oo kale ah ay siin doonaan dadka ku jira
xeryaha dadka soo barakacay.
Hay’adda CDHR oo qabtay wejigii
saddexad ee siminaar ku saabsan Dimoqraaduyadda..
Hay’adda Center For Democracy Human
Rights (CDHR) aya shalay xarunteeda Magaalada Muqdisho waxay ku qabatay
wajigii saddexaad siminaarkii ku saabsanaa Demuquraadiyadda, waxaana iska
kaashaday Hay’adda CDHR iyo Hay’adda NED waxaana ka qaybgalayay ilaa iyo 30
xubnood oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
Siminaarkaan oo socon doona mudo saddex
maalmood ah ayaa waxaa furitaankiisii waxaa ka hadlay wakiilka difaacayaasha
Xaquuqda Aadanaha Bariga iyo Bartaha Afrika Axmed Max’ed Kiimiko, waxa uuna
sheegay in siminaarkaani uu yahay mid daba socday siminaaro horey u baxay oo
la xiriiray dhinaca dimuquraadiyadda.
Siminaarkaan oo lagu baranayo qaabka
awood qaybsiga, sidii loo heli ahaa Dowlad dastuuri ah, iyo waxa ay tahay
dimuquraadiyaddu iyo heerarka ay soo martay ayaa waxaa casharo ka bixinayay
AVV. Sakeriyeoo isagu shalay si aad ah faahfaahin uga bixiyay qodobaadaasi.
Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha oo iyana
ka hadlay siminaarkaasi ayaa waxay sheegeen in casharada ay ka bartaan
siminaarkaan ay u gudbin doonaan walaalahooda kale ee aan fursadda u helin
siminaarkaani.
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maanta
la filayo in uu khudbad ka jeediyo..
Guddoomiyaha Baarla-maanaka oo maalintii
shalay ahayd kulan kula yeeshay Magaalada Nairobi mas’uuliyiin ka socotay
Wadamada IGAD ayaa waxaa kulankaas la iskula soo qaaday sidii Dowladda
Federaalka u ogolaan lahayd in Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad ilaalin
ah oo Dowladda kala shaqeeya dhinaca amniga.
Shariif Xasan ayaa waxa uu
mas’uuliyiintaas u sheegay in ogolaanshaha Ciidamo nabad ilaalineed oo
Soomaaliya la keeno ay ku xiran Baarlamaanka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in
sida ugu dhaqsiyaha badan uu arrintaani u hor dhigi doono Baarlamaanka.
Maanta ayaa la filayaa in Guddoomiyaha
Baarlamaanka uu khudbad ka jeediyo Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya taasoo
uu uga warami doono wixii u qabsoomay Baarla-maanka mudadii sanadka ahayd,
waxaana lagu wadaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka la gudoonsiiyo qoraaloo la
xiriira qaabka u shaqeeyo Baarla-maanka wadanka Kenya.
Guddoomiyaha Baarla-maanka oo si dhaqsi
ah looga rabo Magaalada Baydhabo kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada
Baarlamaanka ku heshiin waayeen qaabka qaybsiga guddiyada Baarla-maanka,
iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegeen in ay san ku qanacsaneyn
qaabka qaybsiga guddiyadaasi oo ay sheegeen in beelaha qaar ku badan yihiin.
Bandow xalay lagu soo rogey magaalada
Baydhabo
Wararka naga
soo gaaraya Magaaladabaydhabo waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa
Magaaladaasi lagu soo rogay bandow soconaya afarta habeenimo ilaa waabirigii
kaddib markii maalmahan Magaalada ay ku soo kordheen falal amaan daro ah.
Bandowgaan
waxaa Magaalada KU soo rogay guddiga nabadgelyada ee Magaalada, iyagoo
sheegay in ciddii lagu arko iyadoo socoto waqtiga kor ku xusan in lala
tiigsan doono Shariciga isla markaana ganaax la saari doono.
Dadweynaha
Magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhaweeyay bandowgaan lagu soo rogay
Magaalada Baydhabo iyaagoo sheegay in uu wax ka tarayo ammaanka Magaalada
Baydhabo.
Dhawaan ayaa
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxaa loo dhigtay isbaaro, waxaana laga
qaatay Moobeeladii waxaana loo gaystay jirdilyo.
W/.D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | March 22, 2006
Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 March 2006
Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay.
Shirar uu
gumaysigu maamulka iyo odayaasha u qabtay.
Bannaanbax
Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay magaalada London.
Jaaliyadda
Ogaadeenya ee Musawac shir yeelatay .
Sudan iyo
Ethiopia oo xidhiidhkoodii madmadoow soo kala dhex galay.
Shir
sanadeedkii jaaliyadaha Ogadenya ee W/Amerika
oo ku qabsoomay gobolka
California.
======================
Wariyaha RX uga soo
warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo sheegay dagaallo lagu waxyeelleeyay
ciidammada gumaysiga Itoobiya ee xaqdarrada ku jooga dhulka Ogaadeenya.
13/03/06
dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Caleen, oo ka tirsan degmada
Shilaabo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Isla 13/03/06
waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya baabuur lagaga gubay meel u dhaxaysa
Kudunbuur iyo Barraajisle, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo
wixii saarnaa. Baabuurkaas ayaa la filayaa inay saarnaayeen saraakiil ka
tirsan ciidammada Wayaanaha oo hawlgal gaar ah u socday. Markii
baabuurkaas la qarxiyay waxay ciidammada naf-la-caariga ah ee gumaysigu
xidheen waddadaas, iyagoo baabuurta iyo dadka lugta ahba ka mamnuucay
inay waddadaas soo maraan.
Afar nin oo
shacab ah oo waddadaas soo maray iyagoon ka warhaynin xidhitaanka
waddadaas ayay ciidammada gumaysigu halkaas ku qabteen. Ilaa iyo haddana
nimankaasi meesha ay ku sugan yihiin lama garanayo; waxayna kala yihiin
afarta niman ee ciidammada gumaysigu halkaas ka afduubeen:
Maxamed Xuseen
Diraac
Quraysh Xaaji
Muxumed
C/llaahi Cumar Aw
Muxumed iyo
Ina Sheekh Maxamed oo
magiciisa aanaan haynin.
Dhinaca kale waxay
ciidammada Wayaanuhu magaalada Dhanaan Fig ku dileen ninka lagu
magacaabo Tima-caws Bashiir Cabdi Xaad, oo geeriyooday, ka dib markii uu
ciidammada Wayaanaha maalin dhan u figaysnaa.
Waxaan sheegnay markii
ay taariikhdu ahayd in 04/03/06 magaalada Ceel-ma-xidho, oo gobolka
Doollo ka tirsan, ay ciidammada gumaysigu rasaas ku fureen baabuur ay
dad shacab ahi saarnaayeen, halkaasna ay ku dileen Kirishboygii
baabuurkaas. Marxuumka ay ciidammada gumaysigu halkaas ku dileen waxaa
lagu magacaabi jiray Muuse C/rashiid Maxamed.
Shirar uu gumaysigu
maamulka iyo odayaasha u qabtay.
Saraakiisha ciidammada
gumaysiga Itoobiya ayaa dhawaan shirar ugu qabtay maamullada iyo
odayaasha magaalooyinka Godey iyo Dhagaxbuur. Ujeeddada shirarkaas laga
lahaa waxay ahayd sidii maamullada iyo odayaasha loo fari lahaa inay
cudud kala hortagaan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO.
Saraakiisha gumaysiga ayaa u hanjabay xubnihii ay shirarka u qabteen,
waxayna amar ku siiyeen inay dagaal kaga hortagaan ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ee ka dagaallama gobolladooda.
Hase yeeshee maamulkii
iyo odayaashii Godey ayaa saraakiisha gumaysiga gaadhsiiyay farriin cad
oo xanbaarsan inayna awood u lahayn inay ka hortagaan ciidammada
xoreynta Ogaadeeyna, waxayna u sheegeen in JWXO ay manta dhaaftay heer
ay malleeshiyo ka hortgato.
Odayaashii sirkaas
fadhiyay ayaa saraakiisha gumaysiga u sheegay in dawlada Itoobiya ay in
toban sano ka badan ku haysay ka hortaga JWXO, balse ayna suuragal ahayn
inay cudud ku caabiyaan ciidammada JWXO, waxayna kula taliyeen inay
iyagu keenaan xalka lagu dhammaynayo dhibaatada ka taagan Ogaadeenya.
Bannaanbax Itoobiya
ka dhan ah oo ka dhacay magaalada London.
Maalintii jimcaha ahayd
ee taariikhdu ku beegnayd 17/03/06 waxaa magaalada London ka dhacay
bannaanbax wayn oo lagaga soo horjeedo siyaasada xukuumada gumaysatada
Itoobiya.
Bannaanbaxan, oo ka
dhacay ka soo horjeedka Xafiiska Wasiirka Kowaad (PM) ee dalka Britan,
waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyada Oromada, hase yeeshee waxaa gacan wayn
ka gaystay oo ka qayb galay Jaaliyadaha Ogaadeenya iyo Sidamo.
Waxaa fagaarihii
bannaanbaxaas yimid warbaahin kala duwan oo ku baxa afafka Amxaariga iyo
Oromada. Qaybta Amxaariga ee raadyowga Codka Ameerika VOA ayaa
fagaarihii bannaanbaxa ku waraysatay madaxa Hooggaanka Qorshaynta iyo
Cilmi Baadhista JWXO Dr Maxamed Siraad Doolaal, oo muujiyay in
bannaanbaxaas ay u wada dhan yihiin dadyowga ku hoos jira cadaadiska
Itoobiya, wuxuuna daaha ka rogay dhibaatooyinka kala duwan ee lagu hayo
dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, sida dilka, xadhiga, boobka hantida
dadwaynaha iyo waliba argagixisada qarsoon ee Itoobiya dadwayanaha ku
hayso.
Wuxuu kaloo diidmo ka
muujiyay isku-dirka uu taliska Addis Ababa ka dhex-wado bulshooyinka
walaalaha ah ee Soomaalida Ogaadeenya iyo Oromada, wuxuuna labada
dadweynaba ugu baaqay inay si wadajir ah uga soo horjeedsadaan cadowga
oo ay wada-gartaan tabaha gumeysiga dalkooda haysta uu mar kasta
adeegsanayo.
Ugu danbayntii qolo
walba waxay xafiiska ra’iisal wasaaraha u gudbisay qoraal ka hadlaya
dhibaatooyinka ay ka cabanayaan.
Jaaliyadda Ogaadeenya
ee Musawac shir yeelatay .
Dhawrkii maalmood ee ina
dhaafay waxay shirar kala duwan u socdeen Jaaliyadda Ogaadeenya ee
magaalada Musawac ee dalka Eritereya, waxaana shirarkaas ka qayb galay
dad ay tiradoodu kor u dhaaftay 300 oo qof oo u dhashay dalka
Ogaadeenya.
Shirarkan waxaa lagaga
hadlayay abaabulka xubnaha Jaaliyadda iyo sidii looga hortagi lahaa
tabaha cusub ee gumaysiga Itoobiya soo dhoodhoobay, iyadoo Jaaliyadda
Ogaadeenya ee Musawac ay Jaaliyadaha Ogaadeenya oo dhan ugu baaqday
inayna marnaba u dhaga nuglaanin fikirka gumaysiga.
Shirarkan ayaa lagu
lafa-guray xaaladda uu maanta ku sugan yahay gumaysiga Itoobiya, waxaana
la isla tilmaamay in maanta loo baahan yahay in guntiga dhiisha la
iskaga sii dhigo, si looga faa’iidaysto fursadaha dahabiga ah ee foodda
inugu soo haya, isla markaana la isu daba-raaciyo gumaysiga Itoobiya ee
gabbalkiisu sii dhacayo.
Gabagabadii shirarkaas
waxaa lagu soo bandhigay riwaayad aad u qiimo badan oo si wayn loogu
qushuucay, taasoo ay soo bandhigtay Kooxda Halgan ee JWXO. Riwaayadan,
oo lagu magacaabo ”Falkuu gumaysigu wado iyo fikirka ummadeena”, waxay
kooxdu ku muujisay xaalka uu gumaysigu maanta ku sugan yahay iyo sida ay
u jiraan kuwo dantood moogayaal ah oo wali sii hoostaagan geedka dumay.
Ugu danbayntii waxaa aad
loo soo dhaweeyay guulaha ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka muujiyaan
dagaallada ay cadowga la galaan iyo kartida iyo dadaalka ay muujiyeen
masuuliyiinta Jabhadda ee ka hawlgala dunida dacalladeeda kala duwan.
Sudan iyo Ethiopia oo
xidhiidhkoodii madmadoow soo kala dhex galay.
Xukumada wadanka Suudaan
ayaa Itoobiya ku eedeysay in ay ku xad gudubtey heshiiskii xuduuda ee
labada dal, kadib markii ay Ciidamda iyo beerlayda Itoobiya si sharco
daro ah ugu soo talaabeen xadka kala qaybiya labada dal, halkaas oo laba
todobaad in ka yar ay labada dal ku yeesheen heshiis laba geesood ah oo
soo afjara muranka xadka kala qaybiya.
Hadaba, gudi ay ay
dawladda Suudaan u saartey arinta xadka, ayaa soo bandhigey warbixin uu
ku sheegayo in si xad dhaaf ah ay Itoobiyaanku beero uga qoteen dhinaca
xadka ee Suudaan, kuwaas oo taageera buuxda ka haysta Ciidamda iyo
xukumada Itoobiya.
Warbixinta uu soo
diyaariyey Gudigan ka kooban Golaha baarlamaanka ee Suudaan ayaa
tilmaamaysa in Itoobiyaanku gudaha Suudaan soo galeen qiyaastii 28 KM
(17 Miles), kuwaas oo si xoog ah ku barakiciyey 38 tuulo oo ay
degenaayeen dadka u dhashey Suudaan.
Gudigu wuxuu ku talo
bixiyey in Ciidamada Suudaan qabsadaan shaqadooda, isla markaaana sugaan
xududa iyaga oo sugaya heshiiskii ay dawladda Itoobiya iyo Suudaan kala
saxiixdeen ee tilmaamayey barta xadku dhaco. Waxaa kale oo uu gudigu
ku talo bixiyey in la xoojiyo Booliska Suudaan ee Xaduudka ku sugan..
Dawladda Itoobiya ayaa
caqabad ku noqotey heshiisyada ay la gasho dalwladaha dariska la ah ee
xurgufta xuduudeed ka dhaxeyso, iyada oo caadi ka dhigatey in ay aqbasho
heshiisyada, balse ka maagta in ay fuliso.
Shir
sanadeedkii jaaliyadaha Ogadenya ee W/Amerika
oo ku qabsoomay
gobolka California.
Shir
jaaliyadeedkii sanadlaha ahaa ee jaaliyadaha Ogadenya ee waqooyiga
amerika ayaa waxaa sanadkan lagu qabtay Magaalada Sandiego ee gobolka
kalifornia.
Shirkan oo socday muddo
saddex cisho ah kuna beegnayd 17-19 bishan Maarsho si heer sare ahna
ay u soo abaabushay jaaliyadda Magaalada Sandiego ayaa waxaa ka soo qayb
galay dhamaan hawlwadeenada iyo masuuliinta sare ee jabhadda wadadniga
xoraynta Ogadenia. Waxay masuuliinta sare ee JWXO ay si qoto dheer uga
hadleen baahida degdegga ah ee ka jirta waddanka Ogadenia sida abaarahan
ba'an ee uu gumaysigu keenay umadduna u le'anayso,horumar la'aanta ka
jirta waddanka iyo sidii ay Bulsho waynta Ogadenia u garab istaagi
lahaayeen halganka ay majaraha u hayso JWXO. waxaa shirkan kasoo qayb
galay jaaliyadaha Ogadenia ee ku kala baahsan dalka maraykanka sida
jaaliyadda Minessoto,jaaliyadad Washington DC. Jaaliyadda
Sanjose,jaaliyadda Main, jaaliyadad Ohio.Jaaliyadda masuuri iyo
jaaliyadad Seattle.
Muddadii uu shirku
socday ayaa waxay masuuliinta iyo jaaliyaduhuba ay fursad u heleen inay
si toos ah khadka is gaarsiinta kula xidhiidhaan guddoomiye ku xigeenka
koowaad ee jabhada waddaniga Xoraynta Ogadenia Mudane Maxamed Ismaacii
liyo ku xigeenka hoggaanka arimaha dibada iyo jaaliyadaha Mudane
Maxamed Macalin oo iyagu wali ku hawlan socdaalkoodii iyo kormeer
hawleedkoodii ay ku marayeen qaaradda Yurub.
Gudoomiye ku
xigeenka oo si aad ah ugu hambalyeeyey jaaliyada Ogadenia dadaalka
dheeriga ah ee ay ugu jiraan hanashada qaddiyaddoda ayaa wuxuu ku soo
bandhigay madasha Shirka warbixino dhaadheer iyo xog taabanaysa dhinacyo
badan. Guddoomiye kuxigeenku wuxuu sidoo kale la wadaagay jaaliyadaha
waxa uu ugu yeedhay dareen xambaarsan rajo wayn iyo rayn rayn** ee uu
kala kulmay qaar ka mid ah madaxda hay'aad sare oo caalami ah iyo
wasaaradaha arimaha dibadda ee waddamada Yurub sida wasaaradda arimaha
dibadad ee dalka Norway,Findland,Denmark iyo dalka Ingiriiska.
Mudane Maxamed
Ismaaciil ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday in Xoriyada dalka
Ogadenia ay imika noqotay mid ay ka hadheen waxa uu ugu yeedhay maalmo
faro ku tiris ah cadawguna uu marayo weedhii ahayd Dibi gawraci geed
kama waabto.
Radio Xoriyo
21
March 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com