Boosaaso: Waxaa Arbacadii dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana uu ka duulay
garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaaso.
Lama faahfaahin ujeedada
Safarka Yemen ee xilligan iyadoo Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la
xiriira Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis, laakiin sheegata in ay
tahay Australian, taas oo rabta in ay Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo
aysan Dawlada Dhexe iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan
Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.
Idaacad ka hadasha Dalka
Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii arrinta shirkadaas iyo xaalada
Puntland waraysi kala
yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.
Waraysigaas waxa uu Casharo kaga hadlay
shirkada sheegata in ay tahay Australia, laakiin ka diiwaan Gashan
Jasiirada Maldavis, taas oo uu ku tilmaamay
shirkad cashuur ka carar ah.
Cawed Casharo waxa uu muujiyey sida uu
walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in
Madaxweynaha Puntland uu u garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan
Tekniko ah geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu dhigayo in
arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan Dawlad Goboleedku geli karin.
Waxana uu intaas ku daray in shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn
shirkad jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u dhaqmeysa sidii
burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.
Xildhiban Casharo waxa uu baq u diray
Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii
arrintaas wax looga qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe
ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada iyo arrimaha ka jira
Puntland.
"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan
la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la
hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad
ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan
in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo.
Waraysigaas oo uu
qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa
ka dhegeyso halkan....
(Australia SBS)
Si aad wax badan ug aogatid Muranka
Macdanta Puntlan, Akhri qoraaladii taxanaha ahaa ee:
PUNTLAND vs TERRY:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
Hey'ado Samafaleed oo
Islaami ah oo howlo gar-gaar ah ka fuliyay magaalada kismayo iyo deegaano ku
xeeran
Wafdi ka socda heyado islaami ah oo ka
dhisan wadamada Kuwait iyo Baxreyn oo dhawaan soo gaaray magaalada kismayo
ayaa waxaa ay ka wadeen magaalada kimayo iyo deegaanada ku dhow dhow howlo
gar gaar qeybin ah ayadoo wafdigan ay maalintii shalay ahayd ka qeybiyeen
xeryaha qaxootiyada magaalada kismayo cuno taasoo hor dhac u ahayd gar gaar
loogu tala galay dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gobolkan.
Wafdigan oo ka koobnaa 6 xubnood
islamrkaana ka soo kicitimay magaalada neyroobi ee cariga kenya ayaa waxaa
horkacayay nin lagu magacaabo badar sharmuukh oo u dhashay dalka kuweyt
waxaana sidoo kale wafidgan la socday nin lagu magacaabo jaasim oo isaguna
ka socday heyada axyaa turath oo ka dhisan dalka kuweyt iyo nin lagu
magacaabo xasan bookh oo isagu ka mid ah ganacsatada dalka baxreyn iyo nin
kale oo somali ah oo asaguna lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdi Aadan oo ah
madaxa towfiiq islamrkaana ahaa la taliyaha madaxa wafdigan carabta ah ee
soo gaaray magaalada kismayo islamrkaana raashinka ka qeybinayay.
Dr. Maxamed Cabdi Aadan ayaa shabakada
SomaliTalk.com waxaa uu oga warbixiyay socdaalka wafdigan iyo waxaa ay u
qabanayaan dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gobolkan waxaa uuna ku jawaabay.
Waftidgaan waxaa uu qorshan in uu
indho-indheeyo xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan gobolka gaar ahaan
magaalada kismayo iyo deeganada hoos yimaada gaar ahaan dadka ku tabaaloobay
abaarta iyo dadka kale ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee ee ku yaala
magaalada kismayo, waxaa uuna sidoo kale sheegay in wafdigan uu maalintii
shalay ahayd ka qeybiyay xeryaha qaxootiga ee magaalada kismayo raashin
isugu jira bur, bariis iyo saliid, taasoo uu ku sheegay in ay hor dhac u
tahay gar gaarka ay rabaan in ay u fidiyaan dadka muslinka ah ee rafaadku ka
muuqdo.
Dr. Maxmed waxaa uu sidoo kale sheegay in
ay raashinka gaarsiyeen ilaa 5 xero qaxooti oo ku yaal gudaha magaalada
kismayo iyo tuulooyinka Buulo Abliko, Goobweyn, Hosingoow iyo deegaanka
mareerey oo ay intaba ku dhaqanyahiin dadka ku tabaaloobay abaaraha ku
habsaday Soomaliya. Waxaa sidoo kale uu DR Maxamed intaas ku daray in dadka
ay raashinka gaarsiiyeen ay gaarayaan ilaa 7000 oo qoys, waxaana ay sidoo
kale wafidgan ka socday heyada kala duwan iyo ganasatada ee dhawaan soo
gaaray magaalada kismayo ay ballan qaadeen in ay wax ka qaban doonaan
dhinaca biyaha oo ay sheegeen in ay qodi doonaan afar ceel oo lagu dhimayo
baahida biyaha, sidoo kale ay wax ka qaban doonaan dhanka waxbarashada
ayadoo Dr. Maxamed uu booqasho gaaban ku tagay
Jaamacada Kismayo, halkaasoo uu
kulan iyo waliba wada tashi kula yeeshay madaxada jaamacada kismayo ayagoo
isla soo qaaday qodobo muhim ah oo ku saabsan jaamacada kismayo iyo sida ay
howlahdeeda u socdaan .
Ugu danbeyntii wafidgan ayaa waxaa la
filayaa in uu dhawaan dib ugu soo laabto magaalada kismayo ayadoo bilaabaya
howlaha samafalka ah ee ay u sameynayaan dadka ku dhaqan gobolka jubada
hoose iyo deeganada ku xeeran
cabdi qadar |
cabdiqadar84@hotmail.com
QAARKA KA TIRSAN
MAXAAKIIMTA ISLAAMIGA AH OO BAAQ NABADEED KA SOO SAAREY DAGAALADII ARBACADII
MUQDISHO KA DHACEY
kulan Maarso 22 ka dhacey
maxkamada islaamiga ah ee Xararyaale ayaa waxaa baaq loogu jeediyey qeybihii
Arbacadii ku dagaalamay
deegaanka
Galgalato ee duleedka magaalada muqdisho.
Ilaa sideed maxkamadood
oo kala ah maxkamada xararyaale, maxkamada siisii , maxkamada dharkeynley ,
maxkamada madiina , maxkamada dayniile, maxkamada kaaraan , maxkamadatowfiiq
iyo maxkamada siinai, ayaa shir jaraaid oo ay galabnimadii Arbacada ku
qabteen xarunta maxkamada islamiga ah ee xararyaale waxaa ay kaga hadleen
kana soo sareen baaq ka kooban ilaa afar qodob oo ay ka mid ahaayeen in
culumada somaliyeed ee ku dhaqan gobolka banadir ay si wadajir ah ugu
istaagaan joojinta iyo deminta colaadaha micno darada ah iyo dhiiga
walaaluhu ay iska daadinayaan.
Sida ay yiraahdeen
majiraan sabab ay ku sii socoto islayntaan waxeyna ka codsadeen umada
somaliyeed oo dhan in ay u istaagto sidee loo demin lahaa dabka ka shidan
muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah sidoo kale waxey u mahad celiyeen
gudigii dhawaan isku howlay in ay xabad joojin kala dhexdhigaan dhinacyadii
isku laayey magaalada muqdisho waxaa kale oo loo mahad celyey gudigii
taakuleynta abaaraha waxeyna ka codsanayaan in ay sii laba laabaan shaqada
ay bulshada u qabteen.
Maxkamadaha islamiga ah
oo shirkaan jaraaid qabtey ayaa waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in
dagaalada dhinacyada muqdisho ku dhexmarayo la joojiyo islamarkaane umadu ay
dhaxdooda isku gurmadaan abaaraha baahsan ee ku dhuftey gobolada koofurta
somaliya in wax laga qabto waxaa kale oo loo mahad celiyey shacbigii ka qeyb
galay dadaaladii kaalmooyinka loogu uruurinayey dadka ay abaaruhu
galaafteen.
MUUSE MAXAMUUD JISOW |
somali39@hotmail.com
SHUKRAN MALAYSIA

SHUKRAN MALAYSIA – Q.4aad
Sheekh Xasan Daahir Aweys “ hadii
ciidamo ajnabi ah carada soomaaliya ay soo galaan waxii cawaaqib xumo ah oo
ay la kulmaan iyaga masuuliyadeeda ay qaadi doonaan”
Sheekh Xasan Daahir Aweyn oo ka mid ah
culumaa’udiinka ugu waa weyn dalka soomaaliya gaar ahaan gobalkan Banaadir
ayaa soo bandhigay fikirkiisa ku aadan ciidamada safka hore ee la
qorsheynayo dhawaan iney soo caga dhigaan carada soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir “Hadii ay u soo diraana
waxii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada mas'uuliyadeeda ay qaadi doonaan,
isagoo tilmaamay in ciidamo horey u yimid Wadanka ay wax ka qaban waayeen”.
Waxuu kaloo intaasi Sheekha ku daran in
arinkaasi hadii lagu dhaqaaqo uu sababi doono dhiig daata iyo burbur hor leh,
waxa uuna umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xalistaan arimahooda, isagoo
tilmaamay in xalka mar qura uusan imaaneyn, isagoo intaasi ku daray in umada
ay isku dhiibaan allahooda ayna toobad keenaan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale
sheegay hadii ay dhacdo iney yimaadaan ciidamadaan la sheegayo gudaha
Soomaaliya ay midowga maxaakiimta jilibka dhulka u dhigi doonaan sidii ay
ugu bixin lahaayeen guud ahaan carada soomaaliya oo dhan.
Sheekha oo wajigiisa ay ka muuqatay cara
xoog leh oo ku aadan ciidamada safka hore ee dhawaan la rajaynayo iney soo
gaaraan gudaha Soomaaliya.
Mar ay saxaafada wax ka weydiisay Sheekha
hadal uu sheegay Ra’iisul wasaaraha dowlada FS Cali Max’ed Geedi oo uu ku
dhahay Midowga maxaakiimta argagaxiso ma ahan, waxa uu sheekh xasan ku
sheegay hadalkaasi inuu yahay mid iska dheh oo kaliya ah balse uu isaga
jecleen dadka is bad badalka badan waloow uu sheegay inuu aad ugu faraxsan
yahay hadiiba uu soo hanuunay Prof. Geedi waa sida uu sheekha hadalka u
dhigay.
Sheekh Xasan Daahir Aweys mar uu ka
hadalayay amniga magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Somaliya waxa uu xusay in
ay yihiin wax yar waxa ka dhaca Somaliya marka loo eego falalka dilka ah ee
ka dhaca dalalka ku taamaya in ay nabadda soo celinayaan sida Mareykanka oo
kale, isagoo tusaale u soo qaatay xilli Mareykanka uu sheegay in nabad uu ku
soo celinayo Somaliya uu maalin kaliya qudha ka jaray 70 ruux oo aqoonyahano
Soomaaliyeed ah, isagoo ku eedeeyay in ay geeystay falal kale oo aad u fool
xun waa sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay
dagaalkii dhexmaray midowga maxaakiimta iyo isbaheysiga la dagaalanka
argagaxisada waxa uuna xusay in uu u ahaa dagaal jihaad ah oo maxkamahada
kula dagaalamayeen dad aan aqoon diinta islaamka lacago yar yarna ka soo
xaabsaday wadamo cadowga islaamka ah sida mareykanka oo uu xusay.
Hadaba hadalkaan ka soo yeeray sheekh Xasan
Daahir Aweys ayaa waxa uu ku beegmay xili xaalada magaalada muqdisho ay
iminka degan tahay dhinaca kalena daraad ay madaxda urur goboleedka IGAD ay
isku raaceen in ciidamo ka socda gobolka loo diro gudaha dalka Soomaaliya si
ay u caawiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu
Email:
abdifitahaam@yahoo.com
Cell Phone: +2521277001
Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 23, 2006
Buugga Cusub ee Jidka Nabadda
Muqdisho
oo Ku Waaberiisatey Hugunka Rasaasta
Iska horimad hubeysan ayaa saakay
waaberigii ka dhacay degaanka Galgalato kaas oo...
Guji...
Mar 22
Max’ed
Dheere “C/llaahi waxaa la gudboon in uu si deg deg ah isu casilo..
»Buubaa: Ciidamada ka yimdi xerada
kongo waa ciidamo qaran
»Xildhibaan libaax “ciidamada laga keeney maaha kuwo qaran
»C/llaahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Baydhabo..
»Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo Gargaar gaarsiiyey
»Hay’adda CDHR oo qabtay wejigii saddexad ee siminaar..
»Bandow xalay lagu soo rogey magaalada Baydhabo...
»Dagaallo cadowga lagu naafeeyay...
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... Guji.... Mar 22