NIN GANACSADE AH IYO SARKAAL BOLICE AH AYAA LAGU DHEXDILAY GAARI PL AH
OO AY SAARNAAYEEN DAD RAKAAB AH
Labo nin oo la sheegay in
mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, kan kalena uu ahaa ganacsade ayaa lagu
dhex dilay baabuur nooca Koostarka ah oo ka yimid dhinaca suuqa xoolaha
una socday dhinaca suuqa bakaaraha xilli uu baabuurkaasi marayey
waddada warshada meel u dhow saraha Ceymiska.
Gaarigii oo sodo ayey Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa labada
nin ka mid ah madaxa ka toogtay, kadibna iska dhaqaaqeen, iyadoo aanan
la ogeyn sababaha loo dilay raggaasi, waxaana la keenay meydkooda
Isbitaalka Shifa, waxaana falkaasi xusuuqa ah walaac ka muujiyey dadka
waxgaradka ah oo ku tilmaamay in falkaasi uu yahay fal wuxuushnimo ah.
Dilak
noocaan ah ayaa waayadaan danbe ku so badanayo dalka oo dhan iyada
todobaadkaan mee;o ay ka mid yihiin baydhabo.garawe.hargeysa sidaan oo
kale dadloogu dilay wallow gacan ku dhiiglihii baydhao la sheegay in
goordanbe la soo qabtey ,
Muuse
Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Xiriirka
Khadka taleefanka ku dhexmaray Max’ed dheere & Barre Hiiraale
Warar lagu kalsoon yahay oo aan u ka
helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in uu jiro xiriir khadka taleefanka
ay ku wada yeesheen guddoomiyaha guddiga siyaasadda maamulka gobolka Sh/dhexe
Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere) & wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta
Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxaana ay warar ku dhow dhow
xiriirka labada nin sheegayaan in ay ka wada-hadleen dhacdooyinkii u
danbeeyey ee dalka gaar ahaan dagaalka haatan ka socda magaalada
muqdisho iyo waliba kulanka dowlada oga socda magaalada beydhabo oo sida
la wada ogsoonyahyaba aysan taagersanayn labadoduba.
Max’ed dheere oo horay si weyn ugu
taageeri jiray dowladda federaalka ayaa mar qura la soo baxay
mucaaradnimo xoogan oo uu kala hor-yimid madaxweynaha dowladda
federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana muddooyinkii u danbeeyey uu
billaabay in uu xiriiro la sameeyo hogaamiyeyaasha hubeysan oo horay
dagaalo afka ah ay u dhexmareen.
ilaa iyo hada lama garanayo waxaa ay
isku waafaqeen labadaan hogaamiye ee khadka telfoonka ku wada hadlay
balse waxaa ay meel gooni haatan oga soo wada jeedaan dowlada FKG ah ee
somaliiyeed taasoo ay qilaafsanyahiin.
cabdi khadar Nuur |
cabdiqadar84@hotmail.com
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane
Jurile oo Brussels uga qayb galaaya aqoon is waydaarsi loo furey Wasiiro
ka socda 14 dal iyo Madaxwayne Yusuf iyo Ra’iisulwasaare Geedi oo
dhowaan laga sugaayo Brussels, iyagoo ku saxiixi doona heshiis taariikhi
ah
Aqoon is waydaarsi laba maalmood soconaya
oo ka furmay magaalada Brussels ayaa waxaa ka qayb galaya Wasiirka
Qorsheynta Qaranka Dowlada Soomaaliya Mudane Cabdi Risaaq Jurile oo
isagu uga qayb galaayay DFKMG ah.
Seminaarkaan ayaa waxaa uu ahaa mid heer wasiir ah oo loo furey wasiiro
ka socda 14 dal marka laga reebo dalka Malawi oo uu uga soo qayb galay
ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, halka 13 dal ay uga soo qayb
galeen Wasiiro.
Seminaarkaan ayaa wuxuu ku saabsaan yahay Barnaamijka Horumar Wadaaga
Midoowga Yurub iyo dalalka Bariga,Waqooyiga iyo Indean ocean ka,
waxaana lagu qaadaa dhigaayaa qorshaha horumarinta shanta sano ee soo
socota.Furitaanka seminaarka
ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Horumarinta Gudiga Midoowga Yurub Mudane
Louis Michel, oo halkaasi kaga dhawaajiyey qorshaha Yurub iyo
barnaamijka horumarinta,.
Aqoon swaardisaagan dhinaca Soomaaliya
markii laga eego waa markii ugu horeysey muddo 15 sano ah uu wasiir ka
socda Soomaaliya kasoo qayb galo seminaar ama aqoon is waydaarsi heer
caalami ah oo arrimahaan looga hadlaayo.
Mudane Jurile oo iiga warbixiyay dareenkiisa ku aadan seminaarkan ayaa
ku tilmaamay ka qayb galka seminaarkaan inuu yahay guul usoo hoyatey
shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada Soomaaliyaba.
Imaatinka Mudane Juriile ayaa kusoo
beegmay xilli uu magaalada Brussels ka socdo shir waynaha Midoowga Yurub
oo ay Brussels ku sugan yihiin dhamaan madaxda iyo ra’iisulwasaareyaasha
Midoowga Yurub.
Dhinaca kale waxaa maalmaha fooda nagu soo haaya la filaayaa in ay
magaalada Brussels soo gaaraan Madaxwaynaha Dowlada ku meel gaarka ah
Mudane Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geedi oo kulamo kala
duwan la qaadan doonaa madaxda Midoowga Yurub iyo madaxda dowlada
Belgium.
Maalinta talaadada ah ayaa lagu wada in
ay hishiis wada saxiixdaan Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Madaxa Gudiga
Midoowga Yurub Mr. Barroso, heshiiskaan oo ah mid u ogolaan doona
dowlada Soomaaliya in la siiyo deeqo iyo dhaqaalo loogu talo galay dib u
dhiska Somaaliya oo ka gaar ah midka gargaarka ah, heshiiskaani ayaa ah
mid dabo socda kulan ay bishii November 2005ta wada yeesheen Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya Mudane Geedi iyo Madaxa Horumarinta Gudiga Midoowga
Yurub Mudane Michel oo uu ku balan qaaday inuu gaarsiin doono Soomaaliya
dhaqaalo kala duwan oo iskugu jira gargaar bini’aadanimo iyo mid dib u
dhis intaba.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya
Mudane Yuusuf ayaa maalinta talaadada soo socota ah wuxuu la kulmi
doonaa Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium Mr. Verhofstadt.
Saida Sheikh Ahmed (VIP)
EU Press Section
Brussels Belgium
saidavip1@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 23, 2006

Axmed Cawed Casharo |

Jeneral Cadde muuse xirsi |
Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay
Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...
"M
adaxweynaha
Puntland haka soo Dego Faraska Cad ee uu ku joogo..."
Madaxweynaha DGPL oo u
ambabaxay Dalka Yemen...
Boosaaso: Waxaa Arbacadii dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana uu ka duulay
garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaaso.
Lama faahfaahin ujeedada
Safarka Yemen ee xilligan iyadoo Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la
xiriira Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis, laakiin sheegata in ay
tahay Australian, taas oo rabta in ay Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo
aysan Dawlada Dhexe iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan
Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.
Idaacad ka hadasha Dalka
Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii arrinta shirkadaas iyo xaalada
Puntland waraysi kala
yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.
Waraysigaas waxa uu Casharo kaga hadlay
shirkada sheegata in ay tahay Australia, laakiin ka diiwaan Gashan
Jasiirada Maldavis, taas oo uu ku tilmaamay
shirkad cashuur ka carar ah.
Cawed Casharo waxa uu muujiyey sida uu
walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in
Madaxweynaha Puntland uu u garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan
Tekniko ah geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu dhigayo in
arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan Dawlad Goboleedku geli karin.
Waxana uu intaas ku daray in shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn
shirkad jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u dhaqmeysa sidii
burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.
Xildhiban Casharo waxa uu baq u diray
Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii
arrintaas wax looga qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe
ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada iyo arrimaha ka jira
Puntland.
"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan
la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la
hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad
ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan
in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo.
Waraysigaas oo uu
qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa
ka dhegeyso halkan....
(Australia SBS)
Si aad wax badan ug aogatid Muranka
Macdanta Puntlan, Akhri qoraaladii taxanaha ahaa ee:
PUNTLAND vs TERRY:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
Buugga Cusub ee Jidka Nabadda
Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkada Macdanta" ee ka
Taagan Puntland
»Hay'ado Islaami ah oo
Gargaar Gaarsiiyey Kismaayo
»Cadde Muuse oo u ambabaxay dalka Yemen...
»Maxkamadaha Islaamka oo soo saaray Baaq Nabadeed
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... Mar 23
Baxreyn oo
uu ka furmay shir looga magacdaray Gargaarka Nabi Muxamed NNKH
ABAARAHA
KA TAAGAN W/BARI KENYA OO MEEL HALIS AH MARAYA... Warbixin... Akhri
Ogeysiis Minnesota:
Xafal Mucaawino
Loogu Ururinayo Dadka ku wax yeeloobey Abaaraha Soomaaliya