Maalinii saddexaad ayuu
galay dagaalkii u dhexeeyay isbahaysiga la magacabacay la dagaalanka
Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana dagaalkaan lagu waramay
in uu yahay kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Muqdisho waaydaaan iyadoo la
isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Haddii aan warbixin kooban
idinka siino kii dhacay Maalintii Khamiista ahayd waxa uu xooggiisu ka
dhacay Waxara-Cadde, Cali Tucaaye, Geed Timir iyo Baqalo waxaana dagaalkaas
isna uu ahaa mid aad u xooganaa waxaana Maxkamadaha Islaamiga ah u
suuragashay in ay gacanta ku dhigaan bar koontarool oo ku taalay halkaasi oo
tagta Dekedda Ceel Macaan.
Dagaalkaas ayaa waxaa soo
galay dhowr Tikniko ah oo uu leeyahay Max’ed Dheere waxayna la sheegay in
gacanta looga dhigay labo Gaari oo Tikniko ah, iyadoo Maleeshiyooyinkii kaga
dhaawacmay dagaalkaasi loo qaaday Magaalada Jowhar, dagaalkaan waxaa kalloo
ku lug lahaa wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin, oo isagu xubin
ka ah Isbahaysiga la dagalanka Argagixisada, waxaana la sheegay in hal gaari
oo Tikniko ah looga qabsaday dagaalkaasi, balse waxay gubeen gaari ay
lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah.
Odoyaal ka tirsan beesha uu
ka soo jeedo Wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise ayaa iyagu heshiis xabad
joojin ah la galay dhinaca Maxkamadda, taasin waxay suuragelisay in dagaalku
ka is taago dhinaca Waxara-Cadde.
Dagalkaan shalay (Jimacdii)
oo xoogiisu ka dhacay Deegaanka Galgalato, Kaawooyinka iyo Mowlacaha Shiikh
Cali Cabdule ayaa waxaa la isku adeegsaday hub culculus waxaana si aad ah
looga maqlayay hubkaasi Magaaalada Muqdisho oo dhan waxaana la sheegay in
Maxkamadaha Islaamiga ah oo gacan siinaya Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani
ay u suuragashay in ay la wareegaan deegaanadii saddex bilood ka hor
dagaalku ka dhacay. Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee
uu socday dad gaaraya 120 qof, wadaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan,
iyadoo Isbitaalada Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad dhaawac oo laga
keenay goobihii uu dagaalku ka dhacay.
Dagaalkaan ayaa waxaa ku
dhaawacmay saraakiil ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada
waxaana ka mid ah nin ay walaalo yihiin Bashiir Raage oo lagu magacaabo
Cabdi Raage, waxaa kalloo ku dhaawacmay Ibraahim Jeebe, sidoo kale waxaa ku
dhaawacmay C/qaadir Beebe.
VOA oo ka warbixinaysa Dagaalka Soomaaliya: Dhegeyso...
Saraakiil sare oo ka tirsan
Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo ku dhaawacmay..
Saddexdii maalmood ee dagaalku ka socday
duleedka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu dagaalkaasi dhaliyay khasaaro isugu
jiray naf iyo maal, waxa uuna u dhexeeyay isbahaysiga loogu yeeray la
dagaalanka argagixisada iyo ciidamo ka socday maxaakiimta Islaamiga ah.
Warar rasmi ah oo aan helnay ayaa waxay
sheegayaan in dagaalkaasi uu ku dhaawacmay Nin la dhashay Bashiir Raage oo
lagu magacaabo Cabdi Raage, waxaa kalloo ku dhaawacmay Ibraahim Jeebo oo
isna ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee isbahaysiga la dagaalanka
argagixisada, waxaa kalloo ku dhaawacmay C/qaadir Beebe oo isna si aad ah
isugu dhow yihiin Bashiir Raage, waxaana la sheegay in dhamaantood yaalaan
Isbitaalka Keydsanay.
Baaqyo soo gaaraya kooxaha ku
dagaalamaya Magaalada Muqdisho ..
Waxaa baaqyo fara badan ay soo gaarayaan
kooxaha ku dagaalamaya Waqooyiga Bari ee Magaalada Muqdisho, waxaana
baaqyadaasi ay ka yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda
Federaalka.
Kulan ay ku yeesheen
Magaalada Baydhabo qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa
Cumar Xaashi Aadan Xasan Abshir Faarax iyo Caasha Axmed Cabdala oo iyagu u
soo jeediyay kooxaha dagaalamaya in ay dagaalka si shuruud la’aan ah ku
joojiyaan.
“aad baan ugu xunnahay in
wasiiro ka tirsan dowladda ay ku lug yeeshaan dagaalka dhibaatada ku ah
shacabka Soomaaliyeed” ayay yiraahdeen xubnahaasi.
Waxaa kalloo baaq diraya
Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo insa u soo jeediyay kooxaha
dagaalamaya in ay u turaan dadkooda, sidoo kale waxaa baaq u soo jeediyay
halgamaa Cali Shiddo Cabdi, oo isna sheegay in kooxaha dagaalamaya ay
kaashadaan caqliga oo ay joojiyaan Dagaalka.
Waxaa kalloo uu baaq ka
yimid Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha ee kala ah Ismaaciil jimcaale, Hay’adda
Nabadda iyo xaquuqda Aadanaha ee Elman, Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee
Gaashaan, Hay’adda Khaliif Huudow, Wanlaweyn Human Rights iyo Hay’ado kale
oo iyana welwel ka muujiyay dagaalkaasi waxayna u soo jeediyeen in dagaalka
la joojiyo.
Guddoomiyaha Baarla-maanka
oo khamiistii ku soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa mar uu u waramayay
saxaafadda waxa uu sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in dalka
Soomaaliya yimadaan ciidamo ka socda wadamada Safka hore.
“Haddii wadanka la keenayo
ciidamo waxay ku xiran tahay hadba sida uu u ogolaado Golaha Baarlamaanka”
ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan oo intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi
uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Wadamada IGAD in Soomaaliya
gacan ka siiyaan dhinaca nabadda iyo dib u dhiska.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha
waxa uu ugu baaqay kooxaha dagaalamaya in ay dagaalka joojiyaan oo ay waayo
shacabka Soomaaliyeed waa uu ka daalay dagaal sokeeye looma baahna in
waqtigaan mar kale loo abaabulo dagaal kale, ee waxay u baahan yihiin nabad
iyo dib u heshiisiin dhab ah.
Xus loo sameeyay Halgamaa C/llaahi
Ciise Maxamuud..
Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Saxafi
ee Magaalada Muqdisho ka dhacay xus balaaran oo loo sameeyay 18-guuradii ka
soo wareegtay markii uu geeryooday halgamaa C/llaahi Ciise Maxamuud, waxaana
ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno ka tirsanaan jiray
ururkii SYL oo uu horkacayay Cali Shiddo Cabdi.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi taariikhdii
C/llaahi Ciise ka soo jeediyay Bashiir Max’ed Cabdi oo isagu si aad ah ugu
dheeraaday taariikhdiisii waxa uuna sheegay in C/llaahi Ciise uu ku dhashay
Degmada Afgooye sanadkii 1922-kii, isagoo sheegay in isagoo yar uu Aabbihii
dhintay waxaana soo koriyay hooyadii.
Sanadkii 1938-dii ayuu ka baxay dugsiga
Sare, iyadoo sanadkii 1943-dii aasaasyadii naadigii SYL, waxaana 47-dii loo
doortay xoghayaha ururkaasi.
C/llaahi Ciise waxa uu dowladdii
Daaqiliga ahayd ka soo noqday Ra’isul Wasaare waxa uuna gacan ka gaystay
sidii loo xoojin lahaa midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa
ka mid ahaa Halgamaa Cali Shiddo Cabdi, wuxuuna ku dheeraaday isna
taariikhdii halgamaa C/llaahi Ciise oo uu sheegay in uu ahaa nin ay ka
go’nayd in Soomaaliya hesho xoriyad horumarna ay ku talaabsato, sidoo kale
waxaa isna halkaasi ka hadlay Siciid Cabdi Salaan oo sheegay in C/llaahi
Ciise uu ahaa nin aadaab badan isla markaana dulqaad iyo samir badan, sidoo
kale waxa uu sheegay in uu ahaa nin ay ka go’nayd in Soomaaliya hesho
saxaafad xor ah.
Sidoo kale waxaa ka hadlay C/qaadir
Ibraahim Gacal Abkow oo isna sheegay in C/llaahi Ciise uu ahaa ninkii
Soomaaliya u horseeday in ay xor noqoto, balse waxa uu nasiib daro ku
tilmaamay in halgankii loo galay xoriyadda ay maanta baabi’iyaan kooxo wata
dano gaar ahaaneed.
Intii ay socotay xafladdaasi ayaa waxaa
Baraanbur ka soo jeediyay Faadumo Cumar oo ka hadlayay halgankii C/llaahi
Ciise kaasoo ay si aad ah ugu qushuuceen dadkii dhageysanayay.
Xafladdaasi ayaa waxaa lagu bixiyay
shahaadooyin iyo koobab la siiyay shaqsiyaadkii iyo hay’adihii ka
qayb-qaatay xafladdaasi, iyadoo guddiga qaban-qaabada ay si weyn ugu
mahadceliyeen intii soo abaabushaday xafladdaasi, waxayna xafladdaasi ku soo
gebgabowada waji aad u wanaagsan.
C/llaahi Yuusuf oo shalay gaaray
Degmada Waajid…
Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bakool
waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed
uu shalay gaaray Degmada Waajid ee Gobalka Bakool, waxana horey u si
raaciyaWaajid ee Gobnalka Bakool, waxana horey u si raaciya Xasan Max’ed
Nuur (Shaar Guduud), Wasiirka arimaha Federaalka Cabdala Deerow Isaaq iyo
xubno kale waxaana halkaasi si aad ah ugu soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka
tirsan ciidamadii dhawaan laga keenay xerada kongo.
C/llaahi Yuusuf oo hadal u jeediyay
ciidamadaasi waxa uu sheegay in ciidamadaani ay yihiin ciidamo qaran oo uu
sheegay in ay ka qayb-qaadan doonaan xasilooniada wadanka, waxaa kalloo la
sheegay in Ciidankaan lagu soo biiri doono ciidamo kale oo laga keeni
Gobalada wadanka oo dhan, waxaana la sheegay in halkaas looga furi doono
tababar qaadan mudo saddex bilood ah.
Isla shalay ayuu Madaxweynuhu ku soo
laabtay Magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa in uu maanta u ambabaxo dalka
Bilgium.
Caasha Axmed Cabdala “labo arrimood
waa in ay isku casishaa Dowladdu”..
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala oo ka
mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kuna sugan Magaalada Baydhabo ayaa mar ay
ka hadleysay siminaar ku saabsanaa xal u helidda arrimaha Soomaaliya ayaa
waxa ay markii ugu horeysay baaq u jeedisay kooxaha ku dagaalamaya Magaalada
Muqdisho.
“Dowladda uu Madaxda u yahay Cali Max’ed
Geedi waa in ay labo arrimood isku casishaa, waa midda horee waxay ka
baaqsaday in ay wax ka qabato abaaraha ka taagan guud ahaan dalka, sidoo
kale waxa ya ka baaqsatay in ay wax ka qabato wasiirada hubeysan ee bulshada
dhibaatada maalin kasta ku haya” ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala
oo intaa raaciyay “Dowladdu waxay rabtaa in ay wadato Gawaari cad cad oo
qaali ah iyadoo ay dadkeedii gaajo ay maalin walba u dhimanayaan waan arrin
nasiib daro ah”.
Maalinta Qaaxada Adduunka oo laga
xusay dalka..
24-ka Maasro oo ku beegan Maalinta
Qaaxadda Adduunka ayaa xaflad lagu maamuusayay maalintaasi waxay ka dhacday
xarunta ka hortaga Qaaxada ee Magaalada Baydhabo, waxaana ka qaybgalay xubno
ka tirsan Dowladda Federaaka oo uu hogaaminayo wasiirka Iskaashiga Gobalka
Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uuna sheegay in cudurka Qaaxada uu dhibaato ku
hayo bulshada caalamka gaar ahaan wadamada soo koraya.
Wasiirku waxa uu sheegay in cudurkaani
Soomaaliya uu aad ugu badan yahay uuna sii kordhay xiligii dagaalada Sokeeye
maadaama aysan jirn dowlad fulin karta mashruucyada daaweynta looga hortago
cudurkaasi.
Xarunta Qaaxadaa ee baydhabo oo soo
qabanqaabisay siminaarkaan ayaa waxay sheegtay in sanadkii la oo dhaafay ay
diiwaangeliyeen 1200 oo Qof bugaan oo qabay cudurka Qaaxada, kuwaas oo ay
sheegtay in ay ka yimaadeen deegaanada ku dhow dhow Magaalada Baydhabo.
Xaflado iyana lagu xusayay maalinkaa ayaa
sidoo kale ka dhacay guud ahaan dalka, iyadoo xafladihii ka dhacay Magaalada
Muqdisho lagu oo bandhigay dhibaatada uu cudurkaasi ku hayo bulshada
Soomaliyeed, waxayna Takhaatiiru u soo jeediyeen dadka qaba cudurkaasi in ay
la soo xiriiraan mar kasta Dhakhaatiirta si looga daweeyo cudurka.
W/.D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com