SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 26, 2006

  • Arday Soomaaliyeed oo Galay kaalinta koowaad Jaamacadda Islaamiga ah ee Uganda (I.U.I.U)

  • Warar ku saabsan dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho...

  • Mid ka mid ah ragga isku haysta xubintii uu ka geeryooday Xildhibaan Max’ed Xaashi Gaani oo..

  • C/llaahi Yuusuf oo dagaalka Muqdisho ku tilmaamay mid Umolo-doox ah...

  • Hay’ado ka tirsan kuwa xaquuqda Adaanaha oo walaac ka muujiyay dagaalka Muqdisho...

  • Baaq Uu Wasiirka Dib U Dhiska Xildhibaan Barre Hiiraale U Jeediyay Dhinacyada Ku Dagaallamaya Muqdisho


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN


Burburka Bangigii Ganacsiga ee Soomaaliya ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Muqdisho sannadihii soddonkii (1930)

Muqdisho: 1930's | Isha sawirkan: http://www.swan.ac.uk

Arday Soomaaliyeed oo Galay kaalinta koowaad Jaamacadda Islaamiga ah ee Uganda (I.U.I.U)

Maanta waxa ay u ahayd ardayda soomaalida ah oo waxka barta jaamacadda islaamka eek u taal magaalada Mbale ee dalka Uganda.

Waxaa Sabtidii jaamacaddaas oo lagu magacaabo Islamic University In Uganda, Oo magaceeda loo soo gaabsho I.U.I.U  kaqalin jabiyay arday soomaaliyeed oo dhan 35 oo iskugugu jira wiilal iyo gabdho.

Ardayda soomaaliyeed oo awal tiradooda guud ay ahayd 208 arday ayaa waxa ay markii sadexaad ku guullaysteen in uu kasoo dhexbaxo qofka koowaad ee jaamacadda ugu horeeya. Labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa numberka koowaad waxaa ku`kala guullaystay  C/laahi Shariif oo asagu iminka  isla jaamacaddaas macalin ka ah iyo sanadkii kale oo uu kaalinta koowaad ku guullaystay,  Maxamed cumar.

Sanadkan ayaa waxaa ku guulaystay in uu noqdo ninka numberka ugu horeeya noqda C/laahi ibraahim. Waa markii koowaad oo arday soomaaliyeed oo tiro intaas dhan ay ka qalin jabiyaan jaamacad ku taala Uganda. waxaa maanta laga dareemi karay jaamacadda dhexdeeda iyo guud ahaanba meellaha ay soomaalidu ka dagan tahay magaalada Mbale farxad iyo socod dheeri ah.

Ardayda waxka barata jaamacadda I.U.I.U ayaa ayagu waxa ay caawa iskugu imaanayaan xaflad balaaran oo loosameeyay ardaydii qalin jabisay ayada oo si gaar ah loogu sharfaayo C/laahi ibraahim oo ah ninka maanta ay soomaalidu sida aadka ah ugu soo tahniyaddaynayeen ugu hambalyeynayeen..

Waxaa ii suurta gashay in aan waydiiyo dareenkiisa maanta halka uu marayo waxa uuna iigu jawaabay maanta waa maalin ka mid ah maalmihii iigu farxadda badnaa. Alle ayaana ku mahadinayaa, guusha iyo sumcadda aan usoo hoyiyay  ardayda soomaaliyeed.

Guud ahaan ardayda soomaaliyeed oo waxka barta jaamacadda I.U.I.U iyo dadka ku nool magaalada  Mbale ayaa waxa ay ayaguna tahniyad u dirayaan, C/laahi Ibraahim.

Qodobada iyo khudbadaha shirka caawa dhacayana waan idiin soo tebin doonaa haddee Allah idmo..

Maxamed dhagaafe cilmi Mbale Uganda
m_dhagaafe@hotmail.com
+256782770872

Warar ku saabsan dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho...

Maalintii afraad ayuu galay dagaalkii u dhexeeyay Abuukar Cumar Caddaani iyo Bashiir Raage oo taageero ka kala helaya Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kooxaha isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada, waxa uuna dagaalkaani xoogiisu ka dhacay shalay deegaanka Galgalato oo ahayd halkii xudunta u ahayd labada ganacsato dagaalkooda.

Dagaalkii shalay (Sabtidii Maarso 25) oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fuduba ayaa waxaa shalay ku dhintay dagaalkaasi ilaa iyo 20 qof guud ahaan marka la isku daro afartii maalmood ee dagaalku socday waxaa ku geeryooday dad gaaraya 140 qof.

Maxamuud Cumar Caddaani oo ay walaalo yihiin Abuukar Cumar Caddaani oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Ramadaan ayaa waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay dhamaan gacanta ku dhigeen dekeddii Ceel-Cadde ee uu shidaalku ka degayay iyo garoonka Diyaaradaha ee Cisaley, isagoo sheegay in dagaalku uu u soo wareegay dhinaca Degmada Kaaraan, ahse yeeshee afhayeen u hadlay Isbahaysiga la dagaalanka "Argagixisada" ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Ibahaysigu ay ku sugan yihiin goobihii ay horey ugu sugnaayeen isagoo beeniyay warkii ka soo yeeray Maxamuud Cumar Caddaani.

Weriye ka tirsan Wargeyska oo shalay soo maray deeganaadaasi ayaa waxa uu indhihiisa ku soo arkay in Ciidamada Abuukar Cumar Caddaani ay ku sugan yihiin deegaanada Galgalato, Ciil-Cadde, Ceel-Macaan iyo Cisaley, waxaa kalloo uu sheegay in Gawaari sida shidaal fara badan iyo noocyada raashinka ay shalay ka soo baxayeen labadaas dekedood kuwaasoo si toos ah u imaanayay Magaalada Muqdisho.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa si aad ah loo maqlayay rasaas aad u xoogan, waxaana wararku qaar sheegayaan in isbahaysigu uu soo rogaal celiyay dagaalka, iyadoo la sheegay in uu gacan ka helayo dad ay isku xulufo yihiin.

Mid ka mid ah ragga isku haysta xubintii uu ka geeryooday Xildhibaan Max’ed Xaashi Gaani oo..

Sida uu ku soo waramayo Weriyaheena Magaalada Baydhabo Waxaa shalay ka dhacay Hoolka Shirarka Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo arrin naxdin leh kaddib markii uu buuq halkaasi ka sameeyay Sharmaake Maxamed Xaaji Gaani oo ka mid ah ragga isku haysta xubintii uu ka geeryooday Gen. Gaani.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa markii uu soo galay hoolalaka Shirka waxa uu amar ku bixiyay in Sharmaake uusan soo geli karin gudaha hoolka Baarlamaanka uunsanna ahayn nin ka tirsan Golaha Shacbiga, intaas kaddib ayaa Sharmaake waxa uu isku dayay in uu soo galo gudaha Baarlamaanka balse waxaa is hor taagay ciidanka Booliiska ee ilaalinayay fadhiga Baarlamanka.

Sharmaake markii loo diiday in uu galo gudaha ayuu gacan ka hadal ula tagay ciidankii Nabadgelyada, markii cabaar buuq dhex maray ayaa nin ka mid ah ciidankii ilaalada halkaas ka ahaa ayaa waxa uu la soo booday Qori, inta uu ammaanka ka jartay ayuu damcay in uu xabad ka rido, laakiin nasiib daro xabaddii ayaa kadimta, mid kale ayuu ku riday iyana way kadimtay, intaas markii ay dhacday ayaa Sharmaake Max’ed Xaashi Gaani uu arkay in xaalku uusan caadi aheyn ayuu isaga huuleelay goobtii.

Markii kulanka Baarla-maanka dhamaaday ayaa waxaa Shir jaraa’id qabtay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan, waxa uuna guddoomiyaha Baarla-maanka ku eedeeyay in uu ka dambeeyay in la xabadeeyo Sharmaake Max’ed Xaaji Gaani, waxa uuna yiri “Guddoomiyaha Baarlamaanku waa gacan ku dhiigle umana qalmo in uu noqdo Guddoomiye Baarlamaan”.

C/llaahi Yuusuf oo dagaalka Muqdisho ku tilmaamay mid Umolo-doox ah...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay u ambabaxay dalka Bilgium kaddib markii uu martiqaad ka helay midowga Yururb ayaa waxa uu wareysi siiyay saxaafadda, waxa uuna sheegay in safarkiisu uu la xiriiro sidii ay heshiis Dowladdiisu ula soo saxiixan lahayd midowga Yurub oo ku saabsan mashaariicda la doonayo in la hirgeliyo dalka sanooyinka soo socda, waxaana Madaxweynaha sii raacaya Ra’isul Wasaare Cali Max’d Geedi oo haatan ku sugan Nairobi waxayna si wadajir ah uga qayb-galayaan shirka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Khartuum.

C/llaahi Yuusuf mar waxa laga weydiiyay dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku timaamay mid Umo-doox ah, isagoo sheegay in Dowladiisu ay aad uga xun tahay in dagaalkaasi ay ku lug yeeshaan Wasiiro ka tirsan Dowlada.

“Dagaal noocaas ah markii ay gelayaan waxay ahayd in ay iska siibaan shaarka Wasiirnimo oo ay is casilaan” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo intaa raaciyay “waxaan aaminsanahay in dalka ay ku sugan tahay argagixio, shaqsiyaad ayaana ah argagixiso ee ma ahan shacabka, waxayna ahayd in ay si toos ah u abaaraan kuwaas”, Wuxuuna sheegay C/llaahi in uu aad uga xun yahay in lagu kar dagaalamo shacabka masaakiinta ah, haddiise ay dagaal hureyn waa in laga dhex baxaa shacabka.

Hay’adihii Samafalka oo gebi ahaan isaga baxay Magaalada Jowhar ...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Hay’adihii Samafalka ee ka howlgalayay Magaalada Jowhar ay shalay isaga baxeen halkaasi.

Bixitaanka Hay’adahan ayaa waxaa la sheegay in ay la xiriirto iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku uu ku faafo Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe kaddib markii Max’ed Dheere uu ku lug yeeshay dagaalka ka socda Magaalada Muqdiso isla markaana uu xubin ka yahay waxa loogu yeeray isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Dhowr diyaaradood ayaa ka daadgureysay Hay’adahaasi Magaalada Jowhar, waxaana si ku meel gaar ah loo geeyay Magaalada Nairobi illaa ay iska bedeleyso arrintu.

Mid ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha samafalka oo u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay amar ka heleen Madaxda Hay’adahooda saasna ay uga baxeen Magaalada Jowhar.

Hay’ado ka tirsan kuwa xaquuqda Adaanaha oo walaac ka muujiyay dagaalka Muqdisho...

Hay’adaha kala ah Hay’adda nabadda io xaquuqda Aadanaha ee Elman, hay’adda Sed-Huro HR Kismaanyo, Hay’adda Hilaal HR-Baladweyne, East African Media Institude-Mogadishu iyo dhamaan bahda difaacayaasha xaquuqda aadanaha waxay wadajir u cambaareynayaan dagaalka beryahaan ka socday Muqdisho kaasoo sababay qasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur dhaqaale, barakac iyo argagax.

Hay’adahani waxay Welwel iyo walaac ka qabaan xaaladda nabadgelyo iyo mida nololeed ee dadkii ku barakacay dagaalkaan oo u badan dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, hay’addu waxay ugu baaqayaan kooxaha dagaalamaya in ay si shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka, waxayna ku tilmaameen mid xadgudub ku ah Diinta Islaamka, Xaquuqda Aadanaha, Dhaqanka Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha kaasoo sheegaya in qof walba uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad, waxaana War-Saxaafeedkaan loo wakiishay Eng. Suudaan Cali Axmed.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Baaq Uu Wasiirka Dib U Dhiska Xildhibaan Barre Hiiraale U Jeediyay Dhinacyada Ku Dagaallamaya Muqdisho

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com

Wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah, ahna guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba  Barre Aadan Shire ayaa waxa uu markii ugu horreysay Sabtidii ka hadlay dagaallada u dhexeeya labada garab ee kala taageersan Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar Caddaan ee ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiirku waxa uu sheegay in dagaalladaas Muqdisha ka socda maalinkii 4aad ay yihiin dagaallo nasiib darro ah, waxase ka sii daran inay sii socdaan ayuu raaciyay, waxana uu intaas ku daray in dagaalladaas oo ay dad badan oo rayid ahi ku dhinteen oo ay ka mid tahay Aamina Sahra Macallin C/qaadir oo 3 bilood jirta 3 xabbadoodna ay ku dhaceen oo iminka taalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisha in loo baahan yahay in dadka rayidka ah loo naxo oo la badbaadiyo.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dagaalkaas ayaa waxa uu Barre Hiiraale sheegay in ay hanti badan ku baaba'day oo weliba ay dad rayid ah leeyihiin, waxana ku dhintay dad ku dhow boqol qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka waxa uu baaq u jeediyay dhinacyada is haya ee ku hardamaya magaalada Muqdisho dhinaceeda bari ee dagaalkoodu uu 4 maalin jirsaday, waxa uu ugu baaqay dhinacyada is hayaa inay si shuruud la'aan ah dagaalka u joojiyaan, isla markaasna khilaafkooda ka wada hadlaan, kuna dhameeyaay jawi xasilloon.

Mar aannu wax ka weydiinnay wasiirka in Isbahaysiga dooxada Jubba uu ka qayb galay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in aanay arrintaasi jirin isla markaasna taliyaha ciidammada isbahaysiga dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) uu iminka ku sugan yahay degaanka Ceeljaalle ee gobolka Shabeellada Hoose isla markaasna uu fasax kaga maqan yahay isbahaysiga dooxada Jubba isla markaasna uu reerkiisa halkaas u deggan yahay.

Ma ahan oo keliya wasiirka cidda baaqa u direysa garabyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale baaq kaas la mid ah u diraya dhinacyada isku haya Muqdisho ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Kismaayo iyo aqoonyahanno ku sugan Kismaayo.

Baaqyadanna waxa ay ku soo beegmayaan xilli dagaalkii Muqdisho uu sii xoogeysanayo oo uu galabta oo Sabti ahna mar kale dib uga billowday degaanka Galgalato.

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2006


WARARKII KHAMIISTII &  JIMCADII

Warbixin ku saabsan dagaalkii ka socday Magaalada Muqdisho...

Dagaalkaan waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee uu socday dad gaaraya 120 qof...

Maalinii saddexaad ayuu galay dagaalkii u dhexeeyay isbahaysiga la magacabacay la dagaalanka Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana dagaalkaan lagu waramay in uu yahay kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Muqdisho waaydaaan iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Haddii aan warbixin kooban idinka siino kii dhacay Maalintii Khamiista ahayd waxa uu xooggiisu ka dhacay Waxara-Cadde, Cali Tucaaye, Geed Timir iyo Baqalo waxaana dagaalkaas isna uu ahaa mid aad u xooganaa waxaana Maxkamadaha Islaamiga ah u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan bar koontarool oo ku taalay halkaasi oo tagta Dekedda Ceel Macaan.

Dagaalkaas ayaa waxaa soo galay dhowr Tikniko ah oo uu leeyahay Max’ed Dheere waxayna la sheegay in gacanta looga dhigay labo Gaari oo Tikniko ah, iyadoo Maleeshiyooyinkii kaga dhaawacmay dagaalkaasi loo qaaday Magaalada Jowhar, dagaalkaan waxaa kalloo ku lug lahaa wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin, oo isagu xubin ka ah Isbahaysiga la dagalanka Argagixisada, waxaana la sheegay in hal gaari oo Tikniko ah looga qabsaday dagaalkaasi, balse waxay gubeen gaari ay lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah.

Odoyaal ka tirsan beesha uu ka soo jeedo Wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise ayaa iyagu heshiis xabad joojin ah la galay dhinaca Maxkamadda, taasin waxay suuragelisay in dagaalku ka is taago dhinaca Waxara-Cadde.

Dagalkaan shalay (Jimacdii) oo xoogiisu ka dhacay Deegaanka Galgalato, Kaawooyinka iyo Mowlacaha Shiikh Cali Cabdule ayaa waxaa la isku adeegsaday hub culculus waxaana si aad ah looga maqlayay hubkaasi Magaaalada Muqdisho oo dhan waxaana la sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah oo gacan siinaya Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani ay u suuragashay in ay la wareegaan deegaanadii saddex bilood ka hor dagaalku ka dhacay. Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee uu socday dad gaaraya 120 qof, wadaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, iyadoo Isbitaalada Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad dhaawac oo laga keenay goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxaana ka mid ah nin ay walaalo yihiin Bashiir Raage oo lagu magacaabo Cabdi Raage, waxaa kalloo ku dhaawacmay Ibraahim Jeebe, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay C/qaadir Beebe.

VOA oo ka warbixinaysa Dagaalka Soomaaliya: Dhegeyso...

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Warbixin ku Saabsan Dagaalka Muqdisho...
»120 Qof oo ku dhintay dagaalkii saddexda maalmood
»Saraakiil sare oo ka tirsan Isbahaysiga la dhaawacmay..
»Baaqyo soo gaaraya kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho..
»Xus loo sameeyay C/llaahi Ciise Maxamuud..
»C/llaahi Yuusuf oo shalay gaaray Degmada Waajid…
»Caasha Axmed: labo arrimood waa in ay isku casishaa..
»Maalinta Qaaxada Adduunka oo laga xusay dalka..
»Ururada bulshada rayidka ee W.Bari kenya oo Cambaareeyay
»Britain oo sheegtyay in Argagixiso ay joogto Muqdisho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 25

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD