Email:
Ingiriis@yahoo.com
Xubin
ka
mid ah Guddigii dhex dhexaadinta kooxihii ku dagaalamay Muqdisho oo isaga
baxay guddigaasi..
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Iyadoo maalintii
shalay ahayd subaxnimadeedii loo ballansanaa in heshiis xabad joojin ah la
dhex dhigo ganacsatada kala ah Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar
Caddaani oo gacan ka kala helaya Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa kulan la iskugu imaan lahaa ka
baaqday mid ka mid ah guddiyadii loo diray kooxihii dagaalamyay, waxaana la
sheegay in 5-tii Subaxnimo ay yimaadeen Mowlaca Shiikh Muxiyadiin Cili oo uu
ka socday howlihii dhex dhexaadinta. Waxay sheegeen dhinacaas baaqday in
haddana la isugu yimaado galabnimadii shalay ahayd, haddana waxay soo
jeediyeen in looga dhigo maanta, waxaase arrintaani si aad ah uga carooday
mid ka mid ah guddiga dhex dhexaadinta oo lagu magacaabo Shiikh C/qaadir
Shiikh Max’ed Soomow oo isagu saxaafadda u sheegay in uu gebi ahaanba ka
baxay kulamadii dhex dhexaadinta ahyd ee uu ka dhex waday labadaasi kooxood
ee dirirtu u dhexeysay. “waxaa loo baahan yahay in guddigu uu dhex dhexaad
ka noqdo maadaama loo xilsaaray in ay gacan ka gaystaan daminta colaad u
dhexeysa dad walaalo ah, balse taasi ma dhicin” ayuu Shiikh Soomow yiri oo
intaa raaciyay “Ma ahan in aan dadka u sheegto been iyo wixii la mid ah”.
Shiikh Soomow waxa uu sheegay in marka la dhex dhexaadinayo laba kooxood loo
baahan yahay in si daacadnimo ah loo kala dhex galo si halkaasi ay uga soo
baxdo dib u heshiisiin dhab ah. Waxa uu sheegay Shiikh Soomow in garab ka
mid ah guddigii loo xilsaaray kooxihii dagaalamay ay keeneen waxyaabo aan la
gaarin, isagoo sheegay in lagu balamay in marka hore heshiis xabad joojin ah
la kala dhex dhigo kooxaha dagaalamaya. “Haddii an la helin xabad joojin
markahore wax hagaagayaa ma jiraa, wax walbana sidaa ayay u kala horeeyaan”
ayuu yiri Soomow oo sheegay in uusan mar dambe dib ugu soo laaban doonin
guddigaasi ilaa ay la yimaadaan is bedel dhab ah. Guddiga dhex dhexaadinta
ayaa iyana sheegay mar ay u waramayeen saxaafadda in ay sii wadi doonaan
howlaha ay ku dhex dhexaadinayaa kooxihii ku dagaalamay Muqdisho.
C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi
oo maanta saxiixaya heshiis dhex maraya dowladdiisa iyo Midowga Yurub…
Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo haatan ku
sugan dalka Bilgium ayaa la filayaa in maanta ay saxiixaan heshiis u
dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo midowga Yurub kasoo ku kacaya 16-Milyan oo
Doolar.
Heshiiskaan
ayaa dhowr jeer baaqday, taasoo la sheegay in ay ugu wacneyd khilaafka
hareeyay xubnaha dowladda ee iyagu kala degay Magaalooyinka Muqdisho iyo
Jowhar.
Heshiiskaan
ayaa waxa uu dhigayaa in midowga Yurub ay mashaariic dhinaca horumarint aah
ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya sanooyinka soo socda, iyadoo
heshiiskaan loo qaybiyay dhowr waji, oo wajiga hore ku baxayso lacaga
gaareysa 16-Milyan oo Dooalr.
Madaxweynaha
iyo Ra’isul Wasaaraha marka ay soo gebagabeeyaan heshiiskaan waxay si dhaqsi
leh ugu soo duuli doonaan dalka Suudaan oo ay kaga qaybgali doonaan kulanka
Jaamacadda Carabta oo la filayo in uu bilowda 31-ka bishan waxaana shirkaas
si wadajir ah uga qaybgali doona saddaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda.
Wasiir ka tirsan Dowladda
Federalka oo loo dhacay gaarigiisii Magaalada .
Wasiir ka
tirsan Dowlada Federaalka ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
Ibraahim Max’ed Isaaq (Ibrow) ayaa gaarigiisii lagu dhacay Magaalada
Baydhabo kaddib markii ay soo weerareen koox dabley ah oo la sheegay in ay
ka koobnaayeen lix oo ku hubeysnaa qoryo fudud.
Wasiirka mar
uu u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uusan garaneyn cidda ka
dhacday gaarigaasi iyo sababaha loo dhacay, waxa uuna intaasi raaciyay
“Guriga Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa iga soo raacay kooxda dableyda
ahayd ee dhacday gaarigeyga waxaana u maleynayaa in Gaarigeyga loo dhacay
nin Suuqa Xoolaha Baydhabo looga dhacay dhowr Malyan oo Shillin Soomaaliya
ah, isna uu u xareystay saddex gaari”. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay
Wasiirku in uu la xiriiray guddiga nabadgelyada ee Magaalada Baydhabo
iyagana waa ay ka gaabsadeen in ay wax ka qabtaan arrintasi.
Dugsiga Tababarka Carmo oo loo soo rarayo Magaalada..
Warar aanu ka
helnay Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in dugsigii Tababar Ciidanka
Booliiska ee Deegaanka Carmo ee Gobalka Bari dhawaan loo soo rari doono
Magaalada Baydhabo.
Dugsigaas oo
ay ku xareysan yihiin ilaa 600 oo Ciidan ah ayaa waxaa halkasi uga socda
tababar, waxaana la filayaa in dhawaan loo soo gebgabeeyo tababarkaasi,
kaddibna ciidankaasi loo soo raro Magaalada Baydhabo si ay gacan uga
gaystaan arrimaha nabadgelyada Dusigaan oo uu furay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa waxaa maalgeliyay Hay’ado samafal oo caalami ah, iyadoo
marka loo soo wareejiyo Magaalada Baydhabana howlihii dugsigaasi halkii laga
sii wadi doono, waxaana la filayaa in dugsigaasi lagu xareeyo ilaa iyo 1200
oo askari oo laga keeni doono dhamaan Gobalada Koonfureed.
AVV. C/raxmaan Abuu Xamza
“Dagaalada ka socda Muqdisho waxay argagax geliyeen Qurba jooga...”
C/raxmaan Abuu Xamza oo ah Guddoomiyaha
Naadiga Qurba Jooga Soomaaliyeed (SODIF) ayaa waxa uu sheegay in naadigiisu
uu aad uga xun yahay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho kuna tilmaamay
kuwo lagu dubanayo hilibka Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah jiilka
Soomaaliyeed ee soo koraya.
“Waa in ay ogaadaan kuwa
dagaalada hurinaya iyo kuwa taageerayaasha ahba in Xabadda Xamar ka dhaceysa
ay argagixineyso qof kasta oo Soomaali u dhashay meel kasta dunida ha ka
joogee, sidoo kale kuwa xaq darada iyo dulmiga taageeraya way la wadaagayaan
mas’uuliyadda ka dhaleysa dhiigga Muslimiinta ee la daadinayo” ayuu yiri
Guddoomiyaha oo intaa raaciyay “Waxaa xuus ku dhacaya iyo rajo xumo kuwa ku
fekeray in ay maalgashi ku sameeyaan dhulkooda, haddaba waxaa nasiib daro in
dunida meel loo carara aysan jirin oo dunidii oo dhan aya albaabada naga
xiratay, mana jirto cid hadda kaddib na soo dhaweyneysa”.
Ugu dambeyntii
guddoomiyaha waxa uu u soo jeediyay Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada,
Hogaami-yaasha dhaqanka iyo Qurba jooga Soomaaliyeed ee dunida in dagaalada
si dhaqsi leh loo soo afjaro, waxa uuna ilaah uga baryay in dagaal
oogayaasha ummadda hagaalamay uu hanuuniyo ama ka qabto ummadda iyaga iyo
waxa taageerayaba.
300 oo Askari oo loo tababarayo ilaalinta C/llaahi
Yuusuf iyo Geeddi ...
Warar aanu ka helnay
Madaxtoonyada Madaxweyne Cllaahi Yuusuf waxa ay sheegayaan in dhawaan
Magaalada Mombassa ee dalka Kenya 300 oo Askari oo ilaalo u noqon doona
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Waxaare Cali Max’ed Geeddi.
Askartaan oo loo
tababarayo qaabka loo ilaaliyo madaxda dowladda ayaa waxa uu tababrkoodu
socon doonaa mudo labo bilood ah, waxaana haatan socda xulidda ciidamadaasi.
Madaxweynaha iyo Ra’isul
Wasaaraha ayaa dhawaan guddi u saari doona oo soo xula Ciidamadaasi oo la
filayo in maalmaha soo socda loo qaado Magaalada Mombassa.
Mashruucaan lagu
tababarayo ciidamada oo la filayay in uu bilowado kal hore ayaa baaqday
kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay xubnaha sar sare ee Dowladda,
iyado Hay’adda Maalgelineysa ciidamadaasi ay shuruud uga dhigtay tababarka
ciidamadaasi in marka hore ay heshiis gaaraan mas’uuliyiinta sarsare ee
Dowladda.
Sanadkii hore ayay ah ayd
markii saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska loo qaaday dalka Uganda
halkaas oo ay tababar hal bil ah ku soo qaateen, hase yeeshee xulidoodii
waxaa ka dhashay muran.
Buula Ajuuraan ee Boosaaso oo dab qabsaday...
Warar ka naga soo
gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd uu dab qabsaday Buula Ajuuraan oo baria kaga taal magaalada
Boosaaso, waxaana dabkaasi la sheegay in ay ku dhaawacmeen shan qofood oo ka
mid ahaa dadkii qaxootiga ahaa ee ku jiray xeradaasi.
Dabkaas oo gebi
ahaanba baabi’iyay xeradaasi ayaa waxaa markii dambe u soo gurmaday
dadweynaha ku nool Magaalada Boosaaso oo ku guuleystay ina y dabkaasi
baqtiyaan.
Dadkii ku jiray
xeradaasi oo haatan ku sugan meel cidla ah ayaan haysan Raashin, Hoy ay
galaan iyo maamulka Gobalka Bari uu ka gaabiyay in dadkaasi ay wax u qabtaan.
Sanadkii hore
ayay ahayd markii Xaafadda Buula Eelaay ee Magaalada Boosaaso uu iyana dab
baabi’iyay waxaana khasaaro ba’ani ka soo gaartay dadkii halkaasi ku jiray.
Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
K
ULAN
MADAXEEDKA JAAMACADA CARABTA OO BARI FURMAYA.
Madaxda Dalalka ku jira Jaamacada Carabta
ayaa bari kulan uga furmayaa Xarunta wadanka Suudaan ee Khartuum,kulanka
ayaa ka duwan kuwii hore ay jaamacada carabtu isku imaan jireen waayo
xiligan waxaa hor yaala dhowr mushkiladood oo muuqaalo naxdin leh ku soo
kordhiyay wadamo badan oo ku jira jaamacada carabta.
Xaaladda Dalka Ciraaq ayaa ah mid ka sii
daraysa maalinba maalinta ka dambaysa waxaana ku dhimanaya saacad walba
dadka reer ciraaq,dagaalka ay ururka wax iska caabinta
reer ciraaq ku hayaan ciidamada isbahaysatada Maraykanka iyo Ingriiska
waxaa ugu sii darmay mid dhexdooda ahoo qaab Diimeed u dhacay kaas oo
galaaftay dad badan masaajido kala duwan lagu burburiyay Dalka ciraaqna
waxa uu ka mid yahay wadamada jaamacada carabta ugu jira ajandayaasha ay
ka wadahadli doonaan
Arrinta kale ee hortaala Madaxda Jaamacada
Carabta ayaa ah xaaladda siyaasadeed ka taagan dalka falastiin.kadib
markii uu doorashooyinkii january ku guulaystay Ururka Xamaas oo si weyn
ay u rumaysan yihiin wadamada Maraykanka iyo yurub qaar ka mid ah inuu
yahay Urur Argagaxiso.
Wadamadan
oo horay dhaqaale u siin jiray wadanka ayaa ku dhawaaqay in ay ka
goosanayaan dhaqaalaha ay siiyaan falastiin hadii Ururka Xamaas uu
aqoonsan waayo Jiritaanka Israa'iil Balse madaxda Xamaas ayaa sheegay in
Aqoonsiga Isra'il uu la mid yahay in la laga tanaasulo dhulka falastiin
ka maqan.


Xaaladda
Daafuur ee wadanka Suudaan ee shirka martigaliyay oo wajiyo badan leh
ayaa ah mushkilada kale ee u baahan in xal laga gaaro kadib xaalado kala
duwan oo ka dhacay gobolka ayaa sababtay in ururka Midawga afrika uu
geeyo ciidamo suga amaanka gobolka daafuur,sida la rumaysan yahayna
dagaalada ka dhacay daafuur waxaa ku geeriyooday in ka badan kumaan dad
ah iyadoo ay ku barakaceen dad ka badan 2malyan Waxa ayna mid tahay
waxyaabah laga doodi doono kadiba go'aan laga soo saari doono.
Wadamada kale ee looga hadli doono shirka
Jaamacada Bari waxaa ka mid ah wadamada Suuriya Somaliya iyo kuwo
kale,ka sokow Suuriya marka laga hadlayo Soomaaliya waa wadan ay
jaamacada carabtu wali siinin fursad ku filan iyadoo aad moodid in
xaaladaha kale ee xiligan ururka horyaala in uu ka doorbiday in uu wax
badan ka sheego Xaalada Somalia.
Somalia
waxaa ka jira Dowlada KMG ah laakiin wali dowladu ma ahan mid awood u
leh in ay waxqabato waayo waxaa ku wareegsan dhibaatooyin badanoo u
baahan taageero caalami ah,dagaalada badan ee Somaliya ayaa sababay
Hubka xad la'aanta ah ee ku jira gamcamaha Maliishiyaadka aan meelna
raacsanayn,Iyadoo intaas
ay jirto haddana xiligan Jaamacada Carabta Fursado Badan uma hayso
Somaliya waayo Qodobada kale ayaa ah kuwo aad uga xasaasisan tan
Somaliya,Dabcan waa lagu soo hadal qaadi doonaa Somaliya xaaladda ka
taagan laakiin qodobada ka soo baxa ayaan ahayn kuwo loo fuliyo sidii
loo balan qaaday.