W/D:
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
farahblue_545@hotmail.com
C/raxmaan Shariif Maxamed (Taysiir)
Taysiir55@hotmail.com
Magaciisa
oo saddexan waa Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxaa uu ku dhashay magaalada Hargeysa
10-kii bishii Octobar ee sannadkii 1988-kii, waxaa iska dhalay Aabbe ingiriis ah
iyo hooyo Soomaali ah, Aabihii waxaa la odhan jiray Bowdan Erick Pascal, waxana
uu aabihiis markiisii hore ahaa nin haysta diinta Kirishtaankam hase yeeshee wuu
soo Islaamay inta uusan guursan xaasas saddex ah oo Soomaali ah, wuxuu noqday
markii dambe Injineer ka shaqeeya wakaaladda biyaha ee Hargeysa, markii dambena
wuxuu ku soo biiray diinta Islaamka, waxaana loo bixiyey magaca Ibraahiim.
Nimcaan Hooyadiis
waxaa iyana la odhan jiray Ruun Aw-Daahir Max’ed, waxey aheyd xaaskii ugu
dambeeyey ee Ibraahiim, iyadoo udhashay laba wiil oo kala ah Nimcaan iyo
Nimcaale, waxeyna labadaasi wiil oo ku soo biiray qoyska Ibaraahim iyo Ruun,
ahaayeen kuwo farxad galiyey nolosha reerkooda, Aabahood waxaa lagu dilay
magaalada Muqdisho sannadkii 1992-ki xilligaas oo ay bilow ahaayeen dagaalada
sokeeyey isla mar ahaantaana la bar tilmaalmeedsanayey dadka ajaanibta ah.
Hooyadoodna waxey geeriyootay Nimcaan oo 7-sano jir ah, sannadkii 1995-kii.
Nimcaan intii aaney
hooyadii dhiman waxey geysay Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Bashiir oo ku yaalla
magaalada Hargeysa, lix bilood ka dibna waa uu isaga tagey kaddib markii ay
hooyadii geeriyootay, reer abtigii ayaa waxey u wadeen Nimcaan miyiga, halkaasoo
uu la qabsan waayey nolosha adag ee dadka miyiga, wuxuuna muddo gaaban kaddib ku
soo laabtay waddooyinka magaalada Hargeysa, halkaasoo ka bilaabay noloshiisii
iskoriska aheyd.
Nimcaan waxaa uu ka
mid noqday caruurta darbiya jiifka ah, {Street child}, ”Waxaan meel la seexan
jiray caruurta isticmaasha xabagta, xashiiska, qaadka, iyo maandooriyaalka kale,
waligeyna xabag {Koollo} ma isticmaalin” ayuu yiri, Nimcaan oo ka sheekeynayey
bilowgii noloshiisa dhibka iyo silica badan, Nimcaan wuxuu baranayey muddo
sideed bilood ah hawlaha dhismaha, isagoo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin
Baalash, {Caseeye} hawlaha dhismaha iyo Kirishbooy, kuwaasi oo uu dhib badan
kala soo kulmay.

”Nolosheyda waxaa
iigu dhib badnaa markii habeen uu jiray qabow ba’an uu nin waalan naga qaatay
buste dhaxameed uskak badan oo aan wada huwaneynay aniga iyo saaxiibkey kale oo
darbi jiif ahaa, waxaana anagoo in badan wada hardameynay markii dambe nooga
qaaday niman kale oo ku soo baxay cabaadkeena” Nimcaan oo noloshiisa adag kasii
warbixinaya ayaa wuxuu leeyahay, ”Saddex jeer ayaa waxaan helay fursado aan ku
aadi karay dalka dibaddiisa hase ahaatee waxaa fursadahaa idhaafiyey dad aan
nolosheyda rabin, laba jeer waxaa i wadi rabay hay’adaha Qaramada Midoobey,
marna dalxiisayaal Jarmal ah balse maxey kuugu taallaa garoonka ayaa la iga soo
celinayey iyadoo la lahaa {kan yari wuu Gaaloobayaa}, aniguse waan jeclahay
Diintayda Islaamka oo ma gaaloobeen.
Nimcaale Ibraahim
Bowdan oo ah wiilka kaliya ee ka weyn Nimcaan, wuxuu dhashay sannadkii 1986-kii,
waxaana koriimadiisa dusha u ridatay ayeydiis oo la odhan jiray Aamina Aw Daahir
Qaalib, oo xiligaa ku nooleyd magaalada Muqdisho, waxaana u suura gashay iney
geyso Kuleej waxbarasho oo Talyaanigu gacanta ku hayey, waxaana uu nasiibkiisu
noqday in markii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu sii xoogeystay uu ka mid
noqdo dadkii ajnabiga ahaa ee safaaradda Talyaaniga ay ka daadgureysay Xamar,
iyadoo sidaana Nimcaale lagu geeyey Talyaaniga.
Nimcaan waxaa
noloshiisa qodax ku soo taagnaatay muddo ku noqday nin hooyadiis ay qaraabo
ahaayeen oo aad u cadaadin jiray sida uu isagu sheegay, ”Waxaa uu ibaday in aan
dhib badan maro” ayuu Nimcaan si muruga leh u yiri, waxaa kale oo uu xusay in
nin seedigii ah oo qabay walaashiis oo Ingiriiska ku nool uu kala kulmay
cadaadis aanu ka fileyn, ”Waxaan kula kulmay Hargeysa, wuxuuna ila hadashiiyey
walaashey, iyadana waxey kula dardaarantay inuu i ogaado, waxaan joojiyey markaa
kaddib, kirishboynimadii oo waxaan is iri markan waxaad la mid tahay asaagaa,
hase ahaatee, seedigey wuxuu la yimid isbedel isagoo canaan aanan galabsan ii
joogteeyey, isla markaana walaashey ka dhaadhiciyey in aan ahay wax iskuma fale
isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, markaas kaddib waxaan bilaabay inaan cuno
qaadka, anigoo isla galabkaaba markii ugu horreysay soo qaatay qaad lana soo ag
fariistay guriga hortiisa, dibna waxaan ugu laabtay noloshii aan lahaa waad ka
baxday iyo riyadii beenowday ee aan runta u haystay.

Nimcaan mar ayuu
safar ku tagay dalka Jabuuti xiligaasi oo uu raacay gaari xamuul oo ku sii
jeeday magaalada Jabuuti, wuxuu joogay halkaasi bilo aan tiro badneyn, balse
waxaa uu dib markii dambe ugu soo laabtay magaaladii Hargeysa, kaddib markii uu
la soo qabsan waayey nolosha dalkaasi Jabuuti.

Inanka yar ee Nimcaan
waa wiil sheeko badan oo furfuran jecelna had iyo jeer inuu la sheekeysto dadka
ikhyaarta ah, wuxuuna daneeyaa inuu dadka u baahiyo akhbaarta noloshiisa iyo
xaaladihii uu soo maray, waa wiil bulsho ah, ”Waxaan jeclahay in Soomaaliya ay
midowdo oo Illaahay nabad ku soo dabaalo gobolada ay colaadaha ka jiraan."
Wiilkan
Nimcaan ah wuxuu leeyahay hiwaayado kala gadisan, ”Waxaan ku fikiraa in aan
sameeyo hees luqadda Ingiriiska ah oo aan ugu magacdaray I am
alone! oo macnaheedu yahay Waan cidloonayaa! taasoo aan uga hadlayo
nolosha aan soo maray iyo tan aan haatan ku jiro, waxeyna qeexi doontaa heestaan
waayihii aan soo maray” balse layaabka jira ayaa wuxuu yahay Nimcaan inuusan
garaneyn luqadda Ingiriiska, marka laga reebo xoogaa yar oo badbaado, ”Aad baan
u calool xumaadaa markaan is ogaado inaanan garanayen luqaddii aan u dhashay iyo
markaan arko dad aan u dhalan Britain oo ugu hadlaya sidii dadkeena oo kale”
ayuu yiri Nimcaan oo aad ka dareemayso sida uu uga xunyahay inaanu garnayen
luqadda reer aabbihii, waxaase uu sheegay inuu ku talo jiro barashada af
Ingiriisiga, ”Haddii aan helo maalinkii laba saac oo firaaqo ah muddo lix bilood
ah waxaan ugu hadli doonaa luqadda Ingiriiska si isdaba joog ah oo cidna aysan
cid kale iiga tarjumin” ayuu yiri Nimcaan oo nagula sii kaftamay ”Safarkiina
dambe ee Hargeysa waxaad ii imaan doontaan aniga oo Tarjubaan ah”.
Waxaa jira laba
hablood oo ku aabbe ah oo ku nool dalka Ingiriiska kuwaas oo lagu kala magacaabo
Shukri Ibraahim Bowdan iyo Iimaan Ibraahim Bowdan, in kastoo aanu la laheyn sida
uu sheegay wax xiriir ah, Nimcaan waxa uu dareemaa inuu kaligii yahay mararka
qaar, ”Marka la gaaro ciidaha oo aan arko ilmo waalidkood la socda oo suuqyada
imaanaya, waxey ugu sii daran tahay marka aan maqlo iyagoo hooyooyinkood ku
dhahay dharkaan ma rabo ee kuwaa kale ii iibi, runtii waxaan is iraahdaa haddii
hooyadaa ay noolaan laheyd silacan iyo murugadaan subax noolba kuma
waabariisateen” sidaa Nimcaan ayaa yiri isagoo sharaxaad ka bixinaya sida
dareenkiisa isku badalo xilliyada qaar, waxaana uu gabdhaha la dhashay ka
codsanayaa iney garab siiyaan oo ay la soo xiriiraan xaaladdiisana wax ka
ogaadaan.
Nimcaan waxaa uu ku
riyoodaa inuu noqdo saddex midood, tan hore wuxuu jecel yahay inuu noqdo darawal
dowladeed, midda labaad wuxuu aad u daneeyaa inuu ka mid noqdo ilaalada
wasiirada iyo tan saddexaad oo ah inuu noqdo Duuliye si saraaxad leh ku mara
hawada meelo kala gadisan oo caalamka ah.
”Waxaa jira dad aan
abaal weyn u hayo oo gacan weyn ka geystay nolosheyda”
Hadda Nimcaan wuxuu
la nool yahay nin la yiraahdo Cali oo ah wade gaari Koostar ah oo ka shaqeeya
xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, waxaana habeenkii uu ku baryaa kursi
ka mid ah gaariga uu ka shaqeeyo, iyadoo maalintii oo dhanna uu isla gaarigaa ka
shaqeeyo habeenkiina uu waardiye ka qabto, ”Waxaa uu i siiyaa Sh. Cali khery
Alle ha siiyee qado, quraac iyo gunno yar oo ah 16,000 Sh Sl, iyadoo aan ka
cunteeyo maalinkii gurigiisa habeenkiina aan is dabaro” ayuu yiri Nimcaan oo aad
ugu rajo weyn inuu tago dalka Ingiriiska nolosha haatan uu ku nool yahay wuxuu
rajeeyaa nolol ka heer sareysa.
W/D: Faarax
Maxamed Cali (Faarax Blue)
farahblue_545@hotmail.com
C/raxmaan Shariif Maxamed (Taysiir)
Taysiir55@hotmail.com