SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GABAY
Daabaco Boggan | Print


PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Gabayga: Doolaalo

Cali Maxamuud Xiirane

xiirane2@hotmail.com

Faafin: Nov 5, 2006


Gabaygan la yiraahdo Doolaalo wuxuu soo baxay 02/11/2006, waxaana Tiriyey Cali Maxamuud Xiirane. Tixda waxaan ugu magac daray doolaalo, waayo safarrada dib u heshiisiineed ee dibadaha la is la aadayo oo diyaaraadka iyo hoteellada qaaliga ah oo la soo baryey kalifaya ayaan u arkaa iney yihiin doolaalo dheeri oo aan leenahay indheer garad u faro dhuudhuuban dib u heshiisiinta dalka gudihiisana lagu heshiin karo. Tixdu waxay kale oo ay dowladda ku meel gaarka ah u tilmaameysaa iney kalsoonida shacabkooda ka raadiyaan intay dhul shisheeye iyo ciidammo shisheeye ka dhex goobayaan. Ugu dambeeyntii waxuu gabaygu ku boorinayaa Maxkamadaha iney dulqaad muujiyaan oo ay isku dayaan wax kasta oo dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur u keeni kara dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhacdadii Isbitaalka Bu’aale ka dhacday iyo wixii la mid ah in laga feejignaado.  

  1. Deelqaafka gabay waa necbahay inaan dareershaaye
  2. Dulmanaha xaqii laga dedaan ugu dillaacshaaye
  3. Adna kii damiirloow murtida yaan la kala daadin
  4.  
  5. Wanka daylan dawicii cuniyo aarka daba jooga
  6. Iyo dowdar arigii dayacay wax isma doorshaane
  7. Adna kii damiinanahayoow daalim baad tahaye
  8.  
  9. Qabiil diiftuu nagu reebay iyo dandarraduu geystay
  10. Dalanbaabi weli baan la nahay amase daan-daane
  11. Adna kii u doobinahayoow waa damiinimo e
  12.  
  13. Dembigaan geleynaa na baday inaan is dooxnaaye
  14. Qaar baa u doodoo haddeer weli u duud weyne
  15. Adna kii difaacoow ogoow waa darxumadaaye
  16.  
  17. Wax dallaal ka weyn waa dalkiyo diinta noo dhigane
  18. Darajaale eebbahay ayaa nooga dhigay deeqe
  19. Adna ruuxa doorinahayoow waa dayuusnimo e
  20.  
  21. Aqoonyahan da’weyn baa dalkii daafahaas maraye
  22. Dabadhilif ma dooneeyno iyo dano shisheeyaade
  23. Adna kii noo dacayi karoow dabinno soo qaado
  24.  
  25. Dab ku gubay dambaskiisa waa laga durkaa abide
  26. Mar i dage ilaahay ha dago kama digtooneeyne
  27. Adna ruuxa daba taaganoow ina damiirlaawe
  28.  
  29. Deriskaaga dareen lama geshiyo dirir sokeeyaade
  30. Hadduu duunyo waxaad leedihiyo dumarka soo aado
  31. Adna kii la daandaansadoow dabacsanaantaa dheh
  32.  
  33. Diricii gurey iyo darwiish baa dagaalamaye
  34. Sidii deero ugaareed ayey uga didaayeene
  35. Adna kaa i duleediyoow kama dambeyneysid
  36.  
  37. Daruuraha cirkaa laga gartaa roobka kuu di’iye
  38. Ka daaf iyo ka daaf buu dadkii diinta qaayibaye
  39. Adna daadka kii celinayoow dogobbo soo xaabi
  40.  
  41. Diiwaanka taariikhdu waa dayax sidiisiiye
  42. Doorbin baa la haystaa waxbaan naga dahsooneyne
  43. Adna kii dabeeyshanahayoow waa dur-duradaa e
  44.  
  45. Dal uu cadow ku soo duulayoo daakhilkaw joogo
  46. Oo dabbaabaadkii ay wateen uu diririgleeynaayo
  47. Adna ruuxa dafiraad wadoow waa dabbaalnimo e
  48.  
  49. Duqoow baan u leenahay inaan dib u heshiinaaye
  50. Danaheenna iyagaa yaqaan dhaqanka duuggaahe
  51. Adna kii Tigree doorbidoow dan iyo yeelkaaye
  52.  
  53. Derin baan ku xaajeeysannaa geed duggaal badane
  54. Dumar baa la siin jirey midkey daqarro gaaraane
  55. Adna kii dayuurado bartoow dawarso oo raac dheh
  56.  
  57. Deegaanka xaajada ka weyn ee lala dawaafaayo
  58. Waxan daawo laga gaarin abid laguna soo daalay
  59. Adna kii dalxiis doonayoow waa dareenkaa dheh
  60.  
  61. Doolaalo dheerida beryahan waan darroowsadaye
  62. Wax dadkaaga loo daba maraa iima soo duxine
  63. Adna dowlad kii noqon raboow shacabka daaweeyso
  64.  
  65. Duruus baa la meersaday beryahan casharro diimoone
  66. Culumada waxaa loo del-delay gaal ku darajeeyne
  67. Adna doolar kii qaatayoow waa dadnimadaa dheh
  68.  
  69. Ma dulminin ilaahey qofkay naari dubataaye
  70. Waxa loogu dalaq siiyey waa ficillo doofaare
  71. Adna kii dareenkeed lahoow maa is daba gaartid
  72.  
  73. Daaquud fircoonkii kibree daa’imnimo sheegtay
  74. Nibiguu diraayee ilaah lana dar-daarmaayey
  75. Adna dabacsanaan baa la yiri hadalka deeqsiiye
  76.  
  77. Qofkii diin leh waxaa lagu gartaa inuu dulqaataaye
  78. Dagaallada hortood baa dacwada lagu dadaalaaye
  79. Adna ruuxa dersinkaas maqloow waa daliil dhigane
  80.  
  81. Wiilashii dagaal lagu qabtaye lana daweeynaayey
  82. In la dilo dareen bay ahayd dheguhu diideene
  83. Adna ruuxa deyntaas qaboow waa damboow culuse

Cali Maxamuud Xiirane
xiirane2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2006

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD