GABBAL DUMAY = DAGAAL
OOGE (Gabay)
Cumar
C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Gabaygaan Gabbal
dumay (Dagaal ooge) waxaa tiriyey Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
Gabaygu wuxuu soo baxay 12/11/06, waana waano ku socota dadweynaha
Soomaaliyeed iyo digniin ku wajahan dagaal ooge meel uu joogaba. Waa
tusaaleyn iyo dood ku saabsan meesha danta qaran ku jirto si kastoo
dagaal ooge qabyaalad iyo baqdin gelin dadka ugu afuufo.
- Dagaal ooge
waataan wax badan dood kasoo qoraye
- Waataan ka
daabacay kitaab dahabiyoo weyne
- Doodwanaag
waataan ku dhigay maanso doorgalahe
- Waataan
dadweynaha in badan daw saxow hagaye
- Maantana
digniin baa timiye fura damiirkiina
- Oo daalacdoo
wada akhriya waa tantii qarane
-
- Hal
dibboodday oo meel cidla ah keli ku daaqaysa
- Haddii aan
dad soo maray halkaas Dabac ka soo dheelmin
- Oo duurka
iyo beylahdaas cidi ka soo deyrin
- Daacuflaha
libaax ama dhurwaa yeydu wey dilane
- Dhammaan
habar dugaag waa u halis inay ku duulaane
- Oo uuska uga
daadiyaan haragga diirtaane
-
- Dalkeennoo
sidaas wada noqdoo dacalba meel aaday
- Ooo duulaan
wax garanyan dhammaan diiradda u qaaday
- Oo dalow
halaag badan ku furay daqarna soo gaaray
- Ilaah baa
dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
- Doqon baa
qofkow hiilliyiyo daacadda xushmeyne
- Ka dabqaata
waxa ay wadaan waa dantii qarane
-
- Dagaal ooge
ninkii weli rabow maqal dabuubteyda
- Damiirkaaga
iyo dhagaha iyo furo dareenkaaga
- Dalkeennii
qurxoonaa halkee debecsan oo fiican
- Daryeel
caafimaad iyo tacliin dumiye Woorloodhe
- Dekedehii
burbure garoomadii dayac ka meelwaaye
- Jidadkii
darooriga ahaa duugme gebigoode
- Dagaal ooge
wuxuu soo kordhiyey doqonta baa mooge
- Gabbal dumay
inaad daafacdaan ma aha dawgiine
- Ilaah baa
dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
- Ka dabqaata
waxa ay wadaan waa dantii qarane
-
- Dagaal ooge
waa wada ibliis duudka ka insaane
- Dabcigiyo
ujeeddada dhammaan damac ka sheydaane
- Dulligey ku
naaxaan wanaag uma dadaalaane
- Diinta uma
nusreeyaan xaqana uma dagaalaane
- Dadka kii u
xigay bay intaas duugayaan abide
- Gabbal dumay
inaad daafacdaan ma aha dawgiine
- Ilaah baa
dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
- Ka dabqaata
waxa ay wadaan waa dantii qarane
-
- Habeen dumay
cadceeddoo dam tiri dayaxna soo jeedin
- Ninkii
duurka aadaa ma helo wuxuu ka doonaaye
- Dagaal ooge
kii aaminaa kaa ka sii darane
- Daliilkana
inaad iga ogtiin baan danninayaaye
- Kuwii Xamar
dukaafado ka dhigay weeye duulkaniye
- Dalka meel
ay joogaan dhmmaan waa ul iyo diire
- Ka daneysta
oo maya ku dhaha daallinkiyo tuugga
- Gabbal dumay
inaad daafacdaan ma aha dawgiine
- Ilaah baa
dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
- Ka dabqaata
waxa ay wadaan waa dantii qarane
-
- Waxba
diradiraha yaan qabiil duulku noo dhigine
- Iyaguba
dorraatiyo shalay dirirahaayeene
- Maantana
dantoodey dhan qura geesh u dumayaane
- Durbaan
beena weeyaan waxay kala duwaayaane
- Dalka uma ay
roonoo dadkuna diifyey waa hora’e
- Ka daneysta
oo maya ku dhaha daallinkiyo tuugga
- Gabbal dumay
inaad daafacdaan ma aha dawgiine
- Ilaah baa
dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
- Ka dabqaata
waxa ay wadaan waa dantii qarane
Dhammaad
Cumar
C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com