WIIL
SOOMAALIEED OO KU DHIBBAN DALKA CANADA
 |
|
 |
Waxaan dhawaan ka qayb galay bananabax
kooban oo ay dhigayeen qoys deggan Degmada Yaaqshiid ee Magaaladan
Muqdisho, waxayna qoyskaas ka cabanayeen walaalkood oo ku dhibaataysan
waddanka Kanada gaar ahaan Edmonton-Alberta oo kagu magacaabo Cali
Maxamuud Axmed, Da'diisu tahay 32 jir waxayna siteen Boorar ay ku
qornaayeen “Dawladda Kenada waa inay dib u fiirisaa dhibaatada haysata
walaalkeena.” “Dawladda Kenada waxaan ka codsanaynaa in ay baarto waxa
keenay dhibka haysta walaalkeena”, “Dawladda Kenada waxaan ku ogeyn
Daw;ad Diimoqoraaddi ah oo dhowrta xuquuqda Aadanaha”, “Walaakeen wuxuu
deggan yahay 20 Sano Dalka Kenada, wuxuuna xaq u leeyahay xuquuqda uu
leeyahay qofka kale ee Kenidiyaanka ah, “Walaalkeen waa inuu helaa Dawo,
sida ay u helaanba dadka kale ee Kenediyaanka ah, “Walaalkeen waa in dib
loogu soo celiyaa sharcigiisii iyo ereyo kale
Sahro Cali Maxamuud Axmed waa gabar la dhalatay Cali, waxayna aad uga
murugaysan tahay dhibka iyo caafi maad darida haysata walaalkeed,
waxayna ka codsanaysaa Dawladda Kenada iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha
in walaalkeed ay il gaar ah ku fiiriyaan ayna si xaqiiq ah u baaraan
dhibaatada ku haysata waddanka Kenada, “Waxaa la ii sheegay in walaakeey
uu yahay Xabsi guri, markuu ila soo hadlo aad baan u murugoodaa, isagoo
I yiraahda mar baan heli doonaa xuquuqdeyda asaasiga ah ee aan xaqa u
leeyahay”. Sahra oo sii hadlaysa waxay tiri “marnaba kama filayn in
Booliiska Kanada dhibaato xaddigaa la eg ay u geystaan walaalkeey, sidoo
kalena waxaan ka codsanayaa Dawladda Kenada si dhab ah u baarto waxa ku
dhacay walaalkeey”
Sahro waxay intaas sii raacisey “Waxaan maqlay in walaalkeey la geeyay
Isbitaalka Dadka Waalan, haddii uu waalan yahayna mar walba ima soo
waceen, hadda xanuun ayaa haya oo aan ogahay inuu ka qaaday isbitaalkii
sida qasabka ah lagu geeyay isagoo aan waalneyn, wuxuuna ka soo qaaday
cuduro ay ka mid yihiin Kilyo Xanuun iyo Kaadida oo dhibaysa”, “Fadlan
dawlada Kenada waxaan mar kale ka codsanayaa in walaalkeey ay u
oggolaadaan waxa uu xaq ahaanta u leeyahay”.
Sahra oo ku hadlaysa Luqadda Ingiriisiga ayaa waxa ay tiri:
A SAD EPISODE IN CANADA
My brother Mr. Ali Mohamoud Ahmed is admitted to a mental hospital after
he confronted with Female Canadian Police in the streets of Canada the
Region of Edmonton-Alberta . The Police beat him up and took him to the
mental hospital in Canada in order not trace the abuse they had
inflicted upon my brother. He was released from hospital but
unfortunately he is developed kidney problems which made him difficult
to urinate. My brother has been living in Canada for 20 years and he
deserves to receive the necessary medical attention and all other rights
and benefits and to give him back his naturalization documents. Canada
has been known to be famous in democracy and the preservation of human
rights and we never expected such a thing would happen to my brother who
is in fact a Canadian.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2006
Hay’adda
DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha
Soomaaliya...
Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud
lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay
Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta
xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana
halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo
caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006
kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh,
Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna
Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto
qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu
sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn.
WARKAN OO DHAN AKHRI....
|