CAQABADAHA
KALADUWAN EE KU QABSADA ARDEYDA SOOMAALIYEED WADANKAN PAKISTAN
W/D:
Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
Karachi-Pakistan,
Mobile:0092-3002477489
Email:
abdulkadirphd@hotmail.com
QORAALADII HORE:
Qaybta
1aad |
Qaybat
2aad |
Qaybta
3aad
Hordhac
Allaah ayaa mahad oo
idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah
Allaha siiyo.
Intaa kabacdi. Waa wax
qofkastoo caqli lahi fahmi karo in mar hadiiba aad ka tagto
Wadankaaga aad la kulmeeyso, Caqabaad kala duwan oo laga yaabo in
aadan kula kulanteen Wadankaadii Hooyo. Laakiin xaqiiqdu waxey tahay,
inkastoo qofkastaahi jeclaan lahaa in uusan waalidkii, walaalihii
iyo qaraabadiisa uusan ka dheeraan, hadana danta ayaa nawada
qasbeeysa “Ileyn Dani Waa Seetee”, danahaasi ha ahaadeen kuwo
Waxbarasho, kuwo Nolol-doon ama kuwo Ganacsi intaba, dabcan waana
wax lagu qasbanyahay in lagu sabro si ula jeedadii looyimi loogaaro.
Caqabadahaa oo aad u badnaankara bal inta ugu muhiimsan ee Ardeyda
Soomaaliyeed Ku qabsata wadankan Pakistaan aan isla eegno. Waana
kuwan soo socda.
-
Cimilada
Wadankan Pakistan
Hanfi iyo
Kuleyl iyo
Baraf ma leh dhulkeenuye
Inaga haleyne
Xaqiiqdii wadankeennii
Soomaaliya wanaaga ilaah ku manneystey waxaad si dhab ah u dareemi
kartaa marka aad banaanka uga baxdo ee wixii aad u baratey wax ka
duwan aragto. Ileyn waatii la yiri “Qorixi markii eey dhacdo ayaa la
ogaadaa wixii eey heysey”
Wadankan Pakistan
cimiladiisa marka loo eego kan Soomaaliya aad ayuu uga duwanyahay
guud ahaan, laakiin Soomaaliya lafsad ahaanteeda ayaanba isku
cimillo aheyn, oo gobolada qaar ayaa kuleyl dartii magaalooyinka
looga Xagaa-Baxaa, waqtiyada Qaboobuhuna dhaxantu aad u daran tahay
gaar ahaan: Gobollada Waqooyi-Bari iyo Waqooyi, xattaa Gobolada
Dhexe qaarkood ayaan cimiladoodu sahlaneyn. Guud ahaanse Soomaaliya
waxaa la dhihi karaa waa wadan cimilo wanaagsan, inkastoo Baaruuda
hubka oo dhowr iyo tobanka sano hawada laga buuxinayey iyo Suntii
Nuclear-ka ee Xeebaheena sida Arxan darada ah loogu shubey, eey
maalinba maalinta ka dambeysa cimiladii sii xumeynayaan, ayadoo
cudurro aan horey loo aragna soo ifbaxayaa.
Wadankan Pakistan
sidoo kale magaalooyinkiisa isku cimillo maaha Xaqiiqdii, tusaale
ahaan Karachi oo ardeydu ka qeylineyso Kuleyl iyo Qabowba, ayaa
hadana ah meesha ugu roon, iyada laf ahaanteedana waqtiyada qaboowga
ah Heater ama Buste la’aan qofkii seexda wuxuu halis u yahay in
dhaxani gasho. Waqtiyada Kuleylkana hadii Daqiiqad Korontadu tagto
dadku weey isla wada da’ayaan Dhidid dartii, mararka qaarna ayadoo
korontadu joogto ayaa hawaduba ku dhibeysaa Nohda ama Hanfiga dartii.
Bal ka waran magaalooyinka qaar oo laamiyadu dhalaalayaan waqtiyada
kuleylka! noloshuna cariiri galeyso qofkii aan gadan Karin
Air-condition (Mukeyf) waloow uu jiro mid Soomaalida u bixisey
Abuu-Jawaanle oo raqiis ah. Waqtiyada qaboowgana Heater la’aan
noloshu xaqiiqdii wey adagtahay hadii qofku uusan gadan Karinse waa
Dan, waxaase hore loo yiri “Taako lama guuree Tabarbaa laguuraa”
Meelaha qaar ayaa
ardey lagu soo qorey waxeey dantu ku qasabtey in eey sanadkoo dhan
magaalooyinkale daganaadaan oo duruusta ku diyaariyaan,
imtixaanaadka oo kaliyana u yimaadaan, kuleyl xadkabax ah dartiis,
dumarkuba ha usii darnaadeene.
-
Luqada Urdu-ga
Luqada Urdu-ga ayaa
iyana ah caqabadaha ugu waaweyn ee Ardeyda Soomaaliyeed kala Kulmaan
Wadankan Pakistan guud ahaan, gaar ahaana dhinaca Waxbarashada haba
ugu badnaadeen kuwa dhigta jaamacadaha dowlada (Public
Universities). Sida la wada Ogsoonyahay luqadu waa furaha aad ku
dhexgali laheyd, ku fahmi laheyd, waxna kula qabsanlaheyd, ummada
aad wadankooda timid, hadii aadan waqtiga ugu horeeya ee wadankaa
aad timid aadan barashadeeda horey ka bilaabina waxeey kugu
noqoneysaa caqabad weyn oo ku heysatada inbadan oo wadankaa aad
joogto, taasoo waxqabsi farabadana kaa hor istaagta. Soomaalida oo
caan ku ah in eey meelo gaar ah wada dagaan meeelkastoo Aduunka la
tago, ayeey adagtahay in Urdu-ga aad si sahlan ku barato, madaama
inta badan aad Af-Soomali ku hadleyso, wixii kasoo harana Englsh,
baahi sidaa u weyn oo dhinaca Urdu-ga ah dareemi meysid inta badan,
gaar ahaan marka ardeyga Banaanka Soomaalida la daganyahay oo uusan
Hostel daganeyn. laakiin Dhibka ugu weyn wuxuu heystaa ardeygii
sidaa jaamacad Dowladu leedahay ku taga asigoon Urdu-ga fahmeynin,
maxaa yeeley ardeyda oo Pakistan u badan, Urdu-gana wada fahmaya
ileyn waa Luqadoodiiye iyo ardeygii Soomaaliyeed oo kaligii fasalka
ku ah ama fasalka tira aad u yarba ka noqnayaan, ayadoo
macalimiinta qaarkoodna eeysan sidii eey rabaan wax English ugu
sharxi Karin, hade soow dhagax meel la dhigey oo kale xiisada
dhexfadhi maaha! Aydeyda Soomaaliyeed ee ka qalinjabiya
jaamacadaha wadankan xitaa Urdu-ga ayaa ka mid ah waxyaabaha eeysan
shaqada uga dhex helin wadankan, maxaa yeeley macaamiisha
shirkada(Customers) waa Pakistaan, English-kana ummadu ma wada
taqaan, hadii aadan Urdu-ga ku fiicneyna hade waxaad tahay qof meel
weyn la’. Waxaa muhiim ah in aan tilmaamo in wadankan Shaqadu aad
ciriiri u tahay Shacabkoo aad u badan dartii (152Million Peaple) oo
“maxaad taqaan”(Qualifications) inta wax ku heshaa eey aad uga yar
yihiin inta ku hesha “Yaad/Kumaad taqaan”(Contacts).Marka Ajnabi
jaaniskii wuu yaryahay, Nasiibkuse wuu jiraa.
-
Kireysashada
Guryaha
Qofka marka uu wadan
cusub tago hadii uu kaligii ku yahay wadankaa oo cidna eeysan u
joogin waa in uu hotel degaa inta uu deegaan rasmi ah ka helayo,
hadiise uu yahay ardey jaamacad Hostel leh u yimid, Hostel ayaa u
diyaar ah ama si marti ahaan ah ayuu ardey kale oo eey is garanayaan
ulasiidagayaa. Laakiin ardeygii aan hostel rabin wuxuu ku
qasbanaanayaa in uu guri banaanka ka kireysto, maxaa yeeley nolosha
Hostelka wey ka adagtahay nolosha Banaanka, sabantoo ah sida ka
jirta Jaamacadaha qaar, martida kuu timaada waa in aad diiwaan
galisaa, mudo go’an ayuuna kulajoogi karaa qofka martida kuu ah,
waqti go’an ayaa lagu soo xaroodaa Hostelka, hadii aad soo daahdo
habeen waxaa lagaa qorayaa: magacaada, Hostel number-kaada, room
number-kaada, hadii habeenkaa wax dhacaana dadka ugu horeeya ee
loosootaagayo ayaad ku jirtaa. Jaamacadaha qaar isla marka aad
dhameyso waxaa lagu siinayaa maalmo go’an in aad uga guurto, “Guri
kale hel ama ha heline”. Dhinaca Cuntada Hostelka miis cuntada
ardeyda loogu kariyo ayaa jira, laakiin dadkan oo Bisbaas cunida ku
waalan, kaaga sii darane bisbaaska waxa si xad dhaaf ah loogu
kariyaa Suugada ee sida Soomaalidaba sameyso hadii weel gaar ah lagu
cunayo waxba ma dhibteen, wax lalama cuni karo Pakistaanta
bisbaaskaa Awgii. Hadiise ardeydu badan yihiin waa macquul in eey
miis gaar ah sameystaan Sida: Miiska Cuntada ee Soomaalida.
Dhinaca kale ardeygii
u yimaada jaamacad aan hostelba laheyn, wuxuu isna ku qasbanaanayaa
in uu guri banaanka ka kireysto.
Hadaba; Guryaha sida
looga kireysto wadankan Pakistan aad ayey uga duwan tahay qaabkii
Soomaaliya looga kireysan jirey. Wadankan marka aad guri
kireysaneyso waxaad ubaahantahay waraaqaha ogolaanshaha degitaanka
(Residential Permit), waxaa lagala xiriiraa niman howshoodu tahay in
eey ummada u kala kireeyaan una kala gadaaan guryaha (State
Agents). Milkiila kastaa ee guri leh wuxuu xiriir la leeyahay
nimankan guryaha kireeya, si gurigiisa uu kiro ugu helo, dhinaca
kale nimanka guryaha kireeyana iyana waaba Ganacsigoosa oo dhaqaale
ayey ka helaan markastoo guri eey kireeyaan, ayagoo waraaqahaana u
kala sixiixaya labada kooxood. Dhibaatooyinka ka jira ayaa waxeey
tahay in guryaha qaar aan Ajaanibtaba laga kireyneyn, oo marba hadii
lagu arko in aad Ajnabi tahay lagu leeyhay “Sorry!” hadiise laguu
ogolaado waxaa kusii horyaala caqabad kale oo ah: ma Qoys (family)
ayaad tihiin mise “Rag” Doobab ama Iskaabulo? Mar hadii aadan aheyn
dumar iyo rag iswata wey adagtahay sida lagaaga kireeyo guryaha qaar.
Waa cajiibe! Soomaaliya ayaa waxaan ku arki jirey dadka guryaha leh
oo hadal ka bilaaba “Walaal ma ilmo ayaad wadataan?” oo hadii
jawaabtaadu noqoo “Haa” eey adagtahay sida guryaha qaar aad ku hesho,
ayagoo ka cabsanaya in Ilmaha guriga darbiyadiisa ka jajabiyaan,
Khad ama Hanqaas ka buuxiyaan I.W.M. Qoysaska Doorooyinka (Digaaga)
qabana hade kumaba siijiraan. Milkiilayaashaasi Soomaaliyeed waxeey
aad usoo dhaweeyaan Qoysaska aan Ilmaha wadan iyo raga aanan
Xaasaska laheyn. Xaalka wadankan Pakistan-se waa Caksi (The
Opposite), maxaa yeeley hadii Soomaaliya guryaha loo baqayey “Halkan
waxkalaa loo baqayaa” maxaa yeeley guryaha wadankan Pakistan waxeey
u badanyihiin fooqaq dhaadheer (Flats) oo leyn leyn ah, hade Soolane
aan ilaah ka cabsaneyn iyo Dumar iska Indha dhaadheer halisteeda
ayey leeyihiin, sidaa daraadeed waxaa horeyba loo yiri “Biyo inta
eeysan kusoo gaarin ayaa leyska moosaa”, hade xaalku soow noqon
maayo gurigaada marka horaba iskaabulo haka kireyn. Mararka qaarna
milkiilaha guriga oo kuu ogol ayaa waxaa kuudiidi kara niman Amniga
iyo Nadaafada u qaabisan qeybtii Fooqaq ahba, nimankan oo lagu
magacaabo Union kuwaasoo bilkastaa lacag dhan: $3-$4(Rs: 200/ to
Rs250) ka qaada gurikasta. Waloow cadaalad darana eey ka jirto
meesha, maxaa yeeley dumarka iskaabulada ah waa loo ogolyahay (ma
Faa’iidaa!) halka raga iskaabulada ah looga diidayo (Kuwanse ma
qasaaraa!)…
Maadaama guri hal
ardey kaligiis uusan kireysan Karin “sida caadiga ah” wixii Ijaar (Kiro)
iyo Bills ah sida: Korontada, Gaaska, Biyaha, … uusan la kali noqon
Karin, ardeydu weey is baheystaan, hadba sida eey isu fahmayaan.
Hadii la ogolaado in la idinka kireeyo guriga, howsha intaa kuma
dhamaane waa in aad lacag farabadan oo Hormaris ah (Advance
Payments) bixisaan, taasoo lagaa siiheysanayo inta aad guriga ku
jirto. Waxaad sidoo kale isku dareysaa lacagta bisha ugu horeysa ee
ijaarka iyo Bil lacagteed oo aad siineyso nimankii guryaha
kireynayey (State Agents), waa sadex qarash oo is dhinac ordaya hal
marna lagaa rabo in aad wada bixiso. Kadib ayaad u tageysaa guri
qalli ah, waa markaa Boorka ka jaf oo dhaq kadibna nalalka iyo
fanankaba(Marwaxadaha) adiga ku dhagso, maxaayeeley cidkastaa oo ka
guureysa guri Alaabtii eey markii hore ku dhagsatey weysii
fujisaneysaa.
Dhinaca kale, marka
aad ka guureyso guriga waa in aad ugu yaraan “Hal Bil ka hor”
garsiisaa digniin milkiilaha guriga, si lacagtii uu kaa heystey uu
kuugu diyaariyo, Nasiib darrose! waxaa badanaa dhacda in aadan
lacagtii sideeda u heleyn oo qasab eey noqoneyso in wax uun lagaala
haro, mararka qaar waa wax xoog u eg, mararka qaarna waa sababo aan
ku qancineyn. Inkastoo eey jiraan dad wanaagsan, Allaahna
kacabsanaya oo waxkastaa wanaag ku dhameeya hadana Nasiib darro
marka Lacagba howshu mareyso dadkaas aad ayey u yaraanayaan.
-
Cuntada iyo
Cabida
Cuntada
Mar hadaad Soomaaliya
kasoo tagto Pakistaana timaado, Canjeero (Laxoox) iyo Cambuulo (Digir
la kariyey) ama mida duban waa Falfaliir-kee ma heleysid, Hilib aad
Gacanta iyo Gowska kula dagaalanto iyo guud ahaan cuntadii aad
garaneysey ee aad kusoo kortey jecleydna warkeedaba daa. Waxaa kasii
daran waxaa si joogta ah looga cunaa hilibka Dooro (Digaag) “Gacan
ku Rimis” ah, waana waxa u sabab in dadka intooda badan Ilko beelaan
halkan, waa macquul in dad ayagoo ilka qaba kaasoo tagey, kuu
yimaadaan iyagoo Af-Dulaaqsan!. Waxaase waxkasta kasii daran
sheykasta ee aad damacdo in aad meel ka iibsato ee aad cunto waxaa
ka buuxa Bisbaas wadankanna looga yaqaan (Masalla ama Marjii).
Ardeydu isku mid maahee, qaar ayaa qoys ah oo Gabdho Soomaaliyeed
wax u kariyaan kuwaas waa Nasiibsadeen, laakiin Ardeyda kalee
Iskaabulada (Salbateer) ah ayaa xaajadu kusoo hareysaa, waloow ayaga
lafsad ahaantooda loo kala qaadi kari laba qeybood:
A-Qeyb qof wax
u kariya kireystey oo bishiiba Qarash iska bixisa. Ardeydaas ha
ahaadeen kuwo cuntada karsan kari lahaa laakiin iska daayey maadaama
eey tahay wax aad u dhib badan in aad cunto Karin gasho adigoo
Jaamacad ka yimi, waloow halkan aan Dhuxul la afuufeyn sidii
Soomaaliya oo kale oo Gas wax lagu karsado. Kuwo kale ayaa jira oo
cunto Karin meel laga maraba aan garaneyn “Waa dhib badanaa
wadankan iyo guud ahaan Qurbaha ku qabsada dhalintee, gaar ahaan
wiilkii Hooyadii dhowr gabdhood u dhashay, haduu MADI yahayna
gabdhana la dhasheen warkiisaba daa”
B-Qeyb iyaga
Cuntadooda karsada ha yaqaaneen sida wax loo karsado ama waxooda ha
iska walaaqdeene, kuwaasoo mararka qaar ka caajisa jikada. Cunto
maqaayad loo aado wadankanna waxaa ugu caansan uguna macaan Bariis
si cajiib ah loo kariyo oo lagu magacaabo (Biryaanii), laakiin
Bisbaas ayey raaxada uga qaadaan taasoo Ilmo, Dhidid, Hingo iyo
Madax Cuncun aad ku waalaneyso, gaar ahaan haduu Jaalle (Huruud)
yahay, qofkii xaalka fahmaya wuxuu ka dalbadaa midka Cad si
basbaaska uu uga badbaado, xoogaase lagu darey kan Jaalaha ah, maxaa
yeeley isagaa Suugadii oo dhan la socotaa. Wax kale iska daaye
Nac-nac iyo Jallaato Bisbaas ka buuxo yaa arkey waayaabe!. Gabyaagii
wuxuu yiri “Nin Aduunya Joogoow Maxaa Aragti kuulaaban, Aakhira
nin aadoow maxaa lagu ogeeysiiyey”
Biyaha
Biyaha caadiga ah ee
ka qulqulaya tubooyinka wadankan maaha kuwo la cabi karo caafimaad
ahaan, maxaa yeeley tubooyinka biyaha soo qaada waxey soo
dhexmaraaan Bullaacado (meelaha eey ku ururaan wasaqda Musqulaha).
Waxaa jira Tubooyin Daxaleystey, dulduleeshadeyna oo meelo laga
kabkabey, laakiin “Wixii” eey isku darsoomayaan, gaar ahaan
magaalooyinka Qadiimiga ah. Wey jiraan dad iska caba waana waxa aad
inta badan u maqleyso tiro aad u badan oo Bukaan ah, lana leeyahay
Kilyaha ayaa istaagey ama shaqadiiba joojiyey sidaa daraadeedna u
dhinta.
Dhinacakale dadka
wadankan in badan joogey waxeey soo iibsadaan Digsiyo waaweyn oo eey
biyaha ku karsadaan, waa sida aad ku heli karto biyo Saafi ah oo
caafimaad ahaana leysku halleyn karo, intii aad rabto karsee
firinjeerka ama Talaajada iska gasho weeye, dabcan qarashka aad ayuu
u badanayaa hadii la yiraahdo biyaha Miyosaxada ama “Meneral
Water-ka” ayaan cabeynaa inta wadankan aan joogno. Dadka qaar ayaa
iska soo gata biyo laga tayo wanaagsan yahay oo Caagag Toban Liitar
qaadyo ah ku jira, kuwaasoo la siisto $0.25 (Rs: 15/) laakiin waxaa
la cadeeyey in eeysan aheyn biyo leysku halleyn karo maxaa yeeley
tubooyinkaa ayeey Filters uun ku xiraan sidaana lacag ku raadiyaan.
Soomaaliyaba meelaha
qaar ee aan biya galintu gaarin, waxaa dadka biyaha u keena
Gaari-Dameer, kuwaasoo Fuustooyin ama Caagag waaweyn biyaha kuugu
shuba. Waxaa nasiib darro ah marka uu ku gadinayo biyaha fuustadii
ama caagii weeynaa labada Wadaan-Caageed mid ka uusido maahane kan
kale dhulka ayuu sii dhigayaa caradii iyo qoyaankii salka uu ku
watey ayuuna kuugu hoorinayaa weelka, taasoo halisteeda leh. Hadiise
nasiibkaada ilaah ka dhigey inta biya galinta sanadihii dambe
ganacsatada Soomaaliyeed eey wadeen soo gaartey waa badbaado weyn,
maxaa yeeley malaha tubooyin meela dhaadheer ka imaanaya oo
bulaacadana soo dhexmaraya, meelo aan dheereeyn ayeyna ka imaanayaan
maxaa yeeley ganacsade kastaa aag ayaa u xiran (waa ganacsiga qaabta
daran ee dagaalada laga dhaxlaye).Waase laga baxayaa Insha Allaah.
WARBIXINTII ARDEYDA SOOMAALIYEED EE
PAKISTAN:
Qaybta
1aad |
Qaybat
2aad |
Qaybta
3aad
Wabillaahi
Towfiiq
BBA (Horns),
MBA (In progress)