SOMALI (AF XASILI LA')
QALINKII
CABDIFITAAX CABBAS
E-MAIL.
saalaxyare@hotmail.com
Waxaa la hubaa in afka
soomaaligu yahay af hodan ka ah murti iyo madadaalaba. Waa af
ballaaran oo ay ku hadlaan dad malaayiin gaarahaya, hase yeeshee
waxaa waligeed yarayd inta isu xilsaarta ka hadliddiisa iyo
toosintiisa intaba.
Ammin aan sidaa u fogayn ayaan
qoray qormo kooban oo sawir guud ka bixinaysay sida uu afku
yahay, meealaha uu ka dhutinahayo iyo erayada badan ee soo
soomaaliyoobaya.
Waxaa dhab ahaantii aan helay
dad badan oo arrintaa xiisaynaya, habkii ay u mari lahaayeense
garan la' .
Waagii dalku dhaqnaa,
kacaankuna cusbaa waxaa joogay tiro dad ah oo isku hawli jiray
sidii afkani u xasili lahaa oo ula mid noqon lahaa afafka kale
ee dunida ee fartooda laatiinka u doortay.
Waxaa jiray kala duwanaan
farihii badnaa ee la soo bandhigay ee tartanka u soo galay inay
noqdaan fartii qaranku ku shaqayn lahaa u dhexeysay. Tusaale
ahaan farta cimaaniyada iyo farta laatiinka ee ah midda aan
hadda wax ku qorayno ayaa waxa ka jira kala duwanaan xagga
habraaca ah. Ka hadli mayo jaadka farta ee habdhigaalka iyo
hanaanka mid walba ayaa kala geddisan . Tu' kastana waxaa loo
dejey nimaam u gooni ah, waxaadse mooddaa in aysan kala
faa'iidaysan labada farood. Waayo markaan eegno tirada shaqalada
farta laatiinku waa shan shaqal oo dheerdheer iyo shan shaqal oo
gaagaaban- (AEIOU-(AAEEIIOOUU). Halka tan cismaaniyadu ka
leedahay toban shqal oo dheerdheer iyo toban shaqal oo gaagaban.
Shaqalada dheeriga ah waa kuwa
culus oo ulakas uu guddigii farta doortay uga tagay in lagu daro
alifba'da.
Waxaa kale oo iyana jira laba
shay oo kale oo farta cismaaniyada qofkii wax ku dhigahayaa uu
muhiimad gaar ah siinahayo oo aanu marna ka tagahayn markii
alifba’da la qorahayo. Hamzaha oo shibanayaasha ku jira oo sida
xaraf u qoran oo aan lagaba tegin marka alifba' da la qorahayo.
oo haddii caruur loo dhigi lahaa ay ku barahayaan si fudud
maadama uu alifba'dii ugu jiro. Labeebyada (diphthong) (Y, W) oo
iyagana si cad loogu qeexay alifba'da.
Waxyaabaha kale ee farta
cismaaniyadu leedahay waxaa ka mid ah shaqallada gaagaaban iyo
kuwa dheerdheer oo kala dhigaal ah, tan gaaban laba goor lama
qoro sida tan laatiinka oo kale ee xaraf u gooni ah ayay
leedahay oo tilmaamaya inay tahay laba shaqal oo dhaadheer.
Waxaa kale oo jira farta
cismaaniyadu xaraf lammaan ma leh sida KH, DH, SH oo mid la arko
dhigaal hal xaraf ah ayay leedahay oo kolkaa dhibaato marna kama
taagna sidii loo kala qori lahaa magaalada BADHAN iyo (BADHAN oo
la micno ah guluuska shaatiga) waayo dha'du inay labanlaabmato
ayaa dad badani qabaan.
maxay ku soo kordhiyeen
shaqalada culusi farta cismaaniyada?
Farta cismaaniyadu waxay
leedahay sidaan horeba u carrababay shaqallo dheeri ah oo ah
shan shaqal oo dhaadheer iyo shan shaqal oo gaagaaban oo ah
shaqalada culus. markaan leeyahay shaqalada culus dadka qaar bay
mugdi ka gelaysaa marka aan halkaa yara iftiinsho.
Shaqalada culusi waa kuwa gala
erayada shaqalada isku qabsada sida DUUL oo ah duullaan aadid
iyo DUUL oo ah haadid ama lalid. marka farta cismaaniyada waa
kala dhigaal oo shaqalkii culusba waxaa dusha ka saaran laba
dhibcood oo yar yar oo gudboon.
Halkaa waxaa ka soo baxaya
dhammaan weedhuhu inay kala dhigaal noqdaan.
Kol haddii erayadii tab loo
kala dhigo loo helay show warbaannadiina tab loo kala dhigo loo
hel!
Waxaa dhici karta in dadka qaar
u qaataan dhibcaha shaqalada la dulsaaray inay soo kordhiyaan
faldarro iyo foolxumo farta ku timaada, waa aragti jiri karta
hase yeeshee waxaa taa ka sii faldaran in waraaq aad qof u
qortay eraygii aad u jeedday mooyee kuwo kale oo u garto
akhristuhu oo halkaa dhibaato ka timaaddo geddii ( coma killed a
man ) oo kale.
Aragtidaydu ma ahan hadda xilli
farteenna qoran inta wax kama jiraan laga soo qaado mid kale la
caashaqo inaan joogno oo far 30 sano qornayd kama aan tagi karno,
waayo waxay noqotay mid hirgashay use baahan taageerid iyo
toosin joogto ah ilaa inta ay ka xasilayso.
Halakan waxaan idiin ka tuur
gooynahayaa Arrin uu beri Gaarriye ka hadlay kol uu Norway yimid
isagoo ka hadlayey xasilid la'aanta afka. Wuxuu yiri waxaa jira
warbaanno aan afka soomaaliga lagu kala dhigi karin! taa
macneheedu mawaanay ahayn afka aan ku hadalno iyo farta inoo
dhigan ayaan is lahayn oo alifba'da yaa wax ka dhimman yihiin!
wuxuu tusaale u soo qaatay seddexdaan warbaan;
Afartan nin = 40 men
Afartan nin = these 4 men
afar tan oo bariid ah= 4 ton of
rice
Waa tusaale hagaagsan ha
yeeshee halkaa waxaa ka muqda ilduuf yar oo abwaanku ka ilduufay
u fiirsiga laqamaha afka soomaaliga.
Ta hore waa afartan oo tiro ah
oo ka dhalata marka afar iyo eber la isku qodbo.
Ta labaad laba siyoodba waa ku
sax tii la raaco. waa ta horee dadka ku barbaaray gobolada
koonfureed ee talyaanigu gumaysan jiray shaqalada ceynkaa ah waa
ay dheereeyaan oo waxay u qoraan sidaan. Afartaan nin. Halka ma
uu kala caddayn abwaanku arrinkaas kow. Reer waqooyigu waa
gaabiyaan shaqalada badiba,marka eraygaasi haddii sida abwaanka
laqankiisa loo raaco waa uu ku qaldami karaa ka hore ee ah
afartanka ah.
Tan ugu danbaysa laba siyood
midna kuma qaldami karto kuwa kore. Waa ta horee erayga TON
kolka hore afkeenna mahan ee waa af qalaad markaa waxay ahayd in
abwaanku garto erayga u dhigma maadaama uu yahay eray cabbirka
loo adeegsado.
Waa tan labaade haddii eray loo
waayo oo ay sandulle nagu noqoto adeegsigiisu waxaa loo
qorahayaa tabtaan.
(afar tan) ee la isku dhajin
mahayo maadaama ay laba eray kala tahay.
labada kore ee aan tab loo kala
dhigaa jirin waxay hirgalahayaan haddii laga faa'iidaysto farta
cismaaniyada iyo fartii kale ee leh hab loo kala dhigo erayada
jaadkaas ah.
Waxaa jira jira dad isku hawla
sidii ay ereybinno cusub u soo ifbixin lahaayeen afkuna hodan ku
sii noqon lahaa, tusaale: Waxyabaha la xiriira aaladda
computerka iyo Internate ka oo qof iyo xeeshii si ugu cabbiro
afka hooyo. sida website. dadka qaar baa yiraada DAR halka qaybi
MAREEG ka adeegsadaan iwm.
Arrimahaasi waxay timaaddada
keeni doonaan dhib iyo dheef isku qoofalan.
waxaan arrimahaas kaga hadli
doonnaa qoraaladeenna danbe haddii alle yiraado.
La soco qaybaha kale……
Sidaa iyo nabad iyo warsan .
C/fitaaax cabbaas
saalaxyare@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2006
|