Wararkii: Sept 2, 2006
Kulandiineedka 6aad ee W/Ameerika oo Ka Socda Minneapolis
Jimcadii, Sept 1, 2006, waxaa
magaalada Minneapolis (Convention Center) ka bilowday mu'atamarkii 6aad ee
Muslimiinta Woqooyiga AMeerika. Kulankan oo aad uga ballaarn kuwii hore ayaa
socon doona saddex maalmood (Jimce, Sabti iyo Axad). Jadwalka
ka daabaco
Halkan...
(pdf)

 
Mu'tamarkii 6aad ee Muslimiinta W/Ameerika... Jadwalka
ka daabaco
Halkan...
(pdf)
Shirkii
Khatuum oo maanta ka furmaya Wadanka Suudaan ..
Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta ayaa
maanta magaalada Khatuum ee Dalka Suudaan ku yeelanayan waregii labaad ee wada
hadaladii u dhexeeyay labadaasi qaybood.
Kulankaan oo ay dhex dhexaadineyso jaamacadda
Carabta ayaa waxaa shalay iyo xalay socday is aragyo gooni gooni ah oo u
dhexeeyay labada dhinac, kaasoo ay uga wada hadlayeen sida u noqon doono shirka
maanta.
Jaamacadda Carabta ayaa iyadu kulamo gooni
gooni ah la yeelatay wufuuda mataleysa labada dhianac, waxayna ka dhaadhicisay
in shirku uu noqdo mid ay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo u tara ummadda
Soomaaliyeed, hase yeeshee ragga u dhuun daloola arrimaha Siyaasadda Soomaaliya
ayaa waxay sheegeen in shirkaasi uu yahay mid ay waxba ka soo bixi doonin,
maadaama labada dhinac ay kala aaminsan yihiin labo fikradood oo kala duwan oo
aan isu soo dhawaaneyn.
150-Milyan oo Doolar oo ay Jaamacadda Carabtu
ugu tala gashey Haddii uu Miro dhalo ..
Jaamacadda Carabta oo iyadu qabanqaabineysa
kulanka dhex maraya Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, ayaa
afhayeen uga hadlay Magaalada Qaahira Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay in
haddii uu najaxo shirka Khartuum ay Jaamacadda Carabta bixin doonto lacag deeq
ah oo gaareysa 150-Milyan oo doolar.
Lacagtaan ayaa waxaa la sheegay in xoogeeda ay
bixin doonaan wadamada ku jira Khaliijka, iyadoo ay lacagtaasi Jaamacadda
Carabta ugu talagashay dib u soo nooleynta Hay’adihii Qaranka Soomaaliya, iyo
waliba horumarinta Soomaaliya, waxaana lacagtii ugu badneyd ee Jaamacadda
Carabtu ugu talagasho Soomaaliya.
Qofkii
30-aad oo Soomaali ah oo lagu dilo bil Gudaheed Dalka Koofur Afrika..
Wararka naga soo gaaraya Dalka K/Afrika waxay
sheegayan in habeen hore Magaalada Kapetown lagu dilay nin Soomaali ah oo lagu
magacaabo Saalax Jaamac oo Ganacsade ahaa waxana dilkiisa loo adeegsaday Toorey,
kaddib markii ay soo weerareen Afar nin isagoo xiligaas ku sugnaa goob ganacsi
oo uu lahaa.
Waa qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo bil
gudaheed lagu dilo Dalka K/Afrika, waxaana labo todobaad ka hor dalkaasi lagu
dilay Dhowr qof oo Soomaali ah, markii xarumahoodii ganacsiga lagu soo weerary,
ilaa iyo haddana Dowladda Wadanka K/Afrika cidna uma qaban dhibaatooyinka loo
gaysanayo dadka Soomaaliyeed, oo iyagu ganacsi furufuran ka bilaabay Wadanka K/Afrika.
Machadka Al-Cimra oo deeq baco ah gaarsiiyey
Dadka soo Barakacay ee ku jira..
Maalintii shalay ahayd ayaa Machadka Al-Cimra
Branch-Labadhagax qaybihiisa Saxaafadda, Caafimaadka iyo Luuqadaha deeq baco ah
gaarsiiyeen dadka soo barakacay ee ku jira xerada Qaxootiga ee Stadium
Mogadishu. Machadka Al-Cimra ayaa deeqdaasi bacaha ah ugu talagalay in ay dadka
soo barakacay ka dugaashadaan Qabowga iyo roobabaka maalmahan ka da’ayey
Muqdisho, mana ahan markii ugu horeysay oo uu Machadku dadka soo barakacay
gaarsiiyo deeq noocaan oo kale ah, Dhinaca kale maalintii shalay ahayd ayaa
waxaa Machadkaasi ka dhacday xaflad qalinjabin ah oo arday dhameysatay
saxaafadda loo sameeyay, waxaana shahaadooyinka ardaydaasi gudoonsiiyey madaxa
Machadkaasi Max’ed Cusmaan Xuseen (New York).
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Garoowe:
manhaj cusub oo loo samaynayo waxbarashada deegaanada puntland.
Sida ay shaacisay wasaarada waxbarashada
puntland dhawaan waxaa la dhaqan galindoonaa manhaj cusub oo loosamayanayo
waxbarashada asaasiga ah ee deegaanada puntland.
wasiirka waxbarashada puntland oo habeenkii
xalay ahaa ka hadlayay xaflada ka dhacaysay magaalada Bosaso ayaa soo bandhigay
qorshaha manhajka cusub oo uu sheegay in sanadkan uu dhaqan galidoono .
Manhajkan ayaa la filayaa in uu wax wayn ka
badalidoono waxbarashada kala manhajka ah ee ka jirta deegaanada puntlandkuwaasi
oo haysta manhajyo kala duwan oo la mid ah wadamada dariska la ah somalia
wadamada manhajkoodu sida wayn looga dhigto gudaha dalka somalia ayaa waxaa ka
mid ah Yemen, sucuudiga, Kenya, iyo masar waxaana manhajkani uu wax wayn ka
badalidoonaa dhamaan manhajyadaas kal duwan oo uu noqon doono in dhamaan
dugsiyada puntland ay qaadaan hal manhaj oo isku mud ah kaasi oo ah somali
dhawaana ay dhaqan galin doonto wasaarada waxbarashada puntland.
Manhajkan ayaa ku soo beegmaya xili uu
dhamaaday fasixii sanad dugsiyeedka sanadkan oo maalinta bari ah ee sabtida si
toos ah loo furi doono dugsiyo badan oo ka jira deegaanada puntland.
si kastaba waa markii ugu horaysay ee
wasaarada waxbarashada puntland ay soo bandhigto manhaj u fududeeya dugsiyada
sidii ay u socon lahayaeen.
Boosaaso: Qaxooti Soomaaliyeed oo gargaar loogu
qabiyey Boosaaso.
Dad aad u badan oo ka tirsan dadkii ku guryo
beelay dabkii qabsaday xero ku taala magaalada Boosaaso dhawaan ayaa
maanta loo qaybiyey deeq isugu jirta raashin, gogal, iyo macaaunta wax lagu
karsado.
Deeqdan ayaa waxaa dadkaasi u qaybiayay
hay’adda Islamic Relief oo ka hawl gasha gobollada Puntland, waxana deeqdan
maanta loo qaybiyey dad gaaraya 1,100 oo qof oo ah dad Soomaaliyeed oo ka soo
bara kacay gudaha dalka somalia markii ay dagaalo ka dhaceen deegaanadii ay
markii hore kunoolaayeen, gabaadna ay ka dhigteen deegaanada puntland oo ay ka
jirto nabad la isku halayn karo.
Qaybinta deeqdaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa
duqa degmada Boosaaso Khadar Cabdi Xaaji Mire iyo ku xigeenkiisa Maxmed Saciid
Xiito iyo masuuliyiin ka socotay hayada ku hawlan bixinta deeqdaan ee Islamic
relief oo uu ka mid yahay Mahdi Cali Cismaan oo ah xiriiriyaha mashruuca deeqaha
somalia.
Dhamaan dadkii loo qeybiyey raashinkaan maanta
ayaa waxaa ka muuqday farxad ku aadan raashinkaan ay helleen in kastoo loogu
tala galay in dadkani ay raashinkaas isticmaalaan muddo hal bil ah balse dadkani
ma aysan shaacin in raashinkani ku filan yahay mudada loo qabtay iyo inkale
waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihin helitaanka rashinkaan oo ay tahay
markii ugu horaysay ee ay helaan deeq tan iyo markii ay aqaladoodii ka gubteen
dhamaadii bishii aynu soo dhaafnay.
Dhamaan dadkaas ayaa wali yaala banaanka
meelihii ay ka gubteen aqaladoodii mana jirto cid wax buuran u qabatay marka
laga reebo maanta oo la gaarsiiyay deeq u badan raashin walina waxay wajira ama
indha hoodu u jeedaan dhanka dawlada puntland oo ay ka sugayaan in ay wax buuran
dawladu u qabato.
EYL:
Xoghayaha guud ee dawladda hoose ee degmada Eyl ayaa JImacdii la magacaabay.
Waxaa dhowaan laga hir geliyey degmada Eyl,
golaha deegaanka degmadaas oo ka kooban 21 xubnood isla markaasna ay si wada jir
ah u doorteen duqa degmada.
Wariiska dawladaha hoose ayaa maanta u
magacaabay xooghayaha degmada Eyl, Cabdiraxmaan Cali Axmed ayaa loo magacaabay
xilka xogyaha dawladda hoose ee degmada Eyl, waxana magacaabistaas uu wasiirku u
cuskaday sharciga golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, isla markaasna uu
tix geliyey baahida loo qabo sarkaal fuliya xilka xoghayaha dawladda hoose ee
degmada Eyl.
Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare waxaa
kale oo uu xil magacaabistan uu wada tashi kala sameeyey wasiir kuxigeenka
wasaaraddaas, iyo talo soo jeedinta agaasimayaasha iyo isuduwayaasha dawladaha
hoose ee gobolka Nugaal, sida ku cad digreetada lagu magacaabay mas’uulkan cusub.
Sikastaba wali fari gama qodna xaalada degmada
EYl waxaana magaaladaas wali ka jira dhibaatooyin aan xataa mararka qaarkood
dawladu ka istaagto hawlihii ay ka wadi lahayd iyadoon sidoo kalena dawladu xoog
wayn iska saarin sidii loo hormarin lahaa degmadaasi Eyl oo ah degmada ay inta
badan ku jiraan maraakiibta jariifka lacag xooganina ka soo gasho dawlada
puntland iyo tan somalia oo aysan dib ugu noqon wax dhaqaale ah degmadaasi eyl
oo ah degmo qadiimi ah islamarkaana ka mid ah degmooyinka leh xeebaha ugu
dhaadheer somalia.
IRAN: Diyaarada ayaa ku burburtay dalka Iran
dadbadnina ku geeriyoodeen.
80 qof ayaa la xaiijinayaa sida ay wararku sheegayaan
in ay ku geeriyoodeen diyaarad ku burburtay waqooyi bari ee dalkaasi iran
magaalada lagumagacaabo Mashhad.
Sida uu ku waramay subaxnimadii hore TV ga dalkaasi iran
waxaa laga yaabaa in ay dhimashadu kor u dhaafto 29 qof (halka wararkii u
horeeyey sheegeen in ay dhinteen 80) iyada oo ay saarnaayeen
diyaarada dad gaaraya 148 qof dadkan ayaa ka soo duulay koonfurta dalkaasi
Iran magaalada lagumagacaabo Bandar Abbas.
Dabka ayaa ka kacay xili ay diyaaradu ka kici lahayd
runwayga ay diyaaraduhu ku ordaan ee magaalada Mashhad duulimaadkeedii
caadiga ahaa ee 1345 saacadu markay ahayd 10 pm ee saacada dalkaasi Iran.
Mashhad waa magaalo ay dagan yihiin ama ay u badan
yihiindadka shicada ah ee dalkasi u badan.
Televishinka wadankas ayaa soo bandhigay burburkii diyaarada
oo yaala dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan oo gubasho xooglihi ka muuqato.
Nourollah Rezai Niaraki,oo ah gudoomiyaha uru wadani ah oo ka jira dalkasi Iran ayaa sheegay mar uu waraysi siinayay tvga dalkaasi in ay diyaaradu isku dayday in ay kacdo deedna ay dhulka ku soo noqotay kadibna uu ka kacay dab xoogan oo sababay brburka diyaarada.
Waxa uu intaas ku daray in 29 qof ay markiiba dhintee sida uu sheegay isaga oo yiri walina lama xaqiijinkarao in ay dhimashadu intaas ku egtahay oo kaliya mana cada in ay jiraan dhimasho kale.
Wasiirka duulimaadka Mohammad Rahmati ayaa sheegay in ay jiraan dadaal loogu gargarayo iyo wixii sababayba shilkaan diyaaradeed kasi oo iminka soconaya mana cada wali wax war ahna kama soo bixin xukuumada tehran.
Xaflad balaaran oo lagu furayey saldhigcusub oo
ka dhacday xaafada wardhiiglay deegaanka xamar jadiid

calinootaayo
 |

calinootaayo
 |
Xaflad ay ka qeyb galeen mas.uuliyiin ka kala
socotey qeybaha kala duwan ee bulshada sida maxkamadaha islaamiga ah ,
mas.uuliyiinta shirkadaha qaarood, gaanacsatada ,culumaau.idiinka , iyo marti
sharaf kale oo lagu casuumay ayaa lagu qabtey xarunta cusub ee xaafada jamar
jadiid dagmada wardhiigley ee magalada muqdisho ,
Xafladaan oo lau maamusayey furitaanka saldhiga
cusub ee ay yeelato xaafada xamar jadiid oo ah mid aad u baaxad weyn ayaa qaban
qaabo socotey mudo 35 maalmood ah waxaa la isla gertey in lafuro saldhigaan
cusub oo la mid ah saldhigyada kale ee dagmada wardhiigleey ,
Saldhigaan ayaa waxaa madax ka ah afar 4
xubnood oo loo bixiyey garsoorka iyo 8 xubnood oo ah mar jac loo noqdo kuwaas oo
laga soo ururiyey qaar ka mid ah masaajidada iyo xaafada waxaana sidoo kale
maxkamaduhu ay u soo magacaabeen taliye ciidan oo hoos tagaya taliyaha labada
saldhig sh: yuusuf sh: ciise kabo ku dukade .
Sido kale xafladaan oo aheyd mid si weyn lo soo
agaasimay ayaa waxaa la isla gartey in lagu wareejiyo ciidamadii madaniga ahaa
ee horey uga dhisnaa xaafadaas xaafadaasi iyagii iyo qalabkoodii ciidanba
maxaakiimta shareecada :

shcabdulaahicibarafraxtaliyahacusub |

taliyahasaldhigawardhiigley |
Sh: cabdulaahi maxamuud bacdow oo ku hadlayey
magaca ganacsatada xaafada ayaa soo jeediyey dadka xaafadu in ay bishiiba
bixiyan min hadoolar oo takuleyn ah waxaa kale oo uu shaca ka qaaday in ay
mas.uuliyadoodu ay ku egtahay intii ay gaarsiisaneyd mas.uuliyadii saldhiga
wardhiigleey ,
Sh: cabdulaahi cibaar afrax ayaa ka war bixiyey
sida loo soo celin lahaa amniga faraha ka baxay bulshadu marka ay isu timaado
ayna go.aan gaarto waxwalbo waa suurta galayaan halaan waxaa laga sameeyey xarun
loogu shaqeeyo dadka islaamka ah isaga oo ka codsaday dadkii halkaa isugu yimid
in ay la shaqeeyaan ,
Taliyaha labada saldhig sh: yuusuf sh: ciise (
kabo ku dukadae )
“mahad waxaa iska leh ilaheygii jabiyey
sagalkii murdadid ninbaa lahaa ahada anigu waa islaam dhihi ma karo laakiin
aniga ayaa dhahaaya waa gaalo waa la didirnay waa baneysanay dhiigooda iyo
maalkooda ilaaheyna uga raadsaneynay in uu jano nagu siiyo marka taa anaga ayaa
leh waa murtadiin gaalo ayeyna ahaayeen ayuu yiri kabo ku dukade oo dhinaca
kalana ilaahay uga mahadcelineyey huwantii uu jabiyey anagana kuwii isu
bahaystey gaanimada ee ameericaanku soo dirsaday ilahaas guusha naga siiyey ee
manta meeshii ay joogi jireen sida guryahoodii mudo ayaan seexanay waxaan
seexanay guriga cabdiqeybdiid ,waxaan seexanay guriga muuse suudi yalaxow ,waxaan
seexanay guriga maxamed dheere ,waxaan seexnay guriga sheydamankii oo dhan
cawoba mid ayaan gurigiisa qabsanay oo aan seexanay fa lilaahi xamdu ,
 |

cabdulaahi maxamuud bacadow |
guntii iyo gabagabdii shirka ayaa waxaa ka war
bixiyey sababta shirka loo qabtey iyo wixii ka soo baxay gudoomyahay gudiga
abaabulka saldhiga ciidanka amaanka ee wardhiigley cali cismaan jimcaale ( cali
nootaayo ) wuxuuna ka warbixiyey
abaabulkii loo galay furitaanka saldhigaan iyo
dhibaatada baaxada leh ee keentay in ay ka dhiidhiyeen waxgardka xaafada oo isku
afgartey dadaaldheer ka dib in galabta daaha laga rogo xaruntaan cusub oo wax ka
qaban doonta dhibaatada baaxada leh ee jirta dadweynuhuna ay kaga faaiidaysan
doonan dhinac nabada waxuuna ka codsaday mas.uuliyiinta goloha maxaakiimta in ay
gacan ka gaystaan waxgaradka iyo dadweynahane ay iska kaashadan .
ugu danbeytii saldhigaan cusub ee laga furay
xaafada xamar jadiid ee magaalada muqdisha ayaa u muuqda mid bedelay
maxkamadihii faraha badnaa ee saacadba saacada ka danbeysa loga dhawaaqi jiray
magaalada muqdisho waxaana suurta gal ah in saldhigaani uu bilow u noqdo
saldhigyo kale oo ku baaha dhaamnba daafaha magaalada
Muse Maxamud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2006
Boosaaso: Haweeney 4 caruur ah oo mataano ah
Agoosto 31 ku dhashay ispitalka guud ee bosaso.
Fardowso shiikh siciid oo ah hooyada dhashay
4caruurah kuna dhashay ispitaalka guud ee magaalda bosaso ayaa la sheegay in
caafimaadkeedu uu aad u sareeyo kadib markii ay soo martay marxalad khadar
galisay nafteed.
4 caruurta ah ee mataanaha ah ayay fardowso 2
kamid ah ku dhashay magaalada qardho ee xarunta gobalka karkaar 2 kalena ay
fardawso ku dhashay isbitaalka guud ee magaalada bosaso.
Dr: ciise cade oo ah agaasime ku xigeenka
isbitaalka guud ee magaalada bosaso ayaa xaqiijiyay in dhamaan caruurta
mataanaah iyo hooyadoodba ay aad u caafimaad qabaan dakhtarku waxa uu sheegay
in miisaanka caruurtaasi 2 kamid ah ay aad u miisaan fiican yihiin halka 2
kalena uu miisaankoodu hooseeyo.
2 miisaankoodu hooseeyo ayuu ku sheegay in ay
yihiin 2dii ku dhashay isbitaalka magaalada bosaso waxana uu yiri midi waa
halkiilo iyo bar kan kalena waa laba kiilo oo buuxa.
Carruurtaas oo uu dhammaantood caafimaadkoodu
wanaagsan yahay ayaa saddex kamid ah ay yihiin wiilal, waxana wehelisa hal gabar.
Sikastaba ma ahana markii ugu horaysey ee
haweenka somaliyeed ay sidan oo kale afar caruur ah mar qura wada dhalaan in
kasta oo hoada dhashay afartan caruura ay ka martay dhib badan oo ay kukala
dhashay caruurtan magaalooyinka bosaso iyo qardho hadan caafimaadkeeda ayaa ah
mid sare.
Boosaaso:
Tababar August 31 u soo xirmay barayaasha dugsiyada hoose, dhexe ee
deegaanada puntland.Xaflad si wayn
loo soo agaasimay ayaa maanta lagu soo afjaray tababar mudo 2 bilood ah uga
soconayay macalimiinta puntland jaamacada bariga afrika ee magaalada Bosaso
ee xarunta gobalka bari.
Gabagabadii tababarkaan oo ay ka soo qayb
galeen mas'uuliyiin sar sar oo ka tirsan xukuumada puntland iyo marti sharaf
kaleba ayaa la sheegay in ay ku dhamaatay si dii loogu tala galay.
400 oo ka mid ah macalimiinta dugsiyada
hoose dhexe deegaanada puntland oo mudadaas 2bilod ah tabarku uga socday
magaalada bosaso ayaa xafladii lagu soo xiraya waxaa hadalo ka jeediyay
wasiirka waxbarashada puntland axmed siciid awnuur kaasi oo sheegay in
tabararad caynkaan oo kale ah ay ahmiyad u leeyihiin maclimiinta kaasi oo
sare loogu qaadayo tayada waxbarasho ee macalinku uu u leeyahay in uu sii
wato hawlihiisa shaqo ee xaga barista ardayda.
wasiirka waxbarashada puntland ayaa intaas
ku daray in ay tababaro kale islmaanta u xirmayaan macalimin kale oo iyan
la donayo in sare loogu qaado hawlahooda waxbarasho kuwaasi oo gaaraya ku
dhawaad 350 maclin oo uu tababar uga socday magaalada garowe.
hawlaha tababarada maclimiinta ayaa waxay
ay qayb ka yihiin barnaamij ay wadato wasaarada waxbarashada puntland kaasi
oo la doonayo in macalimiinta ka soo baxday tababarka isla markaana ka
gudubta imtixaan laga qaado ay ka helidoonaan wasaarada waxbarashada
puntland mushahaar kaasi oo uu wasirku shaaciyaya furitaankii tababarka
macalimiinta maanta u soo xirmay.
guud ahaan maclimiinta wax ka bara
deeganada puntland ayaan lahayn tirada dhabta ah balse lagu qiyaasaa in ka
badan 5000 oo macalin in ay wax kabaraan guud ahaan puntland min tuulo ilaa
degmo.
Dhamaan maclimintan intooda badan ayaa ah
kuwo iyagu abaabushay in ay waxbaraan ardayda aan fursada u helin
waxbarashada kuwaasi oo hadii aysan helin macliminta ay ahaan lahaayeen
kuwo aan waxna qorin waxna akhri.
Sikastaba waxaa looga fadhiyaa hawlaha
waxbarasho ee ardayda puntland in ay sare u qaado wasaarada hada shaqada ku
leh.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Barnaamijkii
Radio Xoriyo
01 September
2006
======================
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ee dulmiga u jooga dalka Ogaadeenya ayaa
xilligan la jooga shan arrimood xoogga saaraya, kuwaasoo ay u
adeegsanayaan cadadaaiska iyo cabudhinta ay ku hayaan dadwaynaha
Ogaadeenya. Shantan arrimood waxay
kala yihiin;
1- Waxay isku
dayayaan inay abaabulaan ardayda iyo macalimiinta, iyagoo doonaya inay
ka dhex samaystaan kooxo la shaqeeya oo si qarsoodi ah iyo cadba ula
hawlgala. Arrintan ayaa la aaminsan yahay inay ciidammada gumaysatada ku
qasabtay cabsida ay ka qabaan inuu kacdoon dadwayn oo xooggan ka
billowdo gobollada dalka Ogaadeenya, isla markaasna ay ardayda iyo
macalimiintu hormuud ka noqdaan, sida ka dhacday gobollada Oromada.
2- Waxay
ciidammada gumaysatada Itoobiya xoojiyaan oo si nidaamsan ugu kacaan
kufsiga ay u gaystaan dumarka, ragga iyo wiilasha da’yarta ah,
arrintaasoo aad ugu oo badatay dalka Ogaadeenya, isla markaana ay
muuqato inay qayb ka tahay qorshayaasha ay ciidammada gumaysatada
Itoobiya ku cadadaadinayaan dadwaynaha rayadka ah. Waxay kaloo
ciidammada gumaysatada Itoobiya billaabeen inay xoolaha u tagaan, iyadoo
ilaa iyo hadda ay jiraan xoolo badan oo la gawracay, ka dibna haadda loo
wadhay markii ay ciidammada gumaysigu falalkaas u gaysteen. Arrintaasi
waxay dadwaynaha ku keentay argagax iyo cabsi intii hore ka badan.
3- Arrimaha
kale ciidammada gumaysatadu xoogga saarayaan waxaa ka mid ah dilka
mirrijinta ah, iyagoo mirrijin ku dila dadka ay kufsadaan iyo dadka
socotada ah ee ay cidlada ka helaan.
4- Waxay kaloo
xoogga saarayaan inay raashiinka deeqda ah ee meelaha qaarkood la keeno
dadka ku dullaystaan, iyagoo wax yaroo raashiin ah siiya qofka ama
qoyska ballanqaada inuu hubka u qaadayo ama kuwa Dabaqoodhiga noqda ee
horay hubka ugu qaaday.
5- Waxay kaloo
ku dadaalayaan inay dadwaynaha iska horkeenaan, si ay dadku isugu
mashquulaan, isla markaana nacayb iyo colaado uga dhex abuurmaan.
Arrimaha ay qorshahan u adeegsadaan waxaa ka mid ah iyagoo magic-dhaba
qofka u soo sheegay cidday dilaan ama xidhaan.
Dagaallo
badan oo cadowga lagu naafeeyay oo melo kala duwan ka dhacay.
Wariyaha RX uga
soo warrama dalka Ogadeenay ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo
ciidammada cadowga si wayn loogu naafeyay, kuwaasoo muddooyinkii denbe
ka dhacay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah.
Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
27/08/06
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa waddada u galay ciidammo gumaysigu
leeyahay oo marayay Dharkanley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxayna
halwgalkaas ciidammada cadowga kaga dileen 6 askari, 9 kalana way kaga
dhaawacen.
26/08/06 dagaal
ka dhacay Sangaal, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada cadowga
lagaga dilay 9 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
25/08/06
kolonyo ciidammada cadowga ah oo marayay Laas-dhankayre ayay ciidammada
xoreynta Ogaadeenya waddada u galeen, waxayna halkaas kaga dileen 17
askari, 21 kalana way kaga dhaawaceen.
25/08/06 dagaal
wayn oo ka dhacay Dalaad, oo Qorraxey ka tirsan, waxaa ciidammada
cadowga loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
24/08/06 dagaal
mir ah oo ciidammada dagaalyahamiinta ah ee xoreynta Ogadeenya ku qaaden
ciidammada gumaysiga ee fadhiya tuulada Dig waxay ugu gaysteen khasaare
ballaadhan.
20/08/06 dagaal
ciidamada xoreynta Ogadeenya iyo kuwa maxaysatada Itoobiya ku dhex maray
La-helow, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa maxaysatada Itoobiya lagaga
dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/08/06 dagaal
ka dhacay Laanta-dheer, oo degmada Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada
cadowga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Waxaan hadda
ka hor idin soo gudbinay dagaal ka dhacay tuulada Caado, oo ka tirsan
gobolka Doollo markii ay taariikhdu ahayd 18/08/06. Dagaalkaas, oo ahaa
mid aad u adag, waxaa ciidammada gumaystada Itoobiya lagaga dilay 68
askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 120 askari. Ciidammada
gumaysatadu waxay dagaalkaas ku dileen 3 qof oo shacab ah.
15/08/06 dagaal
ka dhacay Gumarrey, oo u dhaxaysa Qabridaharre iyo Gabagabo, waxaa
cidammada cadowga lagaga dilay 10 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.
14/08/06 dagaal
sidoo kale ka dhacay Xero-uus, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxaa
ciidammada cadowga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
13/08/06 dagaal
ka dhacay meesha lagu magacaabo Cadaadley, oo degmada Dhagaxbuur ka
tirsana, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa
lagaga dhaawacay.
12/08/06 waxay
ciidammada xoreynta Ogadeenya waddada u galeen ciidammo kolonyo ah oo
gumaysiga ka mid ah oo marayay Maygaaga, oo Dhagaxabuur ka tirsan,
waxayna halkaas kaga dileen 2 askari, 2 kalana way kaga dhaawacen.
10/08/06 waxay
sidoo kale ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka u galeen kolonyo baabuur
ah oo ciidammada gumaysiga ka mid ah, kuwaasoo marayay Laas-galool,
waxay halkaas kaga dileen 1 askari, 2 kalana way kaga dhaawaceen.
09/08/06 dagaal
ka dhacay Baarta, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxaa ciidammada
cadowga lagaga dilay 1 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 1
askari.
06/08/06
kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu lahaayeen oo marayay Fooljeex
ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka u galeen, waxayna halkaas kaga
dileen 5 askari, 6 kalana way kaga dhaawaceen.
06/08/06
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale waddada ku galay kolonyo
babuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysatada Itoobiya, kuwaasoo marayay
Tayin, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxayna halkaas kaga dileen 22
askari, waxay sidoo kale kaga dhaawaceen 28 askari.
01/08/06 dagaal
mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga
ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxay ugu gaysteen khasaare ba’an
oon faahfaahintiisa la helin.
Dhibaatooyin
kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Ciidammada
gumaysiga Itoobiya waxay markii taariikhdu ahayd 19/08/06 tuulada
Heela-dheere, oo Garbo ka tirsan ku dileen Sh Dayib Sh Axmed. Waxay
isagana la tageen oon ilaa iyo hadda war laga haynin Axmed Baddal Sheekh.
13/08/06 waxay
ciidammada gumaysigu Madax-maroodi, oo Qabridaharre ka tirsan, ku
kufsadeen gabadh da'yar oo lagu magacaabo Fatxi Xuseen Magan.
Tuulada Garawo,
oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysiuga Itoobiy ku
xidhxidheen dadka kala ah;
1-
C/wahaab Aw Aaden
2- Cali-cadde
Aw Mahdi iyo
3-
C/llaahi Aw Aaden.
13/08/06 waxay ciidammada gumaysigu tuulada Baarta ku dhaawaceen nin
lagu magacaabo Jaamac Adhiile, kaasoo ay gacmaha ka jajabiyeen.
Jidka
u dhexeeya magaalooyinka Godey iyo Qabridaharre waxay ciidammada
badhtamihii toddobaadkan ka qaqabteen dadwayne rayad ah oo aanaan
tiradooda haynin, ilaa iyo haddana lama garanayo meelaha ay dadkaasi ku
denbeeyeen.
Ciidammo ka soo goostay Itoobiya oo JWXO isu soo dhiibay
Markii ay taariikhdu ahayd 28/08/06 waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya
ee fadhigoodu yahay degmada Fiiq ka soo goostay labo askari oo ka
tirsanaa ciidammada Wayaanaha ee halkaas ku sugan.
Labadan askari oo u dhashay qowmiyada Oromada, midkood waxay darajadiisu
ahayd Alifle, midka kalana wuxuu ahaa Dable.
Labadan askari ayaa ka warramay sida ay ciidammada gumaysiga Itoobiya
ula dhaqmaan dadwaynaha Ogaadeenya, iyagoo sheegay in ciidammadaasi ay
dadwaynaha sabab la'aan iska laayaan, isla markaana u gaystaan
xadgudubyo kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin kufsiga, jidhdilka iyo
dhaca hantida.
Waxayna sheegeen inay raalli ka noqon waayeen cadaadisyada kala duwan ee
loo gaysanayo dadwaynaha Ogaadeenya, oo ay ky tilmaameen inay yihiin dad
ay walaalo yihiin.
Labadan nin ayaa saaxiibadoodii kale ee wali ku sii jira ciidammada
Itoobiya ugu baaqay inay iskaga soo baxaan xeryaha cadowga oo ay isu soo
dhiibaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
Labadan askari
ayaa loo ballanqaaday in nabadgelyadooda la sugi doono, isla markaana
loo gudbin doono meelaha ay codsadaan. Labadan askari ee hadda isa soo
dhiibay waxaa ka sii horreeyay askari kale oo u dhashay qowmiyada
Gambella, kaasoo isu soo dhiibay ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
01 September
2006.
Axmed
Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu
yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Gabar Soomaaliyeed oo
Hooyadeed Mindi ku dishay dalka Norway
.. ilaa iyo iminka lama
oga sababta gabadhani ay...
Guji...
Midowga Yurub oo Liiskeeda Argaggaxisada ka
saartay Axmed Yuusuf oo ka tirsanaa Al-barakaat
»Muqdisho:
Markab muwaacino ah oo ku soo xiranaya..
»Dowladda
Suudaan oo wada qorshe ah in IGAD..
»Shariif
Xasan oo la kulmay Madaxweynaha suudaan..
»Waaxdeeda
Caafimaadka ee golaha maxaakiimta oo bilowday
»Laascaanood:
mudaharaad oo looga soo horjeedo ethoipia..
»Qoraagii
najiib maxfuud oo ku geeriyooday Qaahira..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Aug 31

|