Wararkii Sept 4, 2006
- Sheekh Shariif oo ugu baaqay Dowladda…
- Kulankii Khartuum oo ay labada dhinac
ka…
- Jaamacadda Carabta oo ugu baaqday…
- Dekedda Muqdisho oo ay howlaheeda caadi…
Sheekh
Shariif oo ugu baaqay Dowladda…
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha
Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa shalay la kulmay Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday
arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda Soomaaliya.
Sheekh Shariif oo ka hadlay kulankaasi ayaa u
soo jeediyey Dowladda Kenya in ay dib u dhigto kulanka todobaadkaan ka dhici
doona Magalada Nayroobi oo ay isugu imaan doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee
Wadamada IGAD, kuwaas oo looga hadlayo keenista Ciidamo Shisheeye oo ka socda
wadamada IGAD, sidoo kale Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyey in ay gebi
ahaanba joojiso ciidamada ay u soo wado Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina Sheekh Sahriif waxa uu
Dowladda Kenya uga mahadceliyay sidii geesinimada lahayd ee ay Dalkeeda ugu
diiday inay qab-qablayaashii Dagaaalka ee looga itaalka roonaaday dagalkii ka
dhacay Muqdisho.
Kulankii
Khartuum oo ay labada dhinac ka…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Khartuum ee
Dalka suudaan waxay sheegayaan in kulankii u dhexeeyey Golaha Maxaakiimta iyo
Dowladda Federaalka uu galay marxalad adag oo la xiriita dhinaca nabadgelyada
iyo Siyaasadda.
Dowladda Federaalka oo horey u soo jeedisay in
laga hadlyo arrimaha Siyaasadda ayaa waxaa taa ku diiday Maxaakiimta Islamiga ah
oo iyagu doonaya in marka hore laga hadlyo arrimaha Nabadgelyada oo ah Tiirka
ugu muhiimsan ee xal u helida arrimaha Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa si aad ah isugu soo
dhawaaday kaddib markii ay Dowladda Federaalka ogolaatay in la hor mariyo
dhinaca Nabadgelyada, sido kale Dowladda Federaalka ayaa waxay dooneysaa in
awood qaybsigu uu noqdo 4.5, halka Golaha Maxaakiimta ay gebi ahaanba ka soo
horjeedaan in wax lagu qaybsado 4.5, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahy midka
dhibaatada u horseeday ummadda Soomaaliyeed.
Jaamacadda
Carabta oo ugu baaqday…
Jaamacadda Carabta oo iyadu qabanqaabisay
kulanka Khartuum ayaa wax ay u soo jeedisay dhinacyada uu wada hadalku u
dhexeeyo in ay muujiyaan isu soo dhawaansho iyo isku tanaasul, taas oo ay
sheegeen in tahay midda keliya ee lagu dhameyn karo khilaafka jira.
Jaamacadda Carabta oo kulamo gooni gooni ah la
yeelatay Golaha Maxakiimta iyo Dowladda Federaalka ayaa waxa ay u soo jeedisay
labada dhinac in ay muujiyaan dul-qaad si looga miro dhaliyo Shirka Khartuum,
waxay kaloo Jaamacadda Carabta sheegtay in hadii labada dhinac heshiis balaaran
gaaraan ay ka saaci doonaan dhinaca dib u dhiska iyo dib u soo celinta
adeegyadii qaranka Soomaaliyeed oo ku burburay dagaaladii sokeeye. Jaamacadda
Carabta oo ayaa iyadu diidan in shirkaasi gacan ku hayntiisu ay la wareegan
wadamada IGAD, waxaana la filaya sida aan warka ku helnay in Sheekh Shariif uu
kicitimo Magaalada Khartuum si uu uga qaybgalo wada hadalada halkaasi ka socda
Dowladda Kenya oo ka codsatay Maxaakiimta..
Dowladda Kenya oo iyadu horey u sheegtay inay
Soomaaliya u soo direyso Ciidamo nabad ilaalin ah oo difaaca Dowladda Federaalka
ayaa waxa ay arrintaani kala hadashay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku
sugan Magaalada Nayroobi, waxana Sheekh Shariif loo soo jeediyey in uu aqbalo
tiro yar oo kooban oo ka socda ciidamada wadamada IGAD, hase yeesheew Sheekh
Shariif waa uu ku gacan sayray waxa uuna ku tilmaamay mid aan u cuntameyn
Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Kenya waxay dooneysaa in ay Soomaaliya
u soo dirto ilaa iyo 3,000 oo Askari oo gacan siiya Dowladda Federaalka, hase
yeeshee Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya waqtigaan xaadirka ah
ay tahay nabad gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.
Madaxweynaha Wadanka Kenya ayaa la filayaa in
uu la kulmo Guddoomiye Sheekh Shariif si uu uga dhaadhiciyo Keenista Ciidamo ka
socda IGAD.
Dekedda Muqdisho oo ay howlaheeda caadi…
Mar aan booqday Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa
waxa ku xirnaa labo Markab kaddibna waxaa ku soo xirtay Markab sida Mucaawino oo
u rarnaa Hay’adda WFP kaasoo siday 3,000 oo Metric-Tone.
Dekedda oo ka socdo dhaqdhaaaq dhinaca ganacsga
ah ayaa haddana waxaa dekedda ilaalo ka ah dhowr ciidamo oo isugu jira
Maxaakiimta iyo Ciidanka Booliiska, waxaana mareysaa dhowr koontarool oo dadka
lagu baarayo, waxaana Dekedda horteeda ka bilowday dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee
dhinaca Maqaayada, Dukuumada iyo wixii la mid ah, hase yeeshee gudaha Dekedda ma
lahan Masaajid lagu tukado, kaas oo ay dhib kala kulmaan dadku, sidoo kale ma
lahan Musqulo ay dadku ku soo xaajo gutaan.
W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2006
Gudoomiyaha Fulinta Maxaakinta islaamiga ah Shiikh
Shariif Shiikh Axmed oo Nairobi maanta kula kulmay Dawlada kenya madaxdeeda
iyadoo Caawana oo la shirayo Jaaliyada Somaliyeed ee ku nool Nairobi kenya
Sep 3, 2006 12:57 PM:
Shiikh Shariif Shiikh Axmed gudoomiyaha fulinta
maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka
kenya maanta waxaa uu kulama kala duwan kula qaaday madax ka tirsan dawlada
kenya, iyadoo gudoomiyaha golaha fulintu oo Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi oo
saakay kula kulmay markii hore gaar ka tirsan dawlada kenya oo uu ka mid ahaa
safiirka kenya ee somalia Amb Maxamed Cabdi Affey iyo waliba xubno ka tirsan
beesha caalamka.
Gudoomiyaha ayaa waxay ka wada hadleen labada
dhinac aan ilaa iyo iminka la shaacin safariika dawlada kenya u qaabilsan
somalia Mr Affey ayaa waxaa ay Somalitalk wax ka waydiisay kulanka maanta
dhacay waxaana uu sheegay inoo ahaa mid dhex maray kenya iyo maxaakinta
markaasina wax tafaasiil ah ma ka bixinin.
Shiikh Shariif shiikh Axmed ayaa kulan la
qaaday maanta wasiirka arimaha dibada ee kenya Mr Rephel Tuju waxayna isla
soo qaadeen arinta ciidamada somalia loo soo diryo ee urur Goboleedka IGAD
wadamo ku jira ay u ololeeyanaan arintaasi iyadoo kenya ay hormuud u tahay
wadama qaabka dublumaasiyada leh u doonayo in somalia la geeyo ciidamo sidoo
kale dawlada Ethopia ayaa iyaduna doonayso in somalia la geeyo ciidamo
iyadoo horay loo sheegay in ciidamo ethopoian ah ay joogan somalia, kulankii
maanta ayaa labada dhinac waxay isla meel dhigi waayeen in maxaakintu
taageerto arinta ciidamada iyo in ay dawlada kenya ay qorshaha ay ciidamada
ku doonayso la joojiyo iyadoo labada dhinac shirkuudu ku dhamaaday natiijo
lahaan sida ay sheegeen ilo wareed ka dhaw dhaw maxakinta islaamiga ah ee
somaliyeed
Wasiirka arimaha diabda iyo shiikh Shariif
ayaa waxay isla soo qaaden in la taageero wada hadalada ka socda magalada
khartuum iyadoo ay maxaakintu sheegen in ay wada hadalka ku raja wayn yihiin
inoo guul ku dhamaado hadii markaasi meel la iska dhigo arimaha ugu waaweyn
ee khilaafadka dhaliyo inta badan.
Ilo wareed ku dhaw dhaw maxaakinta
masuuliyiinta Nairobi ka yimid ayaa Somalitalk waxay u sheegeen in caawa
magaalada Nairobi gudoomiyaha Golalaha Fulinta maxaakinta islaamiga ah ee
somaliyeed Fadiilatul Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kulan la qaadan doono
jaaliyada somaliyeed ee ku dhaqan kenya iyo waliba gacanatada somaliyeed ee
dalkan ku nool iyadoo dadka somalida ah ee ku nool kenya ay si aad ah uga
xumaadeen in an la soo wargalin soo dhawaynta gudoomiyaha markii uu imaanyay
Nairobi.
Maalinta bari ah ee ayaa aqalka State House ee
madaxwaynaha kenya waxaa kulan ku yeelanayo madax waynaha kenya Moi Kibaki
iyo waliba Gudoomiyaha Fulinta maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed waxii
ka soo baxa kulankoda ka dheeho Somalitalk
Maxamed Cabdi Maxmed Bootaan
Somalitalk Nairobi Kenya
Wararkii: Sept 3, 2006
Faahfaahin
dheeraad ah oo ku saabsan shirka Khartuum
Waxaa maalintii shalay aheyd ka furmay
magaalada Khartuum ee dalka Suudaan wajigii 2-aad ee shirkii 22-kii Jully ay
isugu yimaadeen dowladda Federaalka Soomaaliya xubno matalaya iyo wakiilo ka
socda Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed.
Kulankaasi ayaa dhawr jeer baaqday, iyadoo
muddooyin hore oo loo calaamadeeyey uu qabsoomi waayey kaddib markii ay
dhinacyada matalaya labada garab shuruudo soo bandhigeen.
Shalay markii la isugu tagey Khartuum, ayaa
wafdiyada ka kala socda Dowladda iyo Maxaakiimta waxey dadka daneeya arrimaha
dib u heshiisiinta u muujiyeen isku soo dhawaansho dhinac kasta ah, iyadoo ay
markiiba kulamo kala gooni gooni ah la yeeshey madaxda dalka Suudaan, sidoo
kalena ay iyaga dhexdooda shirar ku wada yeesheen halkaasi.
Shirkan dib u heshiisiinta ayaa dadweynaha ku
dhaqan gudaha Soomaaliya waxey ka muujiyeen dareeno kala duwan, inkastoo ay
intooda badan soo bandhigeen niyad wanaaga, waxeyna ku tilmaameen in shirkani uu
noqon doono kii ugu dambeeyey ee Soomaali la isugu yeero, iyagoo tilmaamay in
labada awoodood ay ku midoobi doonaan shirkan.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Qaramada Midoobey
oo uu magaceeda ku fadhiyo Francious Fall, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda
Carabta, Midowga Yurub oo uu wakiil u ahaa ergayga Talyaaniga ee arrimaha
Soomaaliya Mario Revelli, waxaa kaloo goob joog ka ahaa dhammaan waddamada
bixiya deeqaha iyo hay’adahooda.
Madaxdii ka socotay beesha caalamka waxey u soo
jeediyeen labada dhinac in shirkoodu uu noqdo mid mira dhala oo uu ka soo baxo
natiijo wax ku ool ah, furitaankii shirkani ayaa wuxuu ku beegmay xili uu
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta uu shalay u ambabaxay magaalada
Nayroobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti qaad ka helay madaxweynaha
dalkaasi.
Hase yeeshee, su’aasha isweydiinta mudani waxey
tahay maxaa ku soo beegay bixitaanka guddoomiyaha Golaha Fulinta iyo furitaanka
Shirka Khartuum, balse, dadka siyaasaadda u kuurgala waxey leeyihiin, dowladaha
Kenya iyo Itoobiya waxey si weyn uga soo horjeedaan shirka ay qaban qaabadeedu
leedahay Jaamacadda Carabta, iyadoo wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya uu
si rasm ah u sheegay in waddamada Kenya iyo Itoobiya ay si aad ah uga soo
horjeedaan inuu mira dhalo shirka Khartuum, waxaana loogu baaqay in waddamadaasi
ay faragelinta ka joojiyaan Soomaaliya.
Dowladda Kenya sababaha ay ugu yeertay Sheekh
Shariif ayaa lagu macneeyey iney tahay iney maxkamaduhu ogolaadaan in shirka
Khartuum wajigiisa labaad loo soo wareejiyo magaalada Nayroobi, hase ahaatee,
dowaldda Kenya way ku adkaan doontaa in shirkaasi loo soo wareejiyo dalkeeda,
maadaama, aysan arrinkaasi Maxkamaduhu.
Sheekh Shariif waxaa ka horreeyey oo magaalada
Nayroobi gaaray guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu
laga dhaadhiyey in shirka Khartuum loo soo wareejiyo magaalada Nayroobi.
“Inagu halkan uma imaanin inaan helno wax xilal
ah, waxaan u nimid sidii loo xoojin lahaa nabadda Soomaaliya” ayuu yiri, Madaxa
Wafdiga Maxaakiimta ee shirka Khartuum ka qeyb galaya, Dr. Ibraahim Xasan Caddow,
mar uu ka hadlaayey furitaankii Shirka Khartuum, wuxuuna u soo jeediyey beesha
caalamka iney il gaar ah ku eegaan faragelinta ay dowlada Itoobiya ku hayso
arrimaha Soomaaliya.
Dowladda federaalka ayaa iyadu wadata qorshe ah
in Golaha Maxaakiimta xilal laga siiyo dowladda Federaalka, waxaana qorshahaasi
ka mid ah in 88-da Golaha Shuurada lagu daro Golaha Baarlamaanka oo haatan ka
kooban 275- Xildhibaan.
Warar kale ayaa waxey sheegayaan in dowladda ay
wadato qorshe ah in xilal muhiim ahlaga siiyo xubnaha ugu cad cad Maxakamadaha,
dowladda federaalka, hase yeeshee, way adkaan doontaa in Golaha Maxaakiimta ay
aqbalaan xilalkaasi, haddii aysan dowladda federaaka ah ku dhaqmeyn Shareecada
Islaamka.
Shirkaan ayaa dadka qaar waxey qabaan ineysan
waxba ka soo baxeynin maadaama labada dhinac ay kala aaminsan yihiin laba
fikradood oo aad u kala sareeya, laakiin, rag u dhuun daloola arrimaha
Soomaaliya ayaa waxey noo sheegeen in labada dhinac ay iska magacaabi doonaan
guddiyo ka kooban mid 10-xubnood, kuwaasi oo ka soo baaraandegi doona sida lo
qeybsan doono xilalka dowladda, isla markaana isbadel loogu sameyn karo Axdiga
KMG.
Kulan diineedkii
Lixaad ee Muslimiinta W/Ameerika....

Halkan ka akhri
warbixinta sida uu ku socdo kulanka Musliimiinta W/Ameerika... GUJI...
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2006
$150-Milyan oo ay Jaamacadda Carabtu ugu tala gashey Haddii uu
Miro dhalo Shirka..
»Shirkii Khatuum oo
maanta ka furmaya Wadanka Suudaan..
»Qofkii 30-aad oo
Soomaali ah oo lagu dilo Dalka K/Afrika..
»Machadka Al-Cimra oo
deeq baco ah gaarsiiyey Dadka soo..
»Garoowe: manhaj cusub
oo loo samaynayo waxbarashada..
»Boosaaso: Qaxooti
Soomaaliyeed oo gargaar loogu qabiyey
»EYL: Xoghayaha guud ee
dawladda hoose ee degmada..
»Xaflad balaaran oo
lagu furayey saldhigcusub oo ka..
»Haweeney 4 caruur ah
ku dhashay ispitalka guud ee bosaso.
»Dagaallo badan oo
cadowga lagu naafeeyay oo melo kala..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Sept 2
|