SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 5, 2006

  • Markab u raran Hay’adda WFP oo 11-sano kaddib ku soo xirtay…
  • Qodobadii ka soo baxay shirkii Khartuum ee u dhaxeeyey..
  • Madaxweynahe Cabdulaahi Yuusuf oo gaaray Nayroobi
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay..
  • Bannaanbaxyo maanta ka kala dhacaya Magaalooyinka Muqdisho..
  • Sheekh Shariif oo dib u soo laabtay isagoo ka hor yimid in Soomaaliya la keeno..
  • Xarunta Ismaaciil Jicmaale oo welwel ka..
  • Xulka Qaranka Soomaaliya oo shalay u Ambabaxay ..
  • Hay’adda SCAC, Siminaar ku saabsan Aidska u soo gabagabeysey
  • Garoowe: Guddoomiye Xigeenkii 1-aad ee Hantidhawrka Puntland oo Geeriyoodey

Qodobadii ka soo baxay shirkii Khartuum ee u dhaxeeyey..

Waxaa maalintii shalay aheyd magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, lagu soo gabagabeeyey wadahaladii u dhaxeeyey dowladda fedraalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, shirkani oo socday muddo saddex maalmood ay ayaa labada dhinac waxey isaga soo dhawadeen qodobo badan kaddib markii ay yeesheen kulamo joogto ah, waxaana dhex dhexaadinayey, Jaamacadda Carabta oo iyadu dooneysay inuu mira-dhalo shirkaasi, waxaana gabagabadii shirkaasi, laga soo saaray dhawr qodob.

Haddii aan ku horreyno qoraalkii ay soo saareen Maxaakiimta, waxaa ka mid ahaa qodobadii ay soo saareen, i

  1. n la dhawro heshiiskii Jun 22-dii ka dhacay magaalada Khartuum ee waddanka Suudaan,
  2.  in dib loo mideeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Maxaakiimta,
  3. in dhammaan la joojiyo faragelinta ay ku hayaan waddamada shisheeye Soomaaliya,
  4. inaan wax taakuleyn ah iyo soo dhaweyn ah la siinin horboodayashii dagaalka,
  5. in lagu shaqeeyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyo
  6. iney muqadas tahay midnimada ummadda Soomaailyeed.

Sidoo kale qoraalkii ay soo saareen dowladda federaalka ah waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu heshiiyey,

  1. in la ilaaliyo heshiiskii 22-kii Jun,
  2. in la joojiyo dhammaanba faragelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya,
  3. in dib loo habeeyo ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed,
  4. in aan la martigelin ama la soo dhaweyn qabqablayaashii dowladda,
  5. in la dhawro rabitaanka shacabka iyo
  6. in ay midnimada ummadda Soomaaliyeed tahay mid lama taabtaan ah,

Waxaana wadahadaladan dib la isugu soo laaban doono wixii ka dambeeya ciidda haddii uu Alle idmo. Sidoo kale qodobada dib looga hadli doono waxaa ka mid ah,

  1. Dastuurka,
  2. keenista ciimado shisheeye iyo
  3. awood qeybsiga.

Markab u raran Hay’adda WFP oo 11-sano kaddib ku soo xirtay…

Markab sida 3,000 oo Metric Tone oo raashin ah oo u raran Hay’adda WFP ayaa Shalay ku soo xirtay dekedda weyn ee caalamiga ah.

Markabkaan oo raashinka uu sido isugu jiro Galley, Digir, Meseko iyo Saliid ayaa waxaa loogu talagalay dadka ku dhibaateysan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobalka Banaadir, SH/dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Jubbadda Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Mudan Yoonis oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda WFP oo u waramayey saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Hay’addu ay aad ugu faraxsan in tahay in 11-sano kaddib uu Markab u raran iyaga ku soo xirto Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho.

Mudane Yoonis mar wax laga weydiiyey sababaha ay Hay’adda WFP uga iibin weyday Beeraleyda Soomaaliyee raashinka sida Galleyda iyo Mesegada ayaa waxa uu ku jawaabay “waa runtaa Hay’adda WFP aad bay u daneyneysaa in ay Raashin ka iibsato Beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana dib u soo celinta doonaa Xiligii UNISOM oo raashinka laga iibin jiray beeraleyda Soomaaliyeed.

Dadweyne Fara badan ayaa daawanayey soo xirashada Markabkaasi, iyadoo sidoo kale shaqaalaha Markabka ay iyana sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo xirashada markabaasi ee Dekedda Weyn ee Muqdisho.

Madaxweynahe Cabdulaahi Yuusuf oo gaaray Nayroobi

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay gaaray magaalada Nayroobi ee waddanka Kenya, isagoo galabnimadii shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, si uu uga qeybgalo kulanka dhawaan ka furmi doona halkaasi ee ay isugu imaan doonaan madaxda waddamada ku mideysan urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, waxeyna ka qeybgalli doonaan shirka IGAD oo horey loo shaaciyey in lagu lafa guri doono xaaladda Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu shalay un soo gabagaboobey safar ay halkaasi ku joogeen wafdi ka socda Maxkamadaha oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta, Sh. Shariif Sh. Axmed, kaasoo dowladda Kenya ay ugu yeertay iney ka dhaadhiciso iney aqbalaan in dalka la keeno ciimado ka socda IGAD.

Waxaan la saadaalin karin, waxa uu soo kordhin doono shirka ay madaxda IGAD ku yeelanayaan Nayroobi, inkastoo la filayo inuu furmo maalmaha soo socda.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay..

Waxaa shalay aroornimadii ka dhacay dagaal qaraar oo dhex maray maleeshiyo horey u joogtay garoonka iyo ciidamo ka socday Boliiska oo gacan ka helay kuwa madaxtooyada ee C/llaahi Yuusuf.

Waxaana la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen 5-ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, oo labada dhinacba ah, hase yeeshee, Ra’isul wasaare Geeddi ayaa markiiba wuxuu magacaabay guddi ka soo baaraan dega, isla mar ahaantaana dabagal ku sameeya wixii sababay is rasaaseyntani.

Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Baay ayaa ku eedeeyey Jen. Cali Madoobe inuu ka dambeeyey dagaalkii shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in maleeshiyadani ay horjeesteen ciidamo ka socday dowladda oo tababar loogu dirayey Shiinaha, iyagoona lacago baad ah weydiistay, taasoo keentay in markii dambe ay arrintu gacan ka hadal isku badesho, warar aanu helnay ayaa waxey sheegayaan in shalay ay dowladdu damacsaneyd iney garoonka ka soo dejiso ciidamo ka socda Yugandha iyo Itoobiya, waxaana lagu wargeliyey iney meesha ka guuraan balse way ka madax adeygeen.

Bannaanbaxyo maanta ka kala dhacaya Magaalooyinka Muqdisho..

Maanta ayaa la filayaa in magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay ka kala dhacaan bannaanbaxyo kala dhinac ah, haddii aan soo qaadano magaalada Muqdisho kan ka dhacaya waxaa looga soo horjeedaa ciidamada shisheeye ee la doonayo in la keeno Soomaaliya, kaasoo la filayo inuu ka dhaco fagaaraha Terabuunka ayna ka soo qeybgalaan, mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Midka ka dhacaya Baydhabo ayaa ah, mid looga soo horjeedo maamulka la sheegay in laga dhisi doono gobolkada Jubbooyinka, kaasoo loogu magacdaray Jubbaland, waxaana laga cabsi qabaa in bannaanbaxani uu keeno dagaal, iyadoo ay dadweynuhu ka careysan yihiin magaalada Baydhabo, gaar ahaan garoonka diyaaradaha, kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo 5-ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Banaanbaxani oo la filayey inuu shalay dhaco ayaa u baaqday dagaalkii ka dhacay garoonka Baydhabo.

Sheekh Shariif oo dib u soo laabtay isagoo ka hor yimid in Soomaaliya la keeno..

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu dhawr maalmood ku maqnaa magaalada Nayroobi, intii uu ku sugnaa Sheekh Shariif magaalada Nayroobi, waxa uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee waddankaasi, iyagoo isla soo qaaday arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa waxey dooneysay iney Sheekh Shariif ka dhaadhiciso in maxaakiimtu ay ogolaadaan, in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda waddamada IGAD, hase yeeshee, Golaha Maxaakiimta way ku gacan seyreen, waxeyna sheegeen iney tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyey arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Kenya ay kulamo la yeesheen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Kenya, waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyey Faarax Macallin oo ka mid ah xildhibaanada waddanka Kenya wuxuuna uga warbixiyey kacdoonkii shacabka ee lagu riday qabqablayaashii dagaalka ee muddada 16-ka sanno aheyd haystay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya iney ka qeyb qaataan dib u dhiska waddankooda,

Sh. Shariif ayaa wuxuu casuumaad ka helay waddamo badan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Xarunta Ismaaciil Jicmaale oo welwel ka..

Xarunta Xuquuqda aadanaha ee Ismaaciil Jicmaale oo inta badan uruurisa, tacadiyada ka dhaca waddanka, ayaa waxey walwal iyo walaac ka muujisey 6-qofood oo ku xiran xabsiga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kuwaas oo kala ah, Max’ed Cali Cumar (Sahal) Nuur Cabdulle Cabdi (Ilka-boqol), C/llaahi Yuusuf Sh. Cumar, Max’ed C/llaahi Raage (Taallo), Fanax Mire C/samatar iyo Shariif Max’ed Carroole iyo xubno kale oo muddo bil ah ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.

Dadkani oo lagu eedeynayo iney ka dambeeyaan dilkii Marxuum C/lla Deerow Isaaq, oo aan wali helin maxkamad dhageysata dacwada loo haysto, taasoo xad gudub ku ah xaquuqda aadanaha sida ku xusan baaqa caalamiga ah qodobkiisa 10-aad oo leh qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu sinnaan buuxda iyo maxkamad caadil ah, waxeyna xaruntu ka codsaneysa dowlada federaalka iney dadkaasi horkeento maxkamad qeybaheeda caddaalada ay u dhameystiran yihiin, waxaana ku saxiixna Maryan Xuseen Awreeye, oo ah guddoonka xarunta.

Hay’adda SCAC, Siminaar ku saabsan Aidska u soo gabagabeysey

Waxaa maalintii shalay aheyd hoteel Ambasadoor ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeye siminaar socday muddo 3-maalmood ah, kaasood lagu baranayey cudurka Aids-ka, waxaana siminaarkani soo qaban qaabisey siminaarkani hay’adda SCAC, oo ah guddiga la dagaalanka cudurka Aids-ka ee koonfurta iyo bartamaha Qaaradda Afrika.

Waxaana casaharo ka bixinayey macalimiin ay ka mid ahaayeen Dr. C/llaahi Sh. Xuseen, (Bushkuleeti) wuxuuna si aad ah ugu dheeraaday dhibaatada cudurka Aids-ka uu ku hayo qaaradda Afrika, isagoo sheegay 1% iney cudurkaasi haatan qabaan, isagoo sheegay iney tahay xaddi aad u ballaaran oo loo baahan yahay in laga hortago.

 

Nimca Xuseen Cali oo iyaduna ka mid ah saraakiisha hay’addaasi ayaa waxey sheegtay in siminaarkani uusan aheyn siminaarkii ugu horreeyey ee ay qabtaan balse ay horey usoo qabteen siminaaro fara badan oo la xiriira cudurka halista ah ee Aids-ka, waxeyna u soo jeedisey ka qeybgalayaasha in wixii ay ka faa’ideysteen ay u gudbiyaan walaalahooda aan fursadda u helin iney helaan fursaddan.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo shalay u Ambabaxay ..

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 20-jirka aya shalay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/cagta, Cali Saciid.

Intii aysan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ayaa waxa xaflad sakootin ah loogu sameeyey hotel Golobol, oo ay muddo ku xareysnaayeen, waxaana ka hadlay, ku simaha guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Saciid Max’ed Nuur (Mugaanbe) wuxuuna u soo jeediyey ciyaartoyda iney la yimaadaan ciyaar asluub ay ku dheehan tahay.

Waxaa kaloo halkaasi warbixin ka soo jeediyey xoghayaha xiriirka C/qani Saciid Carab oo sheegay iney ciyaartoydu xareysnaayeen muddo bil iyo bar ah ayna tababar qaadanayeen subax iyo galab, wuxuu sheegay in xiriirku ay xulka Qaranka ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka ay ugu talagaleen laba qalab oo mid ay bixiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Norway, midna uu bixiyey Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Waxaa tababarayaal u ah, tababare Coonka iyo tababare Cali Buu, waxaana dhinaca caafimaadka ka saacidaya Drs. Mina Xasan Shibis.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Olympic-da gobolka Banaadir Xaaji Max’ed Subeyr Jeelle oo isna ciyaartoyda siiyey dardaaran dhinacyo badan leh.

Ciyaartoyda ayaa waxey ka qeyb galayaan laba tartan oo mid uu ka dhacayo waddanka Yugandha midna uu ka dhacayo waddanka Malawi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Garoowe: Guddoomiye Xigeenkii 1-aad ee Hantidhawrka Puntland oo Geeriyoodey

 Allaha u naxariistee Marxuum C/laahi Cali Bootaan oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii 1-aad ee Hantidhawrka Puntland ayaa xaley ku geeriyoodey magaalada Garoowe ee caasimada DGOL,

Allaha u naxariistee Marxuumka  C/laahi Cali Bootaan ayaa maalmihii ugu dambeeyey xanuunsanaa waxaana uu geeriyoodey goordanbe oo xalay ah.

Aaskii marxuumka oo saaka ka dhacay  caasimada puntland  Garoowe ayaa waxaa ka qayb galey masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumada oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka caafimaadka,wasiirka qorshaynta,wasiirka waxbarashada, gudoomiyaha gobalka nugaal, duqa degmada garowe ahana gudoomiyaha golaha deegaanka. masuuliyiin kale iyo dadweyne aad u fara badan oo ka mid ah shacabka magaalada Garoowe.
 

Sikataba waxaa dhamaan tacsi tiiraanyo leh u diaraya dhamaan shacabka puntland iyo madaxdoodaba marxuumka geeriyooday C/laahi Cali Bootaan in alle janadii ka warabiyo dad kiisina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Khartuum: shirkii dhinacyada somalida uga socday khartuum oo meel xasaasi ah maraya.

Wararkii ugu danbeeyay ee anga soo gaaraya kulanka somalida uga soconaya dalkaaasi suudaan caasimadiisa khartuum ayaa kuwaramaya in aysan wali fari ga qodnayna kulana.

wax war ah oo rasmi ah oo la isla meel dhigay ilaa iyo iminka ma jiraan, maalintii shalay ahayd ayaa labada dhinacba ay is waydaarsaden  dukumintiyo qoraal ah kuwaasi oo mid walba ugu talagalay ajandaha shirka.

Midowga maxaakiimta ayaa soo gudbiyay dukuminti qoraal ah malaintii shalay kaasi oo uu  ku cadaa qaabka ay maxaakiimtu u doonayaan in looga wada hadlo arimaha amaanka ee dalka .

Dhanka ka socda xukuumada ayaa gudoomay dukumintigaas waxayna sheegeen in ay soo akhrinayaan wixii talo ama ay ku diidan yihiina ay  u soo bandhigayaan maxaaakimta, balse dawladu dhankeeda waxay soo gudbisay  dukuminti qoraal ah oo isna qeexaya siyaasada iyo sidii looga heshiin lahaa ee ay dawladu ugu talagashay sidaa si la mid ah ayaa maxakiimtu gudoomeen dukumintigaas dawladu dhankeeda ka soo gudbisay waxayna maxaakiimtu sheegeen in ay iyaguna ka soo doodayaan wixii tala ahna ay ka soo war bixinayaan aka ay ku darsanayaan.

In kastoo maxaa kiimtu ay ku adkaysanayaan in aan hada loo baahnayn in laga doodo dhanka awood qaybsiga oo loo baahan yahay marka hore in la dajiyo amaanka  taas kadibna loo gudbo siyaasada, lakiin dawlada ayaa iyaduna ku adkaysanayasa dhankeeda in ay siyaasadu tahay lagamamaarmaan oo markii lagu heshiiyo siyaasada loo gudbi akro amaanka.

si kastaba kulanka khartuum oo hada maraya meel aad u xasaasi ah ayaa waxaa la leyahay waxaaba laga yaabaa in maanta la soo gabagabeeyo iyada oo loo qabtay 4 maal mood oo maanta ay ugu danbayso walina wax la taaban karo oo heshiis ah lagama gaarin oo heshiis ah balse  gaba gabada maanta ayaa labada  dhinacba soo gudbinayaan  wixii ay ugu tala galeen  kulanka khartuum iyo sidii ay ku heshiinayaan.

Goob joogayaal caaalami ah  ayaa la sheegay in ay wali banaanka ka joogaan shirka khartuum kaasi ay somalidu codsatay in marka hore iyaga la isku daayo oo laga ilaaliyo gacan shisheeya taasi oo ay aaminsan yihiin hadii somalida la isku daayo  in somalidu ay heshiin karto.

A/rizak koronto
garowe puntland

Wararkii shalay hoos ka akhri


Shirka Khartoum oo Soomaalidu codsatay in laysaga dhex baxo iyaga  kulan saacado badan qaatay oo xalay ay ku yeesheen

 

Wufuuddii ka socotay xukuumadda Federalka KMG Soomaaliya iyo maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo maalintii shalay aheyd uu kulan uga furmay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ,taasoo ah lugtii labaad oo ay yeeshaan.

 

Soomaalida ayaa waxa ay ka codsadeen dhex-dhexaadiyaashii in loo daayo kulan ay ku yeesheen xarunta saaxiibtinimada ee ku taallo magaalada Khartoum oo uu ka soconayo kulanka dib-u-heshiisiinta maxaakiimta iyo dowladda Federalka ah, mana jirin cid ku wehelisay kaasoo qaatay qaddar saacado gaaraya 3 saacadood.

 

Kulankan ayaa waxaa warar ku dhow dhow ee laga helayo waxa uu sheegayay inay jirtay in si cad looga wada hadlayay arrimaha la doonayo in laga wada hadlo maanta ajeendo ahaan taasoo labada dhinac ay ka wada hadlayeen walow mararka qaar ay jirtay in dhinaca ammaanka ay cabsi ka muujiyeen dadkii martida loo ahaa.

 

Shirkii xalay ayaa ahaa mid ka yaabiyay dadka ajnabiga ah sida ay hal mar u codsadeen Soomaalidu in iyaga laysku daayo loona firaaqeeyo miiska wadahadalka iyo goobtaba, taasoo lagu fasirtay inay wax walbo ka heshiin karaan, walow markii dambe aanay ka soo bixin wax war ah oo dhaafsiisan in mid mid ka mid ah raggii kulankaasi ka qeyb galay ay saxaafadda qaarkeed u sheegeen in la diyaarinayay oo kaliya ajendihii maanta looga hadli lahaa kulanka loo baallansan yahay barqanimada.

 

Fikirka ay kala aaminsan yihiin labada dhinac ayaa ah mid aad u kala geddisan taasoo ah in dowladda KMG ah ay qabto in lagu heshiiyo dastuurka lagu soo dhisay Kenya iyo in aan laga hadlin marka hore dhinaca nabad gelyada iyo maxkamadaha oo doonaya in ciidamada shisheeye ay ka baxaan gudaha Soomaaliya iyo in dastuurka wax laga beddelo, diinta Islaamkana lagu dabakho.

 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya

002521576666

002521653623

 

 

Xukuumadda Kenya oo marqaati kaga dhigeysa beesha caalamka maxaakiimta

 Waxaa maalintii shalay aheyd gaaray magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi guddoomiyaha guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo horkacaya xubno gaaraya 9, kuwaasoo ay marti qaadday dowladda Kenay oo uu madaxda ka yahay Mwai Kipaki.

 

Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ka degay xubno uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayna ka mid yihiin Masuuliyiinta Maxkamadaha u qaabilsan Maaliyadda iyo arrimaha bulshada, kuwaasoo oo ay soo dhoweeyeen wufuud ka socotay dowladda Kenya, isla markaana loo diiday inay la kulmaan Soomaali badan oo ku sugeysay garoonka kaddib markii ay maqleen inay imaanayaan.

 

Max'ed Cabdi Afey oo ah wakiilka Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu marti qaaday madaxweynaha dowladda Kenya Mwai Kipaki, uuna doonayo in uu ogaado mowqifka maxkamadaha Islaamiga ay qabaan xilligan, sidoo kalena mar la waydiiyay Mr. Afey inuu gudbiyay waraaq hadda ka hor ay u dhiibeen maxkamaduhu xilli uu Muqdisho yimid taasoo cabasho ka aheyd dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo ku jira gudaha Soomaaliya ayaanu haba yaraatee soo qaadin.

 

Dadka qaadaadhiga arrimaha Soomaaliya ayaa waxay ku fasireen kulankan casuumadda ee loo fidiyay maxkamadaha in marqaati looga dhigayo caalamka sidii loo keeni lahaa ciidamo faragelin ku sameeya gudaha Soomaaliya taasoo ay wadaan dowladaha Kenya, Itoobiya, Uganda iyo kuwa kale oo aan isa soo bannaan dhigin.

 

Xilliga kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada Khartoum ka socoto dib u heshiisiin  Soomaalida dhexdeeda ah iyo dhanka kale oo magaalada Addis-ababa ay ka socoto diblomaasiyad ay wadaan dowladaha Kenya, Itoobiya iyo dowlada Federalka KMG Soomaaliyeed kuwaasoo qorshe ka dhexeeya u gudbiyeen golaha ammaanka Afrika, qeexayana in la geeyo gudaha Soomaaliya ciidamo nabadda ku soo celiya.

 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya

002521576666

002521653623

 

 Jabuuti iyo Eritrea oo wadahadal ka yeeshay arrimaha Soomaalia

 

Magaalada Asmara wararka ka imaanaya ayaa waxay sheegayaan in kulan ay ku yeesheen madaxweynaha dalka Eritrea Asayes Afawerk iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti taasoo layskula soo qaaday arrimaha Soomaaliya iyo gobolka.

 

Asayez Afawerk ayaa waxa uu xarunta madaxtooyada ee dalkiisa kula kulmay Ugure Kifle iyo Gen. Zakariye Axmed oo ka socday xukuumadda jabuuti, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika ee ay ugu horreyso Soomaaliya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

 

Asayez Afawerk ayaa waxaa lagu xantaa sida kuwa ka soo horjeeda ay sheegaan inuu taageero maxaakiimta Islaamiga, balse waxa uu u sheegay saraakiishaasi ka socota dowladda Jabuuti in Eritrea aanay wax taageero iyo wax ciidan ah ku bixinin Soomaalia, taas beddelkeedana ay dooneyso sidii Soomaaliya ay u heli laheyd dowlad loo dhan yahay iyo nabad.

 

Sidoo kale waxa uu waraaq ugu dhiibay wafdigan madaxweynaha dalka Jabuuti taasoo oo ka hadleysay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labada dhinac nabad gelyada iyo aragti mideysan oo ay ka qaataan arrimaha geeska Afrika xilligan.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya

002521576666

002521653623

 

Prof. Cali Max'ed Geeddi "Waa in lagu heshiiyaa dastuurka dhexdiisa, ciidamada shisheeyana waxa ay xasilooni ku soo celinayaan dadka Soomaaliyeed oo dirirsanaa 16-ka sano"

 

Prof. Cali Max'ed Geeddi oo ah ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federalka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya uga socda dalka Suudaan ciidamada la doonayo in la keeno gudaha Soomaaliya, maamul goboleedyada.

 

Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlayay marxaladda hadda dalka uu ku sugan yahay iyo aragtidiisa ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan ahay dib-u-heshisiiin dhab ah iyo Soomaalinimo in loo heshiiyo.

 

"Waa in lagu heshiiyaa dasuurkii lagu soo dhisay xukuumadda Federalka KMG Soomaaliya ee aan wax kale shuruud laga dhigin, taas ayayna ku imaan kartaa dib-u-heshiisiinta rasmiga ah, halkanna waxaa yaalla 4.5 ka mid bayna noqonayaan maxaakiimtu" ayuu yiri ra'iisul wasaare Geeddi oo intaa daba dhigay in shirka Khartoum haddii taas lagu salleeyo uu najaxayo.

 

Sidoo kale Prof. Cali Max'ed Geeddi oo ka hadlayay arrimaha gudaha dalka ayaa waxa uu yiri "Wixii ka dambeeyay shirkii dib-u-heshiisiinta wax maamul goboleed la yiraahdo oo aan aqoonsanahay ma jiraan, hadday tahay Jubbaland ama Galmudug toona, taasna waxaan u maleynayaa ka xukumad ahaan inay iska caddahay.

 

Dhanka ciidamada shisheeye ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaalidu ay heshiin laheyd 16kii sano ee la soo dhaafay haddii ay wax qabsan karto balse beesha caalamka oo ay horkacayaan IGAD iyo Midowga Afrika  waxa ay go'aansadeen in Soomaaliya loo soo diro ciidamo isla markaan la xasiliyo taasna cid lagala tashanayo ma jirto.

 

Arrintan dhinaca ciidamada ayaa waxa ay u muuqataa mid ay isaga soo horjeedaan maxaakiimta Islaamiga ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi iyo xukuumaddiisa, taasoo ay doonayaan maxaakiimtu in gebi ahaanba aanay soo gelin Soomaaliya wax ciidan shisheeye ah.  

 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya

002521576666

002521653623

 

Sheekh Xasan Daahir "Weligey ma aqoonsan dowladda Federalka Soomaaliya, waan been abuur haddii la yiri wuu aqoonsaday"

 

   Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Xasan Daahir Aweyso oo ka hadlayay fikirkiisa ku aaddan arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhinaca dowladda fikirka uu ka qabo.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa yiri "Anigu waxaan aaminsanahay in Soomaalida ay Islaam tahay, isla markaana ay ka heshiin karto wixii khilaaf ah ee ay isku hayaan haddii iyaga laga dhex baxo, shirka Khartoumna waxaan rajeynayaa in wax wanaagsan uga soo baxaan ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku billowdayna ay wanaagsan tahay.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wax laga waydiiyay bal qaabka uu u arko xukuumadda Federalka iyo waxa uu ka aaminsan yahay ayaa yiri "Weligey ma aqoonsan dowladda Federalka Soomaaliya, waan been abuur haddii la yiri wuu aqoonsaday" isagoo intaasi sii daba dhigay inay jiraan dad dhinaca xun uun wax ka eega doonayana inay dad aan islaam aheyn necebna raalli geliyaan.

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay inaanu isagu ka hor dhaceyn kulanka hadda dowladda kenya ay ku martiqaadday guddoomiyaha Guddiga  Fulinta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, isla markaana wixii ka soo baxa ay wax ka oran doonaan dhankooda.

 

Tahniyad aroos

 

 Arooska iyo aroosada

Ibraahin maxamed bilaal

Drs.Amal axmed sh/ xasan

Oo maherkood ku dhacay magaalada muqdisho

Taariiqda markee eheed 27/08/2006 Guriga ingineer Axmadeey Sh Xassan ee ku yaala Xaafadda Kaaran ee magaalda Muqdisho Dadkkaas a oo kala ah:

 

1.       Aabe injineer axmed sh/ xasan

2.       Dr maxamed shiikh xasan

3.       Abooto xaawo & xabaaba

4.       Hooyo seynab cabdulle afrax

5.       Ifraax axmed sh.xasan ( Diidii )

6.       Xakiima maxamed shiikh

7.       Dr Abdulaahi shiikh xasan

8.       Eeda ubax shiikh xasan

9.       Seynab shiikh xasan

10.   Eeda dahabo Maxamed Geysey

11.  Abreed burhaan Dest

12.  shaaciyo xasan

13.  ismahaan maxamed

14.  Saciida macalin boqol soon

15.  Habaryar Xaliima Cabdule

16.  Habar yar faadumo barqadle

17.   Xabiiba muxudiin (Fanaxleey)

18.  xabiiba maxamuud maxamed

19.  Liibaan moh�ed yuusuf (Qaamshe)

20.  Abaayo iftin xaashi

21.  Deega Cali nuur (Galac)

22.  Sucaada Maxamuud Jirow

23.  Yuusuf Maxamed Jirow

24.  Ashkaan Axmed sh. Xasan (Cadareey)

25.  Maxamed axmed sh/ xasan

26.  Cadnaan sh/ xasan xaaskiisa faaiza muxudiin

27.  Faaduma sandheere

28.  Aboowe c/risaq xasan c/lle

29.  C/laahi axmed sh. Xasan (abdi niil)

30.  C/qaadir axmed sh. Xasan (hiinka)

31.  Xaaji xaanshi

32.  Liibaan moh�ed yuusuf (Qaamshe)

33.  Ciisa jiinow gacal

34.  Xaaji xaashi

35.  Cabdi naasir Cali nuur

36.  Axmed nuur xaaji

37.  Cusmaaciil maxamed cali (bootale)

38.  C/raxmaan ibraahin shamuuq

39.  Ayaan cabdi ismaan

40.  Luul shiikh xasan

41.  Basbaas

Dhamaan dadkaas oo kala jooga dunida dacaladeeda waxay tahniyad iyo hambalyo u dirayaan  Arooska iyo aroosada:

Ibraahin maxamed bilaal

Drs.Amal Axmed Sh. Xasan

 

oo Arooskooda ka dhacay magaalda Cophenhagan   ee dalka Denmark Malinta Axada 27/08/.2006 dhamaan dadkaasi waxay leeyihiin noqda kuwii isku waara ubad khayr qabana kala hela.  Aaamiin ..Aamiin .. Aamiin    

 


Kulankii Muslimiinta W/ Ameerika oo Guul Ku Dhammaaday..

Kulankii saddexda maalmood ka socdey Minneapolis oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey.. Akhri warbixinta

Kulan Cilmiyeed diini ah oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho
kulan ay soo qaban qaabisay Mua’sasada Dacwada iyo Tacliinta ayaa...
Akhri...

Warar GooGoos ah: Sept 4, 2006
»Sheekh Shariif oo ugu baaqay Dowladda…
»Kulankii Khartuum oo ay labada dhinac ka…
»Jaamacadda Carabta oo ugu baaqday…
»Dowladda Kenya oo ka codsatay Maxaakiimta..
»Dekedda Muqdisho oo ay howlaheeda caadi…
Wararka oo dhan ka akhri halkan...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD