Wararkii: Sept 6, 2006
- C/llaahi oo si weyn ugu guuleystay
hadafkiisii ahaa in Soomaaliya..
- Sheekh Shariif “Waxaan leeyahay
ciidamada Uganda in Maydkooda keenin..
- Melez Zenawi oo sheegay in ciidamada
Itoobiya ay Soomalia tagi doonaan ..
- Beelaha Reer Goleedka oo u digey Barre
Hiiraale..
- Maxkamadda Degmada
Yaaqshiid oo wareejisay guri laga haystay general caan ah muddo 16 sano ah
- Masuuliyiinta Beesha Gabooye ee Yurub
oo London kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga UCID
-
Gabdho ay ciidammada gumaysigu
kufsadeen.
C/llaahi oo si weyn ugu guuleystay hadafkiisii
ahaa in Soomaaliya..
Madaxweyne C/llaahi oo ka qaybgalay kulankii
Madaxda Wadamada IGAD ee shalay ka dhacay Dalka Kenya ayaa si weyn u soo
dhaweeyey go’aankii ka soo baxay Madaxda wadamada IGAD ee ahaa in Soomaaliya loo
soo diro ciidano nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka oo la
sheegay inay tahay Dowlad Taak daran, waxa uuna sheegay C/llaahi Yuusuf in
wadamada IGAD ay ka dhabeeyeen gacan siina Dowladda Federaalka ee dhinaca
ammaanka.
C/llaahi Yuusuf waxa uu ka codsaday wadamada
IGAD in sida ugu dhaqsiya badan loogu soo diro ciidamadaasi Soomaaliya, waxaa
kalloo uu sheegay C/llaahi Yuusuf in wadamada IGAD ay Qaramada Midoobey ka
dhaadhiciyaan sidii loo qaadi lahaa cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya si ay u
fududaato in Soomaaliya soo galaan ciidamo nabad ilaalineed.
Wararka ka imaanaya Magaalada Nayroobi waxay
sheegayaan in C/llaahi Yuusuf iyo Melez Zenawi ay wada yeesheen kulan gaar ah oo
kaas oo la sheegay in lagu sii xoojinayey xiriirka u dhexeeya Dowladda
Federaalka iyo Dowladda Itoobiya, waxaana la filayaa in Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf uu booqdo wadanka Uganda si uu kulamo ula yeesho Madaxweynaha Wadanka
Uganda isagoo kala hadli doona sidii ay Ciidamada Uganda u noqon lahaayeen
ciidamada ugu horeeya ee soo gala Soomaaliya, iyadoo saraakiil ka tirsan Uganda
ay joogaan Baydhabo, waxayna googol xaar u yihiin ciidamo ka imaanaya Uganda oo
Soomaaliya soo galaya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa kalloo
uu booqan doonaa wadanka Itoobiya si uu Dowladda Itoobiya ugula soo hadlyo
imaanshaha ciidamo Itoobiyaan ah oo yimaada Soomaaliya. Haddii ciidamo ka socda
Wadamada IGAD ay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaa burburaya heshiiskii
dhex maray Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, maadaama arrimaha ciidamada ay
ahaayeen kuwo dib loogu dhigay ka hadlidooda shirka dambe.
Sheekh Shariif “Waxaan leeyahay ciidamada
Uganda in Maydkooda keenin..
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha
Golaha fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar uu ka hadlayey banaanbax aad
u balaaran oo ka dhacay fagaaraha Tarabuunka oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u
fara badan ayaa waxa uu uga digay ciidamada ay IGAD ku soo wado Soomaaliya in
aysan soo gelin Soomaaliya.
“Waxaan leeyahay ciidamada Uganda yeysan
Maydkooda keenin Soomaaliya, wixii qabsadana mas’uuliyadeeda waxaa iska leh
ciddii soo dirtay” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa raaciyey “marnaba dalkeena
u ogolaan meyno Ciidamo Shisheeye noocay doonaan ha ahaadeene”.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Wadanka
Itoobiya uu yahay kan keliya ee doonaya in uu Soomaaliya u soo diro ciidamo,
isna waxaan mar kale ugu celinayaa in aysan Soomaaliya u soo dirin wax ciidan,
waayo dadka Soomaaliyeed waa og yihiin in Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhexeyso
Cadaawad soo jireen ah oo jirtay 500 oo sano, Sheekh Shariif waxa uu soo
dhaweeyey heshiiska Maxaakiima iyo Dowladda Federaalka dhex maray Magaalada
Khartuum ee Dalka Suudaan.
Melez Zenawi oo sheegay in ciidamada Itoobiya
ay Soomalia tagi doonaan ..
Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa mar uu
saxaafadda kula hadlayey dalka Kenya magaalada Madaxdiisa Nayroobi ayaa waxa uu
sheegay in ciidamada Itoobiya ay diyaar u yihiin in ay galaan Gudaha Dalka
Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay halkaasi u tagayaan sidii ay gacan
u siin lahaayeen Dowladda Federaalka.
Mar wax laga weydiiyey waqtiga ay tagayaan
Ciimada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya, waxa uu yiri “Cutubka ugu horeeya waxa uu
tagayaa bisha Oktoobar ee fooda nagu soo haysa”, waxaa la weydiiyey, in ay
jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo haatan ku sugan Dalka Soomaaliya, waxa uuna
Zenawi ku jawaabay in aysan jirin wax ciidamo Itoobiyaan ah oo ku jira Gudaha
Dalka Soomaaliya, laakiin waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka gudbaan
xuduudada Soomaaliya, iyagoo baacsanaya waxa uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.
Melez Zenawi waxa uu sheegay in Ciidamada
Itoobiyaanka ah ee tagaya Soomaaliya ay yihiin kuwo ilaalinayey xarumaha
Dowladda.
Beelaha Reer Goleedka oo u digey Barre Hiiraale..
Kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha, Dhaqanka,
Culuma-udiinka iyo Haweenka Beelaha Reer Goleedka ayaa uga digay Barre Hiraale
in uu maamul u sameeyo Gobalada Jubbooyinka.
Waxay u soo jeediyeen Barre Hiiraale in uu ku
qanco jagada Siyaasadeed ee uu ka helay Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in
Barre uu ku xilkaasi korkoronta wax ay ugu yeereen Dhul uu xoog ku haysto,
waxayna u soo jeediyeen Barre Hiiraale in uusan dib u soo kecin nabaradii horey
u kala gaaray ummadda Soomaaliyeed xili lagu jiro is cafin guud, in uu dhowr
axdiga Dowladda Federaalka, ugu dambeytntii waxa ay u soo jeediyeen Ummadda
Soomaali-yeed iyo Adduun weynaha in ay arkaan dhibka lagu wado beelaha ku nool
Jubbooyinka, waxaana ku saxiixnaa baaqaan 27-xubnood oo uu ka mid ahaa Ugaas
Aweys Sheekh Xuseen (Honeero).
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxkamadda Degmada Yaaqshiid
oo wareejisay guri laga haystay general caan ah muddo 16 sano ah

Guriga janeraal Caare
 
gudoomiyaha maxkamaday aaqshiid | cabdi nuur oo
ah wakiilka Gen. Caare
Gurigan oo ka kooban labo
qeybood oo kala ah qeyb ganacsi iyo qeyb deegaan ah, guri dabaqna ah, birimana
ka ah waddada 30ka ayaa waxaa dableydii haysatay muddo 16 sano ah lagu guul
sarreystay in laga qaado waddo kasta oo loo maray, milkiilahaa iska lahaa
gurigaasna si uu gacantiisa ugu soo wareego guriga uu ku bixiyay labo kun oo
doollar, balse taas waa lagu guul darreystay, Maxkamadda Islaamiga ah ee
degmada Yaaqshiid ayaa ku guuleystay inay si nabad gelyo ah ugu wareejiso
milkiilihii guriga oo uu wakiil ka ahaa Ganacsade Cabdi Nuur Sahal Cali oo
sheegay inay xitaa wada hadal ka diideen kooxihii horay u haystay guriga.

Guddoomiyaha maxkamadda
Islaamiga Degmada Yaaqshiid Sheekh Ibraahim Max'ed Weydow oo xafiiskiisa shir
jaraa'id ku qabtay ayaa sheegay in ay maxkamaddu xoogga saartay sidii guryaha la
kala haysto ee la kala qabsaday xilligii fowdada ay ugu wareejin laheyd dadkii
iska lahaa, wuxuuna sheegay in maxkamaddu haatan ay gacantii iska laheyd ku
wareejisay in ka badan toban guri oo la kala haystay, wuxuuna hoosta ka
xarriiqay in iyadoo laga duulayo inaan qofna qofka kale ku xadgudbin ayay waajib
tahay in qofkii yimaada maxkamadda ee soo sheegta in hanti uu leeyahay ay
waajib tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay maxkamaddu wax uga qabato.
Wakiilka milkiilaha gurigaas
Gen. C/raxmaan Warsame Cilmi (Gen. Caare) oo soo wakiishay isagoo dalka
dibadiisa ku sugan ganacsade Cabdi Nuur Sahal Cali oo ka hadlay munaasabadda
lagu wareejinayay gurigaas ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabkii loogu wareejiyay
gurigaas, waxaana muddo 16-sano ah uu gacanta ugu jiray dad wax ma garato ah oo
uu ku tilmaamay inaysan aheyn kuwo nadiif ah, balse Ilaahay mahaddiis
Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta xaqii dadka ka maqnaa u soo celiyay iyadoo aan
wax dhaqaale ah lagu bixnin, wuxuuna ugu baaqay dadka kale ee aan weli u suurto
gelin in guryahooda lagu wareejiyo inay si dhaqsi ah ula soo xiriiraan
maxkamadaha, wuxuuna si gaar ah uga mahad celiyay maxkamadaha Islaamiga ah ee
haatan gacanta ku haya magaalada Muqdisho inay bulshada u kala fududeeyaan
waxyaabaha weli ka dhex taagan ee ah hanti isu celinta iyo dhulalka la kala
haysto.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Masuuliyiinta
Beesha Gabooye ee Yurub oo London kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Bristol.UK: Masuuliyiin uu hor kacayay
Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane
Maxamed Ciise Caabi oo ku magac dheer Saaqa ayaa 04-09-06 kulan gaar ah la
yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka Eng. Faysal Cali Waraabe oo imika ku
sugan magaalada London ee dalkan Britain.

Kulankani waxaa si weyn loogu lafo guray sidii
loo eegi lahaa waxna looga qaban lahaa sidii Beeshe Gabooye ee Somaliland ay
u heli lahayd kaalinta ay ku lahayd hoggaanka dalka iyo qaybsiga khayraadka
dalka oo si siman loogu sooro bulsho weynta Somaliland iyada oo aan loo
kala eegin qabyaalad iyo nin jeclaysi toona.
Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaaradan Yurub
iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Saaqa oo ka hadlayay kulankan ayuu waxa uu
tilmaamay in aanay Beesha Gabooye ka faaiidin doorashooyinkii Baarlamaanka
iyo kuwii dawladaha hoose ee dhawaan dalka ka hirgalay, waxaana uu sheegay
inay wax laga naxo tahay in Beelaha Gabooye ee Somaliland aanay Xubin qudhi
uga soo bixin doorashadii Baarlamaanka oo aanay maanta Beesho xubin qudha ku
lahayn Baarlamaanka Cusub ee Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in iyana
doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay sanadkii 2002 aanay
beeshu waxba ka helin, isaga oo sheegay in magaalada Hargeysa oo Beelaha
Gabooye ay ugu badan yihiin aanay xubin qudha ku lahayn Golaha Deegaanka ee
Hargeysa oo ka kooban 25 xubnood.
Mudane Saaqa waxa kale oo uu sheegay in sidoo
kale uu aad uga rajo xun yahay in Beeshu ay wax ka hesho hadii la qabto
doorashada Golaha Guurtida, waxaana uu ugu Baaqay Saddexda Xisbi Qaran ee
UDUB, UCID iyo KULMIYE iyo Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaankuba in ay si
dhakhso ah u eegaan arrintan, si Beelaha Gabooye ay u helaan xaqa ay u
leeyihiin inay ka mid noqdaan Golayaasha Qaranka ee Baarlamaanka, Guurtida
iyo kan Dawladaha Hoose.
Masuuliyiinta Beelaha Gabooye waxa kale oo ay
ugu baaqeen Bulshada iyo Xukuumada Somaliland inay wax ka qabtaan dhinacyada
waxbarsho, iyo dhaqaale ee Beesha haysata sidoo kalena in loo hawl galo
sidii loola dagaalami lahaa loona cidhib tiri lahaa cunsuriyada iyo gooni
sooca jahliga ku dhisan ee Beeshan Gabooye lagu hayay boqolaalkii sanadood
ee aynu soo dhaafnay.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali
Waraabe ayaa dhiniciisa waxa uu ballan qaaday in Xisbigiisu uu il gaar ah ku
fiirin doono Beelahan Gabooye oo uu ku amaanay Dulqaad, Samir iyo Geesinimo
ay ugu adkaysteen culaysyada faraha badan ee beeshan soo waajahay
boqolaalkii sanadood ee tagay, waxaana uu Mudane Faysan Ballan qaaday in
Xisbigiisu uu kaalin muhiim ah ka qaadan sidii beeshu ay xaqeeda u heli
lahayd.
Hadaba iyada oo aynu ka warqabano cunsuriyada
iyo gooni-sooca iyo duudsiga beeshan Gabooye lagu hayay sanadaha badan waxaa
Jariirada Somali Voice ay ugu Baaqaysaa Xukuumada Somaliland inay Magacawdo
Gudi Heer Qaran ah oo ka kooban Xukuumada, Baarlamaanka iyo Guurtida si ay
u baadhaan dhibaatooyinka kala duwan ee haysta beeshan iyo sida ugu haboon
uguna dhakhsaha badan ee Beelaha Gabooye ay u heli lahaayeen Xaqa ay u
leeyihiin ka qaybgalka Xilalka Hogaanada Qaranka, iyo gaar ahaan sida ay
suurto gal u tahay in loo sameeyo tiro cayiman oo aan tartan galin oo Beesha
Gabooye ay ku yeelato golayaasha deegaanada, baarlamaanka iyo guurtida iyaga
oo aan luminayn xaqooda dastuuriga ah ee ah inay wax doortaan lana doorto,
sidoo kale Gudigaasi Heer Qaran waa inay hubiyaan in Wasaarad kasta iyo
Hay,ad kasta oo dawladeed ay hirgaliso oo ay shaqaaleeyso xubno kasoo jeeda
Beeshan si kor loogu soo qaado niyada iyo kalsoonida bulshadan boqolaalka
sanadood la takoorayay, dhinaca kale aqoonyahanka, culimaa'udiinka, ururrada
dhalinyarada, ururrada haweenka iyo laamaha warbaahinta ee kala duwan ayaa
iyaguna looga baahan yahay inay bilaabaan wacyi galin balaadhan oo bulshada
lagu dareensiinayo sidoo loo soo afjari lahaa cunsuriyadan.
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Somali Voice. Bristol. UK
Cape Town: booqasho 2 maalmood ah ayaa uga
bilaamatay south africa madaxwaynaha dalka russia madaxwayne putin.
Madaxwayne putin ayaa booqasho 2maalmood ah
uga bilaamatay dalka south africa kaasi oo uu wada hadalo la kula leeyahay madaxwaynaha
dalkaasi south africa madaxwayne Thabo Mbeki.
Booqashadaan ayaa xooga lagu saarayaa sidii
labada dalka ay iskula meel dhigi lahaayeen arimaha dahqaalaha iyo sidii
ganacsato ka socota dalka russia ay u maal gashan lahaayeen qaarada africa
in katoo uu wasiirka arimaha dibeda ee dalka south afrika shaaca ka qaaday
in kulanka lagu so qaadayo xaalada bariga dhexe iyo waliba hubka wax gumaada
ee ay ku taamayso in ay mar un samaysato xukuumada Iran.
Labada madaxwayne ee Mbeki iyo Putin ayaa
sidoo kale laguw adaa in ay diirada saaraan arimaha caafimaad ka ee dalkaasi
south africa la il daran yahay marka laga hadlayo cudurka sida wayn u
naafeeyay dalkaasi ee HIV/ AIDS oo ay russia doonayso in ay wax kala qabato
inta tabarteeda sidii loola dagaalami lahaa cuduraasi HIV?AIDS ee saameeyaya
kumaakun oo reer south afric yaan ah.
Inta uu ku sugan yahay madaxwayne putin
dalka south africa ayaa la filayaa in uu dalkaasi la soo yeesho xirii qota
dheer oo isugu jira dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, caafimaadka iyo arimo
kale.
Booqashada 2 maalmood ahee uu putin ku
yimid dalka south africa ayaa timid xili ay si wayn booqasho ay maal mihii
iyo bilihii ugu danbaysey ku imaanayeen qaarada africa mada ka tirsan
xukuumada chine taasi oo doonaysa in ay maalgalin ku samayso qaarada africa
islamarkaana ay ugu yaboohday qaarada africa hanti badan.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Barnaamijkii
Radio Xoriyo
05 September
2006
-
Dagaallo ka dhacay meelo kala duwan oo cadowga lagu naafeeyay.
-
Dad
shacab ah ooy ciidammada gumaysigu xidhxidheen iyo kuwo ay boobeen.
-
Gabdho
ay ciidammada gumaysigu kufsadeen.
-
Bayaan
uu Hooggaanka Gaashaandhigga ee JWXO soo saaray.
-
Ururka Ogaden Students Forun oo kulan
isugu yimid London.
-
Unugta
iyo ururka dhalinyarada Ogadenya ee Canada oo shir iyo xaflad ku
qabatay Toronto.
======================
Wariyaha RX uga soo warrama
dalka Ogaadeenya ayaa noo sheegay dagaallo dhawr ah oo ciidammada
xoreynta Ogaadeenya la galeen kuwa saama-la-luudka ah ee gumaysiga
Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
Daggaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
31/08/06
weerar mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada
gumaysigu ee fadhigoodu yahay magaalada Gabagabo, waxay ugu gayseen
khasaare ballaadhan oon faahfaahintiisa la haynin.
30/08/06
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Shaygoosh, waxayna u gayasteen
khasaare ba’an.
21/08/06
duleedka magaalada Jeexdin wuxuu dagaal u dhex maray ciidammada
gumaysiga dhexdooda, waxayna halkaas isakaga dileen inta la ogyahay 8
askari.
01/09/06 waxaa
cidammada xoreynta Ogaadeenya isu soo dhiibay askari kale oo ka soo
goostay cidammada gumaysiga Itoobiya, kaasoo hadda ku jira gacanta
ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
30/08/06
ciidamada gumaysiga ee fadhigoodu yaha degmada Fiiq waxaa ka goostay 37
askari oo hubkoodii u dhan yahay, kuwaasoo uu hooggaamnayay nin Kabtan
ah.
25/08/06 waxaa
sidoo kale ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Baabili ka goostay
180 askari oo hubkoodii wata.
Dad shacab ah ooy ciidammada
gumaysigu xidhxidheen iyo kuwo ay boobeen.
Ciidammada
gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku
xidhxidhay dad shacab ah oon waxba galabsanin, waxaana dadkaas ka mid
ah;
27/08/06 waxay
ciidammada gumaysgu ku xidhxidheen magaalada Dhagaxle dadka kala ah;
1-
Sh C/llaahi Axmed Deeq
2-
Haaruun Cabdi Xasan
3-
Ismaaciil-dheere iyo
4-
Xasan-Golay
5-
Qaar dadkan ka mid ah
waxaa lagu arkay xerada ciidammada gumaysiga ee Garab Case ee magaalada
Jigjiga.
28/08/06 waxay
ciidammada gumaysigu magaalada Higlaley ku xidhxidheen dadwayne rayad ah
oon waxba galabsanin, waxaana dadkaas ka mid ah;
1-
Maxamuud Xuseen (Awr-liqe)
2-
Maxamed Mahdi
3-
Axmed Naasir
4-
Mukhtaar C/llaahi Cabdi
iyo
5-
Yuusuf Maxamuud
Caynaashe
29/08/06 magaalada
Qabridaharre waxay ciidammada guaysigu ku boobeen farmashi uu lahaa nin
dhakhtar ah oo lagu magacaabo C/naasir Axmed Gamaadiid.
Gabdho
ay ciidammada gumaysigu kufsadeen.
Ciidammada gumaysiga
Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa kufsiga dumarka iyo ragga
u isticmaala qayb ka mid ah cadaadiska iyo ciqaabta ay u gaystaan
dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Markii ay taariikhdu
ahayd 01/09/06 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Garigo’an ku
kufsadeen gabadh yar oo lagu magacaabo Farad Cabdi Cismaan, taasoo ay
hadda xaaladdeeda caafimaad aad u liidato.
Markii ay ciidammada
gumaysigu kufsadeen gabadhan yar waxaa kacdoon sameeyay dadwaynaha ku
dhaqan magaalada Garigo’an, kuwaasoo taliska ciidammada gumaysiga ka
dalbay in hortooda lagu toogto raggii ka denbeeyay kufsiga gabadha yar
loo gaystay, hase yeeshee waxba lagama garawsanin.
30/08/06 waxay sidoo
kale ciidammada gumaysigu gabadh ku kufsadeen Ceelka Bullaale, hase
yeeshee nin ay gabadhaas walaalo yihiin ayaa Toorri ku dilay mid ka mid
raggii gabadha kufsaday ee ciidammada gumaysiga ka tirsanaa.
Bayaan
uu Hooggaanka Gaashaandhigga ee JWXO soo saaray.
Hooggaanka
Gaashaandhigga ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa
isniintii soo saaray bayaan uu ugu digayo dadka cadowga la shaqeeya ee
dhibaatooyinka kala duwan soo gaadhsiiya qadiyada iyo dadwaynaha
Ogaadeenya. Bayaankaasi wuxuu sidatan;
Ka dib markii la ogaaday
in Dabaqoodhiga, maamul ku-sheegga, iyo Boolisku inay si toos ah iyo si
dedbanba uga qayb qaataan dhibaatooyinka shacabka loo gaysto, sida dilka,
xidhayga, kufsiga, dhaca iyo jidhdilkaba;
Ka dib markii la ogaaday
dhibaatada ay halganka ku hayaan, waxaa digniin lagu siinayaa in ciddii
dadkaas kor ku magacaaban ah ee seddex bilood gudohood isugu soo dhiibi
wayda ciidammada xreynta Ogaadeenya inay la kulmi doonto ciqaab adag.
Dhinaca kale waxaa
dadwaynaha Ogaadeenya laga codsanayaa inay soo sheegaan gacan
ku-dhiglayaashaas oo ayna marna qarinin, iyadoo shacabku ogyahay
naxariis la’aantooda iyo gacmaha dhiiga leh ee ay shacabka kula dhex
jiraan.
Midda kale waxaa
ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya ku sugan la ogaysiinayaa inay fursad
u haystaan inay isu soo dhiibaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya, oo u
ballanqaadaya inay nabadgelinayaan, isla markaana u gudbinayaan meelaha
ay codsadaan.
Shirkii
Khartuum oo is-fahan ku dhammaaday
Shir muddo seddex
malmood ah uga socday magaalada Khartuum ee dalka Suudaan dawlada ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo maxkamadaha islaamiga ayaa isniintii ku
soo dhammaaday is-fahan laga muujiyay qodobo dhawr ah oo markii hore
lagu kala tagsanaa.
Labada dhinac
waxay isla gaadheen qodobo dhawr ah oon wax badan ka duwanayn kuwii ay
markii hore ku heshiiyeen, waxaana qodobadaas ka mid ah;
In la tixgaliyo
rabitaanka shacabka, in la dhowro midnimada ummadda soomaaliyeed, in
sidooda loo tixgeaiyo heshiiskii ay labada dhinac isla gaadheen bishii
Juun 22keedii 2006, inaan taageero loo fidinin hooggaamiye kooxeedyadii
Muqdisho lagaga adkaday iyo in dalalka Soomaaliya la dariska ahi ayna
xuduudeda ku soo xadgudbin.
Waxaa kaloo
intaas dheer qodobo ay labada dhinac dib ugula noqden masuuliyiintooda
sarsare, waxaana la sheegayaa in waftiga maxkamaduhu uu madaxdiisii dib
ugula laabtay arrimo ay ka mid yihiin wax ka beddalka dastuurka iyo
awood qeybsiga, halka waftiga dawladuna uu la noqday qodobada kala ah ka
laabashada go'aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka la keeno ciidammo
shisheeye ah iyo in dalka laga saaro ciidammada shisheeye ee hadda jooga.
Labada dhinac
waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la isugu yimaado shir kale oo lagu sii
lafaguro heshiiska qabyada ah ee labada dhinac u dhexeeya. Ø
Unugta
iyo ururka dhalinyarada Ogadenya ee Canada oo shir iyo xaflad ku qabatay
Toronto.
Maalintii Sabtida ee ay taarikhdu ahayd
Sept. 02. 2006 waxaa magaalada Toronto ee Canada ka dhacay
sanadguuradii 22aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya lagu xusayay.
Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Unuga JWXO ee Canada
iyo ururka dhalinyarada Ogaadeenya ee marka magaciisa la soo gabiyo loo
yaqaano OYA ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha ay dadwaynhuhu
ka koobanyihiin.Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Abdiraxman Yusuf (Abdirahman
Dheere) oo ka soo labatay shirwaynihii Jaaliyaadka Ogaadeenya ee ka
dhacay Denmark.
Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa ku
xigeenka hogaanka arrimaha dibada iyo jaaliyadaha Mudane Maxamed
Macalin oo isna ka soo laabtay wadankii laba maalimood uun ka hor shirka,
iyo Gudoomyaha unuga JWXO Maxamed Qamaan Tube iyo waliba iskuduwaha guud
ee ururka dhalinyarada Ogaadeenya Maxamed Cali (Ordaaye). Dadwaynihii
isugu yimid Hallka u shirku ka dhacay ayay ka muuqatay wajiyadoodu
farxad kadib markay dhagaysteen warbxin ay aad u sugayayn oo ah xalada
uu dalka Ogaadeenya ku suganyahay iyo dar darta cusub ee uu halganka
Ogaadeenya galay.
Gabagabadiina waxaa shahadooyin sharaf la
gudoonsiiyay dadka kaalinta 1kobaad iska soo tagay tagerida xalganka
Ogaadeeny ee ku nool Canada kadibna waxaa su'aalo loo furay dadwaynhii
oo mid-mid loogu jawaabay wixii su'aalo ah ee ay hayeen. isku soo wada
duduboo shirku wuxuu ku dhamaaday guul, farxad iyo duco alle looga
baryayay in guumasiga kaga qaado ummada Ogaadeenya.
05 September
2006.
Axmed
Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu
yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Qodobadii ka soo Baxay Shirkii Khartuum..
»Markab
u raran WFP oo 11-sano kaddib ku soo xirtay…
»Madaxweynahe
Cabdulaahi Yuusuf oo gaaray Nayroobi
»Warbixin
dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay..
»Bannaanbaxyo
maanta ka kala dhacaya Muqdisho..
»Sheekh
Shariif oo dib u soo laabtay isagoo ka hor yimid in..
»Xarunta
Ismaaciil Jicmaale oo welwel ka..
»Xulka
Qaranka Soomaaliya oo shalay u Ambabaxay ..
»Hay’adda
SCAC, Siminaar ku saabsan Aidska u soo..
»Guddoomiye
Xigeenkii 1aad Hantidhawrka PL oo Geeriyoodey
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 5
Kulankii Muslimiinta W/
Ameerika oo Guul Ku Dhammaaday..
Kulankii saddexda maalmood ka
socdey Minneapolis oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey..
Akhri warbixinta
|