Dekeda
weyn ee magaalada Muqdisho ayaa ahayed maamihii u danbeeyey mid mashquul ah ayna
ka socdaan howlo isugu jira dejin, shubid shiidaal iyo dhoofinta xoolaha nool...
Hadaba si aan wax uga ogaano arimahaas oo dhan
ayaan waxaan soo booqanay Khamiistii (Sept 7, 2006) iyada oo amaankeeda si weyn
ay u sugayeen ciidamada midowga maxaakiimta oo suurta geliyey furitaankeeda iyo
in ay dib ugu howl gasho dekeda weyn ee magaalada Muqdsho ,waxaana indhaheygu
qabanayeen iridaweyn mar aan taagnaa dadka oo laga reebayo hubka sida tooreeyada
iyo bakooradaha oo meel la dhigayo ka sokow tubaakada iyo sigaarka oo iyaga
qashinka la raacinayo ayna ogolyihiin dadkii sitey ,

Intaa ka dib waxaa ku xiraa dekada weyn 5
markab oo waaweyn oo u kala rarnaa ganacsato somaliyeed iyo hay.ada WFP oo deeq
raashin ah oo ka koobneyd galay ,masago,iyo digirta waaweyn oo somalidu u
taqaano beebeesheega u keynta umadda somaliyeed waxaana loo xilsaarey howshaas
baaxada weyn mas.uuliyiinka tirsan maxaakiimta shareecada ,

Intii aan ku sugnaa halkaa ayaan waxaankula
kulmey dekeda dhaxdeeda Cali Xasan Abuukar oo ka mid ah naafada xoga dalka
Somaliyeed ee degan isbitaalka Dmartino ee magaalada Muqdisho waxaana uu ka
waramay sida ay ula muuqato isaga howlaha ka socda iyo guud ahaan magaalada
Muqdisho ,

Cali Xasan Abuukar | Mustafa adan xuseen |
“Cali Xasan Abuukar ilaahey ayaa mahadleh oo
dib inoogu furey dekadii 11 sanno naga xireyd waxaana hada dhexjoogaa dekeda
weyn gudaheeda waxaana I muuqdo raakiib ilaa 5 garayso mid shiidaal ka degayo
mid mucaawino ka dageyso kuwo ganacsato u raran oo si nabad galyo leh ula degayo
alaabadooda isugu jirta bagaalka iyo raashin iyo markab kale oo dekeda
banaankeeda yaala oo aan weli soo xiran waxaas oo dhan waxey ku yimaadeen wax
qabadkii maxaakiimta islaamka sidaa daraadeed aad again
ugu hambalyeynayaa aniga oo halkaan fadhiyo ayaa diraaradu soo degtey
marakiibtiina waan aragnaa taasuna waa ilaahey mahadii aniga iyo dadki wax soo
arki jiray howsha aad wadaan waan soo dhaweyneynaa in badan ayaan hurudnay hada
ayaan hurdadii ka kacnay ,

ugu danbeyntii ayuu Cali Xasan Abuukar oo ka
mid ah naafada xooga dalka somaliyeed ee degan isbitaalka Dmartiino sheegay
ujeedada ugu weyn ee uu u yimid dekede in ay tahay farxad weyn oo uu
sariirtiisa la joogi kari waayey taasoo ku keliftey in isaga oo cuuryaan ah oo
gaari saran ay tahay arxada dekeda ka muqata in aan indhaindheeyo oo aan farxdaa
Somali oo dhan la qeybsado isaga oo baaq u soo jeediyey dadkii dalka ka baxay in
ay dib ugu soo laabtaan kana qeyb qaataan dib u dhiska dalka sida bangiyada ,wasaaradaha
,wakaaladaha isbitaalada ,wadooyinka ,iyo guryaha dadka sida gaarka ah u
leeyihiin oo uu sheegay in ay socoto howl iskaa wax u qabso ah ,
Mustafe Adan Xusen oo ka tirsan shaqalihii hore
ee dekada ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay in uu manta dib usoo galo 11
sanno ka dib asaga oo rajeynayo in uu dib u bilaabo shaqadaydiisii uu ka qaban
jirey dekeda waxuuna ka tirsanaa shaqaalaha joogtada ah ee baqaaraka 2 aad .

Howlaha dekeda ayaa u socday si howli ah sida
tirinta ,dejintata ,bixinta ,iyo waxyabaha la mid ka ah sida hantida loo kala
saaro , waxaana shaqeynayey shaqaalihii ka soo wareegay dekeda dabiiciga ah ee
ceel macaan . shaqaalihii joogtada ahaa iyo kuwii Temporary ku ahaa dekeda ayaa waxaa lagu wadaa diiwaan gelin sida aan ku arkay xafiiska hoogheyta maareeyaha dekeda hortiisa shaqaale saf ugu jirey in ay dib isu qoraan
.
Muuse Maxamud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Mogadishu Somalia
002521576666/002521653623
Faafin:
SomaliTalk.com Sept 8, 2006

Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho