Wararkii:
Sept 9, 2006
- Xaabsade oo DFKMG ugu Baaqay in ay
isaga soo huleeshu Baydhabo
- Sheekh Fanax: dowlad la’aan ayey
dadkeenu Noolaan karaan..
- Sh. Shariif oo gaaray dalka Liibiya
isagoo ay la socdaan Xubno ay ka mid ahaayeen.
- Dadka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey
hadalkii Ismacxiil Cumar Geelle..
- 12-qof oo si xun ugu dhaawacmay
dagaaladii Maxaakiimta iyo Isbahaysigii..
- Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
oo oo booqdey Goobo ka mid ah Magaalada Muqdisho..
- Adis Ababa:Daahir Riyaale oo ku soo
hungoobay hadafkiisii uu u tagay yurub
- Aqoon iswaydaarsi dhex maray
maxkamadaha iyo ururrada bulshada rayidka
Wasiirka
Gaadiidka ee DFKMG Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ku sugan magaalada
Nairobi ayaa ugu baaqay dawlada somalia in ay isaga soo huleeshu
baydhabo .
Maxamed ibraahim xaabsade Wasiirka Gaadiidka ee DFKMG ayaa magaalada
Nairobi ee caasimada dalka kenya isagoo ku sugan waxaa uu ka shanqariyay
hadal ka dhan ah dawlada somalia joogitaanka ay joogto baydhabo isaguu
ku baaqay in ay dawlada somalia ay halkaasi isaga soo huleeshu oo ay ka
soo guurto ka dib markii dawlada somalia 4tii bishaan ay magaalada
baydhabo ka fulisay hawl gal ay ku nafwaayeen 7 nin oo dhalin yaro ah oo
joogtay garoonka baydhabo.
Mr Xaabase oo arintaasi ka hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka
madaxtooayda ee ilaalada ka ah C/laahi Yuusuf Axmed ay ka danbeeyeen
xasuuqa loo gaystay dhalin yarada deegaanka ee halkaasi ku dhintay
waxaana uu sheegay in ciidanka booliska ee taliyaha booliska aysan iyagu
haysan sida uu hadalka u dhigay gawaari dagaal oo ay adeegsaden kuwa
madaxtooyada sida uu hadalka u dhigay.
ka hor inta aysan soo dagin dawlada Somalia bilawgii ayaa waxaa
magaalada gacan buuxda ku hayay Wasiirka Gaadiidka ee DFKMG Maxamed
Ibraahim Xaabsade maleeshiyaad ka amar qaata isagoo iminka ku baaqay in
dawlada hadii aysan si nabad galyo ah aysan magaalada uga bixin si
dagaal ku dheehan yahay ay uga baxayso.
Dhanka kale Xildhabaano ka tirsan Dawlada oo shirsaxaafadeed Nairobi ay
ka soo saari lahaayene oo hor istaagay sida ay sheegen Safiirka kenya ee
Somalia Amb Maxamed Cabdi Affey.
Xubnahaan ayaa waxay doonayeen in ay ka hadlaan arinta ka taagan
magaalada baydbabo isagoo Xilhdibaan C/ldaha Xaaji arintaasi ka dib
saxaafada u shegay in ay doonayen in ay markaasi ka hadlaan arinta ka
dhacday baydhabo ee ahayd dilkii loo gaystay 7 nin ee ay dawlada
ciidankeedu ku dileen garoonka baydhabo waxaana uu sheegay Xildhibaan C/dalah
in ay doonayen in ay tacsi u diran oo kaliya dadkii ay ka dhashen
ragaasi dhalin yarada ah ee la laayay balse ay dawlada kenya hor
istaagtay arintaasi waxaana uu intaasi ku daray in ay Nairobi u yimaaden
ka dib markii ay nabad ka waayeen iyo xoriyad ay ku hadlana baydhabo
sida uu hadalka u dhigay .
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somalitalk Nairobi kenya
Botaan1@hotmail.com
Sheekh Fanax: dowlad la’aan ayey
dadkeenu Noolaan karaan..
U qeybsanaha Arrimaha Bulshada iyo xiriirka gobolada ee Maxaakiimta Sh.
Axmed Fanax ayaa sheegay mar uu khudbad ka jeediyey munaasabad loo
sameynayey furintaanka kanaalka lagu magacaabo Biromo-Sugundaariyo ee
mara qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sh/hoose in dadka gobolkaasi ay
muujiyeen hawl muhiim ah oo loo baahan yahay in dadka ku dhaqan gobolada
kale ee dalka iney ku daydaan.
Sheekhu wuxuu khudbaddiisa isagoo sii wata uu yiri, “Waxaa noo caddaatay
maanta in dadkeenu ay noolaan karaa dowlad la’aan” isagoo intaa raaciyey
in dadaalka ay ku dardargeliyeen dadka Sh/hoose ku dhaqan kanaalkan dib
u shaqeyntiisa iney tahay mid meesha ka saareysa in dowlad laga sugo wax
kasta, waxaana uu tilmaamay in dadku ay iyagu dowlad isku yihiin.
Sheekh Axmed Fanax wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiin ka socotay Golayaasha
Maxaakiimta oo booqday dhawaan gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay kaga
qeybgaleen munaasab lagu maamuusayey, dib u firista kanaalka Birima
Sugundaariya, oo dadka ku dhaqan gobolkaasi ay rajeynayaan iney si weyn
uga faa’ideysan doonaan dhinaca wax soo saarka beeraha.
Sh. Shariif oo gaaray dalka Liibiya
isagoo ay la socdaan Xubno ay ka mid ahaayeen.
Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed
iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa
waxey shalay ka ambabaxeen garoonka Duulimaadyada caala-miga ah ee
Magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray dalka Liibiya.
Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh Shariif ayaa wafdiga uu hoggaaminayey,
ee ku wehliyey booqashada uu ku joogo dalka Liibiya waxey ka kooban
yihiin 30-xubnood, oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga ee
Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys, Madaxa ammaanka ee Maxaakiimta Sh,
Yuusuf Max’ed Siyaad (Indhacadde), Dr. Xuseen Xaaji Bood, Dr. C/qaasim
Salaad Xasan, Max’ud Cumar Caddaani, Axmed Abaroone Amiin, Carta iyo
xubno kale, iyagoo casuumaad ka helay madaxweynaha Liibiya Col. Mucamar
Al-Qadaafi.
Sidoo kale waxaa iyaguna baxay arday waxbarasho ka helay dalka Liibiya,
iyadoo ay diyaarad u soo dirtay xukuumadda Liibiya, inkastoo aan la
shaacin waxa ay ka wadahadli doonaan wafdiga iyo dowladda Liibiya, hase
ahaatee, waxaa muuqata iney ka jawaabeen casuumaaddii loo fidiyey.
Dadka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey
hadalkii Ismaciil Cumar Geelle..
Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxey soo
dhaweeyeen hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle ee ahaa in dadka Soomaaliyeed ay dalkooda
ilaashadaan, isagoo meesha ka saaray in xaaladda Soomaaliya ay u baahan
tahay faragelin dibadeed.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu sheegay in dowladaha ku
mideysan urur Goboleedka IGAD ay ku kala qeybsan yihiin in waddanka
Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda IGAD, wuxuuna sheegay in dalkiisa
uu si cad arrintaasi uga soo horjeedo, iyadoo sidoo kale Erateriya iyo
Suudaana ay ka soo horjeedaan in Soomaaliya la geeyo ciidamada IGADSOM.
Dhawaan ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kula kulmay waddankiisa
madaweynaha Iiraan, Max’ud Axmadinajaat, iyagoo ka wadahadlay arrimaha
waddanka Soomaaliya, waxeyna labada madaxeyweyne ka soo horjeesteen in
Soomaaliya loo diro ciidamo ajnabi ah.
12-qof oo si xun ugu dhaawacmay
dagaaladii Maxaakiimta iyo Isbahaysigii..
Waxaa maalintii shalay ahyad garoonka Diyaradaha ee Magaalada Muqdisho
ka amabaxay 12 Qof oo ka mid ah Maxaakiimta oo si xun ugu dhaawacmaY
dagaaladii dhaxmaray Maxkamadaha Islaamiga iyo isbahaysigii bur-buray ee
lamagac baxay ladagaalanka argagixisada.
12-Qof ayaa dad wax looga qabanwayey isbitaalada waxaana lagu soo
daawaynayaa Dalaka Liibiya waxaana caafimaadka balan qaaday dowlad
wadanka liibiya dadkaana oo qaarkood lagu waday sariiro, qaarkoodna
waxaa waday dad oo garbaha uga jiray.
Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa u mahadceliyeydowladda Liibiya iyadoo
diyaaradda ay sii qaaday a rday Soomaaliyeed oo waxbarasho ka helay
dalka Liibiya, warar ayaa waxey sheegayaan in wafdi ka socda dowladda
federaalka iney iyaguna u ambabaxaan dalka Liibiya si ay uga qeybgalaan
munaasabadda aasaaska Midowga Afrika
Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
oo oo booqdey Goobo ka mid ah Magaalada Muqdisho..
Waxaa maalintii shalay aheyd, goobo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa
waxaa soo kormeeray wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo doraad soo
gaaray magaalada Muqdisho, wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa waxey soo
kormeereen goobihii ku burburay dagaaladii sokeeye sida Hotel Curuba,
Bangigii Ganacsiga, Hotel Juba, Codka Shacabka, Gurigii Hooyooyinka,
waxey kaloo soo kormeereen dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, dugsiyada
waxbarashada iyo goobo kale oo muhiim ah, waxeyna Jaamacadda Carabtu
ballan qaaday iney ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska dalka, waxeyna ku
amaaneen Maxkamadaha sida ay u xaqiijiyeen nabadda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Adis Ababa:Daahir Riyaale oo ku soo
hungoobay hadafkiisii uu u tagay yurub, waayayna Visihii dal ku galka
maraykanka.
Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland, Daayir Riyaale Kaahin,
ayaa sid ugu soo laabtay afrika kadib socdaal mudo qaatay oo uu ku tagay
yurub kaasi oo uu ku doonayay in la ictiraafo somaliland isla markaan uu
jeclaa in si wayn kaalmo dhaqaale iyo mid maal gashiba wadamada reer
yurub ay ku sameeyaan somaliland .
Hase ahaatee.arintaasi oo dhan waxaa uga sii darnaa marti qaad ay u
fidiyeen shacabka somaliland ee ku daqan cariga maraykanka taasi oo uu
aqbalay isla markaana ay ku adkaatay helidaankii visihii dal ku galka
maraykanka.
Arinta visaha ayaa waji cusub la timid ka dib markii madaxwaynaha
somaliland uu waayay visihii dal ku galka waxaana ay dad badani is
waydiinayaa sida uu u waayay madaxwaynuhu visaha islamarkaana uu ku
helay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Faysal cali waraaeb oo
hada kusugan maraykanka halkaasi oo uu kaga qayb galayo kulan ay isugu
imaanayaan shacabka kudhaqan dalka maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda
gobada waqooyi galbeed eee lamagacbaxay somaliland.
Sikastaba madaxwaynaha jamhuuriyada lamagacbxday somaliland ayaa dib ugu
soo guryo noqday afrika isaga oo maanta wada hadalo kulaleh madaxtooyada
Ethiopia ra'iisal wasaaraha Ethiopia Males Sanawi .
Daahir Riyaale Kaahin iyo Meles Senawi ayaa ka wada hadlay xiriirka
labada dhinaca, iyadoo Somaliland ay dhowaan cabasho ka soo saartay
xiriirka militari iyo iskaashiga dhex maray Puntland iyo Ethiopia.
Warar ku dhow dhow kulankii ay labada nin yeesheen ayaa sheegaya in ay
mabda’ ahaan ay isku af garteen, in la adkeeyo iskaashiga dhaqaalaha iyo
kan siyaasadda ee Somaliland iyo Ethiopia.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maalintii shalay soo gaarey
magaalada Addis Ababa kadib markii uu safarro ku soo maray dhawr dal oo
ku yaal qaaradda Yurub.
Afghanistan: xukuumada Afghanistaan oo
dalbatay ciidamo dheeraad ah.
Xukuumada wadanka Afghanistan ayaa ka dalbatay ciidamo dheeraad ah
wadamada Nato kuwaasi oo ka qaybqaadanaya hawlaha ladagaalanka haraagii
dalibanka ku waasi oo la rumaysan yahay in ay si wayn ugu
dhuumaalaysanaya dhulka buuralayda ee xuduuda Afghanistan iyo Pakistan.
General Jeep, ayaa ka markhaanti kacaya in aanay waxbadan ka qaban karin
wadamo tirayar oo ciidan soo dira hadaanan ciidamo badan lakeenin dalka
Afghanistan.
Madaxa ciidamada Gen: James Jones ayaa sheegay inaanay Nato in ay si
wayn uga qay qaadan karto hawgalada lagu sifaynay dhibta ka taagan
wadanka Afghanistan.
Lakin waxa uu saadaalin guud ka bixinayaa in asbuucyo yar gudahood ay
wadanka Afghanistan ka dhici karaan dagaalo lagu sooqaado Nato kuwaasi
oo ay kaga imanayaan koxaha isbahaystay ee xagjirka ah.
Madaxda ciidamada wadankaasi AFghanistan ayaa waydistay Nato in lagu soo
daro ciidamo kale kuwa hada ka jooga gobalka Nato iyo waliba diyaarada
loo yaqaano helicopters, iyo sidoo kale diyaaradaha qumaatiga u kaca
ayuu yiri isaga oo wariyayaasha ugu waramayay xarunta midowga yurub ee
Belguim.
Ciidamo badan oo Nato ah ayaa ku sugan dalka AFghaniostan kuwaasi oo u
badan British iyo canadisan, kuwaasoo sida la xaqiijinaya dilay ciidamo
badan oo ka haray Teleban oo si gorile ah dagaal ugu hayay xukuumada iyo
madaxda, iyo waliba ciidamada maraykanka ee ku sugan dalkaasi
Afghanistan tan iyo markii lagu badalay ciidamadii maraykanka oo ay kala
wareegeen bil ka hor koonfurta dalkaasi.
Nato ayaa qaadatay masuuliyada ciidamada nabad ilaalinta iyo hawlgalada
lagula dagaalamayo haraagii teliban kadib markii ay si wayn ugala
wareegtay xukuumada maraykanka oo iyadu duulaanka ka dhanka ah teliban
ku qaaday dalkaasi Afghanistan.
Gen: Jone ayaa ka dhaadhicin doona 26 wadamadan ee Nato oo uu shir uga
furmi doono asbuucan dalka poland caasimadiisa Warsaw.
Kabul: Qarax ismiidaamin ah oo ka
dhacay kabul oo ay ku dhinteen 16 qof.
16 Qof ayaa ku geeriyooday qarax is miidaamin ah oo inta baabuur lagu
soo rakibay lagu hor qarxiyay bar ay si wayn u joogeen ciidmada nabad
ilaalinta u jooga wadankaasi Afghanistan ee kasocota wadamada yurub Nato.
Qaraxan lala beegsaday bartaasi oo au ku dhawayd safaarada maraykanku
kuleeyahay wadankaasi Afghanistan ayaaa waxaa ku dhintay 2askari oo
maraykan ah laba kalena waa way ku dhaawacmeen sida ay shaaciyeen
askarta maraykanka ee halkaasi ku sugan.
Qaraxn ayaa yimid saacado ka hor markii ay wadamada Nato oo ay wada
hadalo uga socdaan wadanka Poland, oo ay saraakiisha Nato shirkaasi
hordhigeen sida loogu baahan yahay in ilaa 2,000 oo askari loogu soo
diro wadanka Afghanisan sarkaal sare oo u hadlay askarta Nato ee ku
sugan Afghanistan ayaa sheegay in uu siwayn u rajaynayo in arintaas la
meel mariyo.
Qaraxna cusubi ee lala beegsaday barta ku dhawayd safaarada maraykanka
ayaa u ah bartilmaameed in ay qaraxyo kale ka dhacaan.
Ispitlada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa cadeeyay in ay
ka badan yihiin dhaawucu 30 sida ay ku warmayaan wakaaladaha wararka ee
aduunka sida tooska ah warka uga soo tabinaya qaraxaasi.
Mid ka mid ah dadkiii u soo joogay dhacdadaasi Najibullah Faisi oo 25
jir ah ayaa sheegay in uu arkay gaari buluu ah oo daboolan qadar yar
dabadeedna waxaa dhacay qaraxan lagu hoobtay ayuu yiri goobjoogahaasi.
Qaraxyo badan oo is xig xigay ayaa ka dhacay wadankaasi Afghanistan oo
aan halkaan idin ku soo gudbinayno bilihii ugu danbeeyay qaraxyadii
kadhacay wadankaasi Afghanistan.
28 August 2006 17 qof ayaa ku dhimatay qarax bam oo kadhacay koonfurta
Afghanistan magaalada lagu magacaabo Helmand.
3 August 2006: 21 qof ayaa ku geeriyooday qarax bam oo lala beegsaday
Kandahar.
7 February 2006 17 qof ayaa ku dhintay laba weerar oo ka dhacay Gobalka
Kandahar.
16 January 2006 laba weerar oo kale ayaa ka dhacyay kandarah oo ay ku
dhinteen 24 qof.
15 January 2006: Diplamasi canadian ah iyo 2 Afghanistiyiin ah ayaa lagu
dilay kandahar.
5 January 2006: 10 qof ayaa lagu dilay halka lagu magacaabo Tirin kowt.
September 2005:12 qof ayaa lagu dialy irida hore ee xarunta ciidamada
Kabul.
June 2005 20 qof ayaa lagu dilay masjid ku yaala gobalka ay sida wayn
ugu xoogan yihiin haraagii Talibanka ee Kandahar.
Hadaba sida ay muujinayso shaxdaasi waxaa aad ka dareemi kartaa in
dhibta ugu badan dalka Afghanistaan ay ka dhacayso gobalka ay sida wayn
ugu xoogan yihiin haragii talibanka ee kandahar.
A/rizak koronto
Garowe puntland
wafdi
balaaran oo ah maxkamadaha Islaamiga oo ka dhoofay magaalada Muqdisho
iyagoo ku sii jeeda magaalada Tripoli ee dalka Libiya
Sept 8: Wafdi ballaaran oo isugu jira golaha shuurada iyo golaha fulinta
maxkamadaha Islaamiga ah oo ay horkacayaan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo
Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwaasoo ka koobnaa dhowr xubnood oo ay
weheliyaan 12 xubnood oo ah xubno ku dhaawcmay dagaalkii Midowga
maxkamadaha ay la galeen hogaamiyaashii isbahaysiga bur-buray ayaa
galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa weheliyay wafdigan siyaasiyiin hore ee ruug-caddaa ah
oo ay ka mid yihiin Xuseen Xaaji Bood, Xasan Max'ed Jumbur iyo xubno
kale oo iyagu ka tirsanaa dowladdii Carte.
Wafdigan galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay
martiqaad rasmi ah ka heleen dowladda Liibiya oo uu hoggaamiyo Col.
Qadaafi waxaana Muqdisho ka sii raacay wakiilka Jaamacadda Carabta u
qaabilsan Soomaaliya Cabdalla Mubaarak iyo xubno ka tirsan jaamacadda
Carabta oo iyaga habeenkii xalay ahaa ku hoyday magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa diyaarad khaas ah oo ay u soo xirtay xukuumadda
Liibiya waxay ka qaadday magaalada Muqdisho lamana sheegin wax ka baxsan
martiqaadka loo fidiyay, balse madaxda maxkamaduhu ayaa maalmahan waxay
safarro ku kala bixinayeen dowladaha Carabta iyo kuwa deriska nala ah,
iyadoo maalmihii ugu dambeeyayna Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka soo
laabtay safar uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ka
helay martiqaad ay u fidisay dowlada Kenya.
Aqoon iswaydaarsi dhex maray
maxkamadaha iyo ururrada bulshada rayidka ah oo Muqdisho ka dhacay
Aqoon is waydaarsi ay soo qaban qaabiyeen hay'adaha ururrada bulshada ee
kala ah: Hay'adda INXA, haweenka COGWO, CRD iyo dhaqaaqa bulshada
rayidka ah kaasoo socday intii u dhexeysay 6dii ilaa 7-dii bishan
2006-da.
Aqoon is waydaarsigan ayaa looga hadlay seddax qodob oo ka mid ahaa
horumarinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo doorka ururrada bulshada
rayidka ah ay ku leeyihiin nabadda.
Aqoon iswaydaarsigaan oo ay si wadajir ah u yeesheen midowga maxkamadaha
Islaamiga iyo ururraba bulshada rayidka ah ayaa waxaa ka qeyb galay
guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha maxaakiimta Islaamiga iyo ninka
u qaabilsan arrimaha bulshada iyo xiriirka gobollada kuwaasoo si weyn
uga dooday muddo labo maalmood ah qodobbadan.
Gababadii aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo ay ka
mid ahaayeen:
1. Inay wada wadashaqeyn yeeshaan ururada bulshada rayidka ah iyo
maxkamadaha Islaamiga si loo sugo loona hormariyo nabadda hadda jirta.
2. si loo dardargeliyo isfahamka iyo wadashaqeynta in la badiyo
wadahadalka iyo kulamada.
3. In la uruuriyo dhalinyarada qoryaha sidata kadibna loo sameeyo
dhaqancelin.
4. Si loo abuuro fursado shaqooyin waa in la xoojiyo lana sameeyo
kaabiyaasha dhaqaalaha dalka.
5. Si loo turxaanbixiyo dhaliilaha iyo caqabadaha jiri kara in la
kordhiyo doodaha wax ku oolka ah.
6. In laga fogaado qabiilka, eexda iyo nin jecleysiga.
Dib-u-heshiisiinta:
1.In maxkamadaha islaamiga iyo dowladda Federalka xoojiyaan dadaalka
dib-u-heshiisiinta, fuliyaana go'aanada lagu heshiiyay.
2. Inay la wada yimaadaan tanaasul labada dhinac ah si loo samatabixiyo
shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
3. Ini ay joojiyaan labada dhinac hadallada iyo wareysiyada dhaawici
kara dib-u-heshiisiinta.
4. In la furo si toos ah iyo si dadban wadiiqooyin keeni kara wadahadal
iyo isfaham dhex maro Dowladda Federalka iyo maxkamadaha.
5. In shirarka dib-u-heshiisiinta lagu qabto dalka gudihiisa.
Dorka ururada bulshada rayidka
1. Ururada bulshada rayidku waxay qaadan kartaa dowrka dhex-dhexaadinta
ee labada dhinac si loo gaaro nabad waarta.
2. Ururrada bulshada rayidka waxay culeys ku saari karaan labada dhinac
inay heshiis gaaraan.
3. Ururada bulshada rayidka waxay fidin karaan farsamooyin, aqoon iyo
tababaro si looga gudbo caqabadaha taagan.
4. Ururrada bulshada rayidka waxay u ololeynayaan in la taageero nabadda
hadda jirta gudaha iyo dibadda.
5. Ururrada bulshada rayidka waxay sameynayaan barnaamjyo wacyi-gelineed
ee nabadda.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho soma;lia
002521576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
9, 2006
Qaar
ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay
nadaafadda Gobolka..
»Dowladda
Erateriya oo dalkeeda ku martigelineysa..
»Soomaaliya
oo marti gelineysa Tartan caalami ah..
»Jen.
Galaal, ”Haddii aan nahay ciidamadii Qalabka sida waan
»Dowladda
Federaalka oo sheegay inaaney ciidamadeeda..
»Maxkamadaha
Islaamiga ah oo ka digay bixinta dhulka..
»Waftigii
maxaakinta islaamiga oo shalay ka soo dhoofay..
»Ciidmada
ka imaanyo Uganda ee Somalia la damacsan yahay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 8
Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka
Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..

Waxaa maalintii shalay
aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir
ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday
magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday
tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala
socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna
bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u
dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii
Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada
Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka
fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore
iyo jidadka gala Ceelgaab.

Aradayda oo ay ka
muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga
qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga
Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir
Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney
in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon
doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii
August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan
gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.

Sidoo kale, waxaan la
kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay
in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla
markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan
waddankooda.

Xalwo, Max’ed Faarax oo
ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha
nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga
sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso,
anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan
nadaafadeed”.
Gobolka Banaadir ayaa
haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca
nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani
waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan
oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara
badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo,
oo meel loo yeelo.